xeraguul
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xeraguul
m.dh (-lo, m.l) Xero xooluhu baryaan marka ay aroorka yihiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xeragal
(fal) hoyo oo xaadhintaadii teg. Alista soo xeragal ku dheh. Dh: xeroo, hoyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xeroguud
(tilmaame) xero xoolaha oo dhan lagu xereeyo. Dh: maxjar. Li: xerogaar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rasuul
(Rasuul-ka)
Nebiga Ilaah dad u diro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rasuul
m.l (rusuul, m.dh) (dii.) Nabi Ilaahay ku amray inuu cid kale gaarsiiyo waxyi loo soo dhiibay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
rasuul
m. n. prophet; apostle
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
Rasuul
-ka: (n) prophet (porofit); messenger (ma-sin-jer). Ex: rasuulkii Alle; the messenger of Allah
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rasuul
-ka: (magac, lab, kele) mid ka mid ah ambiyada uu Rabbi dadka iyo jinkaba u soo diro. Dh: nebi, ergey.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
rasuul
a: rusuul
bw: Arabic
de: prophet; apostle
lx: rasuul
pd: (-ka Pl: rusuul (/sha))
ps: n2-m, n8-m
key: rasuul
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaluul
m.dh la-mid: xuluul.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaluul
-sha: (magac, dhedig, keli) tigaad musaska iyo geedaha dhexdooda ka baxda. Dh: xuluul.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xamuul
m.l la-mid: xammuul.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xamuul
m.l la-mid: xammuul.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xamuul
m. n. cargo, load
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xamuul
-ka: (n) load (lowdh)-, cargo (kaar-gow)-, shipment (shiip-mant)-, freight ((fareeyt) ~ xammuul, shixnad, rar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xamuul
-ka: (magac, lab, keli) rarka kala duwan ee muurka la saaro. Gaadhi xamuul culus sida ayaa waddada ku banjaray. Dh: xammuul, rar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xamuul
de: cargo, load Alt sp: xammuul
initial: x
lx: xamuul
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: xamuul
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fulaguul
-ka: (magac, lab, keli) cabsigelin aan run ahayn. Dh: bajin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xerageli
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Soo x.: wax kasbid. 2. Wax tacbid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xerageli
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Soo x.: wax kasbid. 2. Wax tacbid. m.f.dh, xeragelin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xerogeel
-sha: (magac, dhedig keli) xero geel uun lagu xereeyo. Aqalkii waxaad ka dhigteen xerogel.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baranugul
m.l la-mid: baraqnugeyl.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barmaguur
m.dh (-ro ..., m.l) (fiisikis) Baro ku muujisan heerkul cabbiraha oo sugan, laguna tilmaansado astaamo walax leedahay oo la yaqaanno. Labada baro maguur ee muhiimka ah waa barta barafka (0 °C) iyo barta uumiga (100 ° C).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
barmaguur
m.dh (-ro ..., m.l) (fiisikis) Baro ku muujisan heerkul cabbiraha oo sugan, laguna tilmaansado astaamo walax leedahay oo la yaqaanno. Labada baro maguur ee muhiimka ah waa barta barafka (0 °C) iyo barta uumiga (100 ° C).
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
carraguur
-ka: (n) erosion of soil or soil erosion ~ nabaadguur
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faraguuto
-da: (magac, dhedig, keli) in aan badnayn oo faraha lagu qaadi karo oo aan muqdur ahayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fardafuul
fardafuul¹: m.l 1. Aqoon loo adeegsado sida fardaha loo fuulo. 2. F. ah: qof ku xeel dheer sida fardaha loo fuulo.
fardafuul²: f.g1 (-uulay, -uushay) Faras dusha ka korid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fardafuul
-ka: (magac, lab, keli) qof habka fardaha loo fuulo ee loo eryo aad u yaqaan. Dh: kooragoo, farsafuul.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
margaguuf
-ka: (magac, lab, keli) nin xoog badan oo bilaa faa'iido ah. Margaguuf xiid an daalin baa dhaama. Dh: xoogweyne. Li: xiid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaranfuul
(Qaranfuul-ka)
Qorfe.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaranfuul
m. n., [collective] cloves
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaranfuul
-ka: (magac, lab, keli) qolof udgoon oo xawaashka cuntada lagu macaaneeyo ka mid ah. Shaaha waxan ku daray hayl iyo qaranfuul. Dh: qorfe, qoronfol, qolonfol.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qaranfuul
cf: qorfe
de: cloves
lx: qaranfuul
pd: (-ka)
ps: n2-m-col
key: qaranfuul
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wabaxguul
m.l W. ah: xoolo wabax ah oo baryey xeradoodii meel aan ahayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wabaxguul
-ka: (magac, lab, keli) xoolo soo cabbay aanse reerkii gaadhine dhexda ku sii dhaxay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xerageddi
f.g2 (-iyay, -isay) Xoolo xeradii ku firshowday, xero kale u beddelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xeragelin
m.f.dh eeg xerageli.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xeragelin
-ta: (magac, dhedig, keli) hoyn oo xaadhintii uu galayay gayn. Dh: xerayn, hoyn.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Geesaguulle
nickname; name-m victory bearer
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
WAXARO-GUUL
(Waharo-gul) N Cussonia holstii Engl. Araliaceae.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Xeerka Huuk
Hooke's law