xeerdhaqameed
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xeerdhaqameed
-ka: (magac, lab, keli) xeer soo jireen ah oo aan qorrayn oo ka dhexeeya bulsho caado iyo hiddo wadaagta. Xeerdhagameedku waxa uu salka ku hayaa qiyamka diinta iyo dhaqanka ay dadkaasi leeyihiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dawodhaqameed
-da: (magac, dhedig, keli) is dawaynta aan casriga ahayn ee shicibku isku daweeyaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xeerdhaari
m.l (-iyo, m.dh) Qof aad u yaqaan xeerka.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xeerdhaari
m. n. jurists, experts in basic law
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xeerdhaari
de: jurists, experts in basic law
initial: x
lx: xeerdhaari
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: xeerdhaari
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Meerta atomeed
Atomic Orbital
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Beekhaamid
(Beekhaamid-da)
1. Badasho; tarmid; bulaalid; barakoobid.
2. Dhaqaaloobid; tashiilmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beekhaamid
m.f.dh eeg beekhaan². la-mid: beekhaan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beekhaamid
-da: (magac, dhedig, keli) wax intuu ahaa ka sii bata. Beekhaamid ma leh waxaan bisinka loo qabane. Dh: tarmid, biirid, kordhid, beexaamid.
beekhaamid -da: (magac, dhedig, keli) wax aan horey u dhammaan oo gellin la quuto.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhaqaaleed
m. n. financial
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhaqaaleed
(adj) relating to financial matters; economical (ika-noo-mikal)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhaqaaleed
de: financial
lx: dhaqaaleed
ps: np-m
key: dhaqaaleed
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
feedhtamid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale feedh kula dagaallamid ama ciyaarta feedhka ciyaarid. Dh: feertamid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
heerbadeed
m.l (-dyo, m.dh) (juqraafi) Heerka baddu haddii aaney jirin mowjado, hirar ama haraaci.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
meeraaxeer
-ka: (magac, lab, keli) waareegalaysi ay caruurtu ku ciyaarto iyagoo ku wareegaya meel wareegsan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weedhaamin
-ta: (magac, dhedig, keli) si aayar ah kolba dhan u walhin. Carruurtu weedhaaminta way gama'daa. Dh: wadhaamin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weedhaamis
-ka: (magac, lab, keli) eeg weedhaamin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xeeryaqaan
m.l (-nno, m.dh) Qof sharci ku takhasusay ama aad u yaqaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xeeryaqaan
m.l (-nno, m.dh) Qof sharci ku takhasusay ama aad u yaqaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xeeryaqaan
m. n., [compound] lawyer, attorney
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xeeryaqaan
-ka: (magac, lab, keli) qof xeerka iyo qodobadiisa yaqaan oo sida dadka loogu xukumana farsamo u leh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xeeryaqaan
de: lawyer, attorney
initial: x
lx: xeeryaqaan
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: xeeryaqaan
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
GEED-DAMEER
(Ged-damer) S Cassia occidentalis L. Caesalpinaceae.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
GEED-HAREED
(Ged-hared) N Barleria argentea Balf.F. Acanthaceae.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
geedyaqaane
m. n., [compound] botanist
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
geedyaqaane
de: botanist
lx: geedyaqaane
pd: (/ha)
ps: n7-m-cmp
key: geedyaqaane
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Heer badeed
Sea level
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
heer-badeed
m.l (-dyo, m.dh) (juqraafi) Heerka baddu haddii aaney jirin mowjado, hirar ama haraaci.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Meerdhafayn
Amalgamation
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Weedhaamiye
Centrifuge
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xeerneefeed
m.l (fiisikis) Xeerarka la xidhiidha heerkulka cadaadiska iyo mugga ee neef cufkeedu go'an yahay. Xeerarka neefta ee ugu muhiimsani waa xeerka Boyle iyo kan Jaarlee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xerodhaafid
m.f.dh eeg xerodhaaf².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geedqodaxeed
-ka: (magacwadareed) geedaha inta leh qodaxda.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
HEER DHAAFID
Scoperto
Overdraft
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tiro atameed
m.dh (-dyo, m.dh) Summad Z. Tirada borotoonno ee ku jira bu'da atam, le'egna tirada elektaroonnada ku dul wareegaya bu'da, marka atamku uu yahay dhexdhexaad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tiro-atameed
m.dh (-dyo, m.dh) (fiisikis) Summad Z. Tirada borotoonno ee ku jira bu'da atam, le'egna tirada elektaroonnada ku dul wareegaya bu'da, marka atamku uu yahay dhexdhexaad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
wejidayaxeed
m.l (-iyo ..., m.l) (c.fal.) Heerarka kala duwan ama isbeddellada muuqaalka oo dayaxu maro markuu ku wareegayo dhulka, waxaana loo yaqaannaa dayax cusub, dayax buuxa, iyo wixi lamida.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wejidayaxeed
-ka: (magac, lab, keli) heerarka kala duwan ama isbeddellada muuqaalka oo dayaxu maro markuu ku wareegayo dhulka, waxaana loo yaqaannaa dayax cusub, dayax buuxa iyo wixii la mid ah.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Xeeb ka jeed
Off shore
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xeer-neefeed
m.l (fiisikis) Xeerarka la xidhiidha heerkulka cadaadiska iyo mugga ee neef cufkeedu go'an yahay. Xeerarka neefta ee ugu muhiimsani waa xeerka Boyle iyo kan Jaarlee.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Fiiq harameed
Pyramidal peak
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Geed'abaareed
(Geed'abaareed-ka)
Geedaha aan caleemuhu ka dhicin doog iyo abaar midna; dhirta aan abaartu karin oo weligeed caleenta cagaaran leh; weligicagaar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geed'abaareed
-ka: (magacwadareed) dhirta aanay biyala'aantu wax badan yeelin ee mar walba caleentoodu doogan tahay. Tiinku wuxuu ka mid yahay geed'abaareedka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geed-abaareed
m.l Dhirta inteeda had iyo jeer cagaarka ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
geed-abaareed
m.l Dhirta inteeda had iyo jeer cagaarka ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
geed-abaareed
m. n., [compound] desert plant (any tree ~ plant that survives drought)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beerfadhaqoobid
-da: (magac, dhedig, keli) orod badan, qosol badan ama oohin beerxanuun ka qaadid. Dh: rubadgu'id.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Xeerka Ambiyeer
Ampere law