xarragaysii
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xarragaysii
f.mg2 (-iiyay, -iisay) Cid aad u sharfid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xarragaysii
(fal) qurxi oo xallad iyo bilic wanaagsan u yeeli. Meeshu waa aroose iga xarragaysii Dh: xarragaysii, xalladee, xarakaysii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xarragaysiin
m.f.dh eeg xarragee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xarragaysiin
-ta: (magac, dhedig, keli) sharraxid oo qurux iyo xallad u yeelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xarragaysi
-ga: (magac, lab, keli) gardarro iyo xadgudub cid ku dayid. Dh: daandaasi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xarragaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax xarrago ka muuqato ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xarragaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax xarrago ka muuqato ahaansho. m.f.dh, xarragaysnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xarragaysan
(tilmaame) qurxan oo xallad iyo bilic wanaagsan loo yeelay ah. Dh: sharraxan, qurxan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jookh
(fal) arratir oo labbis iyo xarrago ku dhaydhay. Dh: qurxi, xarragaysii, dhaydhay, bil. Li: joc arradi, darxumay, basaasi, dullay, dayac.
jookh -a: (magac, lab, keli) madax dad. Colwadaha joc nolol ama jookhiisa mid ii keena. Dh: kur, jooq.
jookh-a: (magac, lab, keli) baalgorayo, koofiyadda joc bogorka lagu joojiyo.
jookh-a: (magac, lab, keli) gogol iyo wax ma mid joc ah oo ay biyo galeen lagana engejin. Dh: siyic.
jookh-a: (magac, lab, keli) sharraxaad qurxineed dhar ama dun.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jookhid
-da: (magac, dhedig, keli) qurxin iyo bilid qof la dhaydhayo, guri iyo sabadiisna la dhaldhalaaliyo. Dh: qurxin, xarragaysiin, dhaydhayid, bilid. Li: arradin, basaasin, dayacid, darxumayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xarragaysnaansho
-ha: (magac, lab, keli) wax la sharraxay oo laga xarragaysiiya ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xarragee
(fal) qurxi oo xallad iyo bilic wanaagsan u yeel. Meeshu waa aroose iga xarragee. Dh: xarragaysii, xalladee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ka xarragaysii
v. do something properly ~ well; make someone dress well
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ka_xarragaysii
de: do s.t. properly ~ well; [ext.] make s.o. dress well
lx: ka xarragaysii
pd: (xarragaysiiyey)
ps: v2a=expr
key: ka_xarragaysii
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sarraysii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Ka s.: wax, wax kale ka kor marin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sarraysii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Ka s.: wax, wax kale ka kor marin. m.f.dh, sarraysiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sarraysii
v. upgrade; put in a high position
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sarraysii
(fal) meel sare geyn ama dhigid, meel sare gaadhsiin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sarraysii
de: upgrade; put in a high position
initial: s
lx: sarraysii
pd: (sarraysiiyey)
ps: v2a=tr
key: sarraysii
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xarragayn
(Xarragayn-ta)
Xarrago ka dhigid; qurxin; wanaajin; muunayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xarragayn
m.f.dh eeg xarragee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xarragayn
-da: (magac, dhedig, keli) qurxin oo xallad iyo bilic wanaagsan u yeelid. Dh: xarakay, qurxin, sharrixid..
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xasaagaysi
m.l la-mid: xasaagaysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xarrageysan
der. [adjective] elegant, smart
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xarrageysan
de: elegant, smart
initial: x
lx: xarrageysan
pd: (xarrageysnaa)
ps: adj-der
key: xarrageysan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xarragaysnaan
m.f.dh eeg xarragaysan. la-mid: xarragaysnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xarragaysnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax qaab qurux badan loo diyaariyay ahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
marxabaysiin
-ta: (magac, dhedig, keli) soo dhawayn mujaamalo iyo koolkoollin badani ka muuqato. Dh: raalligelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
marxabbaysii
f.g2 (-iiyay, -iisay) la-mid: marxabbee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caraysii
f.mg2 (-iiyay, -iisay) 1. Is c.: is daalin. 2. Ka c.: cid caro ku abuurid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caraysii
f.mg2 (-iiyay, -iisay) 1. Is c.: is daalin. 2. Ka c.: cid caro ku abuurid. m.f.dh, caraysiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caraysii
v.caus: anger, make someone angry, enrage, annoy, irritate
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caraysii
-yey / say: (v) [with] preposition ka] anger (ang-ger); provoke (pro-vowk); enrage (en-reyj)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caraysii
(fal) «ka ~» ka xanaaji; ka weyrixi; cadho ku abuur. Dh: cadhaysii.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caraysii
de: anger, make s.o. angry, enrage, annoy, irritate Used with ka
lx: caraysii
pd: (caraysiiyey)
ps: v2a=caus
key: caraysii
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carraysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg carraysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
darraysi
m.l la-mid: darraysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darraysi
-ga: (magac, lab, keli) eed darraysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jarraysi
m.l la-mid: jarraysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
karraysi
m.l la-mid: karraysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
karraysi
-ga: (magac, lab, keli) caafimaad helid oo xanuun ka bogsood. Dh: raysasho, ladnaansho, karraysad, karraysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maragsii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Cid marag ka dhigasho. la-mid: maragso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maragsii
v. cause someone to testify to something; make someone witness something
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maragsii
(fal) tus dhacdada oo markhaati uga dhig. In uu ninkaasi kaa gardaran yahay dadka maragsii. Dh: markhaatisii.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maragsii
de: cause s.o. to testify to s.t.; make s.o. witness s.t.
