xawso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xawso
-da: (magac, dhedig, keli) qaxwe ama shaah kulayl lagu fuudo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xawo
(Xawa-da)
Biyaha laboodka; mino; shahwo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xawo
xawo¹: m.dh Biyaha laboodka; mino; shahwo.
xawo²: m.dh (cilmiga naflayda) Unug taran qaangaadh ah oo socda, oo ay leeyihiin xayawaanka labka ah, oo ay soo daayaan xiniinyuhu.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xawo
m.dh (cilmiga naflayda) Unug taran qaangaadh ah oo socda, oo ay leeyihiin xayawaanka labka ah, oo ay soo daayaan xiniinyuhu.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xawo
f. n., (mass n.): sperm, semen
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xawo
-da: (magac, dhedig, keli) biyaha taranka ee laboodka. Dh: shahwad, mani, xugun.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xawo
de: sperm, semen
initial: x
lx: xawo
pd: (/da)
ps: n0-f-mass
syn: biyo, mino, shahwo
key: xawo
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bawso
v. learn through watching ~ listening
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bawso
-bawsaday / bawsatay: (v) learn by hearing without schooling
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bawso
(fal) waxbarasho ku baro dhegadhegayn. Baabkan bare iima dhigine waanigii bawsadaye.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bawso
de: learn through watching ~ listening
lx: bawso
nt: bawsi (ga) [vn-m]
pd: (bawsaday)
ps: v3a=
key: bawso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qawso
f.mg3 (-saday, -satay) Dab kulaalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qawso
-da: (magac, lab, keli) dab kulaalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xanso
f.g3 (-saday, -satay) Xog cid ku saabsan sir ahaan u raadsasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xanso
f.g3 (-saday, -satay) Xog cid ku saabsan sir ahaan u raadsasho. m.f.dh, xansasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xanso
v. ask ~ inquire secretly about
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xanso
-xansaday I xansatay: (v) pry (paraay); snoop (isnuup); keep one's ears open; obtain information through secret inquiry ~ xogwarayso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xanso
(fal) hadal sir ah u sheego.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xanso
de: ask ~ inquire secretly about
initial: x
lx: xanso
pd: (xansaday)
ps: v3a=tr
key: xanso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xawjo
-da: (magac, dhedig, keli) magac loo yaqaan shaaha la fuudo gaar ahaan ka laga sameeyo bunka ama xansharka.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Xawse
nickname-m mixed; colored
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Xawse
magac loo bixiyo wiil midabkiidu cawlan yahay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qashir
(fal) qalin rasaas qor oo afkiisa fiiq. Qalin rasaaska wiilka yar u qashir. Dh: qor.
qashir: (fal) diirka ka qaad. Muuska aabbo u qashir. Dh: diir.
qashir-ka: (magac, lab, keli) qolofta bunka. Bunka dhan u xaadh qashirkana joonyad ku gur. Dh: xanshar.
qashir -ka: (magac, lab, keli) qaxwe laga sameeyo qolofta bunka oo inta badan ramadaankii lagu aftiro. Dh: xawso, xanshar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaxway
(fal) qaxwe cab, xawso fuud. Kaalay gaxway Dh: qaxwee, shaahee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaxwayn
-ta: (magac, dhedig, keli) qaxwe bun ama shaah ah cabid; xawso fuudid. Qaxwaynta ha ku raagina. Dh: xawsayn, shaahayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaxwe
-ha: (magac, lab, keli) xawso bun ama qashir la kariyay ah. Dh: bun, shaah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xanshar
-ka: (magac, lab, keli) qaxwe ama xawso laga sameeyo qolofta bunka. Dh: qashir, xawso.
xanshar -ka: (magac, lab, keli) qolofta bunka laga diiro. Xanshar si wanaagsan loo saloolaa wuu xawso macaan yahay. Dh: qashir.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dawsho
(fal) ceelka biyo ka soo dhuro. Soo dawsho biyaha ceelka wadaanta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
exayso
f.g3 (-stay, -satay) Dan awgeed wax u doorasho (cid).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
exayso
(fal) dan awgeed wax u doorasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jawnso
f.mg3 (-saday, -satay) Miro qolof kala bixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qawsho
f.g3 (-shaday, -shatay) Calaalin (gocoso, goon).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qawsho
v. munch, eat cereals, nuts ~ grains
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qawsho
(fal) eeg qawlayso.
