xerogeel
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xerogeel
-sha: (magac, dhedig keli) xero geel uun lagu xereeyo. Aqalkii waxaad ka dhigteen xerogel.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xergee
f.g2 (-geeyay, -geysay) Geel meel reerka ka fog u daaq geyn. la-mid: xerri.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xergee
v. lead (stock) to the enclosure; pen (up)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xergee
(fal) meel reerka iyo carruurta ka fog oo daaq iyo biyaba leh u rar. Xusuustii hore geela ku xergee. Dh: xerri.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xergee
de: lead (stock) to the enclosure; pen (up)
initial: x
lx: xergee
pd: (xergeeyey)
ps: v2b=tr
key: xergee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ergee
f.g/mg2 (-geeyay, -geysay) Farriin, war iyo wixi lamida tol, qolo dawlad iyo wixi lamida u qaadid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ergee
f.g/mg2 (-geeyay, -geysay) Farriin, war iyo wixi lamida tol, qolo dawlad iyo wixi lamida u qaadid. m.f.dh, ergayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ergee
v. send an envoy; go as envoy
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ergee
-yey ergaysay: (v) authorize and send another person as one's representative
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ergee
(fal) qof, cid kale, ergo ahaan ugu dir; qof, cid kale farriin ugu dhiib. Dh: ergay, ergi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ergee
de: send an envoy; go as envoy
lx: ergee
pd: (ergeeyey)
ps: v2b=
key: ergee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xeree
f.g2 (-reeyay, -raysay) Xoolo iyo wixi lamida xero gelin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xeree
f.g2 (-reeyay, -raysay) Xoolo iyo wixi lamida xero gelin. m.f.dh, xerayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xeree
v. enclose; round up, put (livestock) in an enclosure; gather into a flock ~ band of disciples; encamp
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xeree
-yey / xereysay: (v) drive into corral (ko-raal); hedge in, fence in; put behind a fence ~ xaree
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xeree
(fall hoo oo xero geli. Adhiga soo xeree. Dh: xeray. Li: dareeri, soofi.
xeree: (fal) xoolo dalag bi'iyay xero ku ood illaa uu ninkii lahaa imanayo. Lo'du beertiibay iga cuntee ii xeree.
xeree: (fal) xidh oo xabsi geli. Dh: xeray, xidh, xabbis.
xeree: (fal) alaab meel ammaan ah geli; meeshii laga soo saaray ku celi. Dh: xeray.
xeree: (fal) hareeraha ka mar. Sagaarada xeree. Dh: xeray, hareeree.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xeree
cf: xarood; jitee, meegaar
de: enclose; round up, put (livestock) in an enclosure; gather into a flock ~ band of disciples; encamp
initial: x
lx: xeree
pd: (xereeyey)
ps: v2b=tr
key: xeree
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xergey
(fal) meel daaq iyo biyo leh u rar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xoogee
f.g2 (-geeyay, -geysay) Wax xoog leh ka dhigid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xoogee
v. strengthen, make strong, reinforce
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xoogee
a: xooji
de: strengthen, make strong, reinforce
initial: x
lx: xoogee
pd: (xoogeeyey)
ps: v2b=tr
key: xoogee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xeragal
(fal) hoyo oo xaadhintaadii teg. Alista soo xeragal ku dheh. Dh: xeroo, hoyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xergeyn
(Xergeyn-ta)
Xoolo meesha lagu xerrinayo geyn, u kaxayn, ku hayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xergeyn
m.f.dh eeg xergee. la-mid: xerrin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xergeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) xoolo meel lagu xerriyo u rarid oo geyn. Dh: xergeys.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xergeys
-ta: (magac, dhedig, keli) meel daaq iyo biyo leh u rarid. Dh: xergeyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xoryeel
(Xoryeel-ka)
Nin bidde ahaan jirey oo xor laga dhigay; xor laga yeelay; la xoreeyey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xoryeel
xoryeel¹: m.l (-llo, m.dh) Nin addoon ahaa oo la xoreeyey.
xoryeel²: m.dh Haweeney addoon ahayd oo la xoreeyey.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xoryeel
m.l (-llo, m.dh) Nin addoon ahaa oo la xoreeyey.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xoryeel
m. n., [compound] freedman, former slave
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xoryeel
-ka: (magac, lab, keli) nin addoon aha jirey oo xor laga dhigay; la xoreeyey Bal ayuu ahaan jiray.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xoryeel
de: freedman, former slave
initial: x
lx: xoryeel
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: xoryeel
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beriyeel
(fal) dhib iyo waxyeello ha u geysan. Dh: nabadgeli, badbaadi.
