xeersilsilad
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xeersilsilad
m.l (xisaab) Hab lagu raadiyo diiranaha fansaar dhawr doorsoome. Xigsinayn ayaa la sammeeyaa iyada oo la eegaayo fansaar kasta, jawaabuhuna waa la isku keenaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xeer silsilad

xeerhoosaad
m.l (-dyo, m.dh) Nidaam gaar ah, u degsan dad meel wada deggan oo ay isku maamulaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xeerhoosaad
m.l (-dyo, m.dh) Nidaam gaar ah, u degsan dad meel wada deggan oo ay isku maamulaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xeerilaalin
-ta: (magac, dhedig, keli) hay'ad caddaaladeed oo xaqdhawrka iyo ilaalinta qawaaniinta sharciga dalka u deggen ka warhaysa oo u xilsaaran.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jeermisdilid
m.dh 1. (daaw.) Hab looga tirtiro jeermiska qalab sida: dhar ama biro ayadoo la isticmaalayo jeermidileyaal. 2. (fiisikis) Kul, qiiqbiyood (oomaar), ama reeys iyo kuwo kiimikaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jeermis-dilid
m.dh 1. (daawo) Hab looga tirtiro jeermiska qalab sida: dhar ama biro ayadoo la isticmaalayo jeermidileyaal. 2. (fiisikis) Kul, qiiqbiyood (oomaar), ama reeys iyo kuwo kiimikaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xeer-ilaaliye
m.l (-yayaal, m.l/dh) Qof sharci yaqaan oo u xil saaran ilaalinta qaanuunka.