xawd
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xawd
(Xawd-ka)
Ul dhuuban oo itaal yar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xawd
m. n. cane, thin supple wood ~ branch; switch
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xawd
-ka: (magac, lab, keli) ul dhuuban oo dheer oo shawdhka ka weyn budkana ka yar. Xawd dheer u qaadoo adhiga xurbi. Dh: ul.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xawd
a: xood ~ xowd
de: cane, thin supple wood ~ branch; [ext.] switch
initial: x
lx: xawd
pd: (-ka Pl: xawdad (ka))
ps: n4-m
key: xawd
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xawdh
-ka: (magac, lab, keli) ul dhuuban oo dheer oo shawdhka ka weyn budkana ka yar. Dh: xawd.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xawdi
(fal) xawd la dhac oo ku ulee. Tuugga xawdi xadidda ha daayee. Dh: shawdhiqi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhengad
-da: (magac, dhedig, keli) laan toosan oo geedaha laga goosto xoolahana lagu kaxeeyo ama ujeeddooyin kale loo adeegsado. Dh: ul, xawd, shawdh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhengedee
(fal) cid kale, dhenged la dhac. Dh: ulee, xawdi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dilid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, nafta ka saarid; qudha ka jarid. Dh: dilis.
dilid -da: (magac, dhedig, keli) ilmo yar, xawdin oo yara xanuunin. Dh: ulayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shawdh
-ka: (magac, lab, keli) ul yar oo dhuuban sida kuwa aloolka; sherbi; qaysaraan. Dh: xawd.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shawdhaq
-a: (magac, lab, keli) laan jiljilicsan oo xawdka laga goosto. Dh: shawdh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waxarowaalis
-ka: (magac, lab, keli) geed yar oo ulo bixiya oo ulaha maqasha laga goosto. Waxarowaalista xawd iiga soo goo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weylawad
-ka: (magac, lab, keli) geed yar oo sida xumbooda oo kale ah oon qudax lahayn. Weylowad xawd ka soo gooso aad magasha dareerisidee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xood
(fal) soo god oo qoolaab. Bal soo xood usha an qaanso ka dhigee. Dh: qallooci. Li: toosi.
xood-da: (magac, dhedig, keli) hab ceelasha qaarkood loo shubo. Xoodda baro.
xood -ka: (magac, lab, keli) diilin ama xarriiq tartiib u weecda isaga oo isgodaya dul mara xarriijimo xisaabeed oo u taagan doorsoomidda tiro ama heer wax leeyahay.
xood -ka: (magac, lab, keli) eeg xawd.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xood_1
de: cane, small stick
hm: 1
initial: x
lx: xood
pd: (-ka Pl: xoodad (ka))
ps: n4-m
see: xawd
key: xood_1
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
flog
(beat), v.tr., dhengadee, xawdi, karbaash, qaysaraamee, serwaanee, jeedal, laamee, sergadee, ulee.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
flogging
n., dhenged, -ki, xawdis, -ki, karbaash, -ki, jeedal, -ki, sergad, -ki, sergan, -ti.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
awd
awd¹: m.l la-mid: awdid.
awd²: f.g1 (-day, -dday) Meel bannaan ama daloosha buuxin; daboolid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
awd
f.g1 (-day, -dday) Meel bannaan ama daloosha buuxin; daboolid. m.f.dh, awdid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
awd
v. close (up), shut; cover, obstruct
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
awd
-ay / day: (n) plug (palaag); stop up; close ~ gufee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
awd
(fal) meel qodnayd, aas oo duug.
awd: (fal) meel bannaanayd furayn. Awd meeshaa bannaan. Dh: ood, juf, xidh. Li: fur, bannee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
awd
de: close (up), shut; cover, obstruct
lx: awd
pd: (awday / awdday)
ps: v1=
key: awd
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xad
° (Xad-ka)
Soohdin; seere.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xad
f.g1 (-day, -dday) Hanti qof kale leeyahay si qarsoodi ah u qaadasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xąd
xąd¹: m.l (-dad, m.l) 1. Xudduud; soohdin. 2. la-mid: xaj.
xąd²: m.l (-dad, m.l) (taar.) Xarriiqda kala qaybisa laba hanti ma guurto ah ama laba waddan.
xąd³: f.g1 (-day, dday) 1. Wax is-hortaagid. 2. Wax dhibid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xad
f.g1 (-day, -dday) Hanti qof kale leeyahay si qarsoodi ah u qaadasho. m.f.dh, xadid.
xąd¹: m.l (-dad, m.l) 1. Xudduud; soohdin. 2. la-mid: xaj.
