xerokasaar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xerokasaar
-ka: (magac, lab, keli) balaayo reerka kaa saarta. Dh: masuubo, balaayo. Li: barkhad.
xerokasaar -ka: (magac, lab, keli) ka kaxayn xoolaha laga kexeeyo hoygii ay ku xeroon jireen. Hashani geela xerokasaar ayay ku samaynaysaa. Dh: xerokadareerin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xerokabaad
m.l Xoolo aan xeradooda ku soo hoyan habeenkii oo moora kale u gudbo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maromasaar
-ka: (magac, lab, keli) wiil, gabadh dabakeen ah ku mataansan oo la aaminsanyahay in uu falxad yahay.
maromasaar -ka: (magac, lab, keli) wan ama waxar dabakeen ku mataansan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maro-masaar
m.l 1. Wiil, gabadh dabakeen ah ku mataansan oo la aaminsanyahay in uu falxad yahay. 2. Wan ama waxar dabakeen ku mataansan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farasaar
farasaar¹: m.l 1. Dagaal laba qof ka dhex dhaca oo aan wax weyn lays gaarsiin. 2. Lacag yar oo horumarin ahaan la isu siiyo. 3. la-mid: farasaarid.
farasaar²: f.g1 (-ray, -rtay) Dagaal aan weyneyn cid u geysasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
farasaar
farasaar¹: m.l 1. Dagaal laba qof ka dhex dhaca oo aan wax weyn lays gaarsiin. 2. Lacag yar oo horumarin ahaan la isu siiyo.
farasaar²: f.g1 (-ray, -rtay) Dagaal aan weyneyn cid u geysasho. m.f.dh, farasaarid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
farasaar
m. n., [compound] advance on amount that is owed; small sum (of money); cash
farasaar v. come to blows with, lay hands on someone, assault, beat
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
farasaar
-ah: (adv.) cash down; on the spot; cash on delivery, C.O.D
farasaar -ay / tay: (v) make an assault upon: attack (a taakf, assault (a soolt)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farasaar
-ka: (magac, lab, keli) la dagaalanka iyo u gacanqaadka qof kale.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xeraqaad
-ka: (magac, lab, keli) meesha qaadka lagu iibiyo. Dh: xeroqaad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xerojaan
-ta: (magac, dhedig, keli) xero xun oo wax gala aan la garanayn oo la baasaysto.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xeroqaad
-ka: (magac, lab, keli) meesha qaadka lagu iibiyo. Xeraqaadka ayuu ku maqanyahay cali. Dh: xeraqaad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xoogsaar
v., [compound] concentrate, put one's mind on ~ effort into something
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xoogsaar
-ay / tay: (v) make every effort; take seriously; concentrate (kon-sen-tareeyt); stress (istarees); emphasize (em-fe-saayz) ~ culaysi
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xoogsaar
de: concentrate, put one's mind on ~ effort into s.t.
initial: x
lx: xoogsaar
pd: (xoogsaaray)
ps: v1=cmp
key: xoogsaar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Garbasaar
(Garbasaar-ta)
Maro aan weyneyn oo jilicsan oo dumarku huwado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garbasaar
m.l/dh (-rro, m.dh/-ro, m.l) Maro jilicsan oo haweenku kor ka qaataan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
garbasaar
m.l/dh (-rro, m.dh/-ro, m.l) Maro jilicsan oo haweenku kor ka qaataan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
garbasaar
m. n., [compound] woman's stole ~ shawl
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
garbasaar
-ta: (n) shawl (shool); scarf (iskaarf); stole (istool) ~ shaal, malkhabad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garbasaar
-ta: (magac, dhedig, keli) maro ay qaarka sare haweenka soomaalidu ku hagoogtaan oo ay garbaha saaraan. Garbasaar haddaan ugu dariyo bogorro giirgiiran, gol ma xidhato ganaca uun bay bannayn guur aan ka la'aado. Dh: fooddo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
garbasaar
de: woman's stole ~ shawl
lx: garbasaar
pd: (-ta)
ps: n2-m-cmp
key: garbasaar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geesasaar
geesasaar¹: m.l 1. Xiridda lo'da marka la maalayo geesaha laga xiro. 2. Xarig yar oo marka lo'da la lisaayo geesaha looga xiro.
geesasaar²: f.mg1 (-ray, -rtay) Sac la lisaayo geesaha ka xirid. la-mid: geesasaari.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
koorasaar
m.l 1. Midab madow oo neef ido ah dusha uga yaal. 2. Duudka fardaha meesha kooraha la saaro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xerodhaaf
xerodhaaf¹: m.l Neef xeradiisa ka taga oo habeenkii xero kale ku hoyda.
xerodhaaf²: f.g1 (-fay, -ftay) Neef xeradiisa mooyaane xero kale ku hoyasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
heensasaar
m.l Alaab fardaha lagu qurxiyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xeroxumaan
-ta: (magac, dhedig, keli) xerada oo salabaha laga daayo oo digadu ku qoydo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xarakaysnaan
m.f.dh eeg xarakaysan. la-mid: xarakaysnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xarakaysnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax xarako loo yeelay ahaan..
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
demokaraati
m.l D. ah.: qof aaminsan ama ku dhaqma mabda'a demokaraatiyada.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
demokaraati
m.l D. ah.: qof aaminsan ama ku dhaqma mabda'a demokaraatiyada.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
demokaraati
-ga: (magac, lab, keli) nidaamyada dawladuhu isku maamulaan midka ugu caansan oo ah in dawladdu lahaato golayaal dastuuri ah oo la soo doorto xeerar iyo gawaaniin kala hagaani u dhigan tahay. Dh: demoqraadi, dimuqraaddi. demokarasiyad-da: (magac, dhedig, keli) nidaamka dimuqraadiga ah. Dh: dimuqraadiyad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dheg-kafaar
dheg-kafaar¹: m.l la-mid: dhakafaarid.
dheg-kafaar²: f.mg1 (-ray, -rtay) la-mid: dhakafaar².
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Xad fansaar
Limit of a function
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xeerhoosaad
m.l (-dyo, m.dh) Nidaam gaar ah, u degsan dad meel wada deggan oo ay isku maamulaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xeerhoosaad
m.l (-dyo, m.dh) Nidaam gaar ah, u degsan dad meel wada deggan oo ay isku maamulaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xeerka sayn
m.l (xisaab) Saddex-xagal kasta saamiga dhererka dhinaca marka loo eego saynka xagasha ka horjeedda dhinacaasi waa isku mid dhammaan saddexda dhinac. Sidaa daraadeed saddex-xagal dhinacyadiisu ay yihiin a, biyo c, xaglihiisuna ay yihiin A, B iyo C. Jidka waa a = b = c taas oo ay tahay dhinaca kahorjeeda xagasha A, b-tahay dhinaca kahorjeeda xagasha B iyo c-na tahay dhinaca ka horjeeda xagasha C.