ereyga

xeerfalcuf

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

xeerfalcuf

DHAN

m.l (-rar ..., m.l) (kiim.) Marka heerkulku ma doorsoome yahay, dhakhsaha falgalka kiimikaad wuxuu saamiggal qumman ku yahay cufka firfircoon ee falgalayaasha, cufka fifircoon waxaa loo qaatay ribnaanta mool/dm.3 falgalka soo saara A+B, xeerka fal cuf wuxuu sheegayaa in dhakhsasha = K A iyo B halkaas oo A iyo B ay u taaganyihiin ribnaanta A iyo B ee mool/dm.3.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

xeer fal-cuf

DHAFAN

m.l (-rar ..., m.l) (kiimika) Marka heerkulku ma doorsoome yahay, dhakhsaha falgalka kiimikaad wuxuu saamiggal qumman ku yahay cufka firfircoon ee falgalayaasha, cufka fifircoon waxaa loo qaatay ribnaanta mool/dm.3 falgalka soo saara A+B, xeerka fal cuf wuxuu sheegayaa in dhakhsasha = K A iyo B halkaas oo A iyo B ay u taaganyihiin ribnaanta A iyo B ee mool/dm.3.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

beerfal

DHAFANDHAAF

m.l la-mid: beerfalid.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

beerfal

DHAFANDHAAF

(fal) beer qodasho. Dh: qod.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

beerfale

DHAFANDHAAF

-ha: (magac, lab, keli) qofka fala beerta ee xagaafa. Dh: beerqode.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

beerfalid

DHAFANDHAAF

m.dh Xilli haramada laga jaro beerta. la-mid: beerfal, beerfalis, beerfalow (2).

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

beerfalid

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) beer qodid. Dh: beerqodid, beerfalis.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

beerfalis

DHAFANDHAAF

m.dh la-mid: beerfalid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

beerfalow

DHAFANDHAAF

m.l 1. Wax ka beeridda dhulka dushiisa si looga soo saaro dalagyo. 2. la-mid: beerfalid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

beerfalasho

DHAFANDHAAF

m.dh Hawsha beerta laga qabto si dalag looga helo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

beerfalasho

DHAFANDHAAF

m.dh Hawsha beerta laga qabto si dalag looga helo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

beerfalasho

DHAFANDHAAF

-beerfalashada: (n) the act of farming (faarming); cultivating

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

beerfalasho

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) dhul beer ah qodasho. Beerfalashadu waa isku fillaan.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]

Xeerka Huuk

DHAFANDHAAF

Hooke's law

waa la naqliyay ✓