xaruumbin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaruumbin
m.dh la-mid: xaruumid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaruumbi
f.mg2 (-iyay, -isay) la-mid: xuruun².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaruumid
m.f.dh eeg xaruun². la-mid: xaruumbin, xaruubbamid, xuruumid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xayuubin
(Xayuubin-ta)
(maro, dub, dabool, kd.) diirid, murxin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xayuubin
m.f.dh eeg xayuubi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xayuubin
-ta: (magac, dhedig, keli) derejo xil ama wax korka kaga dahaadhan xoog kaga qaadid. Xil ka xayuubinta xildhibaanka waa lagu degdegey. Dh: qaadis, xayuubis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ruubin
m.dh la-mid: ruubid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ruubin
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg ruubid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xarbin
m.f.dh la-mid: xarbiyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaruun
xaruun¹: m.l Cod xabeeb leh oo hoos loo yiraahdo. la-mid: xuruubban¹, xuruun¹.
xaruun²: f.mg1 (-uumay, -uuntay; -umi) Cod xabeeb leh hoos u dhihid. la-mid: xaruumbi, xuruubban², xuruun².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xuubin
(Xuubin-ta)
1. Murxin; diirid.
2. Degdeg wax u kaxayn; xugid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xuubin
m.f.dh eeg xuubi².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xuubin
-ta: (magac, dhedig, keli) eryed oo iyaga oo isku duuban kaxayn. Xuubintu ma fiicnee xoolaha aayar u wad. Dh: xugid, xuubis.
xuubin -ta: (magac, dhedig, keli) mudhxin oo diirid. Makiinad ayaan xuubinta baradhaha u soo iibsaday: Dh: xuubis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
arrumin
-ta: (magac, dhedig, keli) fadhiisinta neef geel ah oo sara joogay. Dh: tu'in, fadhiisin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aruuban
(tilmaame) wax qasan ama walaaqan. Caano aruuban baan dhamay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aruubid
-da: (magac, dhedig, keli) milidda dareere wax lagu qaso. Dh: walaaqid, qassid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aruurin
aruurin¹: m.f.dh eeg aruuri. la-mid: aruuris, ururi, uruuri.
aruurin²: m.dh Maanso, shekooyin dhaqan, taariikh nololeed iyo wixi lamida oo dad kala duwan laga soo xigtay oo meel ku wada qoran.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
aruurin
m.dh Maanso, shekooyin dhaqan, taariikh nololeed iyo wixi lamida oo dad kala duwan laga soo xigtay oo meel ku wada qoran.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aruurin
vl. n. assembling, gathering, meeting
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aruurin
-ta: (n) collection (ko lek-shen); gathering, assemble
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aruurin
de: assembling, gathering, meeting
lx: aruurin
pd: (-ta)
ps: vn2-f
key: aruurin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaruuri
-ga: (magac, lab, keli) qof caadifi ah oo dareenkiisu aad u sarreeyo oon xumaanta qaadan karin caloolxumana lahayn; qof aan dulqaad lahayn. Dh: caadifi, Li: caqlaani.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xayuubi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Ka x.: wax qof dusha ka saarnaa xoog uga qaadid. 2. Ka x.: xil, derejo iyo wixi lamida qof ka qaadid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xayuubi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Ka x.: wax qof dusha ka saarnaa xoog uga qaadid. 2. Ka x.: xil, derejo iyo wixi lamida qof ka qaadid. m.f.dh, xayuubin.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xayuubi
-yey / say: (v) [with preposition ka] take away; remove (ri-muuv)-, strip (istirip)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xayuubi
(fal) derejo xil ama wax korka kaga dahaadhan xoog kaga qaad. Ka xayuubi bustaha si uu u kaco. Dh: murxi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daruurin
(Daruurin-ta)
(isu daruurin) gelid, madax isugu ridid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daruurin
m.f.dh eeg daruuri².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daruurin
-ta: (magac, dhedig, keli) rigrig iyo tolmo qurxoon u samayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xafuujin
-ta: (magac, dhedig, keli) sabuun la'aan dhar maydhid oo calaacalaha ama dhulka ku jijibin.
