xeerka boyel
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Xeerka Boyel
Boyle's law
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xeerka Boyl
m.l (fiisikis) Haddii cuf go'an ee neef la diisiyo, marka heerkulku yahay madoorsoome, taranta cadaadiska (P) ee hoorka iyo muggiisu (V) waa madoorsoome. P1 V1 = P2 V2 taas oo V1 tahay mugga neeftii marku cadaadisku ahaa P1 ; V2 mugga marka cadaddisku yahay P2.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Xeerka Ferrel
Ferrel's law
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xeerkabood
-ka: (magac, lab, keli) nin uu xeer soo dhaadhicyay oo ku gacansaydha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xeerka sayn
m.l (xisaab) Saddex-xagal kasta saamiga dhererka dhinaca marka loo eego saynka xagasha ka horjeedda dhinacaasi waa isku mid dhammaan saddexda dhinac. Sidaa daraadeed saddex-xagal dhinacyadiisu ay yihiin a, biyo c, xaglihiisuna ay yihiin A, B iyo C. Jidka waa a = b = c taas oo ay tahay dhinaca kahorjeeda xagasha A, b-tahay dhinaca kahorjeeda xagasha B iyo c-na tahay dhinaca ka horjeeda xagasha C.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xeerka sayn
m.l (xisaab) Saddex-xagal kasta saamiga dhererka dhinaca marka loo eego saynka xagasha ka horjeedda dhinacaasi waa isku mid dhammaan saddexda dhinac. Sidaa daraadeed saddex-xagal dhinacyadiisu ay yihiin a, biyo c, xaglihiisuna ay yihiin A, B iyo C. Jidka waa a = b = c taas oo ay tahay dhinaca kahorjeeda xagasha A, b-tahay dhinaca kahorjeeda xagasha B iyo c-na tahay dhinaca ka horjeeda xagasha C.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Xeerka Ambiyeer
Ampere law
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Xeerka Baaskal
Pascal's law
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xeerka kosayn
m.l (xisaab) Saddex-xagal kasta, haddii a, b iyo c iyo yihiin dhererrada dhinacyada iyo + ay tahay xagasha ka horjeedda dhinaca dhererkiisu yahay c, markaa c2= a2+b2-2abcos+
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xeerka kosayn
m.l (xisaab) Saddex-xagal kasta, haddii a, b iyo c iyo yihiin dhererrada dhinacyada iyo + ay tahay xagasha ka horjeedda dhinaca dhererkiisu yahay c, markaa c2= a2+b2-2abcos+
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Xeerka hormogal
Associative law (Property)
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Xeerka Huuk
Hooke's law
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Xeerka Kuuri
Curie's law
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xeerka Lenis
m.l (fiisikis) Xeer odhanaaya in jihada keyd faraqa saaqmay uu lid ku yahay isbeddelka abuuraya.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xeerka Lenis
m.l (fiisikis) Xeer odhanaaya in jihada keyd faraqa saaqmay uu lid ku yahay isbeddelka abuuraya.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Meerkac biyood
Whirlpool
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Xeerka hubidda
Uncertainty principle
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xeerka Jaarles
m.l (fiisikis) Mugga neef engegani waxa uu saamiggal qumman la yahay heerkulku Kelfin, marka cadaadisku yahay madoorsoome.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xeerka Jaarles
m.l (fiisikis) Mugga neef engegani waxa uu saamiggal qumman la yahay heerkulku Kelfin, marka cadaadisku yahay madoorsoome.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Xeerka Jaarlis
Charles law
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xeerka noqodka
m.l 1. (fiisikis) Fallaadh abbaarka, fallaadh noqodka iyo liganuhuba waa isku sallax. 2. (fiisikis) Xagal abbaarka (i) = xagal noqodka (r) wuxuna sax ku yahay noqodka ka dhaca dulaha muraayadaha obtikaad ee sallaxa ah iyo kuwa xoodanba.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xeerka noqodka
m.l 1. (fiisikis) Fallaadh abbaarka, fallaadh noqodka iyo liganuhuba waa isku sallax. 2. (fiisikis) Xagal abbaarka (i) = xagal noqodka (r) wuxuna sax ku yahay noqodka ka dhaca dulaha muraayadaha obtikaad ee sallaxa ah iyo kuwa xoodanba.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
meerkacbiyood
-ka: (magac, lab, keli) juqraafi ahaan, wareeg goobeed biyaha badda dhexdeeda ama webiga dhexdiisa oo ka dhashay kala sarraynta kanaalka, ama kulanka laba maayadood ma sababo la mid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xeerka Kuulam
m.l (fiisikis) Xoogga ka dhexeeya saldanabka laba barood oo isku jira fogaan r (mitir) ahi waxa uu saamiggal qumman ku yahay tarenta saldanabyada q_1q_2 iyo rogaalka labajibbaarka fogaanta u dhexeysa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xeerka Kuulam
m.l (fiisikis) Xoogga ka dhexeeya saldanabka laba barood oo isku jira fogaan r (mitir) ahi waxa uu saamiggal qumman ku yahay tarenta saldanabyada q_1q_2 iyo rogaalka labajibbaarka fogaanta u dhexeysa.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
xeerka ciyaarta
playing rule
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Xeerka Huyganis
Huygens principle
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Xeerka kalgalka
Periodic law
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xeerka Niyuuton
xeerka 1aad ee Niyuuton: m.l (fiisikis) Walaxi waxa ay ku jireysaa nagaansho ama socod madoorsoome ah oo raacaya xariiq toosan haddii xoog aanu falayn walaxda.
xeerka 2aad ee Niyuuton: m.l (fiisikis) Dhaqsaha isbeddelka dahfad ay walaxi leedahay wuxu saamiggal ku yahay xoogga falaya, waxa ayna qaadataa jihada xooggu u falmayo.
xeerka 3aad ee Niyuuton: m.l (fiisikis) Fal waliba waxa uu leeyahay falgal le'eg lidna ku ah falkaas.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Xeerka saynyada
Sines, law of