xawilid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xawilid
m.f.dh eeg xawil. la-mid: xawilad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaawilid
-da: (magac, dhedig, keli) isku dayid; isku tijaabin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aawilid
m.f.dh la-mid: awaalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aawilid
-da: (magac, dhedig, keli) saadaasha iyo ifafaalaha wax soo socda ka warramid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cawilid
-da: (magac, dhedig, keli) wax la waayay, beddelkiisii keenid ama siin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xamilid
-da: (magac, dhedig, keli) adkaysi oo dulqaad yeelasho; dul u yeelasho. Dh: xamilis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xasilid
(Xasilid-da)
Si xasil ah, ku sugnaan; joogsasho; degid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xasilid
m.f.dh eeg xasil².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xasilid
-da: (magac, dhedig, keli) si xasillooni ah ku sugnaan; aguug iyo xuuraan la'aan ku joogid. Dh: degid.
xasilid-da: (magac, dhedig, keli) dagaal iyo iska hor imaad joojin oo qaboojin. Dh: degid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xawilad
m.dh la-mid: xawilid.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
refer
/rifer/ refer to;(v) 1. tixraacid (ku soo halqabsasho) 2. u noqosho (sida buug aad wax ka eegto markaad garan weydo) 3. u dirid (ku wareejin) ku xawilid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miirniin
-ka: (magac, lab, keli) dareere weel uu wax kula jiro ka shubid oo ku kale inta saafiga ah ku xawilid. Miirniinka subaggu waa muhiim.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Naawilid
(Naawilid-da)
Filid; malayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naawilid
m.f.dh eeg naawil.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naawilid
-da: (magac, dhedig, keli) wanaag soo socda filid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taawilid
m.dh la-mid: taawin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taawilid
-da: (magac, dhedig, keli) wax filasho. Dh: rajayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xawilaad
-da: (magac, dhedig, keli) diridda xoolaha la xawilayo lafteeda. Lacag ayaan xawilaad u diyaarshay. Dh: xawilid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xalid
(Xalid-da)
Mayrid; qasaalid; dhaqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xalid
m.f.dh eeg xal².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xalid
-da: (magac, dhedig, keli) maydhid gaar ahaan ta weelasha. Dh: maydhid, xalis, qasaalid. Li: uskagayn. Wa: xalxalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xawil
f.g1 (-ilay, -ishay) Lacag iyo wixi lamida meeshay yiilleen maahee meel kale u beddelid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xawil
f.g1 (-ilay, -ishay) Lacag iyo wixi lamida meeshay yiilleen maahee meel kale u beddelid. m.f.dh, xawilid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xawil
v. transfer (usually money ~ responsibility)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xawil
-ay / xawishay: (v) 1. transfer (taraanis-feer); assign (a-saayn); give to another. 2. transfer money through a money transferring agency
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xawil
(fal) meel ka dir oo meel kale u dir. Kun faran xawil.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xawil
de: transfer (usually money ~ responsibility)
initial: x
lx: xawil
pd: (xawilay)
ps: v1=tr
key: xawil
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xawli
m.l Dheeraynta wax ordaya.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xawli
-ga: (magac, lab, keli) inta uu yahay qiyaasta orodku. Dh: xawaare.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xilid
(Xilid-da)
Xil saarid, xiloodin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xilid
m.f.dh eeg xil².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xilid
-da: (magac, dhedig, keli) xil guur ama xil masuuliydeed saarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cawlid
-da: (magac, dhedig, keli) midab cawl ah, u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hawlid
(Hawlid-da)
Hawl u yeelid; wax la qabto ku qaybin, ku jaadid, u dhiibid; dhibid; shiidaadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hawlid
m.f.dh eeg hawl³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hawlid
-da: (magac, dhedig, keli) hawl la qabto u dirid. Dh: hawlis.
hawlid-da: (magac, dhedig, keli) hawl u yeelid; wax la qabto ku qaybin ama u dhiibid.
hawlid -da: (magac, dhedig, keli) cid kale dhibid; qof kale shiddayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kawlid
m.f.dh eeg kawl². la-mid: shawlid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kawlid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, biyo yar go kawl ah siin. Dh: qulaamin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qawlid
(Qawlid-da)
1. (dhir) Hadba qawl curdan ah, soo saarid, dhalid.
2. Wax agtood isku liilamin, ku leexsanaan, ku garab jiidnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qawlid
m.f.dh eeg qawl².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qawlid
-da: (magac, dhedig, keli) erey ku hadid Qawlid dambe yaan lagaa maqlin. Dh: hadlid, qawlis.
qawlid-da: (magac, dhedig, keli) fiilid oo yurub curdi ah soo bixin. Hadday roob badan heshe qawlidda dhirtu ma raagto. Dh: cagaarid, fiilid, qawlis.
qawlid-da: (magac, dhedig, keli) is qotomin oo cid is ag dhererin. Qowliddiisa ayaan ka shikiyay Dh: liilamid, jiidnaan, isdhererin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xaalid
(Xaalid-da)
Xaal isu sheegasho; xaajeysasho; garramid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaalid
m.f.dh eeg xaal².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaalid
-da: (magac, dhedig, keli) cid laga gar daran yahay xaal siin; cid lagu gefey maydhid. Dh: xaalis, maydhid.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Xadiid
Steel
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xadiid
m. n. railroad
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xadiid
-ka: (n) iron (aay-an); steel (istiil) ~ bir
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xadiid
-ka: (magac, lab, keli) macdanaha cidd jir mid ka mid ah oo aad u adag walxo badan soluhu u baahan yahayna laga sameeyo. Dh: bir.
xadiid-ka: (magac, lab, keli) labada birood ee jiifa ee roorka ama tareenku dul maro; dhabbada tareenka.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xadiid
bw: Arabic
de: railroad Lit: iron
initial: x
lx: xadiid
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: xadiid
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Xamiid
name: Hameed
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Xamiid
name-m grateful, one who praises
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Xamiid
cf: xamdi
de: Hameed
initial: x
lx: Xamiid
ps: name-m
key: Xamiid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xaniid
(Xaniid-ka)
1. Tebediin si gaar ah muufo loogu bisleeyo, oo laga dhigo cadad ad'adag oo engegan oo kaydis iyo ganacsi loogu talaggalay.
