xeerneefeed
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xeerneefeed
m.l (fiisikis) Xeerarka la xidhiidha heerkulka cadaadiska iyo mugga ee neef cufkeedu go'an yahay. Xeerarka neefta ee ugu muhiimsani waa xeerka Boyle iyo kan Jaarlee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xeer-neefeed

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
neefneefsad
-ka: (magac, lab, keli) neeftuurka uu sameeyo qofku marka uu wadnuhu xoog u garaacayo.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
GEED-BEEREED
(Ged-bered) S Pupalia lappacea (L)A.Juss Amaranthaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Feerfeer
(Feerfeer-ka)
Kala durdurug; kala fogfogaan; jeexjeex.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Feerfeer
pr. n., loc. Ferfer [town in west Somalia.]
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
feerfeer
v. separate out, comb, rake
feerfeer vl. n. combing, raking
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
feerfeer
(fal) kala durdurki; kala fogfogay; jeexjeex.
feerfeer -ka: (magac, lab, keli) kala durdurug; jeexjeex; kala fogfogaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xareedee
v. water something with rain-water
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xareedee
(fal) biyo dhoobada ka miir oo xareed saafi ah ka dhig. Biyaha miir oo xareedee. Dh: xareeday, xareedi. Li: ajee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xareedee
de: water s.t. with rain-water
initial: x
lx: xareedee
pd: (xareedeeyey)
ps: v2b=tr
key: xareedee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xeerbeeg
m.dh.u Ikhyaar garta goysa oo wixii la isku qabto loola tago.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xeerbeeg
f. n., [collective] jurists, legal experts; jury
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xeerbeeg
-ga: (magac, lab, keli) garnaqid; xeer oogid. Xeerbeegga xeerbeegtida uga hadh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xeerbeeg
de: jurists, legal experts; jury
initial: x
lx: xeerbeeg
pd: (-ta)
ps: n-f-col
key: xeerbeeg
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xeerhees
m.l (-rar ..., m.l) (kiim.) Haddii falgalayaal loo beddeli karo maxsuullo falgallo isdaba joog ah kaddib, wadarta kulalka falgallada iyadoo la tixgelinayo calaamadahooda waxay la mid tahay kulka falgalka ee kalgalayaasha si toos ah loogu beddelo maxsuullo. Guud ahaan, isbeddelka tamarta oo dhammi marka falgalayaashu noqonayaan maxsuullo kuma xirna jidka la raacayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xergeeye
(Xergeeya-ha)
Qofka xoolaha xer geeya ama xerriya.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xergeeye
m. n., [compound] herder, person in charge of flock ~ herd
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Xergeeye
magac loo bixiyo wiil la rajaynayo inuu duunyo badan yeesho oo xolaha xergeeyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xergeeye
-ha: (magac, lab, keli) qofka xoolaha xergeeya ama xerriya. Dh: xerriye.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xergeeye
de: herder, person in charge of flock ~ herd
initial: x
lx: xergeeye
pd: (/ha)
ps: n7-m-cmp
key: xergeeye
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
meerexeer
-ka: (magac, lab, keli) dariiqyada ay maraan meerayaalku marka ay wareegayaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
reerbeled
m.l Reermagaal.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
reerbeled
-ka: (magac, lab, keli) reermagaal; dad magaalo ku dhaqan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xeer hees
m.l (-rar ..., m.l) (kiimika) Haddii falgalayaal loo beddeli karo maxsuullo falgallo isdaba joog ah kaddib, wadarta kulalka falgallada iyadoo la tixgelinayo calaamadahooda waxay la mid tahay kulka falgalka ee kalgalayaasha si toos ah loogu beddelo maxsuullo. Guud ahaan, isbeddelka tamarta oo dhammi marka falgalayaashu noqonayaan maxsuullo kuma xirna jidka la raacayo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beernugeel
-ka: (magac, lab, keli) qofka oo habnugayl yeesha. Dh: beerjileec, beernugayl.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Feerfeerid
(Feerfeerid-da)
Wax feerfeeran ka dhigid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
feerfeerid
-da: (magac, dhedig, keli) wax kala durdurugsan ka dhigid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
heerbadeed
m.l (-dyo, m.dh) (juqraafi) Heerka baddu haddii aaney jirin mowjado, hirar ama haraaci.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
leefleefid
-da: (magac, dhedig, keli) leefid oo haddana leefid. Dh: leefleefis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Meermeerid
(Meermeerid-da)
1. Warwareegid.
2. (ka meermeerid) Wax aan fulintood ama waxkaqabadkood la dooneyn, ka leexleexasho, ka warwareegid, ka madax meerin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
meermeerid
m.f.dh eeg meermeer². la-mid: meermeer¹ (2), meermeeris².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
meermeerid
-da: (magac, dhedig, keli) socod aan ujeeddo lahayn socsocosho oo baashaalid. Meer meeridda macna la'aanta ahi waa wakhtumin Dh: duurduurid, meermeeris, warwareegid.
meermeerid -da: (magac, dhedig, keli) wax in la sameeyo la diiddan yahay ka dabashabeelin oo ka madax gadid. Ka meermeeridda hawl kuu taalla waa qalad. Dh: warwareegid, meeraalaysad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
neefneefin
-ta: (magac, dhedig, keli) neef kolbaka sii dayn oo kolba yar nasin.
neefneefin -ta: (magac, dhedig, keli) naqas meel ku celcelin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
neefneefsi
vl. n. deep breath
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
neefneefsi
-ga: (magac, lab, keli) eeg neefneefsad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
neefneefsi
de: deep breath
lx: neefneefsi
pd: (-ga)
ps: vn2a-m
key: neefneefsi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
neefneefso
(fal) naqaska kor iyo hoos u tuur.
neefneefso: (fal) kolba in yar u naso wax aad samaynayso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xeerbeegti
-da: (magacwadareed) dad garta qaada oo aqoon u leh ka salgaadhidda khilaafaadka. Dh: garyagaanno, guurti.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xeerbeegto
m.dh.u Ikhyaar garta goysa oo wixii la isku qabto loola tago.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Heer badeed
Sea level
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
heer-badeed
m.l (-dyo, m.dh) (juqraafi) Heerka baddu haddii aaney jirin mowjado, hirar ama haraaci.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Teermosfeer
Thermospnere
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Feeding, feed
dheef
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xeerdhaqameed
-ka: (magac, lab, keli) xeer soo jireen ah oo aan qorrayn oo ka dhexeeya bulsho caado iyo hiddo wadaagta. Xeerdhagameedku waxa uu salka ku hayaa qiyamka diinta iyo dhaqanka ay dadkaasi leeyihiin.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Xeerka Ferrel
Ferrel's law