xeraysad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xeraysad
(Xeraysad-ka)
Xeraysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xeraysad
m.l la-mid: xeraysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xeraysad
-ka: (magac, lab, keli) meel aamin ah dhigasho. Dh: xeraysi.
xeraysad -ka: (magac, lab, keli) xoolo xero ku xeraysasho. Dh: xeraysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xeraysan
Xero la geliyey; xero ku jira.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xeraysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax la xereeyey ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xeraysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax la xereeyey ahaansho. m.f.dh, xeraysnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xeraysan
der. [adjective] penned, enclosed
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xeraysan
-xeraysnaa / xeraysnay: (adj) corralled (ko-raalidh); penned up; impounded (im-paawndhidh) ~ xaraysan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xeraysan
(tilmaame) xero ku jira. Adhi xeraysan ayuu waraabe u soo dhacay.
xeraysan: (tilmaame) xabsi ku jira. Dh: xidhan.
xeraysan: (tilmaame) meesheedii ama meel kale oo aamin ah ku jira.
xeraysan: (tilmaame) lagu meer san yahay. Dh: hareeraysan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xeraysan
de: penned, enclosed
initial: x
lx: xeraysan
pd: (xeraysnaa)
ps: adj-der
key: xeraysan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
meeraysad
-ka: (magac, lab, keli) meel keliya ku wareegasho oo ku meeraysasho. Meeraysadbaan ku dawakhay Dh: wareegalaysad meertaysad.
meeraysad-ka: (magac, lab, keli) socsocosho oo magaalada kolba dhinac u socod adoon meelna ku hakan. Meeraysadka badan waa lagu daalaa. Dh: socsocod, duurduurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Raysad
(Raysad-ka)
Raysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raysad
m.l la-mid: raysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
raysad
vl. n. getting well, healing; being better off
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
raysad
-ka: (n) healing (hiiling); recovering (ri-kaver-ing) or recovery
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raysad
-ka: (magac, lab, keli) wax hore ka badhaadhi. Li: darsad.
raysad -ka: (magac, lab, keli) si hore si ka fiican noqosho. Dh: doorsasho, caafimaadid, roonaansho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
raysad
a: raysasho (/da) [vn-f]
de: getting well, healing; being better off
lx: raysad
pd: (-ka)
ps: vn-m
key: raysad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xeraad
-ka: (magac, lab, keli) cuntada habeenki marka la soo hoydo la cuno. Xeraad inaan kaca reero kale adiga oo xay ah. Weligay Xalimay maqal xeerka taa dhigay e. Dh: xiraad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xerays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg xerayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xeraysi
(Xeraysi-ga)
Xeraysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xeraysi
m.l la-mid: xeraysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xeraysi
-ga: (magac, lab, keli) meel ku xeraysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xerayso
f.g/mg. 3 (-stay, -satay) 1. (f.g) Wax xero gashasho. 2. (f.mg) Xer noqosho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xerayso
f.g/mg.3 (-stay, -satay) 1. (f.g) Wax xero gashasho. 2. (f.mg) Xer noqosho. m.f.dh, xeraysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xerayso
v. encamp, put ~ bring into an enclosure, enclose, round up for oneself
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xerayso
-xeraystay / xeraysatay: (v) return to its original place. Ex: lacagta xerayso; put your money back in your pocket or wallet
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xerayso
(fal) wax iskaa xero u gasho. Lacagta xerayso yaan lagaa xadine.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xerayso
de: encamp, put ~ bring into an enclosure, enclose, round up for oneself
initial: x
lx: xerayso
nt: xeraysad (ka) [vn-m], xeraysasho (/da) [vn-f], xeraysi (ga) [vn-m]
pd: (xeraystay)
ps: v3b=tr
key: xerayso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afraysad
-ka: (magac, lab, keli) wax saddex ahaa, afar ka dhigasho. Saddexda jeer ee aan ciyaarnay afraysad bay u baahan yihiin. Dh: afraysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Garaysad
(Garaysad-ka)
Garaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garaysad
m.l la-mid: garaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garaysad
-ka: (magac, lab, keli) garays xidhasho. Garaysadka waxa lagu yaqaanaa gabdhaha Soomaaliyeed.
garaysad-ka: (magac, lab, keli) in arrini gar tahay ama gar ku dhacday garawsasho. Dh: garaysasho, garaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jaraysad
(Jaraysad-ka)
Jaraysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaraysad
m.l la-mid: jaraysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaraysad
-ka: (magac, lab, keli) faras iyo wax la mid ah, jare ku xidhasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kuraysad
(Kuraysad-ka)
Kuraysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kuraysad
m.l la-mid: kuraysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kuraysad
-ka: (magac, lab, keli) hooyo sadkeedii soo dhowaaday kur samaysasho. Dh: kuraysasho, taraaraysad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miraysad
-ka: (magac, lab, keli) miro yeelasho; miraysasho. Xilligii miraysadka geedaha ayaa la joogaa. Dh: mudhaysad, midhaysasho, midhaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uuraysad
-ka: (magac, lab, keli) uur yeelasho: cunug uurka haweenay ugu abuurmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Waraysad
(Waraysad-ka)
Waraysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waraysad
m.l la-mid: waraysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waraysad
-ka: (magac, lab, keli) waraysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xagaysad
-ka: (magac, lab, keli) eeg xagaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xarafsad
(Xarafsad-ka)
Xarafsasho; xarafsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xarafsad
m.l la-mid: xarafsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xarafsad
-ka: (magac, lab, keli) iskaa u shaqaysi muruqa la maalo. Xarafsad ayaa gacan hoorsi lagaga baxaa. Dh: xarafsasho, xarafsi.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xaraysan
-xaraysnaa / xaraysnayd: (adj) corralled (ko-raalidh)-, penned up; impounded (im-paawndhidhy driven into and held in a fence ~ xeraysan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xeraqaad
-ka: (magac, lab, keli) meesha qaadka lagu iibiyo. Dh: xeroqaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Yaraysad
(Yaraysad-ka)
Waxyar ka dhigad; waxyar ahaan u qaadad; saluug.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yaraysad
m.l la-mid: yaraysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
yaraysad
vl. n. act of belittling, taking lightly, not seriously; taking very little of something
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yaraysad
-ka: (magac, lab, keli) badsi la'aan; wax yar ka isticmaalid. Cuntadu yaraysadkay ku macaantahay. Dh: yaraysasho. Li: badsad.
