xayiigle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xayiigle
-ha: (magac, lab, keli) yadle xoolo uu la'aa helay. Dh: yedle, xaqle.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xayiig
(fal) aad u kala jiid oo balladhi. Dh: waax.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rayiisle
m.l (-layaal, m.l/dh) 1. Nin xirfaddiisu tahay jaridda iyo habaynta timaha; baarbiyeeri. 2. la-mid: rayiis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rayiisle
-ha: (magac, lab, keli) qofka timaha xiira ama meesha tímaha lagu xiiro. Rayiisle u tag timaha ha kaa xiiree. Dh: timajare, raysle.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xadhigle
-ha: (magac, lab, keli) dillaal xoolaha ina uu ninkii lahaa ka iibsado dadka kale dib uga si iibiya. Dh: dillaal.
xadhigle-ha: (magac, lab, keli) qof shirkad kula heshiiya inuu shaqaale ugu keeno mishaar go'an shaqaalaha uu keenana siiya intii uu shirkadda la soo qaaday in ka yar baaqigana qaata.
xadhigle -ha: (magac, lab, keli) askari qaata dere jada ka sarraysa saddex'alifle ee u dhaxaysa saajin iyo labaxadhigle.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Xajiijle
name-m clever, very active
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Xajiijle
magac loo baxsho wiil firfircoon oo farid ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xayiigid
-da: (magac, dhedig, keli) aad u kala jiidid. Dh: ballaadhin, waaxid.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
aigle
aigle, n.m. - Gorgor; Shimbir weyn oo aragti fiican.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Xayle
nickname; name-m whittish; white flower. Cf: Xaayow, Xay
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ariile
m. n. trader of sheep and goats, goat merchant
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ariile
-ariilaha: (n) exporter of goats and sheep ~ arile
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ariile
-ha: (magac, lab, keli) reer adhi ma ahee, xoole kale an lahayn ama ay ku yaryihiin; reerguuraaga adhiga uun dhaqda. Dh: adhiile.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ariile
de: trader of sheep and goats, goat merchant
lx: ariile
pd: (/ha Pl: ariiley (da))
ps: n7-m, n5b-m
key: ariile
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fayiig
fayiig¹: m.l Daymo aan indhaha aad loo kala qaadeyn iyadoo la fiirinayo wax fog ama iftiin xoog badan oo indhaha ka horyimaada.
fayiig²: f.mg1 (-gay, -gtay) Ku f.: wax indho ku baniixin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fayiig
m.l Daymo aan indhaha aad loo kala qaadeyn iyadoo la fiirinayo wax fog ama iftiin xoog badan oo indhaha ka horyimaada.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fayiig
(fal) indho iyo wixii la mid ah, nusqaan oo tamardarree.
fayiig -ga: (magac, lab, keli) nusqaanta ku dhacda indhaha iyo xubnaha la midka ah iyo tamardarrayntooda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Layiig
(Layiig-ga)
Wax shubma oo sida malabka u culus oo isu haysta; aan sida biyaha khafiif u ahayn; rib.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
layiig
m.l Hoore markuu shubmayo jiidma ee aan googo'in.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
layiig
m.l Hoore markuu shubmayo jiidma ee aan googo'in.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
layiig
m. n., (mass n.): semi-liquid, viscous substance
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
layiig
-ga: (magac, lab, keli) wax shubma oo aan sida biyaha khafiif u ahayne rib ah oo aalaa markuu shubmayo jiitama oo sida malabka u culus. Dh: rib.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
layiig
cf: dhafaag, rib
de: semi-liquid, viscous substance
lx: layiig
pd: (-ga)
ps: n0-m-mass
key: layiig
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wayiig
-ga: (magac, lab, keli) shay aanad nafta ku hagaajin karin oo ay ka maagto. Ka wayiigga wixii xunoo idil ayaa wanaagsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xafiil
(Xafii-sha)
