ereyga

xeerbeegti

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

xeerbeegti

DHAN

-da: (magacwadareed) dad garta qaada oo aqoon u leh ka salgaadhidda khilaafaadka. Dh: garyagaanno, guurti.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

xeerbeegto

DHAFAN

m.dh.u Ikhyaar garta goysa oo wixii la isku qabto loola tago.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

xeerbeeg

DHAFAN

m.dh.u Ikhyaar garta goysa oo wixii la isku qabto loola tago.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

xeerbeeg

DHAFAN

f. n., [collective] jurists, legal experts; jury

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

xeerbeeg

DHAFAN

-ga: (magac, lab, keli) garnaqid; xeer oogid. Xeerbeegga xeerbeegtida uga hadh.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

xeerbeeg

DHAFAN
1

de: jurists, legal experts; jury

2

initial: x

3

lx: xeerbeeg

4

pd: (-ta)

5

ps: n-f-col

6

key: xeerbeeg

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

hormuud

DHAABAN

m.l (-dyo, m.l) 1. Qof kulliyad, machad iyo wixi lamida madax u ah. 2. Qof xeerbeegti garwadeen u ah. 3. Madax, hogaamiye.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

hormuud

DHAABAN

m.l (-dyo, m.l) 1. Qof kulliyad, machad iyo wixi lamida madax u ah. 2. Qof xeerbeegti garwadeen u ah. 3. Madax, hogaamiye.

waa la naqliyay ✓

Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]

Jury

DHAABAN

Xeerbeegti

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

baryo

DHAABAN
1

-da: (magac, dhedig, keli) qofka waxa uu doonayo cid kale waydiista. Baryo badan iyo bugtaan badan waa la isku nacaa. Li: kaaftoomis.

2

baryo -da: (magac, dhedig, keli) masaariifta iyo dhaqaalaha ku baxa guddi xeerbeegti oo garta u kala qaadda laba dhinac oo xaajo isku haya. Labada dhinac waxay bixiyaan baryo is le'eg cad iyo caanaba. Dh: martigelin, sooryo.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

buus

DHAABAN
1

(fal) walax dhuucdhuuci, diisitaan u yeel. Buraashadda adigaa buusay. Dh: dhuuci.

2

buus: (fal) (is ~) dhan isu badi, baal u uga weeco wax ku jiidhi lahaa, ka leexo wx cidhiidhi ku geliyey. Barbarkii dabayshiyo urtana aad isaga buusto.

3

buus -ka: (magac, lab, keli) xoolaha gubbaha loo bixiyo Nin buus qaada guddi xeerbeegti laguma daro. Dh: gubbe.

4

buus: (qurub) dareen ah oo lagula hadlo ruux aamus oo hadalka jooji laga leeyahay. Buus waxun Alle ku saarye na dhaaf.

5

buus: (qurub) dareen ah oo yidhaahdo qofka habaartama, ka dhigan habaar hoostaada ma dhaafo, isla hel! Buusuhu belaayiyo hadduu, been ka tegi waayo.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

garqaado

DHAABAN

(fal) wixii xeerbeegtidu kugu xukumaan yeel oo qaladkaagana garawso; gar lagaa helay ku qanac. Dh: garawso, oggolow.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

guurti

DHAABAN

-da: (magac, dhedig, keli) odayaal arrimaha dhaqanka iyo talada reeraha gala waxna kala saara. Dh: cuqaal, xeerbeegti.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

hagarbax

DHAABAN
1

(fal) (u ~) hawshaada daacad u ahaw. Shaqada laguu dhiibo u hagarbax.

2

hagarbax-a: (magac, lab, keli) hawl la is faray sidii ay ahayd u qabasho iyada oon xoog iyo itaal midna lala hadhayn. Dh: daacadnimo. Li: khiyaano. hagarbax -a: (magac, lab, keli) sahayda safarku jidka u qaato biyo iyo baadba. Dh: sahay.

3

hagarbax-a: (magac, lab, keli) kharash ama adduun laga qaado dhinacyada garramaya, oo guddiga xeerbeegti sooryo looga dhigo. Cabdi konton kun ayuu hagarba' u bixiyay calise waa lagu leeyahay. Dh: kharash.

4

hagarbax -a: (magac, lab, keli) «u ~» isku ladid la'aan; hagar la'aan; kal iyo laab; lillaahinnimo.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

laaluush

DHAABAN
1

(fal) xoolo sii si uu wax aanad xeer u lahayn kuu siiyo.

