xashid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xashid
-da: (magac, dhedig, keli) qooshid oo faraha ku ruquusid. Dh: rufaaqid, cajiimid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xasid
m. n. envy
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xasid
-ka: (n) malice (maalas); envy (en-vi) ~ xasad, xaasidnimo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xasid
(fal) wanaag uu qof heli lahaa ka xannib ama ka xomow oo ha u quudhin. Hadduu ku xasido adna xasid ha is odhane u saamax. Dh: xasad, xaasid.
xasid-ka: (magac, lab, keli) qof dadka kale wanaagooda ka xumaada oo inuu isagu helo wannaagaas oo iyaga laga qaada doona. Xasid ma aflaxo. Dh: xasad, xaasid. Wa: xaasidiin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xasid
de: envy
initial: x
lx: xasid
pd: (-ka)
ps: n-m
see: xasad
key: xasid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xasdid
(Xasdid-da)
Cid xasad kula kicid, xaasid ku noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xasdid
m.f.dh xasad². la-mid: xaasidid, xasidid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xasdid
-da: (magac, dhedig, keli) xaasidnimo kula kicid oo wanaag u quudhi waayid. Dh: xaasidid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xashin
(Xashin-ta)
Kolay harag ah oo wax lagu gurto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xashin
m.dh (-imo, m.l) Maqaar harag ari oo laysku tolay ka samaysan oo lagu kaydiyo abuurka birqalaxda iyo wixi lamida.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xashin
f. n. leather bag
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xashin
-ta: (n) large bag for storing items
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xashin
-ta: (magac, dhedig keli) kolay harag ah oo wax lagu gurto. Xashin ayuu jeeniqaaran yahay. Dh: kolay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xashin
cf: kolay; harag
de: leather bag
initial: x
lx: xashin
pd: (-ta Pl: xashimo (/ha))
ps: n1-f
key: xashin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xashir
(Xashir-ka)
(badar) tumid yar; ilbixin; buunshabbixin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xashir
m.l Badar tuman oo jajab ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xashir
m.l Badar tuman oo jajab ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xashir
f. n. husk (from grain)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xashir
(fal) badar shuqul oo buushiga ka daadi. Dh: shuqul, buushabixi, ilbixi.
xashir -ka: (magac, lab, keli) shuqlidda badarka kolka isha iyo buushiga laga sifaynayo. Dh: shuqul, ilbixin, buushabixin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xashir
a: xanshar
de: husk (from grain)
initial: x
lx: xashir
pd: (-ta)
ps: n2-f
key: xashir
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xashis
-ta: (magac, keli) qooshid oo faraha ku ruquusid. Dh: xashid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xasiid
-da: (magac, dhedig, keli) firida arabikhidu inta ay caanaha leedahay ee aanay aad u adkaan. Dh: xasiig.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cajiimid
-da: (magac, dhedig, keli) qooshidda iyo rufaaqidda budo iyo wax la mid ah. Dh: xashid, cajiimis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rafaagid
-da: (magac, dhedig, keli) daqiiq xashid. Dh: rufaagid, rufaagid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rudhid
-da: (magac, dhedig, keli) daqiiq ama budo qoyan xashis oo sacabbada ku garaacid. Dh: cajiimid, xashid.
rudhid -da: (magac, dhedig, keli) in mar ilkaha lagu goosto goosasho. Dh: hudhis.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
malaxer
malaxer, v. - Cajiimid; xashid (Bur iyo biyo la isku cajiimo).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
axadhid
m.f.dh eeg axadh².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
axadhid
-da: (magac, dhedig, keli) aad u calalin. Axadhidda maydhaxda ha ku badin.