lx: maragsii
pd: (maragsiiyey)
ps: v2a=tr
key: maragsii
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saraysii
(fal) meel sare saar ama dhig.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tarraysi
m.l la-mid: darraysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaajaysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg xaajaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaasaysi
-ga: (magac, lab, keli) guursi oo islaan iyo carruur yeelad. Dh: xaasaysad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xarakays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg xarakayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xayaysii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Badeeco iyo wixi lamida iidheh u samayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xayaysii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Badeeco iyo wixi lamida iidheh u samayn. m.f.dh, xayaysiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xayaysii
v. advertise
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xayaysii
-yey / say: (v) advertise (adh-var-taays); place an ad; promote (poro-mowt); publicize (pob-li-zaayz) ~ iidheh u samee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xayaysii
(fal) buunbuuni oo ii dheh ka bixi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xayaysii
de: advertise
initial: x
lx: xayaysii
pd: (xayaysiiyey)
ps: v2a=
key: xayaysii
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Yaraaysi
Minimizzare
Belittle
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yaraysii
f.g2 (-iiyay, -iisay) la-mid: yaree.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yaraysii
(fal) wax yar ka dhig. Surwaalka yaraysi. Dh: yaree.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abraarsii
f.lg2 (-iiyay, -iisay) Wax meel ciriiri ah xoog ku dhex marin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barraahsi
m.l la-mid: barraahsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barraahsi
-ga: (magac, lab, keli) barraahsad u fadhiisad. Barraahsiga ka kaca oo xoolaha ka horbaxa. Dh: barraaqsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barraaqsi
m.l la-mid: barraahsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barraaqsi
-ga: (magac, lab, keli) fadhiisi foolxun, si kala daadsan loo fadhiyo. Barraaqsi xumo baali lahayd siday berya hore odayadu sheegeene.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caataysii
f.g2 (-iiyay, -iisay) 1. Wax caato ah ka dhigid. 2. Wax dallan ka dhigid. la-mid: caatee.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caataysii
f.g2 (-iiyay, -iisay) 1. Wax caato ah ka dhigid. 2. Wax dallan ka dhigid. m.f.dh, caataysiin. la-mid: caatee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caataysii
v. put someone on diet, make someone thin ~ slim
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caataysii
(fal) qof aan hilib iyo baruur lahayn ka dhig; caato ka dhig.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caataysii
de: put s.o. on diet, make s.o. thin ~ slim
lx: caataysii
pd: (caataysiiyey)
ps: v2a=tr
key: caataysii
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Carabaysi
-ga: (magac, dhedig, keli) (is ~) Carab ahaan isu urursasho; Carab ahaan isu raacid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carrawsii
(fal) eeg carraabi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farataysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg fadhataysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaajaysii
(fal) cid kale, wax cunno ah ha siin si uu u gaajoodo. Li: cuntaysii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Garraarsi
(Garraarsi-ga)
Garraarsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garraarsi
m.l la-mid: garraarsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garraarsi
-ga: (magac, lab, keli) eeg garraarsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garransii
f.g2 (garransiiyay, garransiisay) Laba qof ama ka badan oo wax isku haya wada hadalsiin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
garransii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Laba qof ama ka badan oo wax isku haya wada hadalsiin. m.f.dh, garransiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
garransii
v. mediate, arbitrate
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
garransii
-yey I say: (v) resolve or settle differences; arbitrate (aar bitareeyt)-, mediate (mii diyeeyt) ~ u gamaq, dhexdhexaadi
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
garransii
de: mediate, arbitrate
lx: garransii
pd: (garransiiyey)
ps: v2a=tr
key: garransii
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
horraysii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Wax dhanka hore xijin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
horraysii
v. cause to be put ahead; make someone ~ something be preceded
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
horraysii
(fal) ka koobaad ee u horreeya ka dhig: xagga hore mari. Li: dambaysii.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
horraysii
de: cause to be put ahead; make s.o. ~ s.t. be preceded
lx: horraysii
pd: (horraysiiyey)
ps: v2a=tr
key: horraysii
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jarraysin
m.dh Xilli subax ah oo iftiin wacani jiro laakiin qorraxdu aanay soo bixin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jarraysin
-ta: (magac, dhedig, keli) qof ama meel wax ka filasho.
jarraysin -ta: (magac, dhedig, keli) wax yar oo martida subaxda hore la siiyo.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
karaarsii
-yey / say: (v) accelerate (ak-salareeyt); speed (ispiid)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
orraxaysi
m.l la-mid: qorraxaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarafaysi
-ga: (magac, lab, keli) baryootamid oo kolba qof wax weydiisasho. Qarafaysiga ardaydu ceeb ma'aha. Dh: dhawrtaysi, sadaqaysi, dewersi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qardaysii
f.lg2 (-iiyay, -iisay) Cid wax amaah u siin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qardaysii
v. lend (money ~ food) to someone
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qardaysii
de: lend (money ~ food) to s.o.
lx: qardaysii
pd: (qardaysiiyey)
ps: v2b=tr
key: qardaysii
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taraarsii
f.lg2 (-iiyay, -iisay) Meel ciriiri ah wax xoog ku marsiin; jiirsiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taraarsii
(fal) jibaaxsii; dardarsii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xarfadays
-ta: (magac, dhedig, keli) xeelad iyo xarfad adeegsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xarraamid
m.f.dh eeg xarraan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xarraamid
-da: (magac, dhedig, keli) xamaasad iyo kacaannimo la kurbasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abaaraysii
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: abaaree.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abaaraysii
(fal) dhul, abaar ka dhig.