xaruumid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaruumid
m.f.dh eeg xaruun². la-mid: xaruumbin, xaruubbamid, xuruumid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xuruumid
(Xuruumid-da)
Cod xuruun ah, laabta ka soo saarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xuruumid
m.f.dh la-mid: xaruumid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xuruumid
-da: (magac, dhedig, keli) cod xuruun ah soo saarid. Waa maxay xuruumiddu ma xabeeb ayaa ku haysa?
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faruurmid
(Faruurmid-da)
1. Faruur dillaacsan yeelasho.
2. Webi, keli, kd., dhinac ka dillaacid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faruurmid
m.f.dh eeg faruuran¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faruurmid
-da: (magac, dhedig, keli) faruur ama meel kale oo dillaacsan yeelasho.
faruurmid-da: (magac, dhedig, keli) webi iyo wixii la mid ah. dhinac u dillaacid ama u jeexmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Garruumid
(Garruumid-da)
Lab iyo dheddig isu tegiddood qabyo ah, samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garruumid
m.f.dh eeg garruun².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garruumid
-da: (magac, dhedig, keli) lab iyo dheddig isu tegiddood oo qabyo ah, samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
karuurmid
m.f.dh 1. eeg karuuran¹. 2. eeg karuuran³.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaruumbin
m.dh la-mid: xaruumid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaruud
(fal) shey shey kale xoog u dul marmari oo ku jijibi. Dh: xuruud, camcami, jijibi, marmari.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
arjumid
m.f.dh eeg arjun.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
arjumid
-da: (magac, dhedig, keli) wax qarin; wax daboolid ama aasid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
arrumid
m.f.dh eeg arrun².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aruubid
-da: (magac, dhedig, keli) milidda dareere wax lagu qaso. Dh: walaaqid, qassid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aruurid
m.f.dh eeg aruur. la-mid: ururid, uruurid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aruurid
-da: (magac, dhedig, keli) wax kala baahsanaa, isku keenid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xakumid
m.dh la-mid: xukumid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xakumid
-da: (magac, dhedig, keli) xakun ku ridid oo dembi ku helid ama beriyeelid.
xakumid -da: (magac, dhedig, keli) arrin dacwadi ka socotay go'aan ka soo saarid oo xukun ka gaadhid. Dh: xukumid.
xakumid-da: (magac, dhedig, keli) hogaan maamul hayn oo masuul ahaansho. Dh: xukumid, talin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaruuri
-ga: (magac, lab, keli) qof caadifi ah oo dareenkiisu aad u sarreeyo oon xumaanta qaadan karin caloolxumana lahayn; qof aan dulqaad lahayn. Dh: caadifi, Li: caqlaani.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
casuumid
-da: (magac, dhedig, keli) martiqaadid iyo sooryayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cayuumid
m.f.dh eeg cayuun².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daruurid
(Daruurid-da)
Daruur (tolmo) u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daruurid
m.f.dh eeg daruur4.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daruurid
-da: (magac, dhedig, keli) tolmo iyo wax la mid ah, rigrigo u samayn.
daruurid -da: (magac, dhedig, keli) xardhid iyo qurxin. Ilaahii daa'in ahaayee, samadaa dusha geeyayee, xiddigahaa ku daruurayee. Dh: xardhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faruurid
(Faruurid-da)
Keli, biyammareen, kd., dhinac ka dillaacin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faruurid
m.f.dh eeg faruur³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faruurid
-da: (magac, dhedig, keli) tog, har, webi iyo wixii la mid ah meel dhinac ah ka soo dillaacin. Dh: jeexid, jebin, leexin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gamuumid
-da: (magac, dhedig, keli) si aan weecweecad lahayn oo sigib tiran u goyn oo u jarid. Dh: goyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hamuumid
m.dh eeg hamuun².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hamuumid
-da: (magac, dhedig, keli) wax hamuuni hayso ahaansho, baahi sigaar, qaad, cunto ama wax kale qab. Dh: xaraaro, baahi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haruufid
m.dh la-mid: huruufid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
karuurid
m.f.dh 1. eeg karuur ³. 2. eeg karuur4.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaruufid
m.f.dh eeg qaruuf². la-mid: qaruuf¹, qaruufsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tamuumid
m.f.dh eeg tamuun.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tamuumid
-da: (magac, dhedig, keli) socod degdegsanaan ah. Waxan u soo tamuumay maan helin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tarjumid
(Tarjumid-da)
Af af kale ku fasirid, u rogid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tarjumid
m.f.dh eeg tarjun. la-mid: tarjimid, tarjumo, turjumid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tarjumid
-da: (magac, dhedig, keli) af kale ku fasirid, ku beddelid, ku macnayn oo u rogid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xakuumad
-da: (magac, dhedig, keli) gole wasaaradeed oo fulinta hawlaha caadiga ah u xilsaaran oo uu ra'iisul wasaare xukumo isaga oo madaxweyne ama bogor ka amar qaadanaya. Dh: xukuumad.
