xayirmid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xayirmid
(Xayirmid-da)
Wax xayiran ama la xayiray noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xayirmid
m.f.dh eeg xayiran². la-mid: xayiran¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xayirmid
-da: (magac, dhedig, keli) wax xayiran noqosho; dhan walba ka go'id. Dh: xannibmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xayirid
(Xayirid-da)
Dhaqdhaqaaq ama socod ama safar u diidid; joojin; celin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xayirid
m.f.dh eeg xayir.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xayirid
-da: (magac, dhedig, keli) hulo kasta la awdidi oo xannibid. Dh: jirrabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qayirmid
(Qayirmid-da)
Beddelmid; doorsamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qayirmid
m.f.dh eeg qayiran¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qayirmid
-da: (magac, dhedig, keli) si kale u bed- delmid. Cadceedda ayaa qayirmidda gaadhiga ugu wacan. Dh: beddelmid, doorsoomid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xayiran
1. La xayiray.
2. (Xayiran-ka) Xayirmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khariif
khariif¹: m.l 1. Xilliga doonyaha shiraaca leh ay xayirmaan dabeysha oo isbeddesha awgeed. 2. Nooc timirta ka mid ah oo aan aad u bislaan, dheg dheg badanna leh.
khariif²: f.mg1 (-fay, -ftay) Doon meel ku xayirmid dabaysha oo isbeddeshay aw-geed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xayiran
xayiran¹: m.l la-mid: xayirmid.
xayiran²: f.mg1 (-rmay, -rantay; -rmi) Wax socodkooda ama fulintooda la is-hortaagay noqosho.
xayiran³: f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Wax la xayiray ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xayiran
xayiran¹: f.mg1 (-rmay, -rantay; -rmi) Wax socodkooda ama fulintooda la is-hortaagay noqosho. m.f.dh, xayirmid.
xayiran²: f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Wax la xayiray ahaansho. m.f.dh, xayirnaan.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
fogbound
/fogbawndh/ (adj) ciiryaamo ku xayirmid, ciiryaamo la dhaqaaqi waayid.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
hold up
/holdh-ap/ (n) 1. xayirmid, xannibmid. e.g. I am sorry I am late, I got held up at the house. (n) 2. dhac, siiba dhicis qoryo iwm laysku qabto.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
lock
/lok/ (n) (v) 1. quful; qufulid. 2. biya xireen (kannaal iwm) 3. ku xayirmid; ku xirmid.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
snarl
/snarl/ (v) 1. cod qaylo ah (siiba xayawaanku sameeyo) 2. isku-murgid (isku-xayirmid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ayimid
m.f.dh eeg ayin². la-mid: ayin¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xirmid
(Xirmid-da)
Wax xirmay ama xiran noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xirmid
m.f.dh eeg xiran¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xirmid
-da: (magac, dhedig, keli) wax xirmay noqosho. Albaabka xirmidda ka ilali.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cayimid
-da:(n) the act of specifying; specification (spase-fi-key-shin) ~ si gaar ah u caddayn; xaddidid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mayrmid
m.f.dh eeg mayran¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mayrmid
-da: (magac, dhedig, keli) uskag ka nadiifoobid; wasakh daahir ka noqosho.
mayrmid -da: (magac, dhedig, keli) biyo ku dhex baabi'id. Midabka shaadhka mayrmidda ka ilaali. Dh: maydhmid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qayimid
-da: (magac, dhedig, keli) meel kutoosid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qayirid
(Qayirid-da)
Beddelid; doorin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qayirid
m.f.dh eeg qayir².
