xarraga-da
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Xarraga-da
avantage.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xarragaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax xarrago ka muuqato ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xarragaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax xarrago ka muuqato ahaansho. m.f.dh, xarragaysnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xarragaysan
(tilmaame) qurxan oo xallad iyo bilic wanaagsan loo yeelay ah. Dh: sharraxan, qurxan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tarragad
-ka: (magac, lab, keli) nooc kalluunka ka mid ah oo waaweyn. Dh: deerag.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Xaafa-da
quartier.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Xaaja-da
discussion.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Tarraq-da
allumette.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xarragayn
(Xarragayn-ta)
Xarrago ka dhigid; qurxin; wanaajin; muunayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xarragayn
m.f.dh eeg xarragee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xarragayn
-da: (magac, dhedig, keli) qurxin oo xallad iyo bilic wanaagsan u yeelid. Dh: xarakay, qurxin, sharrixid..
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xarragood
(Xarragood-ka)
Si xarrago ah ama xarrago leh u socosho, dhar u qaadasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xarragood
m.f.l eeg xarragoo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xarragood
m.f.l eeg xarragoo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xarragood
v. be dressed in one's best, be elegant ~ refined
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xarragood
-ay / xaragootay: (v) have a graceful style; be elegant (ela-ganti), show style ~ xashaash
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xarragood
-ka: (magac, lab, keli) socod qurxoon iyo lebbis qaabaysan isku darid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xarragood
a: xarragow
de: be dressed in one's best, be elegant ~ refined
initial: x
lx: xarragood
pd: (xarragooday)
ps: v3a=intr
syn: daanshood, mardaaddi
key: xarragood
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Warfaha-da
lettre (de l'alphabet).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xarragaysi
-ga: (magac, lab, keli) gardarro iyo xadgudub cid ku dayid. Dh: daandaasi.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Saraayad-da
diplomatie.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Xannaana-da
soin.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Xaqdarra-da
injustice.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xarragaysii
f.mg2 (-iiyay, -iisay) Cid aad u sharfid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xarragaysii
(fal) qurxi oo xallad iyo bilic wanaagsan u yeeli. Meeshu waa aroose iga xarragaysii Dh: xarragaysii, xalladee, xarakaysii.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xarrageysan
der. [adjective] elegant, smart
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xarrageysan
de: elegant, smart
initial: x
lx: xarrageysan
pd: (xarrageysnaa)
ps: adj-der
key: xarrageysan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xarragaysnaan
m.f.dh eeg xarragaysan. la-mid: xarragaysnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xarragaysnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax qaab qurux badan loo diyaariyay ahaan.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Aaya-da
1) belle-mère, 2) verset.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barraad
-ka: (magac, lab, keli) shaah si gaar ah loo kariyo oo inta caleenta lagu badiyo aad loo bisleeyo caanahana lagu daro. Li: dhegabal.
barraad -ka: (magac, lab, keli) jalammadda lagu bisleeyo shaahaa caleenta iyo sonkortuba lagu badiyo qudheeda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daragad
m.dh la-mid: dargad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
darraad
m.dh la-mid: dorraad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
darraad
f. n. the day before yesterday
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darraad
-da: (magac, dhedig keli) maalinkii shalay maalinkii ka horreeyey. Darraad ayaan safar ka imid. Dh: dorraato.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
darraad
a: dorraad
de: the day before yesterday
lx: darraad
pd: (-da)
ps: n0-f-time
key: darraad
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Hara-da
lac.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Harraad
(Harraad-ka)
Sida la noqdo kolka biyo la cabbo la waayo; oon; surmi; asqo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
harraad
harraad¹: m.l Baahi biyo loo qabo.
harraad²: f.mg1 (-day, -dday) Biyo u baahasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
harraad
harraad¹: m.l Baahi biyo loo qabo.
harraad²: f.mg1 (-day, -dday) Biyo u baahasho. m.f.dh, harraadid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
harraad
m. n., [collective] thirst
harraad [inchoative] v. be ~ become thirsty
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
harraad
-ka: (n) thirst (therest) ~ oon
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
harraad
(fal) biyo u baaho; cid biyo u baahan noqo. Dh: oon, asqow.