2. Hilib kastoo sidaas loo sameeyo; (ama xaaniid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaniid
m.l 1. Tabadiin hilibkeeda si gaar ah tinnaar loogu dubay oo la qallajiyey. 2. Hilib kasta oo tinnaar lagu dubo oo la qallajiyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xaniid
m. n., [collective] preserved fish ~ meat
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaniid
-ka: (magac, lab, keli) tebedin si gaar ah muufo loogu bisleeyo oo laga dhigo cadad ad'adag oo engegan oo kaydis iyo ganacsiba geli kara.
xaniid -ka: (magac, lab, keli) hilib caadi ah oo moofo lagu besleeyo oo aad u jilicsan, geedo iyo xawaashna loo dhammeeyo. Dh: xaaniid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xaniid
de: preserved fish ~ meat (it is dried in an oven, sliced, and then may be salted)
initial: x
lx: xaniid
pd: (-ka)
ps: n-m-col
key: xaniid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xasiid
-da: (magac, dhedig, keli) firida arabikhidu inta ay caanaha leedahay ee aanay aad u adkaan. Dh: xasiig.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xasili
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Wax xasilloon ka dhigid. 2. Lacag iyo wixi lamida helid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xasili
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Wax xasilloon ka dhigid. 2. Lacag iyo wixi lamida helid. m.f.dh, xasilin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xasili
v. calm something down, stabilize; make tranquil; halt, slow down
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xasili
-yey / say: (v) pacify (paa-sifaay); make calm or quiet; tranquillize (taraan-kuwalaayz)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xasili
(fal) deji oo aguugga iyo xuuraanka ka waabi. Lo'da rista ku xasili oo soo cab. Dh: jooji. Li: aguuji.
xasili: (fal) meel kacsan oo qalalaase ka jiro deji oo qabooji. Dh: qabooji.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xasili
de: calm s.t. down, stabilize; make tranquil; halt, slow down
initial: x
lx: xasili
pd: (xasiliyey)
ps: v2a=tr
key: xasili
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xawlli
(Xawlli-ga)
Orod xoog iyo dheeraynba leh; madhaafaanka orodka, (ama xawle, xowlli).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xawlli
m.l Dheeraynta wax ordaya.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xawlli
m. n. velocity, running fast, quick pace
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xawlli
-ga:(n) the act of moving fast; speed (ispiidh); velocity (valoo-siti); swiftness (iswift-nes) ~ xawaare
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xawlli
de: velocity, running fast, quick pace
initial: x
lx: xawlli
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: xawlli
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaylid
m.f.dh eeg xayl.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bawisid
m.f.dh eeg bawis². la-mid: bawis¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Casilid
(Casilid-da)
Meel ama jago uu hayey ka qaadid, ka ridid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
casilid
m.f.dh eeg casil. la-mid: casilaad (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
casilid
-da: (magac, dhedig, keli) qof xil hayay, ka qaadid. Dh: casilaad.
casilid: -da: (magac, dhedig, keli) (is ~) xil iyo shaqo aad haysay iskaga fadhiisad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cawimid
m.dh la-mid: caawinid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cawimid
-da: (magac, dhedig, keli) taageerid; caawimid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cawinid
m.dh la-mid: caawinid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cawirid
m.dh la-mid: cawarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cawiyid
m.dh la-mid: caawiyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cayilid
(Cayilid-da)
Hilib iyo baruur badan yeelasho; wax shilis ama buuran noqosho; naaxid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cayilid
m.f.dh eeg cayil².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cayilid
-da: (magac, dhedig, keli) baruur yeelad; naaxid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dawixid
m.f.dh eeg dawax.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fasilid
m.f.dh eeg fasil². la-mid: fasirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fasilid
-da: (magac, dhedig, keli) maro weyn oo isku taallay, qof ku qiyaasid oo tolid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hawalid
-da: (magac, dhedig, keli) u tudhid dhaqaale oo walaalnimo ku jirto. Dh: halaanhalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hawirid
(Hawirid-da)
Wax liita ka dhigid; dhawrid la'aansho; xannaano-darrayn; laayicid; luggooyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hawirid
m.f.dh eeg hawir². la-mid: hawir¹ (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hawirid
-da: (magac, dhedig, keli) wax liita oo aan macno ku fadhiyin ka dhigid. Dh: yasid; shilid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kawirid
m.f.dh eeg kawir².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kawirid
-da: (magac, dhedig, keli) doon ama markab meeshii loo socday meel aan ahayn u weecin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
masilid
m.dh la-mid: masalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masilid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg masalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
matilid
m.dh la-mid: masalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
matilid
-da: (magac, dhedig, keli) siday wax ahaayeen fal ku samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naqilid
m.f.dh eeg naqil.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nawirid
m.f.dh eeg nawir². la-mid: nawir¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nawirid
-da: (magac, dhedig, keli) wax nuuraya la dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qafilid
(Qafilid-da)
Wax qafilan ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qafilid
m.f.dh eeg qafil². la-mid: qafil¹ (2), qafil¹, quful¹, qufulid, qunful, qu