2

laaluush -ka: (magac, lab, keli) xoolo la siiyo qof xil haya ama xeerbeegti ah, si looga helo eexo iyo wax aan xaq ahayn. Dh: gubbe, callaal, rishwo.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

maqaawiir

DHAABAN

-ta: (magac, dhedig, keli) dad waawayn oo guurti xeerbeegti ah. Arrinta dhallinta ka qaada oo magaawiir u dhiiba. Dh: qammaamiir, qaafo, cuqaal, duqay, odayo.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

maragfur

DHAABAN
1

(fal) sida ad wax u og tahay u sheeg: waxaad aragtay ama waxaad maqashay sheeg. Sida uu Eebbe kugu ogyahay u maragfur.

2

maragfur-ka: (magac, lab, keli) sheegidda uu qof markhaati loo qabsadaa uu qaadi ama quudi xeerbeegti hortooda ka sheego sida uu wax u ogyahay. Dh: markhaatifur.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

qorqorti

DHAABAN

-ga: (magac, lab, keli) nin xeerbeegtida ka mid ah oo u xilsaaran xafidka iyo diiwaangelinta dacwada. Qorqortigu waxa la leeyahay ha dhegeysto. Dh: xoghaye.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

sharciyaqaan

DHAABAN

-ka: (magac, lab, keli) mid ku xeeldheer xeerka iyo shurucuuda; xeerbeegti, qof ku xeeldheer xeerka iyo shuruucda. Dh: xeerbeegti.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

xeeryahan

DHAABAN

-ka: (magac, lab, keli) qof xeerka iyo kabihiisa aad u yaqaan. Dh: xeerbeegti.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

garxeerbeegti

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) garta labada dhinac iyo xeeryaqaan joogo ee dacwad aan waxba la iskula hadhin ee kii garle uun gartiisa la siiyo kii laga garhelana si cad loo xakumo waxay na leedahay afar nooc oo kala ah: duco, diddiif, dacwi iyo maluug.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

meermeerti

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) qof warwareeg badan oo kolba xaafad ka sheekeeya. Ma meermeerti baad tahay maxaad aqalkaaga la fadhiisan la'dahay.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

xeerhees

DHAFANDHAAF

m.l (-rar ..., m.l) (kiim.) Haddii falgalayaal loo beddeli karo maxsuullo falgallo isdaba joog ah kaddib, wadarta kulalka falgallada iyadoo la tixgelinayo calaamadahooda waxay la mid tahay kulka falgalka ee kalgalayaasha si toos ah loogu beddelo maxsuullo. Guud ahaan, isbeddelka tamarta oo dhammi marka falgalayaashu noqonayaan maxsuullo kuma xirna jidka la raacayo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

beembeeni

DHAFANDHAAF

f.g2 (-iyay, -isay) 1. Qof been ku maaweelin. 2. Is b.: sirmid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

beembeeni

DHAFANDHAAF

v. amuse someone by telling fibs; pretend, make something seem true that isn't so (for sake of diversion ~ entertainment)

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

beembeeni

DHAFANDHAAF

-yey / say: (v) tell a childish lie to someone; fib (fib) ~ sasab

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

beembeeni

DHAFANDHAAF

(fal) cid kale, hadal beenbeen ah u sheeg. Dacaayadaha la sheegayo beembeeni.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

beembeeni

DHAFANDHAAF
1

de: amuse s.o. by telling fibs; pretend, make s.t. seem true that isn't so (for sake of diversion ~ entertainment)

2

lx: beembeeni

3

pd: (beembeeniyey)

4

ps: v2a=tr

5

key: beembeeni

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

beenbeeni

DHAFANDHAAF

-yey / say: (v) tell a childish lie to someone; fib (fib) ~ sasab

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

beenbeeni

DHAFANDHAAF

(fal) wax aan jirin u sheegsheeg; been ku maaweeli. Yarku muxuu idiin beenbeeniyey.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

meermeeri

DHAFANDHAAF

meermeeri¹: f.g2 (-iyay, -isay) Cid wax sugaysay madadaalo aan run ahayn ku waqtiseejin.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

meermeeri

DHAFANDHAAF

f.g2 (-iyay, -isay) Cid wax sugaysay madadaalo aan run ahayn ku waqtiseejin. m.f.dh, meermeerin.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

meermeeri

DHAFANDHAAF

v. cause to go round and round, make wander

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

meermeeri

DHAFANDHAAF

-yey / say: (v) 1. give a false impression; fail to declare; say one thing and mean another ~ beebbeeni. 2. cause to make a circular rotation

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

meermeeri

DHAFANDHAAF
1

(fal) cid wax kaa doonaysa kolba ballan been ah iyo cudurdaar u sheego. Nin baahan oo wax kuu soo doontay meermeeri ha is odha Dh: warwareeji, naanaabi.