xakuumad -da: (magac, dhedig, keli) dawlad madax bannaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xanuunid
(Xanuunid-da)
Xanuun yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xanuunid
m.f.dh eeg xanuun².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xanuunid
-da: (magac, dhedig, keli) laxaw iyo xanuun yeelasho. Nabar bukaayi xanuunid ma daayo. Dh: xanuunis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xaquuqid
(Xaquuqid-da)
Wax xaquuqan ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaquuqid
m.f.dh eeg xaquuq². la-mid: xaquuq¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaquuqid
-da: (magac, dhedig, keli) dushaka oo renji ama wax kale oo dusha ka marsanla daadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaruumbi
f.mg2 (-iyay, -isay) la-mid: xuruun².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaryamid
m.f.dh eeg xaryan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaryamid
-da: (magac, dhedig, keli) koox badan noqosho. Maroodigu xaryamidda wuu jecel yahay oo keli ma socdo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xasuuqid
m.f.dh eeg xasuuq.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xasuuqid
-da: (magac, dhedig, keli) aad wax u layn oo u gumaadid. Dh: layn, gumaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaruubbamid
m.dh la-mid: xaruumid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
asaruurmid
m.f.dh eeg asaruuran¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Asaruurid
(Asaruurid-da)
God ama ceel ama wax la mid ah, ciid ka buuxin, xabaalid, dhulka la simid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
asaruurid
m.f.dh eeg asaruur². la-mid: asaruur¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
asaruurid
-da: (magac, dhedig, keli) god ama ceel ama wax la mid ah, ciid ka buuxin oo xabaalid oo dhulka la simid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baduugmid
m.f.dh eeg baduugan¹. la-mid: baduuqmid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baduugmid
-da: (magac, dhedig, keli) burburid oo wax jajabay ahaansho. Dh: burburid, jajabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baduuqmid
m.dh la-mid: baduugmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Carbuunid
(Carbuunid-da)
Wax la gatay, carbuun ka bixin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carbuunid
m.f.dh eeg carbuun².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carbuunid
-da: (magac, dhedig, keli) wax lagu heshiiyey kala iibsigiisa curaar ka sii bixin. Dh: curaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daguugmid
m.f.dh eeg daguugan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daguugmid
-da: (magac, dhedig, keli) xobkismid oo wixii dul saarnaa ka hobobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ganguumid
m.f.dh eeg ganguun.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garruumin
-ta: (magac, dhedig, keli) labka iyo dhedigga isku galmoodkooga oo qabyo ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaduudmid
m.f.dh eeg kaduudan¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
macsuumid
m.f.dh eeg macsuum².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macsuumid
-da: (magac, dhedig, keli) casuumad u samayn. Macsuumiddu waxay ku fiican tahay cid marti ah. Dh: casuumid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
madluumid
m.f.dh eeg madluun². la-mid: madluun¹ (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madluumid
-da: (magac, dhedig, keli) qof madluunsan oo meel uu u ciirsada la' noqosho. Cidlada ayaa wiilka madluumidda ugu wacane iska daaya.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
marduufid
-da: (magac, dhedig, keli) hadal ama wax la qarinayo duuduubid oo kala saarid la'aan ku meel marin. La iskuma marduufee markaan kayga marinaayo. Dh: duuduubid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Masruufid
(Masruufid-da)
Masruuf siin, bixin; nafaqayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
masruufid
m.f.dh eeg masruuf².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masruufid
-da: (magac, dhedig, keli) masruuf siin, biil bixin. Nin aan shaqo hayn masruufid lagama doono. Dh: masruufis, biilin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mayruufid
m.f.dh eeg mayruuf². la-mid: mayruufis².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shamuumid
(Shamuumid-da)
Meel ku soo wada ururid, isku xoomin, ku soo heemasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shamuumid
m.f.dh eeg shammum.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shamuumid
-da: (magac, dhedig, keli) meel ku soo wada ururid; meel isku xoomin; meel ku soo heemasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taluulmid
m.f.dh eeg taluulan¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tayruufid
m.f.dh eeg tayruuf.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
warduubid
-da: (magac, dhedig, keli) xog ururin oo kaydin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xalluufid
-da: (magac, dhedig, keli) jeemid oo wax adag in ka goyin; wax isku yaalla xagga sare ka baarqaadid. Dh: xaadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xarraamid
m.f.dh eeg xarraan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xarraamid
-da: (magac, dhedig, keli) xamaasad iyo kacaannimo la kurbasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xayraamid
(Xayraamid-da)
Xayraan noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xayraamid
m.f.dh eeg xayraan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xayraamid
-da: (magac, dhedig, keli) xayraan noqosho. Xerta maqaamyada xayraamidda ayaa ku badan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xuruubbamid
m.dh la-mid: xaruumid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ruumi
m.l Nooc gogosha guryaha dhulkooda lagu fidsado ka mid ah oo qurxan, adag oo dhogor leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ruumi
m. n., (mass n.): wool, kind of woolen clothing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ruumi
-ga: (magac, lab, keli) gogol laga sameeyey dun ama wax kale oo guryaha lagu goglado, qurux ahaana loo adeegsado.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ruumi
de: wool, kind of woolen clothing
lx: ruumi
pd: (-ga)
ps: n-m-mass
key: ruumi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Uumid
(Uumid-da)
Wax aan hor u jirin abuurid; alkumid; curin; khalqid,
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uumid
m.f.dh eeg uun².
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Uumid
Creazione
Creation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uumid
-da: (magac, dhedig, keli) wax aan hore u jirin abuurid; wax cusub alkumid. Dh: alkumid, curin, khalqid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
arrumi
(fal) neef geela oo sarajooga fadhiisi. Hasha awrka u arrumi. Dh: tu'i, fadhiisi.