xąd²: m.l (-dad, m.l) (taar.) Xarriiqda kala qaybisa laba hanti ma guurto ah ama laba waddan.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Xad
Limit
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xad
m. n. border, boundary, demarcation, frontier; limit, confine; legal sentence (to physical punishment)
xad v. steal, rob
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xad
-ay / day: (v) steal (istiil); thieve (thiiv); shoplift (shoop-lift); burgle (beer-gat); help oneself; clean out; be light-fingered; commit theft
xad: -ka: (n) boundary (baawn-dhari), border (boor-sher); frontier (faroon-tiir); bound (baawnd); limit (limit)-, limitation (limi-teey-shin) ~ xudduud
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xad
(fal) wax ay dad leeyihiin oon laguu oggolayn adoon lagu arkayn hoos ahaan u qaado. Naftaadu wax xad yaynan ku fikirin weligeed. Dh: tuugayso.
xad: (fal) cid dembi gashay xad ku oog.
xad -ka: (magac, lab, keli) ciqaab lagu fuliyo qof dambi sharci ah galay sida sino, khamri, tuugo, budhcadnimo iyo wixii la mid ah.
xad -ka: (magac, lab, keli) soohdin laba dal ama laba meelood u kala dhaxaysa. Dh: made, daari, xuduud, seere.
xad -ka: (magac, lab, keli) meel astaysan oo wax lagu yaqaan ama ay ku sargo'an yihiin. Dh: heer.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xaw
(Xaw-da)
Dig; dhuun; naf.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaw
m.dh 1. Dhuun. 2. Naf.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xaw
f. n. jugular vein; throat
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaw
ereycodeed) erey lagu cabbiro codka di'idda roobka ama shubmidda biyaha. Roob ayaa xawda haya. Dh: shaw.
xaw-da: (magac, dhedig, keli) nafta noolaha ku jirta. Dh: naf.
xaw -da: (magac, dhedig, keli) dhuunta ama halbawle la dhinto haddii la gooyo. Dh: naf, dig, dhuun.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xaw
de: jugular vein; throat
initial: x
lx: xaw
pd: (-da)
ps: n-f
key: xaw
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bawd
-ka: (magac, lab, keli) ood dheer oo xoolaha ama reerka lagu wareejiyo. Dugaagaaggii baruur cunni jiraa bawd ka soo dhiciye. Dh: mus, sarsar, musdanbeed.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
bawd
n., (a procurer) fataal, -ki (m.), fataalad, -di (f), hawad, ki (m.), hawadad, -di (f.).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cawd
(Cawd-ka)
Meel kulul oo dugsi ah; kob, meel dugsi ah, ku taal, oo neecawdu ka xiran tahay; huur.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cawd
cawd¹: m.l 1. Ururinta xoolo badan meel lagu ururiyo. 2. Meel kulul oo dugsi ah oo neecawdu ka xirantahay.
cawd²: f.g1 (-day, -dday) Xoolo badan meel isugu ururin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cawd
cawd¹: m.l 1. Ururinta xoolo badan meel lagu ururiyo. 2. Meel kulul oo dugsi ah oo neecawdu ka xirantahay.
cawd²: f.g1 (-day, -dday) Xoolo badan meel isugu ururin. m.f.dh, cawdid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cawd
m. n. hot, stuffy place, where the air does not circulate
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cawd
-ka: (magac, lab, keli) meel dugsi ah oo ay naacawdu ka xidhan tahay. Dh: huur.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cawd
cf: huur
de: hot, stuffy place, where the air does not circulate
lx: cawd
pd: (-ka Pl: cawdad (ka))
ps: n4-m
key: cawd
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hawd
(Hawd-ka)
Dhul dhir waaweyn oo cumur ah leh; jiq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hawd
m.l (-dad, m.l) 1. Dhul dhir dhaadheer oo cuur ah leh, buuro lahayn oo aan biyo badnayn. 2. Xarigxarig.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hawd
m.l (-dad, m.l) 1. Dhul dhir dhaadheer oo cuur ah leh, buuro lahayn oo aan biyo badnayn. 2. Xarigxarig.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Hawd
pr. n., loc. Haud [fertile geographic region.]
