xeydxeydo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xeydxeydo
(fal) marada laalaabo; xaydo oo haddana xaydo. Waa la yaacayaaye xeydxeydo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
feydfeydo
(fal) marada saray u qaadqaado oo xaydxaydo. Dh: xaydxaydo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaydxaydo
(fal) marada laalaabo; xaydo oo haddana xaydo. Waa la yaacayaaye xaydxaydo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xeydxeydasho
-da: (magac, dhedig, keli) laalaabasho oo gunti ama googorad tafaha geysasho. Xeydxeydasho orod baa ku xiga. Dh: xaydashe.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Xeydheyn
Lubrication
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaydxaydasho
-da: (magac, dhedig, keli) laalaabasho oo guntiga ama googoradda tafaha geysasho. Dh: xaydasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weydey
(fal) eeg weydee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xeydad
-ka: (magac, lab, keli) gaabsadka marada hoosta lagu xidhan yahay. Dh: xeydasho, xanjeerasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xeydid
(Xeydid-da)
Wax dabool ku rogan yahay (ama maro), daboolka qaarki kor uga laalid; feydid; qaawin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xeydid
m.f.dh eeg xeyd.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xeydid
-da: (magac, dhedig, keli) marada gaabino kor u soo laabid. Dh: xaydis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
weydeyn
m.f.dh eeg weydee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xeydaro
-da: (magac, dhedig, keli) midho shumburada la bah ah oo kuuskuusan lana cuno inta la karsho. Waxan isku darsaday xaydaro iyo baagije basbaasle. Dh: atar, catar. Wa: xaydarooyin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xeydmid
m.f.dh eeg xeydan¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xodxodo
(Xodxoda-da)
Qof dumar ah oo la jecel yahay ama guur laga doonayo, hadal soo jiida oo saamays weyn leh, oo lagula hadlo; shukaansi; kood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xodxodo
xodxodo¹: m.dh Qof dumar ah oo la jecel yahay ama guur laga doonayo, hadal soo jiida oo saamays weyn leh, oo lagula hadlo; shukaansi; kood.
xodxodo²: f.g3 (-otay, -odatay) Haweeney guur ku haasaawin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xodxodo
xodxodo¹: m.dh Qof dumar ah oo la jecel yahay ama guur laga doonayo, hadal soo jiida oo saamays weyn leh, oo lagula hadlo; shukaansi; kood.
xodxodo²: f.g3 (-otay, -odatay) Haweeney guur ku haasaawin. m.f.dh, xodxodasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xodxodo
f. n. courtship, flirtation, sweet nothings
xodxodo: v. court, woo, flirt with
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xodxodo
-xodxotay/xodxodatay: (v) court (koort); woo (wuu) ~ shukaanso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xodxodo
(fal) gabadh aan meher ku dhicin kaftan guur iyo sheeko dhallinyarnimo ku dheh. Gabadha waad geydaye sododo Dh: la haasaw koodi.
xodxodo-da: (magac, dhedig, keli) haasawe iyo kaftan guur oo loola tego gabadh guur laga maaggan yahay. Dh: koodin, shukaansi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
leyleyso
f.mg3 (-stay, -satay) Godadow ciyaarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
leyleyso
(fal) godadow ciyaar.
leyleyso -da: (magac, dhedig, keli) godadow ciyaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
megdeyso
f.g3 (-stay, -satay) 1. Harag meged ka dhigasho. 2. Harag meged marsasho. la-mid: magdeyso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
weyneyso
m.dh (-ooyin, m.l) (fiisikis) Qalab loogu talaggalay in uu weyneeyo hummagga walxo aad u sii yar.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
weyneyso
m.dh (-ooyin, m.l) (fiisikis) Qalab loogu talaggalay in uu weyneeyo hummagga walxo aad u sii yar.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Weyneyso
Microscope
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
weyneyso
-weyneysada: (n) microscope (maay karaskoop); magnifier (mag-ni-faayer); magnifying glass ~ mikoroskoob, miikariskoob
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weyneyso
(fal) wax weyn ka dhigo. Surwaalku hadduu kaa yaraado wayneyso. Dh: weyneyso. Li: yarayso.
weyneyso -da: (magac, dhedig, keli) qalab waxyaalaha yaryar ee aanay ishu arki karin lagu eego oo lagu arko. Wayneyso ayaa lagu arkaa jeermiska ili ma qabatayga ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xeydasho
(Xeydasha-da)
(gunti, kd.) kor u qaadasho; xanjeerasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xeydasho
m.f.dh eeg xeydo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xeydasho
-da: (magac, dhedig, keli) marada gaabsasho. Dh: xeydad.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
GEED-XEYD
(Ged-heit) S Astripomoea grantii (Rendle) Verdc. Convolvulaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xaynxayndho
(Xaynxayndha-da)
Gocosada caleemeheeda jiljilicsan, oo sida cawska, dibadda u soo baxa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xaynxayndho
f. n., [collective] vegetation, quick plant growth after a rain
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaynxayndho
-da: (magac, dhedig, keli) ririf ay gucusta ama kubaddu yeelato kolka in badan lagu ciyaaro. Dh: rifrif.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xaynxayndho
de: vegetation, quick plant growth after a rain (may be short-lived)
initial: x
lx: xaynxayndho
pd: (/da)
ps: n6-f-col
key: xaynxayndho