xasaradays
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xasaradays
-ka: (magac, lab, keli) eeg xasaradayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xasaraday
(fal) cid kale xasarad kula kac. Aaddaday baa isoo yidhi: dadka wada xasaraday, ka ku dilaa dad kuma jiro, kaad dishaana dayid ma leh. Dh: xasaradee, alyadee, maag.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xasaradayn
(Xasaradayn-ta)
Xasarad kula kicid; maagid; adyadeyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xasaradayn
m.f.dh eeg xasaradee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xasaradayn
-ta: (magac, dhedig, keli) xasarad cid kula kicid. Dh: maagid, adyadayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faaradays
-ka: (magac, lab, keli) eeg faaradayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xanaakadays
-ka: (magac, lab, keli) eeg xanaakadayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xasarad
(Xasarad-da)
Gardarro; maag; adyad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xasarad
m.dh Carqalad; shiddo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xasarad
m.dh Carqalad; shiddo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xasarad
f. n. provocation, trouble, annoyance
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xasarad
-da: (n) disturbance (dis-teer-banis); problem (porob-lem); difficulty (difikalti) ~ rabshad, mushkilo, Im, dhibaato, dhib, rabash
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xasarad
-da: (magac, dhedig, keli) gardarro aan toos ahayn oo cid lagula kaco. Dh: xarrago, gardarro, alyad. Wa: xasarado.
xasarad -da: (magac, dhedig, keli) deggenaansho la'aan iyo khilaafyo dagaal. Dh: dhibaato. Wa: xasarado.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xasarad
cf: adyad, maag
de: provocation, trouble, annoyance
initial: x
lx: xasarad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: xasarad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aaladays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg aaladayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faaraday
(fal) looxaan, faarad mari oo ku sin. Albaabka faaraday. Dh: raanday, faaradee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xarakays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg xarakayn.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
XARARAAY
(Hararai) S, May? Flueggea virosa (Willd) Voigt. Euphorbiaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xasaadis
-ka: (magac, lab, keli) geed dharkaynka oo kale ah oo caano leh
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faaradayn
(Faaradayn-ta)
Faarad marin, ku sinsimid; raandayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faaradayn
m.f.dh eeg faaradee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faaradayn
-ta: (magac, dhedig, keli) loox, faarad marin.
faaradayn -ta: (magac, dhedig, keli) looxaan, faarad kaga shaqayn oo ku hagaajin. Dh: raandayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masaafays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg masaafayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaaradayn
-ta: (magac, dhedig, keli) qaarad qaarad u qaybin. Nimankii badmareennada ahaa ayaa qaaradaynta soo saaray. Dh: qaaradays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qadaadays
-ka: (magac, lab, keli) gadaado ku shubid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wadaadays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg wadaadayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wasladays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg wasladayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xabbadays
-ka: (magac, lab, keli) xabbado ku ridid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xalaalays
m.l la-mid: xalaalayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xalaalays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg xalaalayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xalladays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg xalladayn. xalladee: (fal) xallad u yeel oo wax dadka soo jiita ka dhig. Dh: qurxi, xalladay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xarfadays
-ta: (magac, dhedig, keli) xeelad iyo xarfad adeegsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xasaradee
f.g2 (-deeyay, -daysay) Cid dhibaato u gaysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xasaradee
v. make trouble for, disturb
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xasaradee
(fal) cid kale xasarad kula kac; ka gardarraw oo sabab la'aan iska maag. Dh: xasaraday, alyadee, maag.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xasaradee
de: make trouble for, disturb
initial: x
lx: xasaradee
pd: (xasaradeeyey)
ps: v2b=tr
key: xasaradee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xasladayn
-ta: (magac, dhedig, keli) maarayn iyo maamul.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xawaarays
-ka: (magac, lab, keli) orod xoog ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qasacadayn
m.f.dh eeg qasacadee.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Qasacadayn
Canning
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qasacadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) moolgarayn oo qasacado ku cabbayn. Qasacadaynta wershado ayaa sameeya.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sabaradayn
-ta: (magac, dhedig, keli) sabarad ku garaacid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sadaqadays
-ka: (magac, lab, keli) sadaqadayn, sadaqayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaaraamays
-ta: (magac, dhedig, keli) isticmaalkiisa mamnuucid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xasaagaysi
m.l la-mid: xasaagaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xasaagayso
f.g3 (-stay, -satay) Gocasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xushmadays
-ka: (magac, lab, keli) cid maamuusid oo sharfin.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qasacadaysan
-qasacadaysnaa: (adj) preserved and sealed in a can; canned (kaanidh). Ex: cuntada qasacadaysan; the canned food
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qasacadaysan
(tilmaame) qasacad lagu cabeeyey ah. Tamaad qasacadaysan ayaa tukaanka buuxa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shataaradays
-ka: (magac, lab, keli) shataaradayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bararaflays
-ka: (magac, lab, keli) eeg bararaflayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
busaaradayn
-ta: (magac, dhedig, keli) bisaarad ku ridid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calaamadays
-ka: (magac, lab, keli) eeg calaamadayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
canjarafays
-ka: (magac, lab, keli) eeg canjarafayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carqaladays
-ka: (magac, lab, keli) eeg carqaladayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daabaqadays
-ka: (magac, lab, keli) sumad inta kale lagaga soo sooco u yeelid. Daabaqadays u samee ahminka intaanad kaxaynin. Dh: daabaqadayn. daabaqadaysan: (tilmaame) neef calaamadaysan ama suntan. Adhi daabaqadaysan baa gaadhiga saaran. Dh: calaamadaysan, sumadaysan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaxarataysi
m.l la-mid: gaxarataysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaxaratayso
f.mg3 (-stay, -satay) Gaxarato cunid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hayaanadays
-ka: (magac, lab, keli) eeg hayaanadayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
martabadays
-ka: (magac, lab, keli) eeg martabadayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sadaqadaysi
-ga: (magac, lab, keli) sadaqadaysad; sadaqaysad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sadaqadayso
(fal) sadaqad u baxso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shakamadays
-ka: (magac, lab, keli) shakamayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xanaakadayn
(Xanaakadayn-ta)
Hadal xanaakad ah, ku dhihid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xanaakadayn
m.f.dh eeg xanaakadee. la-mid: xanaakad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xanaakadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) hadal dacaayad ah ku dhihid. Dh: dacaayadayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mu'aamaradays
-ka: (magac, lab, keli) shirqool ma leegid; waxyeelo diyaarin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xamaasadaysan
(tilmaame) xamaasadi hayso oo aad u kacsan ah. Dh: xamaasaysan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xammuuradaysi
-ga: (magac, lab, keli) xammuurad marsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xammuuradayso
(fal) xammuurad marso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aaladay
(fal) qalab geli ama dhig. Geerash intaanad furin horta aaladay. Dh: qalabee, aaladee.
