xawle
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xawle
(Xawla-ha)
Xawlli.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xawle
m. n. fast pace, running fast
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xawle
-ha: (magac, lab, keli) orod xoog badan oo la sii kordhiyo. Anigu orod xawle ah ma ordi karo. Dh: degdeg.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xawle
a: xawlli
de: fast pace, running fast
initial: x
lx: xawle
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: xawle
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Awle
name-m yelper; yeller
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xawl
-ka: (magac, lab, keli) inta u dhaxaysa labo goor oo seko la bixiyo; sannadka ay sakadu ku waajibto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jawle
m.l Nooc ka mid ah noocyada bariiska.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
JAWLE
(Jawle) C Commiphora erosa Vollesen. Burseraceae.
C Commiphora sphaerocarpa Chiov. Burseraceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jawle
-ha: (magac, lab, keli) jaad ka mid ah noocyada bariiska.
jawle -ha: (magac, lab, keli) midhadigireed tiro yar oo aan bislaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mawle
m.l (dii.) Magacyada Ilaah mid ka mid ah; Eebbe; Alle; Weyne. la-mid: mowle.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
mawle
m.l (dii.) Magacyada Ilaah mid ka mid ah; Eebbe; Alle; Weyne. la-mid: mowle.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Mawle
magacyada Ilaahay mid ka mid ah. Wuxu Mawle kuu qoray cidi kaama moostee miciin waa Ilaahay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mawle
-ha: (magac, lab, keli) godadka maansada mid ka mid ah oo ay dumarku tiriyaan oo siddeed iyo toban god ah. Dh: buraanbur.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qawle
m.l la-mid: qowle.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qawle
-ha: (magac, lab, keli) eeg qawlaysato.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaqle
-ha: (magac, lab, keli) mulkiile; yedle; qof iska leh wax kolkaa la hadal hayo. Xaqlihii aqalka lahaa i tusa waan ka kiraysane. Dh: yadle.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Xarle
name-m one with a distinguishing birthmark
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Xarle
magac loo bixiyo wiil astaan dhalasho gaar ah leh ama midabaysan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xawli
m.l Dheeraynta wax ordaya.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xawli
-ga: (magac, lab, keli) inta uu yahay qiyaasta orodku. Dh: xawaare.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Xawse
nickname-m mixed; colored
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Xawse
magac loo bixiyo wiil midabkiidu cawlan yahay.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Xayle
nickname; name-m whittish; white flower. Cf: Xaayow, Xay
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
karaar
-ka: (magac, lab, keli) korodhka xawaaraha hal ammineedkiiba.
karaar -ka: (magac, lab, keli) orod xoog iyo dheeraynba leh. Dh: xawli, xawle.
karaar -ka: (magac, lab, keli) cayillaan iyo buurnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abawle
-da: (magac, dhedig, keli) ciyaar da' weyn oo la tunto habeenkii oo keliya, waxay na gaar u tahay haweenka. Qalabka lagu tumo waxaa ka mid ah laba durbaan oo yaryar oo la kala yiraahdo jabuu iyo shaanbal.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
bawler
n., dowdowle, -hi.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
dawdle
/dhodhal/ (v) 1. gaabin (dhuukubid) (v) 2. waqti-dhumin (aayar wax u samayn).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jawlee
f.mg2 (-leeyay, -leysay) Cabaadid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jawlee
v. lament, moan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jawlee
(fal) butaac oo same codka 'jaw'. jawni: (fal) miro qolof ka saarid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jawlee
de: lament, moan (of group of people or animals)
lx: jawlee
pd: (jawleeyey)
ps: v2b=
key: jawlee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qawley
m.dh Mindi xoog badan oo hilbaha lagu googooyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qawley
-da: (magac, dhedig, keli) mindi xoog badan oo hilbaha lagu googooyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaalee
f.mg2 (-leeyay, -laysay) Wax ama cid danayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xaalee
f.mg2 (-leeyay, -laysay) Wax ama cid danayn. m.f.dh, xaalayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xaalee
v. consider, take into consideration, pay attention to
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaalee
(fal) xil iska saar; ihtimaab sii; il gaar ah ku eeg. Wixii dalka dani ugu jirtaba xaalee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xaalee
cf: dan; ka qabo
de: consider, take into consideration, pay attention to
initial: x
lx: xaalee
pd: (xaaleeyey)
ps: v2b=tr
key: xaalee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xawlli
(Xawlli-ga)
Orod xoog iyo dheeraynba leh; madhaafaanka orodka, (ama xawle, xowlli).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xawlli
m.l Dheeraynta wax ordaya.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xawlli
m. n. velocity, running fast, quick pace
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xawlli
-ga:(n) the act of moving fast; speed (ispiidh); velocity (valoo-siti); swiftness (iswift-nes) ~ xawaare
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xawlli
de: velocity, running fast, quick pace
initial: x
lx: xawlli
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: xawlli
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xawsee
(fal) xawso fuud; shaah cab. Waar kaalay casariyaha cab oo ila xawsee.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xaawaley
m.dh.u Haween; dumar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaawaley
-da: (magac, dhedig, keli) eeg xaawalay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xalwadle
-ha: (magac, lab, keli) dukaanka ama meesha xalwadda lagu iibsho. Dh: xalwadoole.