axadhid -da: (magac, dhedig, keli) arrin ama talo si aad ah u lafagurida.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cayshid
m.dh la-mid: ceeshid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cayshid
-da: (magac, dhedig, keli) si wanaagsan u noolaansho. Dh: ceeshid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dabshid
(Dabshid-ka)
Sanada Soomaalida oo qorraxda dhammaadkeeda, oo dab la shido ama la tuuro lagu xuso: Afgooye, dabka ka sokow, waxaa lagu xusaa Istun, dalka intiisa kalena, cayaaro; neyruus; dabtuur; istun.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabshid
m.l Dabbaaldeg lagu maamuuso dhammaadka sanad qorraxeedka Soomaaliyeed oo ku aaddan toddobaadka u dambeeya bisha Luulyo, laguna xuso ciyaaro kala duwan iyo dab la shido.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dabshid
m.l Dabbaaldeg lagu maamuuso dhammaadka sanad qorraxeedka Soomaaliyeed oo ku aaddan toddobaadka u dambeeya bisha Luulyo, laguna xuso ciyaaro kala duwan iyo dab la shido.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Dabshid
m. n., [compound] Somali New Year festival (around early August)
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Dabshid
nickname; name-m bonfire; Somali New Year festival (around early August). Lit: troublemaker; born during the New Year's festival; or he who was born when his family feasted with prosperity after a long, lean period; the first born son after a number of female siblings before him and his parents were longing for a son. Syn: Neyruus. Cf: Diiriye and Diirshe
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dabshid
-ka: (n) 1. the act of lighting a fire. 2. traditional festival
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabshid
-ka: (magac, lab, keli) billawgga sannadka Soomaalida oo inta dab la shido xoolaha lala dhex maro, carruurtuna ka bootaysato. Dh: nayruus.
dabshid: wiil dhashay reerka oo carruur la'aan ka walwalaya ama ayaan farxadeed dhashay. Waxa kale ee loo baxshaa wiil gabdho badan ka daba dhashay.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Dabshid
Duleellada dabayshu babiska uga soo gudubto.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Dabshid
de: Somali New Year festival (around early August) Lit: light fire; See also: Neyruus
lx: Dabshid
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: Dabshid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faashid
m.dh la-mid: faasid².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naqshid
m.f.dh eeg naqash².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naqshid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg naqshadayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rabshid
m.f.dh eeg rabash².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rabshid
-da: (magac, dhedig, keli) buuq gelin, rabshad ku samayn. Dh: rabshadayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Rashiid
name: Rasheed
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Rashiid
name-m wise, righteous, rightly-guided; intelligent, sensible
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Rashiid
bw: Arabic
de: Rasheed
lx: Rashiid
ps: name-m
key: Rashiid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaadhid
-da: (magac, dhedig, keli) harid oo qashin meel ka nadiifin. Xaadhidda waddooyinka waxa loo soo iibiyay qalab casri ah. Dh: fiiqid, salabayn, xaaqid.
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
XANSHIL
Grewia tenax 01
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xanshir
-ka: (magac, lab, keli) qolofta bunka. Dh: qashir, xanshar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xardhid
(Xardhid-da)
Xarad u yeelid, ku dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xardhid
m.f.dh eeg xarar².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xardhid
-da: (magac, dhedig, keli) naqshad iyo farshaxan qurxoon u yeelid. Dh: naqshadayn, qurxin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xashiri
f.g2 (-iyay, -isay) Badar buunshe ka saarid. la-mid: xanshiri.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xashiri
f.g2 (-iyay, -isay) Badar buunshe ka saarid. m.f.dh, xashirin. la-mid: xanshiri.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xashiri
v. husk, pound (grain) to remove the outer skin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xashiri
(fal) badar tun oo buushiga ka sifee. Hadhuudhkaad ridqayso horta xashiri. Dh: feedag, tun, buushabixi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xashiri
de: husk, pound (grain) to remove the outer skin
initial: x
lx: xashiri
pd: (xashiriyey)
ps: v2a=tr
key: xashiri
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xashwad
(Xashwad-da)
(dooni, kd.) dalool ka samaysmay cad qori ama wax kale ah oo dhacay oo xoogga biyuhu jebsheen.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xashwad
m.dh (-do, m.l) Dalool weyn oo ka dalooshama doon iyo wixi lamida.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xashwad
f. n. leak in a ship
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xashwad
-da: (magac, dhedig, keli) dalool ay biyo doonnida uga soo galaan. Dh: dalool.
xashwad -da: (magac, dhedig, keli) halbawle; meel halis ah. Kolkuu warka maqlay xashwaddaa go'day.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xashwad
de: leak in a ship
initial: x
lx: xashwad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: xashwad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xasidid
m.dh la-mid: xasdid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xasidid
-da: (magac, dhedig, keli) xasad samayn; u quudhid la'aan oo wanaagga cidda kale ka xumaan. Xaasidid iska jir waa xanuun xune.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xasilid
(Xasilid-da)
Si xasil ah, ku sugnaan; joogsasho; degid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xasilid
m.f.dh eeg xasil².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xasilid
-da: (magac, dhedig, keli) si xasillooni ah ku sugnaan; aguug iyo xuuraan la'aan ku joogid. Dh: degid.
