xawsee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xawsee
(fal) xawso fuud; shaah cab. Waar kaalay casariyaha cab oo ila xawsee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xasee
f.g2 (-seeyay, -saysay) Wax qarin, wax xas ku ridid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xasee
v. hide, put something into a hiding place
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xasee
-yey / xaseysay: (v) conceal (ken-siil); hide (haaydh) ~ qari
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xasee
(fal) xas ama meel qarsoon oo kale ku qari. Dh: xasay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xasee
de: hide, put s.t. into a hiding place
initial: x
lx: xasee
pd: (xaseeyey)
ps: v2b=tr
key: xasee
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Xawse
nickname-m mixed; colored
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Xawse
magac loo bixiyo wiil midabkiidu cawlan yahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aqsee
f.g2 (-seeyay, -saysay) la-mid: asqee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aqsee
v. make someone extremely thirsty
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aqsee
a: aqsaysii ~ asqee
de: make s.o. extremely thirsty
lx: aqsee
pd: (aqseeyey)
ps: v2b=tr
key: aqsee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
awlee
f.mg2 (-leeyay, -leysay) Geel badan si wadajir ah u ololid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
casee
f.g2 (-seeyay, -saysay) 1. Wax midab cas u yeelid. 2. Kabo buraash marin. 3. Qof xisaab socota leh, deyn muddo gaaban siin (banki).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
casee
f.g2 (-seeyay, -saysay) 1. Wax midab cas u yeelid. 2. Kabo buraash marin. 3. Qof xisaab socota leh, deyn muddo gaaban siin (banki). m.f.dh, casayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
casee
v. redden, cause to be red
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
casee
-yey/ casaysay: (v)l. make red; redden (ree-dhen) 2. overdraw (owvar-droo); overdrawing a bank account. 3. polish shoes; make smooth and shiny
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
casee
(fal) eeg casay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
casee
de: redden, cause to be red
lx: casee
pd: (caseeyey)
ps: v2b=
key: casee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cawee
f.mg2 (-weeyay, -weysay) Habeenka gelinkiisa hore sheeko, ciyaaro iyo wixi lamida waqti isku dhaafin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cawee
f.mg2 (-weeyay, -weysay) Habeenka gelinkiisa hore sheeko, ciyaaro iyo wixi lamida waqti isku dhaafin. m.f.dh, caweyn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cawee
v. spend the evening, socialize in the evening
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cawee
-yey / -caweysay: (v) have a chat or a good talk in the evening; socialize (soo-sha-laayz)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cawee
(fal) eeg caway.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cawee
de: spend the evening, socialize in the evening
lx: cawee
pd: (caweeyey)
ps: v2b=
key: cawee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dawee
f.g2 (-weeyay, -weysay) la-mid: daawee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dawee
v. give medicine to, treat medically
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dawee
-yey / daweysay: (v) cure (kiyuur); remedy (ramedi); heal (hiil); treat medically. Ex: dawee bukaanka; cure the patient
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dawee
(fal) bukaan dabiib; qof xanuun hayo hel cudurkiisa nooca uu yahay oo daawo sii. Dh: dabiib, daawee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dawee
a: daawee
de: give medicine to, treat medically
lx: dawee
pd: (daweeyey)
ps: v2b=
key: dawee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fawee
f.g2 (-weeyay, -weysay) Maro fawo u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gasee
f.g2 (-seeyay, -sesay) Xoolo gaso gelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hawee
f.g2 (-weeyay, -weysay) 1. Wax fallisid. 2. Wax hammi gelin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hawee
v. overcome, get the better of someone by offering more (as at an auction), try to do ~ attempt something (in a situation where one
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hawee
(fal) walax, hawo geli.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hawee
de: overcome, get the better of s.o. by offering more (as at an auction), try to do ~ attempt s.t. (in a situation where one is not sure of succeeding)
lx: hawee
nt: haweyn (ta) [vn-f], haweys (ka) [vn-m]
pd: (haweeyey)
ps: v2b=tr
key: hawee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
masee
f.g2 (-seeyay, -seysay) la-mid: misee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
masee
v. make equal, even off
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masee
(fal) isku mid ka dhig; is le'ekaysi.
masee: (fal) eeg masay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
masee
de: make equal, even off
lx: masee
pd: (maseeyey)
ps: v2b=tr
key: masee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rasee
f.g2 (-seeyay, -saysay) Alaab si habaysan isu dul saarid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
rasee
f.g2 (-seeyay, -saysay) Alaab si habaysan isu dul saarid. m.f.dh, rasayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
rasee
v. stack
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
rasee
-yey / raseysay: (v) arrange in orderly layers, one on top of the other; shelve (shaalv); pile (paayl); stack (istaak); heep (hiip)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rasee
(fal) is dul dhigdhig oo wax rasaysan ka dhig.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
rasee
cf: raso
de: stack
lx: rasee
pd: (raseeyey)
ps: v2b=tr
key: rasee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sawee
f.mg2 (-weeyay, -weysay) la-mid: saawee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tasee
f.g2 (-seeyay, -saysay) Wax qarin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tasee
v. ignore, disregard; look down upon
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tasee
(fal) taso ku rid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tasee
de: ignore, disregard; look down upon
initial: t
lx: tasee
nt: tasayn ~ taseyn (ta) [vn-f]
pd: (taseeyey)
ps: v2b=tr
key: tasee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xądee
f.g2 (-deeyay, -deysay) Wax xad u yeelid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xadee
xądee: f.g2 (-deeyay, -deysay) Wax xad u yeelid. m.f.dh, xądayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xadee
v. limit, delimit, set a limit
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xadee
-yey / xadeysay: (v) restrict (ris-tirik); define (difaayn)-, limit (limit)-, confine (kon-faayn) ~ xaddid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xadee
(fal) xad iyo qiyaas lagu ogaado oo la yaqaan u yeel. Xadee mishaharka shaqaalaha shirkadda. Dh: xaday.