xalwadle-ha: (magac, lab, keli) qof xalwadda ka shaqeeya.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Xawaadle
Xawaadle: m. n. name of major Somali clan
Xawaadle name: Hawadle
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Xawaadle
nickname; name-m jugular vein; throat
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Xawaadle
magac loo bixiyo wiil cad sida hunguriga oo kale.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
awe
/oo/awes, awed; (n) 1. layaab iyo cabsi. 2. wax ama qof kaa yaabiya ama aad u qaadan waydid.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
awe
/oo/ (n) obsyi yaab eh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xal
(Xal-ka)
Biyo aan badnayn oo wax lagu xalo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xal
xal¹: m.l Biyo yar oo wax lagu dhaqay.
xal²: f.g1 (-alay, -ashay) Biyo yar weel ku mayrid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xąl
m.l Maaro; mushkilo ama mas'alo maaro u helid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xal
f.g1 (-alay, -ashay) Biyo yar weel ku mayrid. m.f.dh, xalid.
xąl: m.l Maaro; mushkilo ama mas'alo maaro u helid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xal
m. n., (mass n.): solution; small amount of water used for washing
xal v. wash, clean, cleanse
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xal
-ka: (n) solution (saluu-shin); answer (aan-sar)-, decision (di-zi-shiri) ~ daawo, jawaab. Ex: xal sax ah ma haysaa? do you have a correct solution?
xal -ay / xashay: (v) wash (woosh)-, usually in relation to household items; clean (kiliiri) ~ mayr, maydh, dhaq
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xal
(fal) weel maydh oo nadiifi. Kildhiga xal. Dh: qasaal, dhaq.
xal -ka: (magac, lab, keli) biyo uskag ah oo weel lagu maydhay. Xalka innaga daadi.
xal -ka: (magac, lab, keli) go'aan xoog ama xigmad lagu gaadho oo mushkalad lagu soo afjaro. Dh: maaro, furdaamin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xaw
(Xaw-da)
Dig; dhuun; naf.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaw
m.dh 1. Dhuun. 2. Naf.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xaw
f. n. jugular vein; throat
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaw
ereycodeed) erey lagu cabbiro codka di'idda roobka ama shubmidda biyaha. Roob ayaa xawda haya. Dh: shaw.
xaw-da: (magac, dhedig, keli) nafta noolaha ku jirta. Dh: naf.
xaw -da: (magac, dhedig, keli) dhuunta ama halbawle la dhinto haddii la gooyo. Dh: naf, dig, dhuun.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xaw
de: jugular vein; throat
initial: x
lx: xaw
pd: (-da)
ps: n-f
key: xaw
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
aale
-aale: Erey ulajeeddadiisu u dhowdahay kasta, walba, alla (sida had iyo goor-aale, wax alla ama wax allaale).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aale
m.l Geed lugtool ahaan u baxa, sida qasabka, galleyda, maseggada, qaysaraanta iyo wixi lamida.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aale
-ha: (magac, lab, keli) geed meelaha biyo badan laga beerto oo jiriidisa laga tuujiyo sonkor, loona yaqaan aalesonkor.