1. Kaftan; xifaale.
2. Tartan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xafiil
f. n. rivalry, competition, contest; joke
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xafiil
-ka: (magac, lab, keli) xifaale kaftanku ku jiro oo wax muuqda la iskugu faano ama la isku dacaayadeeyo. Xafiilka waa lagu kala xanaaqaa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xafiil
cf: kaftan, xifaalo; tartan
de: rivalry, competition, contest; joke
initial: x
lx: xafiil
pd: (/sha)
ps: n-f
key: xafiil
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xasiig
-ta: (magac, dhedig, keli) firida arabikhidu inta ay caanaha leedahay ee aanay aad u adkaan. Dh: xasiid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhiigle
m. n. person defending his own (having intense loyalty)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhiigle
de: person defending his own (having intense loyalty)
lx: dhiigle
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: dhiigle
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Tabiile
name-m skilled, clever, tactful
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wadiige
-ha: (magac, lab, keli) waddo cag ah oon gaaddiidu marin oo inta badan dadka lugaynayaa samaystaan. Wadiigo wadday ku geysaa waddana ceelbay ku geysaa. Dh: wadiiqo.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Xariire
name-m silk (cloth ~ fabric); bleed, doctor an eye disease by bleeding. Lit: purity. Syn: Xariir, Xariiro
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xidigle
-ha: (magac, lab, keli) askari sita derejada sargaalnimada u horraysa; askari derajadiisu u dhexayso saddexadhigle iyo labaxiddigle. Dh: kowle, xiddigle.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fayiigid
m.f.dh eeg fayiig².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fayiigid
-da: (magac, dhedig, keli) indho iyo wixii la mid ah, daciifid oo naaqusid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fayiigis
-ta: (magac, dhedig, keli) aragga indhaha iyo wixii la mid ah, nusqaamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fayiigsi
(Fayiigsi-ga)
Aragga tabarta yar oo odayaasha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fayiigsi
m.l la-mid: fayiigsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fayiigsi
m. n. poor vision
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fayiigsi
-ga: (magac, lab, keli) himbiriirsi oo si adag wax u arkid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fayiigsi
de: poor vision
lx: fayiigsi
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: fayiigsi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fayiigso
f.mg3 (-saday, -satay) Indho binixsi samayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fayiigso
(fal) himbiriirso kolka aad wax feerinayso, aragga oo gaabtay awgii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ra'iisle
m.l Ninka timaha madaxa dadka gaagaabiya ama qurxiya. la-mid: rayiisle.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ra'iisle
-ra'iislaha: (n) barber (baar'ber); barber shop ~timajare, baarbayeeri
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ra'iisle
-ha: (magac, lab, keli) qofka ama meesha timaha xiirta.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ra'iisle
a: rayiisle
cf: xiir {N > Arb}
de: barber, hairdresser
lx: ra'iisle
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: ra'iisle
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saljigle
m.l (-layaal, m.l/dh) la-mid: barijugle.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xajiimee
f.g2 (-meeyay, -meysay) Cid wax ay ku xajiimooto marin ama taabsiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xajiimee
v. itch, cause itching
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xajiimee
(fal) xajiin u yeel; xajiin ku reeb. Ha is xoqee xajiimee. Dh: xajiimey.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xajiimee
de: itch, cause itching
initial: x
lx: xajiimee
pd: (xajiimeeyey)
ps: v2b=tr
key: xajiimee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xasiigin
m.dh Miro yicibeed oo aan bislaan qardo ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xiddigle
m.l (-layaal, m.l/dh) Sargaal ciidan oo hal xiddig leh.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xiddigle
m.l (-layaal, m.l/dh) Sargaal ciidan oo hal xiddig leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xiddigle
m. n. second lieutenant
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xiddigle
-xiddiglaha: (n) second lieutenant (sekendhi luu-tanant).
