xiddig wayn
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Xiddig wayn
Giant star

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
midigayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dhanka midig ka bilaabid; xagga midig joogsasho gaar ahaan kolka geela la lisayo. Geela midigayn ayaa lagu lisaa. Dh: midigays.
midigayn -ta: (magac, dhedig, keli) wax ka qaadasho aan la ogayn oo wax laga qaato xoolo la isku aaminay.
midigayn-ta: (magac, dhedig, keli) qof si hoos ah oo sedbursi la socdo wax u siin. Dh: gacanmidigayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xiddigin
(Xiddigin-ta)
Xiddigaha wax ka sheegid, ka faalin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xiddigin
m.f.dh eeg xiddigi. la-mid: xiddigis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xiddigin
-ta: (magac, dhedig, keli) ka faalinta iyo wax ka sheegidda xidigaha. Xiddiginta faaliye walba ma yagaan ee rag baa u gaar ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiddigsan
(tilmaame) qof ama wax si buuxda u dhintay; qof naftii ka baxday.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Xiddig-ka
veine.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Xiddig-ta
étoile.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xiddigiye
(Xiddigiya-ha)
Qofka xiddigaha wax ka sheega ama ka faaliya; xiddigasheeg.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xiddigiye
m.l (-yayaal, m.l/dh) Qofka xiddigaha wax ka sheega ama faaliya; xiddigasheeg.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xiddigiye
m. n. astrologer
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xiddigiye
-ha: (magac, lab, keli) qof cilmifalagga yagaan oo xiddigaha ka faaliya: nin hogagga uu dayaxu maro iyo hadba xiddigaha uu la fadhiyo yaqaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xiddigiye
a: xiddigasheeg
de: astrologer
initial: x
lx: xiddigiye
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: xiddigiye
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiddigitaan
-ka: (magac, lab, keli) afuufanka iyo tirrigga neef ama qof bakhtiyay. Dh: tirrigidtaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xiddiga'aqoon
(Xiddiga'aqoon-ta)
Cilmiga xiddigaha iyo wixii soo raaca oo cirka dhexdiisa ku sugan (waxa ay yihiin, inta ay le'le'eg yihiin, socsocodkooda, kd.).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xiddiga-aqoon
f. n., [compound] astronomy
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xiddigayaqaan
(Xiddigayaqaan-ka)
Qof cilmiga xiddigaha dhab u yaqaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xiddigayaqaan
m. n., [compound] astronomer
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xiddigayaqaan
-ka: (magac, lab, keli) qof cilmifalagga dhabu yagaan. Dh: xiddiga'qoon.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xiddigayaqaan
de: astronomer
initial: x
lx: xiddigayaqaan
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: xiddigayaqaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xiddaayadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) tolma qurxoon oo sawirro iyo naqshado kala duwan ah ku samayn. Xiddaayadayntu dadka yaqaan wakhti badan kama qaadato.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xiddig cirif
m.dh (c.fal.) Xiddigta laga arko kugta cirifka woqooyi, ee sidaas, lagu calaamadaysto woqooyiga runta ah ee meeshii laga arki karo ee dhulka oogadiisa, sida, kubbad-badka woqooyi.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Xiddig cirlf
Pole star
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xiddig'aqoon
-ka: (magac, lab, keli) aqoon iyo cilmi ku saabsan xidigaha iyo wixii la halmaala ee cirka dhexdiisa ku jira.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bidixayn
-ta: (magac, dhedig, keli) arrin iyo talo si hagar ama dhagari ku jirto u qabad; hawl si aan qummanayn loo qabto.
bidixayn -ta: (magac, dhedig, keli) xagta bidix ka lissid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ildigaan
-ta: (magac, dhedig, keli) fallaadh qaanso laga gano; leeb gabraareed; hooto dagaal. Dh: leeb, fallaadh, hootodhegaley.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
midigays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg midigayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Midigeyn
(Midigeyn-ta)