aaladay: (fal) hub iyo ciidan sii.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aawaday
(preposition) for my sake ~ dartay. Ex: waxay u joogeen aawaday; they stayed for my sake
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ararays
-ka: (magac, lab, keli) eeg ararayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Asaraar
(Asaraar-ka)
Wax dad kale sheegay oo lagu qabto oo been lagu sheego; dood; muran; beenin; ogaaldiid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
asaraar
asaraar¹: m.l 1. Muran wax jira lagu diidayo. 2. la-mid: araarid.
asaraar²: f.g1 (-ray, -rtay) Muran runta lagu diidayo samayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
asaraar
asaraar¹: m.l Muran wax jira lagu diidayo. Tusaale: Walaal asaraarka iska daa, oo runta noo sheeg.
asaraar²: f.g1 (-ray, -rtay) Muran runta lagu diidayo samayn. m.f.dh, asaraarid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
asaraar
v. contradict, argue, quarrel
asaraar vl. n. argument, quarrel
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
asaraar
(fal) wax la hubo diid oo dafir; muran oo jikaar. Arwaaxdooda oo nool kuwii la asaraaraayay. Dh: inkirid, dafirid, dafiraad.
asaraar-ka: (magac, lab, keli) wax dad kale sheegay oo la diido ama been lagu sheego oo laga murmo. Walaal asaraarka daa, runta na yaynaan inkirin. Dh: jigraar, jikaar, muran, ogaaldiid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bardays
-ta: (magac, dhedig, keli) ul xagga sare ka soo godan, dhabannadana looxsan oo geela lagu kaxeeyo. Dh: ul.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caadays
-ka: (magac, lab, keli) eeg caadayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haarays
-ka: (magac, lab, keli) eeg haarayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maadays
-ka: (magac, lab, keli) bandhig maaweelo iyo maadi ka buuxdo oo qof ama wax ka badani jilaan lana daawado. Waa maadays adduunyadu dadkuna way matalayaan. Dh: majaajillo, maweelo, maadeys.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maarays
-ta: (magac, dhedig,meli) eeg maarayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaarays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg gaarayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qardays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg qardayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saalays
-ka: (magac, lab, keli) saalo dhigis xoolaad. Geel ban jooga oo yamaarug daaqay, saalays badanaa.
saalays -ka: (magac, lab, keli) eeg saalayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saamays
(Saamays-ka)
1. Wax qof ama wax ku yimaada oo raad xoog leh, oo oogada iyo maanku iska gartaan oo wax ku qaybsadaan, ku reeba.
2. Karti wax kale sabab u noqon karta, ama keeni karta, ama abuuri karta ama beddeli karta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saamays
m.l la-mid: saamayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saamays
m. n. effect, impression
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
saamays
-ka: (n) effect (i-fakt) ~ see [eeg] saamayn-ta
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saamays
-ka: (magac, lab, keli) karti wax kale u noqota sabab ku keenta isbeddel.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saamays
de: effect, impression
initial: s
lx: saamays
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: saamays
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saraaye
-ha: (magac, lab, keli) colaad dagaallo iyo ibtilo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saraayo
m.dh Dhibaato weyn; dareen.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saraayo
f. n. anticipation, foresight
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saraayo
-da: iska hor'imaad; dagaal; cadaawad; saraaye.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saraayo
de: anticipation, foresight
initial: s
lx: saraayo
pd: (/da)
ps: n-f
see: saraad {C}
key: saraayo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sarrays
-ka: (magac, lab, keli) eeg sarrayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sarways
-ka: (magac, lab, keli) nidaamin; maarayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaabays
-ta: (magac, dhedig, keli) xaabo gurasho. Meel magaalo ka fog ayaa xaabays lagu yagaan. Dh: qoryays, xaabays.