xerojoog
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xerojoog
-ga: (magac, lab, keli) neef in badan reerka joogay oo asalkiisa iyo faciisa la garanayo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saanyaasuuf
-ka: (magac, lab, keli) neef socod xun oo qolqollada dhex meeraysta. Dh: meermeerti, xerojoog, saanyasuuf.
saanyaasuuf -ka: (magac, lab, keli) qof si saqajaanimo ah u socsocda oo xaafadaha ama suuqyada dhex wareegaysta. Saanyaasuuf la lama saaxiibo sebina sirtaada looma sheego. Dh: meermeerti, barajoog, saanyasuuf.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xeebojoog
-ga: (magac, lab, keli) eeg xeebajoog.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xeerlajoog
-ga: (magac, lab, keli) garyaqaan xeer'ilaaliye ah oo gardarrada la dagaallama. Xeerlajoog ahaw ama xoololajoog. Dh: xeerilaaliye.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xeebajoog
-ga: (magac, lab, keli) cidda xeebta iyo inta u dhaw degta. Dh: xeebjoog, xeebojoog.
xeebajoog -ta: (magac, dhedig, keli) shimbir badda ku nool oo berigana u soo baxda oo inta badan caddaan ah. Dh: ceelaljoogjoog.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xeroo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Xoolo iyo wixi lamida xero gelid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xeroo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Xoolo iyo wixi lamida xero gelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xeroo
(fal) xeradaada teg oo hoyo. Orod waa habeene waraabaha ka xeroo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xerood
m.f.l eeg xeroo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xerood
m.f.l eeg xeroo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xerood
v.pat: go home (of children); encamp (of soldiers)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xerood
-ay / xerootay: (v) [with proposition soo] come home, usually at night time
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xerood
-ka: (magac, lab, keli) hoyasho xaadhintii la galayay loo hoydo. Dh: hoyasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xerood
a: xarood; Contrast: xerow
cf: xeree [tr]
de: go home (of children); encamp (of soldiers)
initial: x
lx: xerood
pd: (xerooday / xerootay)
ps: v1=pat
key: xerood
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Barjoog
Spot height
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
horjoog
f.g/mg1 (-gay, -gtay) 1. (f.g) Nafley hortooda taagnaansho. 2. (f.mg) Ka h.: cid wax u diidid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
horjoog
f.g/mg1 (-gay, -gtay) 1. (f.g) Nafley hortooda taagnaansho. 2. (f.mg) Ka h.: cid wax u diidid. m.f.dh, horjoogid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
horjoog
v. lead, guide
horjoog v. stop, obstruct
horjoog m. n., [compound] forward (in football)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
horjoog
(fal) waardiyee; kormeer.
horjoog -ga: (magac, lab, keli) mar walba, wax hortiisa taagnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Korjoog
(Korjoog-ga)
(col) Ilaalo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
korjoog
m.l 1. Taagnaanta cid fadhida ama bugta la dul taagnaado. 2. Ilaalo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
korjoog
m. n., [compound] guard, sentry; surveillance
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Korjoog
Supervisione
Supervision
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
korjoog
-ga: (magac, lab, keli) cid ama wax kale, dul taagnaan.
korjoog -ga: (magac, lab, keli) ciidan ilaalo ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
korjoog
cf: ilaalo
de: guard, sentry; surveillance
lx: korjoog
pd: (-ga)
ps: n2a-m-cmp
key: korjoog
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Sarjoog
Vertical
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ceeljoog
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg ceelaljoog.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gurijoog
m.dh.u 1. Haweeney aqalkeeda ka shaqaysa oo aan shaqo kale lahayn. 2. Xayawaanka dadka la nool, sida bisadda eeyga iyo wixi lamida.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gurijoog
m.dh.u 1. Haweeney aqalkeeda ka shaqaysa oo aan shaqo kale lahayn. 2. xayawaanka dadka la nool, sida bisadda eeyga iyo wixi lamida.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gurijoog
m. n. person who always stays at home (e.g., servant, housewife)
gurijoog [feminine] n., [collective] young livestock that cannot leave the area to graze and that must stay near their home
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gurijoog
-ta: (magac, dhedig, keli) carruur ama maqal aan meel kale tegin guriga mooyaane.
gurijoog -ta: (magac, dhedig, keli) naag la qabo oo reerkeega ka shaqaysa. Dh: xaas, maranti.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sarajoog
(Sarajoog-ga)
Taagnaan; sarakac.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sarajoog
sarajoog¹: m.l 1. Taagnaanta qof taagan-yahay. 2. la-mid: sarajoogid.
sarajoog²: f.mg1 (-gay, -gtay) Qof wax taagan noqosho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sarajoog
sarajoog¹: m.l 1. Taagnaanta qof taaganyahay.
sarajoog²: f.mg1 (-gay, -gtay) Qof wax taagan noqosho. m.f.dh, sarajoogid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sarajoog
v. stand up ~ upright, be up on one's feet
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sarajoog
-a: (n) standing (istaan-dh-ing); standing position ~ istaag-a
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sarajoog
(fal) istaag ama sare u kac. Dh: istaag. Li: fadhi.
sarajoog -ga: (magac, lab, keli) taagnaan; sarakac
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sarajoog
de: stand up ~ upright, be up on one's feet
initial: s
lx: sarajoog
nt: sarajoog (ga) [vn-m], sarajoogid (da) [vn-f]
pd: (sarajoogay)
ps: v1=intr
key: sarajoog
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sarejoog
-ga: (magac, lab, keli) sarajoog: taagnaan: sarakac
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xerojaan
-ta: (magac, dhedig, keli) xero xun oo wax gala aan la garanayn oo la baasaysto.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heetajoog
-ga: (magac, lab, keli) qof, bahal iyo wixii la mid ah oo meel dhudhub ah jooga oo wax ku dila ama ku dhaca.
heetajoog -ga: (magac, lab, keli) barwaaqo biyo iyo baadba la hayo. Xiliga heetajjooga ciirtaan qubnaa. Dh: barwaaqo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaamojoog
m.dh (cilmiga naflayda) Shimbir midabbo badan, lugo dhaadheer iyo luqun dheer leh oo durdurrada iyo biyo-fariisiyada ku nool.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jaamojoog
m.dh (cilmiga naflayda) Shimbir midabbo badan, lugo dhaadheer iyo luqun dheer leh oo durdurrada iyo biyo-fariisiyada ku nool.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaamojoog
-ta: (magac, dhedig, keli) shimbir midabbo badan, lugo dhaadheer iyo luqun dheer leh oo durdurrada iyo biyafadhiisiyada ku nool.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
orraxjoog
-ga: (magac, lab, keli) dadka reer baadiyaha ah ee deggan meelaha xeebaha u dhaw ee kulaylaha ah. Dh: qorraxjoog.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xoololajoog
-ga: (magac, lab, keli) qof xoolaha iyo danta guud ilaaliya. Dh: xoolajir. Li: xeerlajoog.