xasilid-da: (magac, dhedig, keli) dagaal iyo iska hor imaad joojin oo qaboojin. Dh: degid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shid
f.g1 (-day, -dday) 1. Dab iyo wixi lamida hurin. 2. Nal, raadiye iyo wixi lamida daarid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shid
f.g1 (-day, -dday) 1. Dab iyo wixi lamida hurin. 2. Nal, raadiye iyo wixi lamida daarid. m.f.dh, shidid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shid
v. kindle, light, set fire to, ignite
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shid
-ay / day: (v) 1. turn on (teen on) Ex: nalka shid; turn on the light bulb ~ daar. 2. kindle (kin-dhal)-, ignite (ignaayt)-, lit
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shid
(fal) dabka bixi oo afuuf. Dh: ololi. Li: bakhtii.
shid: (fal) nal; tiriig, iyo wixii la mid ah, daar, ifi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shid
de: kindle, light, set fire to, ignite
initial: s
lx: shid
pd: (shiday)
ps: v1=tr
xe: Turn on the light!
xv: Nalka shid!
key: shid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xash
(Xash-ka)
1. Wax la tumay ama la kala soocayo, intiisa burburka ah oo liidata; xashiish.
2. Wax la rafaaqayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xash
m.l.u 1. Jajab yaryar, aan waxtar lahayn oo dhuxusha ka jajaba. 2. Jajab kastoo ka hara qori la qoray ama wax la mid ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xash
m.l.u 1. Jajab yaryar, aan waxtar lahayn oo dhuxusha ka jajaba. 2. Jajab kastoo ka hara qori la qoray ama wax la mid ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xash
m. n., (mass n.): powder, sawdust
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xash
(fal) dhoobo ama daqiiq qoosh; wax qoyanfaraha ku ruquus oo ku rufaaq. Dh: rufaaq, cajiin.
xash: (fal) xajka teg; xaramka aad. Dh: xaj.
xash -ka: (magac, lab, keli) eeg xafash.
xash -ka: (magac, lab, keli) rukunka shanaad ee arkaanta Islaamka. Dh: xaj.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xash
de: powder, sawdust
initial: x
lx: xash
pd: (-ka Pl: xashash (ka))
ps: n4-m-mass
key: xash
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aasid
(Aasid-da)
Xabaal ku ridid; duugid; xabaalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aasid
m.f.dh eeg aas². la-mid: aas¹.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aasid
m. n. acid
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aasid
-ka: (n) acid (aa sidh) ~ aashito, aasidh
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aasid
-da: (magac, dhedig, keli) dhulka u qodidda qof dhintay ama wax kale oo ciidda ku roggid. Dh: aasitaan, duugis, xabaalid. Li: faqid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aasid
de: acid
lx: aasid
pd: (-ka)
ps: n-m
syn: aashito, aasidh
key: aasid
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
aphid
/efad/ (n) qashin-Ally, qashing nonool oo geetho kynool.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
arhid
m.f.dh eeg arah². la-mid: arah¹ (2), arahdoonid (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
arhid
-da: (magac, dhedig, keli) socdaal gelid, si qadhaab iyo midho loo soo gurto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aslid
(Aslid-da)
Asal marin; midabayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aslid
m.f.dh eeg asal³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aslid
-da: (magac, dhedig, keli) midabayn; asal marin. Aslid bay dhiishu u baahan tahay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bashi
-ga: (magac, lab, keli) laanta cawda ah far ka mid ah faraheeda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Basid
(Basid-da)
Bas noqosho; danbasoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
basid
m.f.dh eeg bas².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
basid
-da: (magac, dhedig, keli) gubasho aan qalbac soo hadhin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cashi
(Cashi-ga)
(xoolo) caato iyo tabaryari, cunnaxumo ama uraaddarro ka yimaada; caal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cashi
cashi¹: m.l Cudur xoolaad ka dhasha deriskunoosha oo cad iyo caano yareeyaan ku rido.
cashi²: f.mg1/2 (-iyay, -iday/-isay;-iyi) Xoolo cudur deriskunool ka dhasha oo ay la cad iyo caano yareeyaan ku dhicid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cashi
m.l Cudur xoolaad ka dhasha deriskunoosha oo cad iyo caano yareeyaan ku rido.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cashi
m. n., [abstract] debility, weakness (in livestock)