qawsho -da: (magac, lab, keli) calaalinta gocoso, goon iyo wixii la mid ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qawsho
de: munch, eat cereals, nuts ~ grains (after being roasted, but before being cooked)
lx: qawsho
pd: (qawshaday)
ps: v3a=tr
syn: qariid
key: qawsho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaabso
f.g3 (-saday, -satay) Wax firirsan oo meel wada yaal mar wada qaadasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xaabso
f.g3 (-saday, -satay) Wax firirsan oo meel wada yaal mar wada qaadasho. m.f.dh, xaabsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xaabso
v. gather together ~ up for oneself
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xaabso
xaabsaday / xaabsatay: (v) take away, usually with the hands
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaabso
(fal) wada qaado; xaab meel ku filiqsan ururso. Dh: xankakaabso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xaabso
de: gather together ~ up for oneself
initial: x
lx: xaabso
nt: xaabsad (ka) [vn-m], xaabsasho (/da) [vn-f], xaabsi (ga) [vn-m]
pd: (xaabsaday)
ps: v3a=tr
key: xaabso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaadso
f.g3 (-saday, -satay) Ul, qori iyo wixi lamida sulub ka dhigasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xaadso
v. cut off ~ remove any protruding part of something for oneself
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaadso
(fal) dusha aayar uga qaado. Xaadso kereemka oo gunta ha u dhaadhicin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xaadso
cf: xaadi
de: cut off ~ remove any protruding part of s.t. for oneself
initial: x
lx: xaadso
pd: (xaadsaday)
ps: v3a=tr
key: xaadso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaaqso
f.mg3 (-saday, -satay) Xaako tufid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xaaqso
v. spit, expectorate
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xaaqso
-xaaqsaday / tay: (v) spit out phlegm (faleem); expectorate ~ xaako tuf
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xaaqso
de: spit, expectorate
initial: x
lx: xaaqso
pd: (xaaqsaday)
ps: v3a=intr
key: xaaqso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaasow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) 1. Nafley caato noqosho. 2. Qof carruur badan yeelasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaasow
(fal) carruur badan yeelo. Dh: danow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xajiso
(fal) hayso oo ku fara'adayg. Lacagtaa adaa lehe xajiso. Dh: hayso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xawsee
(fal) xawso fuud; shaah cab. Waar kaalay casariyaha cab oo ila xawsee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
awo
awo¹: m.dh.fk la-mid: aw.
awo²: f.g3 (-wday, -watay) Qof si marakudhegnimo u baryid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
awo
f.g3 (-wday, -watay) Qof si marakudhegnimo u baryid. m.f.dh, awasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xas
(Xas-ka)
Jiq ka samaysan ood ama dhir yaryar; xanbus.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xas
m.l (-sas, m.l) Jiq ka samaysan ood ama dhir yaryar; xanbus.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xas
m. n. thicket, dense impenetrable vegetation
xas m. n. twigs, kindling
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xas
-ka: (n) underbrush (andher-baraash); dense growth of bush
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xas
-ka: (magac, lab, keli) meel jiq ah oo geedaha baxay iyo kuwa engegani ay isku dhex mulaaqan yihiin. Dh: duud, jiq. Li: daleed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xaw
(Xaw-da)
Dig; dhuun; naf.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaw
m.dh 1. Dhuun. 2. Naf.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xaw
f. n. jugular vein; throat
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaw
ereycodeed) erey lagu cabbiro codka di'idda roobka ama shubmidda biyaha. Roob ayaa xawda haya. Dh: shaw.
xaw-da: (magac, dhedig, keli) nafta noolaha ku jirta. Dh: naf.