harraad -ka: (magac, lab, keli) baahida iyo hamuunta la yeesho kolka la waayo wax la cabo. Dh: oon, surmid, asqo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
warraad
-ka: (magac, lab, keli) qof biyo dhaamiya oo ka iibiya dadka kale. Waraad ayaa noo keenay biyaha. Dh: biyoole.
warraad -ka: (magac, lab, keli) eeg warraaq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xarakad
m.dh la-mid: xarako (2).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xarakad
f. n. movement, procedure, commotion; military operation
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xarakad
bw: Arabic
de: movement, pro-cedure, commotion; [ext.] military operation See also: xarako
initial: x
lx: xarakad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: xarakad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xarraan
(Xarraan-ka)
(faras) camal xun.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xarraan
xarraan¹: m.l 1. Faras aan hayin ahayn. 2. (-nno, m.dh) Qof qaba mingis aan la yabarayn.
xarraan²: f.mg1 (-aamay, -aantay; -aami) Faras wax aan hayin ahayn noqosho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xarraan
m. n., [collective] bad habits, vicious nature (in a horse)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xarraan
(tilmaame) xamaasi ah oo guubaabo badan.
xarraan-ka: (magac, lab, keli) faras camal xun.
xarraan-ka: (magac, lab, keli) harraad iyo daal wada socda. Miyaan baacin karayaa xarraan baan la tiicayaaye. Dh: tacab.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xarraan
de: bad habits, vicious nature (in a horse)
initial: x
lx: xarraan
pd: (-ka)
ps: n2-m-col
key: xarraan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xarrago
(Xarraga-da)
1. Hab wixii arkaa u bogaan oo ama loo socdo ama loo qaato dhar cusub ama qaali ah ama si gaar ah loo jaangooyey ama loo tolay; mardaaddi; xashaash; shoob.
2. Qurux; wanaag.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xarrago
m.dh 1. Hab wixii arkaa u bogaan oo ama loo socdo ama loo qaato dhar cusub ama qaali ah ama si gaar ah loo jaangooyay ama loo tolay; mardaaddii; xashaash; shoob. 2. Qurux; wanaag.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xarrago
m.dh 1. Hab wixii arkaa u bogaan oo ama loo socdo ama loo qaato dhar cusub ama qaali ah ama si gaar ah loo jaangooyay ama loo tolay; mardaaddii; xashaash; shoob. 2. Qurux; wanaag.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xarrago
f. n. elegance, finery, splendor; refinement, pride
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Xarrago
nickname-m elegance, finery, splendor; refinement, pride. Cf: Mardaadi, Maruudi, Jooqle
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xarrago
-xarragada: (n) elegance (ela-gansi); grace (gareeysf, urbanity (ur-baanati); elegance of style or manner
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Xarrago
naanays loo bixiyo wiil ama gabadh xarrago baan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xarrago
-da: (magac, dhedig, keli) edeb darro iyo daandaansi aan sabab lahayn oo dadka kale loola tego. Dh: gardarro, xadgudub.
xarrago -da: (magac, dhedig, keli) qaab qurxoon oo lebbiska la sito iyo habka loo socdaaba uu dadka arkaya soo jiito. Dan iyo xarrago isweyday. Xarragooy xus igu tuur, kibiroow kab ii geli.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xarrago
cf: luuli, mardaaddi, qurux; shaxartaan
de: elegance, finery, splendor; refinement, pride
initial: x
lx: xarrago
pd: (/da)
ps: n6-f
key: xarrago
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Xaya-da
pudeur.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Carraaba
name-f travel in the afternoon
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Carraaba
magaca gabadh dhalatay milay gellin danbe ah ama hooyadeed xilli ay carraabaysay dhalatay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carracad
m.l Dhul midabka ciiddiisu caddaan u dhawdahay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
carracad
m.l Dhul midabka ciiddiisu caddaan u dhawdahay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carracad
-da: (magac, dhedig, keli) deegaan aan ciid guduudan iyo dhoobo lahayn oo carradiisu caddahay.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Harag-ga
peau.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
harraadi
f.g2 (-iyay, -isay) Nafley harraad badid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
harraadi
v. make someone thirsty
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
harraadi
(fal) cid kale inay harraaddo adigu sabab u noqo. Dh: oomi, asqay.