beriyeel -ka: (magac, lab, keli) mid aan denbi lahayn, ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tirobeel
m.l 1. (xisaab) (Summad '8') xadla'aan ka weyn tiro ama soohdin kasta oo maguuraan ah. Tusaale ahaan, ururka tirooyinka idil. 2. (xisaab) Qiimaha xaddi oo u kordha xad la'aan. Tusaale ahaan, haddii y = 1/x, markaa y waxa ay sigaysa tirobeel marka x ay siqdo 0.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tirobeel
m.l 1. (xisaab) (Summad '8') xadla'aan ka weyn tiro ama soohdin kasta oo maguuraan ah. Tusaale ahaan, ururka tirooyinka idil. 2. (xisaab) Qiimaha xaddi oo u kordha xad la'aan. Tusaale ahaan, haddii y = 1/x, markaa y waxa ay sigaysa tirobeel marka x ay siqdo 0.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Tirobeel
Infinity
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xerageli
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Soo x.: wax kasbid. 2. Wax tacbid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xerageli
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Soo x.: wax kasbid. 2. Wax tacbid. m.f.dh, xeragelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xeraguul
m.dh (-lo, m.l) Xero xooluhu baryaan marka ay aroorka yihiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xergeeye
(Xergeeya-ha)
Qofka xoolaha xer geeya ama xerriya.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xergeeye
m. n., [compound] herder, person in charge of flock ~ herd
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Xergeeye
magac loo bixiyo wiil la rajaynayo inuu duunyo badan yeesho oo xolaha xergeeyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xergeeye
-ha: (magac, lab, keli) qofka xoolaha xergeeya ama xerriya. Dh: xerriye.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xergeeye
de: herder, person in charge of flock ~ herd
initial: x
lx: xergeeye
pd: (/ha)
ps: n7-m-cmp
key: xergeeye
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xeroguud
(tilmaame) xero xoolaha oo dhan lagu xereeyo. Dh: maxjar. Li: xerogaar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beernugeel
-ka: (magac, lab, keli) qofka oo habnugayl yeesha. Dh: beerjileec, beernugayl.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
eterogèneo
agg. - kala abuur ah.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Aerospeed
Xawaaro hawo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carroseel
m.l/dh (-llo, m.dh) Dhul ciiddiisu dhano tahay. la-mid: carraseel.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
carroseel
m.l/dh (-llo, m.dh) Dhul ciiddiisu dhano tahay. la-mid: carraseel.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
CAYO-GEEL
(Aiyo-gel) C Gynandropsis gynandra (L) Brig. Capparidaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
darangeel
m.dh Nooc daranta ka mid ah oo dhaadheer.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darangeel
-sha: (magac, dhedig, keli) jaad daranta ka mid ah oo geelu jecel yahay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deddobeel
-ka: (magac, lab, keli) wax qofka la siiyo marka ay xummadi qabato si ay uga jabto ama wax kalaba ku dhaco oo cudur ah ama qaniiyo halaq. Dh: deddotir, daddabbeel.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
personnel
/persanel/ (n) shaqaale (shaqaalaha meel ka wada shaqeeya).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
personnel
personnel, adj. - qof u gaar ah (lee yahay).
personnel, n.m. - dad isku meel ka shaqeeya.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
RAAR-GEEL
(Rar-gel) S Basanantha merolae Raimodo & Moggi. Passifloraceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xeer hees
m.l (-rar ..., m.l) (kiimika) Haddii falgalayaal loo beddeli karo maxsuullo falgallo isdaba joog ah kaddib, wadarta kulalka falgallada iyadoo la tixgelinayo calaamadahooda waxay la mid tahay kulka falgalka ee kalgalayaasha si toos ah loogu beddelo maxsuullo. Guud ahaan, isbeddelka tamarta oo dhammi marka falgalayaashu noqonayaan maxsuullo kuma xirna jidka la raacayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xerageddi
f.g2 (-iyay, -isay) Xoolo xeradii ku firshowday, xero kale u beddelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xeragelin
m.f.dh eeg xerageli.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xeragelin
-ta: (magac, dhedig, keli) hoyn oo xaadhintii uu galayay gayn. Dh: xerayn, hoyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaleelogeel
-sha: (magac, dhedig, keli) jaad jaleelada ka mid ah oo aanu aadamuhu cunin.