xeerka danab-soocidda faradhay
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Xeerka danab-soocidda Faradhay
Faraday, law of Electrolysis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xeerka danab-soocidda Faaradhay
m.l 1. (fiisikis) Xeerka 1aad ee danab soocidda Faaradhay: cufka walax ee soocanta, marka ay danab soociddu socoto, waxa uu saamiggal qumman la yahay inta kuulam ee dhexmarta gudbiye milmaha. 2. (fiisikis) Xeerka 2aad ee danab socidda Faradhay: haddii xaddi danab oo isku mid ah la dhexmariyo gudbiye milmayaal kala duwan muddo go'an, cufafka walxaha kala duwan ee soocma waxa ay saamiggal qumman la yihiin culeys atameedyadooda oo loo qaybiyey saldanabka ayoonka sida qulqulka danabka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xeerka danabsoocidda Faaradhay