laba xiddigle: (n) first lieutenant (farest luu-tanant)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xiddigle
-ha: (magac, lab, keli) askari sita derejada sargaalnimada u horraysa; askari derajadiisu u dhexayso saddexadhigle iyo labaxiddigle. Dh: kowle.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xiddigle
de: second lieutenant
initial: x
lx: xiddigle
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: xiddigle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xajiimaale
-ha: (magac, lab, keli) cayayaan u eg dirxi weyn oo leh xaad haddii ay maqaarla taabato ku dhalisa olol iyo cuncun la isla xoqo o kabxararisa dubka.
xajiimaale -ha: (magac, lab, keli) jaad ka mid ah qolofleyda badaha ku nool oo u eg dhagax isku tuulan dhimashadeedu na deegaanka iyo cimilada badda ayuu halis u yahay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xajiimoole
-ha: (magac, lab, keli) eeg xajiimaale.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Barijugle
(Barijugla-ha)
Saljugle u dhicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barijugle
m.l Dhicidda qof barida si xoog leh dhulka ugu dhufto. la-mid: barijugleyn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
barijugle
m. n., [compound] falling on one's rump
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barijugle
-ha: (magac, lab, keli) eeg badhijugle.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
barijugle
de: falling on one's rump
lx: barijugle
pd: (/ha)
ps: n7-m-cmp
syn: saljugle
key: barijugle
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fayiigsad
m.l la-mid: fayiigsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fayiigsad
-ka: (magac, lab, keli) aragga tabarta yar ee waayeelka; himbiriirsad uu qofka araggu ku adag yahay. Garaaddadan fayiigsaday, markaan rabay in aan fiigo. Dh: fiyiigsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haltiirle
m.l (-layaal, m.l/dh) Wax sida dhisme iyo wixi lamida oo hal tiir kaliya leh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haltiirle
-ha: (magac, lab, keli) dhisme ama wax kale oo ku taagan haltiir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ilmirigle
Ilmirigla-ha)
Aan far nuuxina hayne isha keliya uun ka walacsiina haya; ilgiir; ilmadow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilmirigle
m.l 1. I. ah: qof miskiinnimo aad ah ka muuqato. 2. la-mid: ilmirigleyn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ilmirigle
m. n. weak ~ helpless person
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilmirigle
-ha: (magac, lab, keli) qof miskiinnimo aad ahi ay ka muuqato.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ilmirigle
de: weak ~ helpless person (only able to signal his/her needs with the eyes)
lx: ilmirigle
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: ilmirigle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
magiigane
faal oo wuxuu ku irmaanaadaa dhul iyo dhagax waa afar qolo oo kala ah: Arliya, Hawaa'i, Naari, iyo Maa'i. Arliyo iyo Naari' way is dhaxalgalaan oo waa isku dhan, Hawaai' iyo Maai' dhan bay isku raacaan, dhamaantood Arliya baa dhaxalka leh oo uu Faalku ku hoydaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taswiirle
-ha: (magac, lab, keli) eeg taswiiraale.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xarriigid
-da: (magac, dhedig, keli) xarriiq samayn; jeexid. Dh: jeexid, xarriigis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xayngogla
-da: (magac, dhedig, keli) naag hadduu nin damco doox iyo doc meel uu ku helaba qaylin weyda; naagta kufsiga aan diidin.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
labamidigle
-labamidiglaha: (n) ambidextrous (ambe dhakistes) man who can use both hands equally; two right-handed man
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
labamidigle
-ha: (magac, lab, keli) qof gacantiisa midig iyo tiisa bidix isku si wax ugu qabsada, isku sina ugu wada adeegta. Somatar waa labamidigle.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
luqmaliigle
m.l 1. Magaca loogu yeero neef geel ah oo leh luqun qurxoon. 2. Neef geel ah, da' yar oo cayillan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
luqmaliigle
-ha: (magac, lab, keli) magaca loogu yeedho neef geel ah oo leh luqun qurxoon.
luqmaliigle-ha: (magac, lab, keli) neef geel ah, da' yar oo cayillan.
luqmaliigle -ha: (magac, lab, keli) geel dhallin yar.