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qayirid
-da: (n) the act of altering, usually by discoloring ~ dhalanrogid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qayirid
-da: (magac, dhedig, keli) si kale u bedde lid. Alaabtu qayirid uma baahnee innoo daa. Dh doorin, qayiris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xaqirid
(Xaqirid-da)
Wax xaqiran ka dhigid; dulleyn; liidid; yasid; quursasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaqirid
m.f.dh eeg xaqir².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaqirid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale yasid oo ixtiraam xumo iyo xurmo la'aan kula dhaqmid. Dh: yasid, yaraysi. Li: xaqdhawrid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
casirmid
-da: (magac, dhedig, keli) calool xanuun dareemid; majiirmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cawirmid
m.dh la-mid: cawarmid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cawirmid
-da: (magac, dhedig, keli) dhaawac noqosho; dhaawacmid.
cawirmid -da: (magac, dhedig, keli) weershe noqosho; mid il la' noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hawirmid
m.f.dh eeg hawiran¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sawirmid
m.f.dh eeg sawiran¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xayiigid
-da: (magac, dhedig, keli) aad u kala jiidid. Dh: ballaadhin, waaxid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xayiraad
(Xayiraad-da)
Xayirmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xayiraad
xayiraad¹: m.dh (-do, m.l) Xayirmid.
xayiraad²: m.dh (-do, m.l) (taar.) Is-hortaag dhaqaale oo la xiriira joojin ganacsi, dhaqdhaqaaqa maraakiibta si looga joojiyo dal isdhaafsiga ganacsiga uu la leeyahay dalalka kale.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xayiraad
xayiraad¹: m.dh (-do, m.l) eeg xayir.
xayiraad²: m.dh (-do, m.l) (taar.) Is-hortaag dhaqaale oo la xiriira joojin ganacsi, dhaqdhaqaaqa maraakiibta si looga joojiyo dal isdhaafsiga ganacsiga uu la leeyahay dalalka kale.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xayiraad
f. n. obstacle, block; state of being stopped, halted ~ delayed
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xayiraad
-da: (n) obstacle (obis-tikal); obstruction (obis-tarak-shin); barrier (baari-yar); hindrance (hin-daransi) ~ xannibaad
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Xayiraad
Impedimento
Impediment
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xayiraad
-da: (magac, dhedig, keli) caddilid oo dhan walba ka xidhid. Xayiraadda ka daa gaadiidka dadwaynaha. Dh: xannibaad.
xayiraad -da: (magac, dhedig, keli) qof shap qabsan lahaa wax shaqadii ka habsaamiya ku samayn.
xayiraad -da: (magac, dhedig, keli) cunaqabatan ku samayn oo bad iyo berriba ka xidhid. Dh: cunaqabatayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xayiraad
de: obstacle, block; state of being stopped, halted ~ delayed
initial: x
lx: xayiraad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: xayiraad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaasirmid
m.f.dh eeg gaasiran¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaasirmid
-da: (magac, dhedig, keli) wax dhimman noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tafiirmid
m.f.dh eeg tafiiran.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tafiirmid
-da: (magac, dhedig, keli) tafiir badan dhalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xallismid
m.f.dh eeg xallisan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xallismid
-da: (magac, dhedig, keli) nabad ku dhammaasho; xal u helid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xannibmid
m.f.dh eeg xanniban¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaydaamid
m.f.dh eeg xaydaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaydaamid
-da: (magac, dhedig, keli) dayr u samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xayraamid
(Xayraamid-da)
Xayraan noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xayraamid
m.f.dh eeg xayraan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xayraamid
-da: (magac, dhedig, keli) xayraan noqosho. Xerta maqaamyada xayraamidda ayaa ku badan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xayir
f.g1 (-ray, -rtay) Wax socodkooda ama fuliddooda is-hortaagid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xayir
f.g1 (-ray, -rtay) Wax socodkooda ama fuliddooda is-hortaagid. m.f.dh, xayirid.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Xayir
Impedance
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xayir
v. delay, detain, block
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Xayir
nickname; name-m delay, detain, block. Lit: he who blocks the birthing pathway at the time of delivery
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xayir
-ay / tay: (v) hold back; pull back; block (ba-look); obstruct (obis-tarakt); restrain (ris-tareeyn); restrict (ris-tirikt); hinder (hin-dher) ~ xannib
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Xayir
magac loo baxsho wiil hooyadii ku surmay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xayir
(fal) is hor taag oo shaqada ka carqaladee. Ninkii istabta ka booda liistanka ka xayir. Dh: xannib.