2

meermeeri: (fal) wadwad oo kolba meel ge Gaadhiga soo meermeeri gacantu ha kuu fadhiisatee. Dh: wadwad, kaxkaxee.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

meermeeri

DHAFANDHAAF
1

de: cause to go round and round, make wander

2

lx: meermeeri

3

pd: (meermeeriyey)

4

ps: v2a=pl

5

key: meermeeri

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Leegleegsi

DHAFANDHAAF
1

(Leegleegsi-ga)

2

Leegleegsasho.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

leegleegsi

DHAFANDHAAF

m.l la-mid: leegleegsasho.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

leegleegsi

DHAFANDHAAF

-ga: (magac, lab, keli) eeg leegleegad.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Meermeerto

DHAFANDHAAF
1

(Meermeerta-da)

2

Isku-kor-wareeg xoog badan oo biyaha badda iyo webiyaashu yeeshaan oo ceel wareega haya u ekaadaan; mid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

meermeerto

DHAFANDHAAF

m.dh (-ooyin, m.l) 1. Biyo mool ah oo xiis hoos ku leh. 2. Kukta madaxa meesha ay timuhu wareegga ka billaabaan. la-mid: meertammeerto.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

meermeerto

DHAFANDHAAF

m.dh (-ooyin, m.l) 1. Biyo mool ah oo xiis hoos ku leh. 2. Kukta madaxa meesha ay timuhu wareegga ka billaabaan. la-mid: meertammeerto.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

meermeerto

DHAFANDHAAF

f. n. whirlpool

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

meermeerto

DHAFANDHAAF

-meermeertada: (n) vortex (voor 'takis); whirlpool (weelpuul), especially a whirling mass of water in the ocean that sucks in everything near it

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

meermeerto

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) isku korwareeg xoog badan oo ay biyaha badda iyo webiyaashu sameeyaan oo ceel wareegaya u ekaadaan. Meermeertadu waa meel halis ah oo ay doonyuhu ku rogmadaan.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

meermeerto

DHAFANDHAAF
1

de: whirlpool

2

lx: meermeerto

3

pd: (/da)

4

ps: n6-f

5

syn: mid

6

key: meermeerto

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Leelleeltir

DHAFANDHAAF
1

(Leelleeltir-ka)

2

Wax xoolo ama wax kale ah, oo midiidinka iyo dadka adeega iyo ciidanka waayeelooba, abbaalgud ama kaalmo loo siiyo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

leelleeltir

DHAFANDHAAF
1

leelleeltir¹: m.l Xoolo ama wax kale oo qof hawlgab ah ama ciidan waxyeelloobay abaal gud ahaan loo siiyo.

2

leelleeltir²: f.g1 (-ray, -rtay) Cid masiibo ku dhacday wax siin.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

leelleeltir

DHAFANDHAAF

m. n., [compound] livestock ~ goods given to support someone in distress (e.g., pension, unemployment compensation)

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

leelleeltir

DHAFANDHAAF
1

-ka: (magac, lab, keli) wax la siiyo cid rafaad iyo saxariiri soo martay. Dh: magdhaw.

2

leelleeltir: (fal) qof midiidin ah ama hawlgabay. wax ku filan.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

leelleeltir

DHAFANDHAAF
1

de: livestock ~ goods given to support s.o. in distress (e.g., pension, unemployment compensation)

2

lx: leelleeltir

3

nt: leelleeltir [v1=]

4

pd: (-ka)

5

ps: n2-m-cmp

6

key: leelleeltir

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

xeerneefeed

DHAFANDHAAF

m.l (fiisikis) Xeerarka la xidhiidha heerkulka cadaadiska iyo mugga ee neef cufkeedu go'an yahay. Xeerarka neefta ee ugu muhiimsani waa xeerka Boyle iyo kan Jaarlee.

waa la naqliyay ✓