yaraysad -ka: (magac, lab, keli) tix galin la'aan; quudhsi. Yasid iyo yaraysad midna ma bannaana. Dh: quudhsad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
yaraysad
a: yaraysasho
de: act of belittling, taking lightly, not seriously; taking very little of s.t.
initial: y
lx: yaraysad
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: yaraysad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
derejaysad
-ka: (magac, lab, keli) derejo yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Meertaysad
(Meertaysad-ka)
Meertaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
meertaysad
m.l la-mid: meertaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
meertaysad
-ka: (magac, lab, keli) kolba qof doorka yeelasho oo si wareegta ah u wadaagid. Dh: wadaagid, duurin, kaltamid, meertaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xeraysasho
(Xeraysasha-da)
1. Xero gashad.
2. Waxbarasho darteed, xer ahaan meel u joogid, u aadid, ugu maqnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xeraysasho
m.f.dh eeg xerayso. la-mid: xeraysad, xeraysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xeraysasho
-da: (magac, dhedig, keli) xero nadab ah geysasho. Dh: xeraysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xeraysnaan
(Xeraysnaan-ta)
Wax xeraysan ama xero ku jira ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xeraysnaan
m.f.dh eeg xeraysan. la-mid: xeraysnaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xeraysnaan
f. n., [abstract] state of being penned ~ enclosed
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xeraysnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax xeraysan ama xero ku jira ahaan. Dh: xeraysni.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xeraysnaan
de: state of being penned ~ enclosed
initial: x
lx: xeraysnaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: xeraysnaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baryaysad
m.l la-mid: baryaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baryaysad
-ka: (magac, lab, keli) dad wax waydiisasho oo baryootamid. Dh: tuugsi, sadaqaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beenaysad
-ka: (magac, lab, keli) rumaysad la'aan, wax laguu sheegay beenaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
booraysad
m.l la-mid: booraysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carraysad
-ka: (magac, lab, keli) biyola'aan darteed, carro ismarmarin oo isku daahirin, si aad salaadka u bannaysato. Dh: boodhaysad, gebogabaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cimraysad
m.l la-mid: cumraysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cimraysad
-ka: (magac, lab, keli) cibaadada cimrada soo gudasho. Dh: cimaraysasho. cimraysasho -da: (magac, dhedig, keli) cimro tegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cumraysad
m.l la-mid: cumraysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cumraysad
-ka: (magac, lab, keli) cimrada tegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Darraysad
(Darraysad-ka)
Darraysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
darraysad
m.l la-mid: darraysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darraysad
-ka: (magac, lab, keli) ciid cad oo timaha lagu nadiifiyo sida xinnaha madax ugu dhaboolaqid. Dh: dhoobaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ehelaysad
-ka: (magac, lab, keli) qaraabo ahaan u soo dhawaysad; ehel ka dhigasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hiiraysad
-ka: (magac, lab, keli) aroorta hore meel u kicid. Dh: jarmaadid, kallahid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jarraysad
m.l la-mid: jarraysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jeclaysad
m.l la-mid: jeclaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Karraysad
(Karraysad-ka)
Karraysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
karraysad
m.l la-mid: karraysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
karraysad
-ka: (magac, lab, keli) si hore oo xun oo lagu jirey, si dhaanta oo ka wanaagsan ku sugnaan. Dh: karraysasho, bogsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Leexaysad
(Leexaysad-ka)
Leexaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
leexaysad
m.l la-mid: leexaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
leexaysad
-ka: (magac, lab, keli) isku lulidda wax meel ka soo laadlaada sida siidhimiidhida. Dh: leexaysasho, leexaysi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maaraysad
-ka: (magac, lab, keli) mirdhid oo daxal yeelasho. Bir labaatan sano meel taallay maaraysad waa lagama maarmaan. Dh: maarow, daxalaysad, midhidhid.
maaraysad -ka: (magac, lab, keli) si wanaagsan wax u maamulasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
meelaysad
-ka: (magac, lab, keli) wax si gaar ah meel u dhigasho. Meelaysadka intaada uun iska daa oo inta dadkana ku dar.
meelaysad -ka: (magac, lab, keli) meel lagu dego oo guur ama shaqo ah diyaarsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mergaysan
f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: margaysan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mooraysad
m.l la-mid: mooraysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qardaysad
(Qardaysad-da)
Qardaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qardaysad
m.l la-mid: qardaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qardaysad
-ka: (magac, lab, keli) amaah qaadasho; sii deynsad. Nin balwad lihi qardaysad ma daayo. Dh: casaysad, qardaysasho.
qardaysad -ka: (magac, lab, keli) gaardo ka dhigasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
seetaysad
m.l la-mid: seetaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sharaysad
(Sharaysad-ka)
Sharaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sharaysad
m.l la-mid: sharaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sharaysad
-ka: (magac, lab, keli) sharaysi, wax dareen shar ah aad ka qabtid oo aad dhibsanayso sharaysasho -da: (magac, dhedig, keli) shar ka dhigad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shiraysad
m.l la-mid: shiraysasho.