xafuujin -ta: (magac, dhedig, keli) wax jilicsan ama marooyin qoyan gacmaha ku cadaadin oo ku adkayn. Macawisuhu xafuujin uma baahnee wadh uun. Dh: xafuujis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xanuujin
(Xanuujin-ta)
Xanuun u yeelid, gaarsiin, dareensiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xanuujin
m.f.dh eeg xanuuji.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xanuujin
-ta: (n) hurting (heert-ing); causing physical pain; punishment (pa-nash-ment)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xanuujin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax xanuuniya ku jiidid; xanuun dareensiin. Waraabuhu xanuujin ayuu kaaga tegi. Dh: xanuunin, xanuujis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaryamin
m.f.dh eeg xaryami.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaryamin
-ta: (magac, dhedig, keli) ururin oo koox wada socota ka dhigid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xayuubis
-ka: (magac, lab, keli) derejo, xil ama wax korka kaga dahaadhan xoog kaga qaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xuruumid
(Xuruumid-da)
Cod xuruun ah, laabta ka soo saarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xuruumid
m.f.dh la-mid: xaruumid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xuruumid
-da: (magac, dhedig, keli) cod xuruun ah soo saarid. Waa maxay xuruumiddu ma xabeeb ayaa ku haysa?
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daruumaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax la rigrigay oo tolmo qurxoon loo sameeyey ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gargudbin
m.f.dh egg gargudbi. la-mid: gargudbis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garruumin
-ta: (magac, dhedig, keli) labka iyo dhedigga isku galmoodkooga oo qabyo ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xuruubban
xuruubban¹: m.l la-mid: xaruun¹.
xuruubban²: f.mg1 (-amay, -antay) la-mid: xaruun².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaruubbamid
m.dh la-mid: xaruumid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garruumayn
m.f.dh eeg garruumee. la-mid: garruumays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaruufsiin
m.dh eeg qaruufsii. la-mid: qaruufid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
arrumi
(fal) neef geela oo sarajooga fadhiisi. Hasha awrka u arrumi. Dh: tu'i, fadhiisi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aruuri
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Wax kala firirsan meel isugu geyn. 2. Ku a.: wax, wax kale ee ugu geli karo ku libdhin. la-mid: ururi, uruuri.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
aruuri
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Wax kala firirsan meel isugu geyn. 2. Ku a.: wax, wax kale ee ugu geli karo ku libdhin. m.f.dh, aruurin¹. la-mid: ururi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aruuri
v. gather up ~ together, collect, assemble
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aruuri
-yey / say: (v) collect (ko lekf); cause to come together; assemble
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aruuri
(fal) wax kala daadsan meel isugu keen. Dh: ururi, uruuri. Li: baahi, firdhi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aruuri
de: gather up ~ together, collect, assemble
lx: aruuri
pd: (aruuriyey)
ps: v2a=tr
key: aruuri
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Buubin
(Buubin-ta)
1. Eryid, cagaajin.
2. Lalin, haadin, bitin, duulin.
3. (biyo) dhibco ama roob ahaan meel ama qof ku kor doojin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buubin
m.f.dh eeg buubi. la-mid: buubis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buubin
-ta: (magac, dhedig, keli) bajin oo wax maagay ka dhigid. Awrka buubinta ka daa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Carbin
(Carbin-ta)
Hebed ka dhigid; layiyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carbin
m.f.dh eeg carbi. la-mid: carbis (2).
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Carbin
Istruire
To train
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carbin
-ta: (magac, dhedig, keli) qof ama wax kale, rabbayn oo laylitirid. Dh: laylyid, agabbarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Carmin
(Carmin-ta)
1. (weel) carmo marmarin.