aale -ha: (magac, lab, keli) qaranka hadhuudhka kiisa quwaaxa macaan ee la muudsado leh. Dh: kiinje.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Aawe
name-m reason, sake. Cf: Aawo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Aawe
magac loo baxsho wiil dhalashadiisii sababtay in la heshiiyo ama la walaaloobo.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
able
/eybal/ (adj) awoodi kara. e.g. I will be able to visit you this weekend.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
able
/eybal/ (adj) tabar, yibaad.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
able
a., kara; (skilful) farsamo badan, wax qaban og.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
aile
aile, n.f. - Baalka (Shimbiraha) (Timaha). Baal (kan shimbiraha, Dayaaradaha iwm.)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Alle
(Alla-ha)
Eebbe; Ilaah; Allaah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
alle
m.l (dii.) Ka aan dhimman ee adduun, aakhiro iyo inta uuman sameeyay ee iska leh, Eebbe, Ilaah, Waaq.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
alle
m.l (dii.) Ka aan dhimman ee adduun, aakhiro iyo inta uuman sameeyay ee iska leh, Eebbe, Ilaah, Waaq.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Alle
m. n. Allah, God
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
Alle
Allaha: (n) Allah, God ~ Ilaah, Rabbi, Waaq
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Alle
magacda Eebbe mid ka mid ah oo u gaar ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Alle
a: Allah
de: Allah, God
lx: Alle
pd: (/ha)
ps: n0-m
syn: Eebbe (/ha)
key: Alle
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
axle
/aksal/ (n) birty dheer oo lugha baabuurky laabaasy.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
bale
/beyl/bales, baling, baled;(adj) 1. raso, wax is kor-kor saaran (taalo).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
bale
/beyl/ (n) wal lys sasaary amy ly kuusy. He stored the bales of clothes in the closet.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
bale
n., (of goods) xidhmo alaabo ah, xidhmadi.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
bawl
/bool/ (v) gaylin; kor u qaylin.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
bawl
/bool/ (v) qayliyow.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
bawl
v., (cry loudly) dowdowlay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cawl
1. (Cawl-ka) Midab casiin-ka-warqab ah.
2. (Caw-sha) Ugaarta waaweyn jaad kamid ah; waxay leedahay: midab cawl ah oo uurka iyo barida ka cad, daliig madow oo wejiga bartankiisa (geesaha taniyo sanka) ku dhilan; geeso marka hore dib u rogan oo kol labaad horay u soo rogmada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cawl
cawl¹: m.l 1. Midab casaan xigeen ah. 2. Cawsha keeda lab.
cawl²: m.dh 1. Ugaarta waaweyn jaad ka mid ah, leh midab casaan xigeen ah, geesa dhaadheer iyo daba gaaban oo bogga ka cad; cawlo. 2. Cawl dhaddig ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cawl
cawl¹: m.l 1. Midab casaan xigeen ah. 2. Cawsha keeda lab.
cawl²: m.dh 1. Ugaarta waaweyn jaad ka mid ah, leh midab casaan xigeen ah, geesa dhaadheer iyo daba gaaban oo bogga ka cad; cawlo. 2. Cawl dhaddig ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cawl
f. n., [collective] antelope species, Soemmering's gazelle
cawl m. n., [abstract] yellow, tan (color)
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Cawl
name-m yellow; tan; antelope
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cawl
-cawsha: (n) gazelle (ga-zaal); antelope (aan-ta-loop)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Cawl
magac loo baxsho wiil midab casaan iyo caddaan isku jira ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cawl
-ka: (magac, lab, keli) cawsha keeda lab.
cawl -ka: (magac, lab, keli) midab ciidciid u eg: midabka cawllaanka ee boodhka la moodo.
cawl-sha: (magacwadareed) ugaadha waaweyn jaad ka mid ah. Waxay leedahay midab cawl ah oo bogga iyo badhida ka cad, dalliig madow oo wejiga bartankiisa mara oo geesaha dhexdooda illaa sanka isku xidha oo qurux gaar ah u yeela. Waxa kale oo ay leedahay, geeso marka hore dib u rogan oo afka kore iskaga soo qaroofan.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
dale
/dheyl/ (n) waadi-yar.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
dale
n., (a valley) far, -ti.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fale
fale¹: m.l (-layaal, m.l/dh) Walax kimikeed oo isbeddel keena.
fale²: m.l (-layaal, m.l/dh) (naxwe) Yeelaha weerta.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fale
fale¹: m.l (-layaal, m.l/dh) (kiim.) Walax kimikeed oo isbeddel keena.
fale²: m.l (-layaal, m.l/dh) (naxwe) Yeelaha weerta. faleebbo m.dh (-ooyin, m.l) (daaw.) Hoore ka kooban, dawo, cusbo, fitimiinno, sonkor oo qof cunto qaadan waayey lagu mudo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fale
m. n. doer, one who acts; subject {grammar}