xeydasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xeydasho
(Xeydasha-da)
(gunti, kd.) kor u qaadasho; xanjeerasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xeydasho
m.f.dh eeg xeydo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xeydasho
-da: (magac, dhedig, keli) marada gaabsasho. Dh: xeydad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Feydasho
(Feydasha-da)
Is qaawin; muujin; xeydasho; rogasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
feydasho
m.f.dh eeg feydo². la-mid: feydad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
feydasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg faydad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaydasho
-da: (magac, dhedig, keli) marada jiilasho oo tafaha bannayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xanjeerasho
(Xanjeerasha-da)
1. Ilmo carruur ah xanbaarid.
2. Guntiga kor u qaadasho; xeydasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xadasho
-da: (magac, dhedig, keli) xad samaysasho.
xadasho -da: (magac, dhedig, keli) dhibaato iyo itixaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xeydaro
-da: (magac, dhedig, keli) midho shumburada la bah ah oo kuuskuusan lana cuno inta la karsho. Waxan isku darsaday xaydaro iyo baagije basbaasle. Dh: atar, catar. Wa: xaydarooyin.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
deymasho
-deymashada: (n) borrowing (baaroowing); something borrowed; repayable loan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deysasho
m.f.dh eeg deyso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deysasho
-da: (magac, dhedig, keli) in la tiro uga bi'id. Deysashada timuhu hablaha waa u sharaf raggana waa u foolxumo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faydasho
-da: (magac, dhedig, keli) marada jidhka intiisa hoose qarisa kor u soo qaadid. Dh: xaydasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Geyrasho
(Geyrasha-da)
Carasho; guhaadood; gedoodid; dharsid; dhirfid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geyrasho
m.f.dh eeg geyro. la-mid: geyrad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geyrasho
-da: (magac, dhedig, keli) ciil dartii wax u burburin. Dh: carasho, dhirfid, gayrasho, guhaadid, gedoodid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geysasho
m.f.dh eeg geyso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaydasho
m.f.dh eeg qaydo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xeebasho
(Xeebasha-da)
Turid; naxariisasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xeebasho
m.f.dh eeg xeebo. la-mid: xeebad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xeebasho
-da: (magac, dhedig, keli) u tudhid; u naxariisasho kalgacal ku jiro. Dh: ceesid, tudhid, naxariisasho.
xeebasho -da: (magac, dhedig, keli) xiise daraaddii isu soo boholyoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xoodasho
(Xoodasha-da)
1. Xoodinta u jeelid, macaansasho, isla qooxid.
2. Ceel xood ku shubid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xoodasho
m.f.dh eeg xoodo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xoodasho
vl. n. enjoyment of being stroked ~ petted
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xoodasho
-da: (magac, dhedig, keli) soo godasho. Da' iyo xoodasho isa seegi waa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xoodasho
de: enjoyment of being stroked ~ petted
initial: x
lx: xoodasho
pd: (/da)
ps: vn-f
see: xoodo
key: xoodasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xeydnaansho
m.l/dh la-mid: xeydnaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xeydnaansho
-ha: (magac, lab, keli) wax xaydan ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lixeysasho
m.f.dh eeg lixeyso. la-mid: lixeysad, lixeysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xeraysasho
(Xeraysasha-da)
1. Xero gashad.
2. Waxbarasho darteed, xer ahaan meel u joogid, u aadid, ugu maqnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xeraysasho
m.f.dh eeg xerayso. la-mid: xeraysad, xeraysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xeraysasho
-da: (magac, dhedig, keli) xero nadab ah geysasho. Dh: xeraysad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baydhasho
-da: (magac, dhedig, keli) dhankaad u Socotay maahee dhinac kale u kacitaan. Jidka ma garanayo oday baydhasho badanaa. Dh: leexasho, weecasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ceyrsasho
m.f.dh eeg cayrso. la-mid: ceyrsad, ceyrsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deynsasho
m.f.dh eeg deynso. la-mid: deynsad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
deynsasho
vl. n. borrowing for oneself, act of contracting a debt
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deynsasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg deynsad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
deynsasho
a: deynsad (ka) [vn2-m]
de: borrowing for oneself, act of contracting a debt
lx: deynsasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: deynsasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
feedhasho
-da: (magac, dhedig, keli) timaha saqaf ku kala bixin, shanlaysasho. Dh: shanlaysasho, fidhasho, feerasho, fidhasho, firasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ileysasho
m.f.dh eeg ileyso. la-mid: ilaysad, ileysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jeedsasho
m.f.dh eeg jeedso. la-mid: jeedsad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jeedsasho
-da: (magac, dhedig, keli) dhinac kale, daymoosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kaydsasho
(Kaydsasha-da)
Kayd ka dhigasho; kayd ahaan meel u dhigasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaydsasho
m.f.dh eeg kaydso. la-mid: kaydsad, kaydsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaydsasho
-da: (magac, dhedig, keli) kayd meel dhigasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maydhasho
-da: (magac, dhedig, keli) dhar, jidh ama meel dhaqasho oo fadiifsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaadhasho
-da: (magac, dhedig, keli) harasho co qashin iyo gudaafadba ka nadiifsasho.