2. Tumid yar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carmin
m.f.dh eeg carmi. la-mid: carmayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carmin
-ta: (magac, dhedig, keli) tunniin aan badnayn tumid. Dh: carmis.
carmin -ta: (magac, dhedig, keli) 'weel' carmo marmarin. Dh: carmis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Darbin
(Darbin-ta)
Badarka bisil oo iidaaman oo aan aayar la qaadqaadan ee hadba shan farood iyo caacal buuxa la qaato.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
darbin
m.f.dh eeg darbi². la-mid: sarbin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darbin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax garaacid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Darmin
(Darmin-ta)
(geel, kd.) daran siin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
darmin
m.f.dh eeg darmi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darmin
-ta: (magac, dhedig, keli) geela oo daran la siiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gambin
m.dh la-mid: gembiyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gambin
-ta: (magac, dhedig, keli) weel iyo wixii la mid ah, afka u rogid. Dh: geddin, foorarin, genbin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Garbin
(Garbin-ta)
Garab ku dhufasho, ku riixid; horay u tuurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garbin
m.f.dh eeg garbi². la-mid: garbis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garbin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, garab ku riixid oo ku turfayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guubin
m.f.dh eeg guubi. la-mid: guubis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Harbin
(Harbin-ta)
Horay u riixid ama u dhaqaajin yar oo xoog ku jiro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
harbin
m.f.dh eeg harbi. la-mid: harbis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
harbin
-ta: (magac, keli) horay u riixid ama u dhaqaajin yar oo xoog ku jiro;.
harbin -ta: (magac, dhedig, keli) si xoog ah hore ugu riixid ama u dhaqaajin. Dh: harbis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
harmin
m.f.dh eeg harmi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
harmin
vl. n. contamination
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
harmin
de: contamination
lx: harmin
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: harmin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haruub
(Haruub-ka)
Aabburka dhiisha; doobi; bire; galaas.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haruub
m.l (-bbo/byo, m.dh) 1. Daboolka haanta ama dhiisha. 2. Weelcaanoodka aan daboolka lahayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
haruub
m.l (-bbo/byo, m.dh) 1. Daboolka haanta ama dhiisha. 2. Weelcaanoodka aan daboolka lahayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
haruub
m. n. lid, cover of a milk jar
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
haruub
-ka: (n) lid of a milk vessel [container] used by nomads
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haruub
-ka: (magac, lab, keli) aabudhka dhiisha. Dh: doobi, bidhe, galas.
haruub -ka: (magac, lab, keli) eeg hadhuub.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
haruub
de: lid, cover of a milk jar
lx: haruub
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: haruub
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kumbin
m.f.dh eeg kumbi. la-mid: yumbin. la-mid: kumbis (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kumbin
-ta: (magac, dhedig, keli) biyo wada gelin oo quusin. Dh: kumbis.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
lambin
lambin, adj. - Jiis; Gaabis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
luumbi
m.l Ciyaar dhaqameed lagu jidboodo oo laga yaqaan degaanka Banaadir, muusikadeeduna waa shareero, durbaan iyo codad kala duwan. la-mid: nuumbi.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
luumbi
m.l Ciyaar dhaqameed lagu jidboodo oo laga yaqaan degaanka Banaadir, muusikadeeduna waa shareero, durbaan iyo codad kala duwan. la-mid: nuumbi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
luumbi
-ga: (magac, lab, keli) ciyaar dhaqameed lagu jidboodo oo laga yaqaan degaanka Banaadir, muusikadeeduna waa shareero, durbaan iyo codad kala duwan. Dh: nuumbi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Muumin
(Muumin-ka)
Mu'min.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muumin
m.l la-mid: mu'min.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
muumin
m. n. real ~ true Muslim
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Muumin
name-m a real and true Muslim believer
name-m faithful; true believe
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
muumin
-ah: (adj) [plural muuminiin-ta] devoted Muslim; believer in Islam; pious (paay-es) person in Islam ~ mu'min