harraadi -da: (magac, dhedig, keli) cagta oo xoog la isugu dhufto nabarkeeda. Dh: harraati, laad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
harraadi
de: make s.o. thirsty
lx: harraadi
pd: (harraadiyey)
ps: v2a=tr
key: harraadi
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Marag-ga
preuve.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarraadh
-ka: (magac, lab, keli) dillaac aad u weyn. Qarraadhka ad aragtay dhulgariirkii ayaa ka tegey
qarraadh-ka: (magac, lab, keli) eeg qaraar.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Xagaa-ga
été.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xaraabad
(Xaraabad-da)
Dagaallanka colalka (ama xarbad, xarbi).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaraabad
m.dh (-do, m.l) Dagaal. la-mid: xarbad, xarbi¹.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xaraabad
f. n. war, battle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaraabad
-da: (magac, dhedig, keli) dagaalanka colalka. Dh: xarbi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xaraabad
a: xarbad
cf: xarbi
de: war, battle
initial: x
lx: xaraabad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: xaraabad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xaraarad
(Xaraarad-da)
1. Finaan yaryar oo waqtiga kulul dadka ka soo yaaca.
2. Haalaati; hamuun.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaraarad
m.dh 1. Firiiric yaryar oo jirka dadka ka soo baxa waqtiyada kulaylku jiro. 2. Tebidda la tebo wax loo baahanyahay sida shaaha, jaadka, sigaarka iyo wixi lamida. la-mid: xaraaradow¹.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xaraarad
m.dh 1. Firiiric yaryar oo jirka dadka ka soo baxa waqtiyada kulaylku jiro. 2. Tebidda la tebo wax loo baahanyahay sida shaaha, jaadka, sigaarka iyo wixi lamida. la-mid: xaraaradow.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xaraarad
f. n. craving, passion
xaraarad [feminine] n. prickly heat
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xaraarad
-da: (n) stimulation (istimi-leey-shin); excitation (ek-saay-teey-shin); excited feeling; enthusiasm (en-thuu-zi-yaazim); keenness (kiin-nes); passion (paashin) ~ xamaasad, qiiro
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaraarad
-da: (magac, dhedig, keli) baahi shaah, bun, jaad, sigaar iyo wax la mid ah loo qabo. Dh: xaraaro, hamuun. Li: mirgaan.
xaraarad-da: (magac, dhedig, keli) finan yaryar oo waqtiga kulaylaha dadka korkiisa ka soo yaaca. Dh: araarad.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Xaraf-ka
lettre (alphabet).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaragood
-ka: (magac, lab, keli) qurux iyo habwanaag u socosho. Dh: xarragood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xarakaad
m.l la-mid: xarako (2).
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xarakaad
-ka: (n) movement (muuv-ment); motion (mowshin) ~ dhaqdhaqaaq, socod Ex: xarakaadka ciidamada; the military movement
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xarakaad
-ka: (magac, lab, keli) dhaqdhaqaaq iyo soo jiidasho ay mujaamalo ku jirto. Dh: xarakaysiin.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Xarfa-ha
transcription.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xargagid
(Xargagid-da)
Xargag noqosho; is-qabqabsasho; xinjiroobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xargagid
xargagid¹: m.f.dh eeg xargag². la-mid: hargagid, xarkagid.
xargagid²: m.dh (fiisikis) Xaaladda dareere jiitama oo isu beddelo wax fadhiya.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xargagid
m.dh (fiisikis) Xaaladda dareere jiitama oo isu beddelo wax fadhiya.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xargagid
-da: (magac, dhedig, keli) xargag noqosho, isqabsasho oo isku dhegid.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Xarig-ga
prison, emprisonnement.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xarkagid
m.dh la-mid: xargagid¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xarragee
f.g2 (-geeyay, -gaysay) Qof wax xarrago leh siin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xarragee
v. dress up, make elegant ~ splendid