xaadhasho-da: (magac, dhedig, keli) sallaxashoo wixii alaab yaal oo dhan ka gurasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaadsasho
m.f.dh eeg xaadso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaadsasho
-da: (magac, dhedig, keli) dusha aayar uga qaadasho. Dh: xaadsi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xejisasho
-da: (magac, dhedig, keli) gacmaha ku haysasho oo ku dhegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xoodsasho
m.f.dh eeg xoodso. la-mid: xoodsad, xoodsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yeedhasho
-da: (magac, dhedig, keli) u cid wacasho,cid u qayisasho. Dab demiska waxaa lagu dalbadaa yeedhasho. Dh: yeerasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
axadeysasho
m.f.dh eeg axadeyso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ceydnaansho
m.l/dh la-mid: ceydnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
feydnaansho
m.l/dh la-mid: feydnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
feydnaansho
-ha: (magac, lab, keli) wax feydan ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Weydaarasho
(Weydaarasha-da)
Gudbid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
weydaarasho
m.f.dh eeg weydaaro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
weydaarasho
vl. n. crossing, passing by
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weydaarasho
-da: (magac, dhedig, keli) dhanka kale u dhaafid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
weydaarasho
de: crossing, passing by
initial: w
lx: weydaarasho
pd: (/da)
ps: vn-f
key: weydaarasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weydiisasho
-da: (magac, dhedig, keli) weydiisad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xaajeysasho
(Xaajeysasha-da)
Wada hadlid; garramid; jitamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaajeysasho
m.f.dh eeg xaajeyso. la-mid: xaajeysad, xaajeysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaajeysasho
-da: (magac, dhedig, keli) xaajo gaar ah wada gudasho; faq wada yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaydaamasho
m.f.dh eeg xaydamo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaydaamasho
-da: (magac, dhedig, keli) deyr u samaysasho. Dh: deyrasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaydnaansho
m.l/dh la-mid: xaydnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaydnaansho
-da: (magac, dhedig, keli) wax xaydan oo guntiga ama surwaalka xagga hoose ka soo laalaabay ahaan. Dh: xaydnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xinneysasho
m.f.dh eeg xinneyso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xinneysasho
-da: (magac, dhedig, keli) xinne marsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xoogeysasho
m.f.dh eeg xoogeyso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xoogeysasho
-da: (magac, dhedig, keli) xoog yeelasho. Dh: quwaysasho, xoogaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xeydo
f.g3 (-ytay, -ydatay) Maro dacalkeeda hoose kor u qaadasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xeydo
f.g3 (-ytay, -ydatay) Maro dacalkeeda hoose kor u qaadasho. m.f.dh, xeydasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xeydo
v. tuck up one's skirt ~ clothing (for running, etc.); gird up one's loins
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xeydo
(fal) guntiga gaabso; marada laabo oo tafaha bannee. Macawista daadka ka xeydo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xeydo
de: tuck up one's skirt ~ clothing (for running, etc.); gird up one's loins
initial: x
lx: xeydo
nt: xeydasho (/da) [vn-f]
pd: (xeydtay)
ps: v3b=tr
key: xeydo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geydho
(fal) oohin ciil iyo cadhaburbur ah oo uu qofku ciddii lahayd maahee, qof kale kula dhaco samee. Dh: gaydho.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
QEYDHO
(Geido) May, S May Sansevieria powellii N. E. Br. Agavaceae.
May Sansevieria robusta N.E.Br. Agavaceae.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xeedho
f. n. wooden dish
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xeedho
-xeedhada: (n) bowl (bowl) or large dish used for serving for food up to four people ~ xeero
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xeedho
-da: (magac, dhedig, keli) cunto hilib murmura ah iyo subag la isku shubay timir ama sabiibna lagu xardhay ah oo laba weel oo qurux iyo sharraxaad loo dhammeeyey oo la isku daboolay lagu rido oo caruuska iyo aroosadda cusub loo diiqo. Dh: diiqo Wa: xeedhooyin.
xeedho -da: (magac, dhedig, keli) weel wax lagu cuno oo qori laga qoray oo sida saxniyada ah. Dh: xeero.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xeedho
de: wooden dish
initial: x
lx: xeedho
pd: (/da)
ps: n6-f
see: xeero {N}
key: xeedho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xeydad
-ka: (magac, lab, keli) gaabsadka marada hoosta lagu xidhan yahay. Dh: xeydasho, xanjeerasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xeydan
La xeydey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xeydan
xeydan¹: f.mg1 (-dnaa, -dnayd) Wax la xayday noqosho.
xeydan²: f.mg4 (-dnaa, -dnayd) Wax la xeyday ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xeydan
der. [adjective] tucked up
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xeydan
(tilmaame) guntiga gaabsan oo koru haysta. Dh: feydan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xeydan
de: tucked up
initial: x
lx: xeydan
pd: (xeydnaa)
ps: adj-der
key: xeydan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xeydis
-ta: (magac, dhedig, keli) marada gaabin kor u soo laabis. Dh: xaydid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Badasho
(Badasha-da)
Wax badan noqosho; tarmid; bulaalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
badasho
m.f.dh eeg bado.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
badasho
vl. n. intensification, multiplication
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
badasho
-badashada: (n) the act of increasing, multiplying or intensifying siyaado
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badasho
-da: (magac, dhedig, keli) taran yeelasho; wax badan noqosho. Badasho barako leh Allow noo badi barta. Dh: biirid, bullaalid, tarmid, korodh, beekhaamid. Li: yaraansho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
badasho
cf: barkhad, bulaal, taran
de: intensification, multiplication
lx: badasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: badasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadasho
-da: (magac, dhedig, keli) ilkaha rumay ku nadiifin; ilkaha caday marmarin oo nadiifin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Codasho
(Codasho-da)
Hadal wax ku weyddiisasho; baryid; codsasho.