1. Docda midig xigid.
2. Wax docda midigia ah ka bilaabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
midigeyn
m.f.dh eeg midigee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
midigeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg midigayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
niigtayn
-ka: (magac, lab, keli) maro yaroo xaradh iyo midabbo qurxoon leh oo raggu raqabadda shaatiga qurux ahaan uga laalaadiyo. Dh: tay. karafaad, nigtayn, garabaati.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaddidan
f.mg4 (-dnaa, -dnayd) Wax xad loo yeelay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xaddidan
f.mg4 (-dnaa, -dnayd) Wax xad loo yeelay ahaansho. m.f.dh, xaddidnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xaddidan
der. [adjective] limited
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xaddidan
-xaddidnaa: (adj) restricted (ris-tiriktidh)-, definite (de-fenit)-, limited (limitidh) ~ xadeysan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaddidan
(tilmaame) xad go'an leh; inta uu yahay la yaqaan ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xaddidan
de: limited
initial: x
lx: xaddidan
pd: (xaddidnaa)
ps: adj-der
key: xaddidan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xiddigis
(Xiddigis-ka)
Xiddigaha oo wax laga sheego ama laga faaliyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xiddigis
m.l la-mid: cilmifeleg, xiddigin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xiddigis
vl. n. astrology
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xiddigis
-ka: (magac, lab, keli) cilmi ku saabsan ka faalinta xiddigaha
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xiddigis
de: astrology
initial: x
lx: xiddigis
pd: (-ka)
ps: vn-m
key: xiddigis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xiddigle
m.l (-layaal, m.l/dh) Sargaal ciidan oo hal xiddig leh.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xiddigle
m.l (-layaal, m.l/dh) Sargaal ciidan oo hal xiddig leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xiddigle
m. n. second lieutenant
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xiddigle
-xiddiglaha: (n) second lieutenant (sekendhi luu-tanant).
laba xiddigle: (n) first lieutenant (farest luu-tanant)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xiddigle
-ha: (magac, lab, keli) askari sita derejada sargaalnimada u horraysa; askari derajadiisu u dhexayso saddexadhigle iyo labaxiddigle. Dh: kowle.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xiddigle
de: second lieutenant
initial: x
lx: xiddigle
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: xiddigle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xidhmayn
-ta: (magac, dhedig, keli) xidhmooyin badan oo dhandhan iskugu xidhan ka dhigid. Dh: seerayn, xirmayn, xirmays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xidigiye
-ha: (magac, lab, keli) qof xiddigaha ka faaliya oo wax maqan wax ka sheega. Xidigiye wax lagama rumaysto. Dh: xiddigiye, falaki.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biliglayn
m.f.dh eeg biliglee.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
biliglayn
-ta: (n) twinkling or flashing light; flicker, glimmer ~ biglayn
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biliglayn
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg biligbiliglayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Diqdiqayn
(Diqdiqayn-ta)
(alaabo, kd.) gurid isdabajoog ah; wax badan oo la gura hayo iyadoo hadba in yar la qaada hayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diqdiqayn
m.f.dh eeg diqdiqee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diqdiqayn
-ta: (magac, dhedig, keli) si isdabajoog ah u gurgurid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiddigaad
-da: (magac, dhedig, keli) afuufanka iyo tirrigga neef ama qof bakhtiyay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiidimayn
-ta: (magac, dhedig, keli) xeraad cunis oo cashayn. Dh: fiidimays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rigrigayn
-ta: (magac, dhedig, keli) rigrigo u yeelid. Rigrigayn adag baan ku sameeyey gorofka afkiisa Dh: rigrigays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xiddaysan
Xiddo loo yeelay; xiddo leh; xiddo ku taal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xiddaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax xiddo loo yeelay ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xiddaysan
der. [adjective] having a decorative border woven on (of cloth)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xiddaysan
(tilmaame) wax la xiddeeyey ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xiddaysan
de: having a decorative border woven on (of cloth)
initial: x
lx: xiddaysan
pd: (xiddaysnaa)
ps: adj-der
key: xiddaysan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xidhitaan
-ka: (magac, lab, keli) xabsi ku riditaan. Dh: xiritaan.
xidhitaan-ka: (magac, lab, keli) xadhig meel ku dhuujinitaan. Dh: xiritaan.
xidhitaan-ka: (magac, lab, keli) albaab furan qufulitaan. Dh: qufulitaan, xiritaan.