xayir -ka: (magac, lab, keli) xarig lagu dul tuuro fardaha ama dusha lagaga xeero fardo badan dabadeedna lagu qabqabto.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xayir
de: delay, detain, block
initial: x
lx: xayir
pd: (xayiray)
ps: v1=tr
key: xayir
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ximid
-ka: (magac, lab, keli) laag yar oo laba taag u dhaxaysa oo doox weyn ku soo biyo shubta. Dh: luuq, laag, iliil.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xirid
(Xirid-da)
1. Wax la adkaynayo xarig ama wax la mid ah, ku qabasho, ku guntid, ku adkayn.
2. Xabsi gelin, xarig ku xukumid.
3. (albaab, santuukh, jid, bad, kd.) wax aan furrayn, aan ballaqnayn, aan la mari karin, ... ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xirid
m.f.dh eeg xir². la-mid: xirniin.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xirid
-da: (n) 1. the act of closing, 2. the act of imprisoning or arresting; internment (in-teen-mant)-, detention (di-teen-shin) ~ see [eeg] xir
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xirid
-da: (magac, dhedig, keli) Dh: eeg xidhid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
yimid
v., simple past tense: he came
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
yimid
(v) arrived (a-raayvid); come (keem). Ex: tareenkii wuu yimid; the train arrived
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
yimid
de: he came
initial: y
lx: yimid
pd: (yimi)
ps: v4b-3m-past
xe: Mohammed came to my place.
xv: Maxamed meesheydu yimid.
key: yimid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yirid
m.l (daawo) Halaamacoodka cirridka oo ay keento huuro ilkaha iyo cirridka meesha ay iska galaan fariisata. Cirridku wuu bararaa si sahlanna dhiig ayaa uga yimaada. la-mid: yerid (1).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
yirid
m.l (daaw.) Halaamacoodka cirridka oo ay keento huuro ilkaha iyo cirridka meesha ay iska galaan fariisata. Cirridku wuu bararaa si sahlanna dhiig ayaa uga yimaada. la-mid: yerid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yirid
-ka: (magac, lab, keli) xanuun afka ku dhaca oo ilkaha iyo cirridka waxyeela. Wiilka yirid baa haya. Dh: yerid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ayidid
m.f.dh eeg ayid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ayidid
-da: (magac, dhedig, keli) taageeris dhan waliba noqon karta. Dh: ayidaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barmid
m.f.dh eeg baran¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barmid
-da: (magac, dhedig, keli) labo badh noqosho. Joonyadda iyada oo buuxda qaad oo barmid ha ku qaadin. Dh: badhmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bayrid
m.f.dh eeg bayr³. la-mid: bayr¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bayrid
-da: (magac, dhedig, keli) dhan u wee- casho. Bayridda ka ilaali oo hagaag u wad. Dh: baydhid, leexad, weecad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Darmid
(Darmid-da)
Wax wax lagu daray ama ku darmay noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
darmid
m.f.dh eeg daran². la-mid: darsamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darmid
-da: (magac, dhedig, keli) ku biirid oo ka mid noqod. Dh: biirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Farmid
(Farmid-da)
Fartoomid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farmid
m.dh la-mid: fartoomid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
farmid
vl. n. sending ~ acting on a message
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farmid
-da: (magac, dhedig, keli) farriin iyo amar qaadasho; wax lagu faray fulin.
farmid-da: (magac, dhedig, keli) wax kale ka sii farcamid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
farmid
cf: faran
de: sending ~ acting on a message
lx: farmid
pd: (-da)
ps: vn-f
key: farmid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hayimi
f.g2 Wax layliyid; dabcin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hayimi
v. train, school, tame
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hayimi
cf: hebed
de: train, school, tame
lx: hayimi
pd: (hayimiyey)
ps: v2a=
key: hayimi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jarmid
m.f.dh eeg jaran¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jarmid
-da: (magac, dhedig, keli) go'id; wax jaran noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
karmid
m.f.dh eeg karan³.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mayrid
(Mayrid-da)
Biyo ku qasaalid; dhiqid; xalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mayrid
m.f.dh eeg mayr². la-mid: mayrniin.