xaw -da: (magac, dhedig, keli) dhuunta ama halbawle la dhinto haddii la gooyo. Dh: naf, dig, dhuun.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xaw
de: jugular vein; throat
initial: x
lx: xaw
pd: (-da)
ps: n-f
key: xaw
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aaso
(fal) qof ama wax kale, xabaal qodan ku duugo; meel ku qarso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aawo
(Aawa-da)
Daraad; dar; aw.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aawo
m.dh Erey aan keligii istaagin in qodob lahaansho lagu daro mooyee, sida: -diis, -deed, -dood iyo wixi lamida oo macnahiisu yahay qof ama wax dartood. Tusaale: “Cali, Caasha aawadeed ayuu halkan u yimid”. la-mid: aw.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
aawo
m.dh Erey aan keligii istaagin in qodob lahaansho lagu daro mooyee, sida: -diis, -deed, -dood iyo wixi lamida oo macnahiisu yahay qof ama wax dartood. Tusaale Cali, Caasha aawadeed ayuu halkan u yimid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aawo
f. n. sake, reason
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aawo
(fal) aloosan oo sara kac. Dagaalayahaw dem ama aawo anu kuu diyaar ihiye. Dh: aloosan. Li: den, dem.
aawo -da: (magac, dhedig, keli) dar iyo aw; qof ama shey sababtii. Nebigii Allow, adaan aawadaa u ilmaynayaa. Dh: dar, aw, daraad.
aawo-da: (magac, dhedig, keli) gargaar iyo kaalmo. Itaalkii baa i gabay, Aawaan kaa doonayaa. Dh: aaway, gargaar, kaalmo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aawo
a: aw
cf: aawadeed, aawadiis
de: sake, reason Used with possessive pronouns
lx: aawo
pd: (/da)
ps: n0-f
key: aawo
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
also
/oolso/ (adv) waliba ama sidokale; isla markaasna. e.g. Her name is also Deeqa.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
also
/oolso/ (adv) wiliby, hitaa. She is also the president of the company.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
also
ad., na.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aqso
m.dh la-mid: asqo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aqso
f. n. strong thirst
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aqso
-aqsada: (n) extreme thirst ~ asqo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aqso
-da: (magac, dhedig, keli) harraad iyo oon daran.
aqso-da: (magac, dhedig, keli) garanwaaga jahada loo socdo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aqso
de: strong thirst
lx: aqso
pd: (/da)
ps: n-f
see: asqo
key: aqso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
awno
m.dh (-ooyin, m.l) Aseendo; beer weyn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
awno
m.dh (-ooyin, m.l) Aseendo; beer weyn.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ayso
(suffix)-, [with markaad or markay; when you/she...] where or while you or she / we.. Ex: markaad socanayso... when you are walking. Markay arkayso..; when she is seeing...
ayso: (suffix): do for yourself. Ex: shaqayso: work yourself. Danayso: look for your interest
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baso
(Basa-da)
Madaxa dadka meesha ugu korraysa; dhalo; dhako; kug.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baso
m.dh (-ooyin, m.l) 1. Madaxa dadka meesha ugu korraysa, dhalo, dhako. 2. Bidaar.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baso
m.dh (-ooyin, m.l) 1. Madaxa dadka meesha ugu korraysa, dhalo, dhako. 2. Bidaar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baso
f. n. crown of the head
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baso
basada: (n) scalp (iskaalp); skull (iskal) dhako
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baso
-da: (magac, dhaddig, keli) qofka halka ugu sarraysa ee badhtanka madaxa. Dh: basa, dhako, dhalo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baso
de: crown of the head
lx: baso
pd: (/da)
ps: n6-f
syn: dhako, dhalo, kug
key: baso
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
caso
s.m. - xaal, arrin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Caso
magac loo baxsho gabadh aad u casayd xilligii ay dhalatay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cawo
(Cawa-da)
1. Laba-iyo-tobanka saac oo qorraxdu maqan tahay; habeen.
2. Nasiib-wanaag; ayaan; qadan; ul.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cawo
m.dh 1. (-ooyin, m.l) Habeen. 2. Nasiib wanaagsan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cawo
m.dh 1. (-ooyin, m.l) Habeen. 2. Nasiib wanaagsan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cawo
f. n. night
cawo [feminine] n., [abstract] good fortune
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Cawo
name-f night; luck, fate, good fortune. Syn: Ayaan, Nasiib
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cawo
-cawada: (n) 1. night (naayt), especially the hours of darkness ~ habeen, 2. luck (lak) ~ nasiib
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Cawo
magac loo baxsho gabadh la rajaynayo in ay noqoto mid reerka barwaaqo u horseedda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cawo
-da: (magac, dhedig, keli) ayaan; nasiib.
cawo -da: (magac, dhedig, keli) labo iyo tobanka saac ee ay qorraxdu maqan tahay. Dh: habeen.