xidhitaan-ka: (magac, lab, keli) shuruud ama masalo keeniddeed iska doonitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xididalay
-da: (magac, dhedig, keli) gacanta inta kalagoyska mataanaha iyo faraha u dhaxaysa ee dhabarka baabacada; lugta inta labada kuraamood iyo faraha u dhaxaysa ee cagta dhabarkeeda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xigsinayn
m.dh (fiisikis) Hab lagu raadiyo dhakhsaha uu hal xaddi doorsoome isla beddelo xaddiga doorsoome kale. Tusaale ahaan baabuur baa socday fogaanta x1 ilaa x2 waqtiga u dhexeeya t1 ilaa t2. Xawaare celceliska babuurku waa (x2-x1)/(t2-t1) oo loo qori karo Dx/Dt, taas oo x ay u tagantahay isbeddelka x ee waqtiga t.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xigsinayn
m.dh (fiisikis) Hab lagu raadiyo dhakhsaha uu hal xaddi doorsoome isla beddelo xaddiga doorsoome kale. Tusaale ahaan baabuur baa socday fogaanta x1 ilaa x2 waqtiga u dhexeeya t1 ilaa t2. Xawaare celceliska babuurku waa (x2-x1)/(t2-t1) oo loo qori karo Dx/Dt, taas oo x ay u tagantahay isbeddelka x ee waqtiga t.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Xigsinayn
Differentiation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xilliyayn
-ta: (magac, dhedig, keli) jadwalayn oo hawal walba xilli la fuliyo u samayn.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Xood sayn
Sine curve
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bigbiglayn
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg bidhbidhlayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhaddigayn
vl. n. feminization, making a noun feminine
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhaddigayn
de: feminization, making a noun feminine in Somali grammar
lx: dhaddigayn
pd: (-ta)
ps: vn1-f
key: dhaddigayn
Magacyada Nafleyda Soomaaliyeed (Laatiin-Talyaani-Ingiriis-Soomaali) - Funayooli, Simoneeta [1985]
Dhaga wayn
(I) Capra a orecchie lunghe;
(E) Long-eared Goat
(S) DHEGA WEYN (S. c. m.: Dega wein)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiddigeyn
m.dh la-mid: dheddigeyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
digdigleyn
-ta: (magac, dhedig, keli) dhulka dushiisa, si xoog ah u ordid oo cagaha dhulka la dhicid.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
middle man
/midhal maan/ (n) dallaal (qofka dadka wax u kala gada).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sirdilyayn
m.f.dh la-mid: sirdilid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaddidnaan
m.f.dh eeg xaddidan. la-mid: xaddidnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaddidnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) xad lagu og yahay lahaan; meel aan la dhaafin lahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xiddigdhul
Bahal yar oo wada qodax ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xiddigdhul
m.l/dh Bahal yar oo wada qodax ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xiddigdhul
m.l/dh Bahal yar oo wada qodax ah. xiddigi f.mg2 (-iyay, -isay) Xiddigo ka faalin. m.f.dh, xiddigin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xiddigdhul
m. n., [compound] hedgehog
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xiddigdhul
-xiddig-dhusha: (n) hedgehog (heefhoog) ~ kuuleey-cali-banjar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xiddigdhul
-sha: (magac, dhedig, keli) noole xiddigta u eg oo badaha ku nool. Dh: xiddigdhuleed.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xiddigdhul
de: hedgehog
initial: x
lx: xiddigdhul
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: xiddigdhul
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
maddiiddayn
-ta: (n) hypnotism (hip-natiisam)-, mesmerism (mezmariisim); hypnosis (hip-nowsas) ~ maddiido
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaddila'aan
-ta: (magac, dhedig, keli) badni darteed wax aan la tirin karin ah. Dh: tirobeel, tirabadi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xiddaysnaan
m.f.dh eeg xiddaysan. la-mid: xiddaysnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xiddaysnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax xiddaysan oo aad loo sharraxay ahaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xiddigcirif
m.dh (c.fal.) Xiddigta laga arko kugta cirifka woqooyi, ee sidaas, lagu calaamadaysto woqooyiga runta ah ee meeshii laga arki karo ee dhulka oogadiisa, sida, kubbad-badka woqooyi.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Xiddigis-ta
astronomie.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xiddigwaaberi
-da: (magac, dhedig, keli) xiddig wayn oo subaxdii soo baxda. Dh: sahra, shuhuura.