xadee: (fal) soohdin u kala samee, daari u dhaxaysa u kala madee. Dh: xadee, madee, daariyee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xadee
de: limit, delimit, set a limit
initial: x
lx: xadee
pd: (xadeeyey)
ps: v2b=tr
key: xadee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xagee
(fal) qof xagayn la ciyaar.
xagee: (fal) adiga oo keli ah neef caano ka maal oo dhan qudha ka lis.
xagee: (fal) dhan keliya kula qabo oo kula legdan. Wiilku legdinta ha bartee uga xagee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xaree
v. fence in, corral
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xaree
-yey / xareysay: (v) 1. drive into a fence or corral (ko-raal); hedge in, fence in ~ xeree. 2. return to its original place. Ex: lacagta xareyso; put your money back in your pocket or wallet
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaree
(fal) meel aamin ah dhig. Dahabka qasnadda ku xaree. Dh: xeree.
xaree: (fal) xerada ku kexee. Dh: xeree.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xaree
cf: xero
de: fence in, corral
initial: x
lx: xaree
pd: (xareeyey)
ps: v2b=tr
key: xaree
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xawle
(Xawla-ha)
Xawlli.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xawle
m. n. fast pace, running fast
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xawle
-ha: (magac, lab, keli) orod xoog badan oo la sii kordhiyo. Anigu orod xawle ah ma ordi karo. Dh: degdeg.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xawle
a: xawlli
de: fast pace, running fast
initial: x
lx: xawle
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: xawle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xawso
-da: (magac, dhedig, keli) qaxwe ama shaah kulayl lagu fuudo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cawree
f.g2 (-reeyay, -raysay) 1. Cid ileyn. 2. Cid ceebeyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cawree
(fal) cid kale, ceebteeda bannaanka keen.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaasee
f.mg2 (-seeyay, -seysay) Ka j.: fal xun oo qof sameeyey ku ciqaabid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jaasee
f.mg2 (-seeyay, -seysay) Ka j.: fal xun oo qof sameeyey ku ciqaabid. m.f.dh, jaasayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jaasee
v. reward in kind, give a reward (bad ~ good) as deserved
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jaasee
-yey /jaaseysay: (v) [with preposition ka] punish (panash), penalize (piina-laays) ~ ka jaasee,
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaasee
(fal) «ka ~ cid kale, wanaag ay fashay ka abaalmari.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jaasee
de: reward in kind, give a reward (bad ~ good) as deserved
lx: jaasee
pd: (jaaseeyey)
ps: v2b=
key: jaasee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jawlee
f.mg2 (-leeyay, -leysay) Cabaadid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jawlee
v. lament, moan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jawlee
(fal) butaac oo same codka 'jaw'. jawni: (fal) miro qolof ka saarid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jawlee
de: lament, moan (of group of people or animals)
lx: jawlee
pd: (jawleeyey)
ps: v2b=
key: jawlee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
narsee
(fal) narso garaac; durban tun. Qasiidaan qaadayaaye bal narsee.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
nausée
nausée, n.f. - Yalaaluggo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaabee
f.mg2 (-beeyay, -baysay) Qoryo la shito ururin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xaabee
v. put firewood into the fire, feed a fire
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaabee
(fal) xaabo guro; qoryo soo gur. Buurta u bax oo soo xaabee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xaabee
de: put firewood into the fire, feed a fire
initial: x
lx: xaabee
pd: (xaabeeyey)
ps: v2b=tr
key: xaabee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaalee
f.mg2 (-leeyay, -laysay) Wax ama cid danayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xaalee
f.mg2 (-leeyay, -laysay) Wax ama cid danayn. m.f.dh, xaalayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xaalee
v. consider, take into consideration, pay attention to
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaalee
(fal) xil iska saar; ihtimaab sii; il gaar ah ku eeg. Wixii dalka dani ugu jirtaba xaalee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xaalee
cf: dan; ka qabo
de: consider, take into consideration, pay attention to
initial: x
lx: xaalee
pd: (xaaleeyey)
ps: v2b=tr
key: xaalee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xadree
f.mg2 (-reeyay, -raysay) (dii.) Xadro ka qaybgelid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xadree
f.mg2 (-reeyay, -raysay) (dii.) Xadro ka qaybgelid. m.f.dh, xadrayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xadree
v. take part in Sufi religious devotions
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xadree
(fal) xadro samee, digri iyo qasaa'id badan akhri. Dh: xadray, digri.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xadree
de: take part in Sufi religious devotions
initial: x
lx: xadree
pd: (xadreeyey)
ps: v2b=intr
key: xadree
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xaggee
Xaggee?
Docdee? Halkee? Meelma?
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaggee
e.we Docdee? Halkee? Meelma?
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xaggee
e.we Docdee? Halkee? Meelma?
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xaggee
loc. question word: where?, which way?, which direction?; whence?
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xaggee
(adv) where (weer). Ex: xaggee buu taleefoonku yaal? Where is the telephone?
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaggee
(falkaabe) erey macnihiisu yahay dhankee ayaa. Xaggee salaadda loo jeestaa. Dh: docdee, halkee, meelma.