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hawd
m. n. forest, jungle thicket
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hawd
-ka: (magac, lab, keli) dhul ballaadhan oo dhir waaweyn oo badan leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mawd
(Mawd-ka)
Geeri; wed; dhimasho; (ama mowd).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mawd
m.l Dhimashada nafleyda. la-mid: mowd.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
mawd
m.l Dhimashada nafleyda. la-mid: mowd. mawduuc m.l (-cyo, m.dh) Duluc.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mawd
m. n. death
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
mawd
-da: (n) death (dheeth) the act of dying mowd, wad-ka
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mawd
-ka: (magac, lab, keli) dhimashada ay naftu noolaha ka baxdo. Geeri maxaa u dambeeyey? mawdkaa la sii sido. Dh: meyd, wed, dhimasha mowd, geeri. Li: nolol.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mawd
de: death
lx: mawd
pd: (-ka Pl: mawdad (ka))
ps: n4-m
see: mowd
key: mawd
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sawd
(Sawd-ka)
Cod; dhawaaq; luuq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sawd
m.l (-dyo, m.dh) Cod; dhawaaq; luuq.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sawd
m. n. voice, tone
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sawd
-ka: (magac, lab, keli) cod; dhawaaq; luuq.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sawd
bw: Arabic
cf: cod
de: voice, tone
initial: s
lx: sawd
pd: (-ka Pl: sawdad (ka))
ps: n4-m
key: sawd
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xaad
(Xaad-da)
Timo gaaggaaban oo jilicsan oo aan korin oo oogada ku wada rogan meelo yar maahee (afarta cadcad, madaxa, ...).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaad
m.dh Timo jilicsan oo oogada dadka ka soo baxa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xaad
m.dh Timo jilicsan oo oogada dadka ka soo baxa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xaad
f. n., (mass n.): body hair
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xaad
-da: (n) soft, silky hair that grows on the human body
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Xaad
magac loo baxsho wiil jidhkiisa oo xaad leh dhashay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaad
-da: (magac, dhedig, keli) timo yaryar oo jilicsan oo aan korin oo inta badan oogada ku wada yaal.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xaad
de: body hair
initial: x
lx: xaad
pd: (-da)
ps: n0-f-mass
key: xaad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xawl
-ka: (magac, lab, keli) inta u dhaxaysa labo goor oo seko la bixiyo; sannadka ay sakadu ku waajibto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xawo
(Xawa-da)
Biyaha laboodka; mino; shahwo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xawo
xawo¹: m.dh Biyaha laboodka; mino; shahwo.
xawo²: m.dh (cilmiga naflayda) Unug taran qaangaadh ah oo socda, oo ay leeyihiin xayawaanka labka ah, oo ay soo daayaan xiniinyuhu.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xawo
m.dh (cilmiga naflayda) Unug taran qaangaadh ah oo socda, oo ay leeyihiin xayawaanka labka ah, oo ay soo daayaan xiniinyuhu.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xawo
f. n., (mass n.): sperm, semen
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xawo
-da: (magac, dhedig, keli) biyaha taranka ee laboodka. Dh: shahwad, mani, xugun.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xawo
de: sperm, semen
initial: x
lx: xawo
pd: (/da)
ps: n0-f-mass
syn: biyo, mino, shahwo
key: xawo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xawr
m.l (-rar, m.l) Dhenged yar oo dhuuban.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xayd
(Xayd-da)
Meeshii lagu ogaa oo kor looga kacsanaado, sida salxanyo aad u korreeya ama geeso dib u ceshan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xayd
f.g1 (-day, -dday) Maro iyo wixi lamida kor u qaadid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xayd
v. lift ~ tuck up (one's clothing)
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Xayd
nickname-m lift ~ tucks up (one's clothing). Lit: ready for action
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xayd
(fal) tafaha bannee oo dharka kor u jiil. Tafta xayd oo xawaaraha biiri.
xayd -ka: (magac, lab, keli) dhiig dabiici ah oo dumarka iyo noolashaasha kale badhkood si milayle ah uga yimaad calaamadna u ah qaangaadhnimada iyo dhalooyada. Naag uur leh xayd kama yimaad. Dh: xayl, caado, dhibaad, dhibaaji.
xayd: (tilmaame) dhar ama qof arrin u heellan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xayd
bw: xeyd (and related forms)
de: lift ~ tuck up (one's clothing)
initial: x
lx: xayd
nt: xaydid (da) [vn-f]
pd: (xayday)
ps: v1=tr
key: xayd
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xowd
m. n. cane, small stick
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xowd
de: cane, small stick
initial: x
lx: xowd
pd: (-ka Pl: xowdad (ka))
ps: n4-m
see: xawd
key: xowd
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xalwad
(Xalwad-da)
Cunno waxyaalaha macmacaan ka mid ah oo warango iyo sonkor iyo subag laga sameeyo (ama xalwo).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xalwad
m.dh Cunto macaan oo laga sameeyo sankor, subag, warango, bur iyo wixi lamida oo la cuno.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xalwad
m.dh Cunto macaan oo laga sameeyo sankor, subag, warango, bur iyo wixi lamida oo la cuno.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xalwad
f. n. halva
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xalwad
-da: (n) sweets (iswiitis) made mainly from sugar, cornstarch and ghee ~ xalwo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xalwad
-da: (magac, dhedig, keli) cunto loos, sonkor daqiiq iyo saliid la isku xashay ka samaysan oo la isku shiilay oo aad u macaan. Dh: xalaawad, xalwo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xalwad
de: halva
initial: x
lx: xalwad
pd: (-da)
ps: n1-f
see: xalwo {N}
key: xalwad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xawaad
m.dh Xoolo badan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bawad
-ka: (magac, lab, keli) ceel biyo badan leh. Ceel bawad ah ayaan xoolaha ka waraabinay. Dh: bowad, ma'wi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bawdo
f. n. thigh
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bawdo
-da: (magac, dhedig, keli) lawga iyo misigta inta udhaxaysa, ee hilibka badan leh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bawdo
de: thigh
lx: bawdo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: bawdo
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
bawdy
/boodhi/ (n) shaactiro wasmo ku saabsan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Cawad
name: Awad