xarig-xarig
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
XARIG-XARIG
(Harig-harig) N Ipomoea sinensis (Desr) Choisy. Convolvulaceae.
N Merremia semisagitta (peter) Dandy. Convolvulaceae.
N Launaea sarmentosa (Willd) Kuntze. Compositae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xarigxarig
m.l Nagaar dhaadheer oo dhulka ku faalala, oo geelu aad u jecel yahay
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Xarig-ga
prison, emprisonnement.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
XARIG-MIIQ
(Harig-mig) N,S? Farsetia boivnii Fourn. Cruciferae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xadhigxadhig
-ga: (magac, lab, keli) geed dhulka seexda xiliga naqa ah oo aad geelu u jecelyahay Dh: maqalfur.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baribari
-da: (magac, dhedig, keli) geed la beerto oo dhala midho aad u kulkulul oo cuntada lagu darsado kolka la ridqana noqda budo cas oo kulul. Baribari ninkii beertay gubtaa. Dh: barbari.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xagmarid
m.f.dh eeg xagmar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xagmarid
-da: (magac, dhedig, keli) laba naas oo dhan wada ah marqid. Hasha nirigtu ha wada nuugtee xagmaridda ka daa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xagxagid
m.f.dh eeg xagxag².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaraarid
m.f.dh eeg xarąar².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaraarid
-da: (magac, dhedig, keli) shaah, bun, Jaad, sigaar iyo wax la mid ah u baahasho oo caajis iyo hamaahsi badan yeelasho. Dh: hamuumid.
xaraarid -da: (magac, dhedig, keli) wax xadhaadhay oo balalooday noqosho. Dh: xadhaadhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xaraarin
(Xaraarin-ta)
Xaraar ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaraarin
m.dh eeg xaraari. la-mid: kharaarin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaraarin
-ta: (magac, dhedig, keli) cunto uu ku xadhaadho siin. Dh: xadhaadhin.
xaraarin -ta: (magac, dhedig, keli) khadhaadh ka dhigid. Dh: xaraaris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaraaris
-ta: (magac, dhedig; keli) eeg xaraarin.
xaraaris-ta: (magac, dhedig, keli) wax caleen ku sumoobay noqosho. Dh: xadhaadhis, xadhaadhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xaraarug
(Xaraarug-ga)
Qof naf xuni ku jirto; nafkadhawr; sakaraad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaraarug
xaraarug¹: m.l Qof naf xumi ku jirto; nafkadhowr; sakaraad.
xaraarug²: f.mg1 (-gay, -gtay) Nafley sakaraadid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xaraarug
m.l Qof naf xumi ku jirto; nafkadhowr; sakaraad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xaraarug
m. n. dying person
xaraarug v. be near death, be in critical condition
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaraarug
(fal) sakaraad nogo. Kelidaa xaraarug oo dadka ha dhibin.
xaraarug-ga: (magac, lab, keli) sakaraad naf ka eeg ah. Odayga xaraarug ma hayo xanuunse wuu qabaa. Dh: sankaraad, sakaraad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xargagid
(Xargagid-da)
Xargag noqosho; is-qabqabsasho; xinjiroobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xargagid
xargagid¹: m.f.dh eeg xargag². la-mid: hargagid, xarkagid.
xargagid²: m.dh (fiisikis) Xaaladda dareere jiitama oo isu beddelo wax fadhiya.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xargagid
m.dh (fiisikis) Xaaladda dareere jiitama oo isu beddelo wax fadhiya.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xargagid
-da: (magac, dhedig, keli) xargag noqosho, isqabsasho oo isku dhegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xariirid
(Xariirid-da)
1. (caano) xariir ka dhigid.
2. (il bugta) xariir ku farsamayn, ku daweyn.
3. Summad (xariir) xoolo ku dhigid.
4. Hadal xariir ah (cid ku) dhihid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xariirid
m.f.dh eeg xariir³. la-mid: xariirin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xąriirid
m.f.dh eeg xąriir². la-mid: xiriirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xariirid
-da: (magac, dhedig, keli) caano iyo biyo isku badhxid. Dh: fadhxid, badhxid.
xariirid-da: (magac, dhedig, keli) il bugta sarid oo xirribta sare ka dhiijin. Dh: xariiris.
xariirid -da: (magac, dhedig, keli) qof iin uu leeyahay hortiisa ku caddayn. Li: xan.
xariirid -da: (magac, dhedig, keli) xidhiidh cid kale la samayn. Dh: xadhiidhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xariirin
m.dh la-mid: xariirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xariirin
-ta: (magac, dhedig, keli) qaybinta iyo jeedinta barnaamij socda. Dh: xidhiidhin.
xariirin-ta: (magac, dhedig, keli) ku xidhnaan oo xidhiidh fiican la lahaansho. Dh: xidhiidhin.
xariirin -ta: (magac, dhedig, keli) awr badan midba mid dabada ugu xidhid oo hoggaamin. Saddex waan bartay waase goor aan ka gaboobay awr xariirinteed, ubad aamusiintii iyo dab ololintii. Dh: xidhiidhin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
alifaarig
-ga: (magac, lab, keli) iskudhis orgaanig ah oo ah alkiin ama alkeyn iyo faracooda. Waxay isku dhisyada alifaaliha badidoodu leeyihiin dhis silsilad furan ama giraamo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aritmatig
m.l (xisaab) Barashada xirfadaha la xiriira xisaabinta, iyadaoo la adeegsanayo tirooyin iyo xisaabfallo, sida; isugeyn, kala goyn, iskudhufasho iyo isuqaybin. Waxa kale oo ay la xiriirtaa barashada dhismaha habdhiska tirooyinka, iyo sida tiro sansaankeedu loogu beddelo sansaan kale, sida; jajabyada oo loo beddelo jajab tobanle, boqolley oo loo beddelo jajab.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
aritmatig
m.l (xisaab) Barashada xirfadaha la xiriira xisaabinta, iyadaoo la adeegsanayo tirooyin iyo xisaabfallo, sida; isugeyn, kala goyn, iskudhufasho iyo isuqaybin. Waxa kale oo ay la xiriirtaa barashada dhismaha habdhiska tirooyinka, iyo sida tiro sansaankeedu loogu beddelo sansaan kale, sida; jajabyada oo loo beddelo jajab tobanle, boqolley oo loo beddelo jajab.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Aritmatig
Arithmetic
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Gar-xajis
name-m lawyer; impartial arbiter; just
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gargaarid
(Gargaarid-da)
Gargaar siin; taageerid; kaalmayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gargaarid
m.f.dh eeg gargaar². la-mid: gergaarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gargaarid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, taageero u fidin; cid kale, u kaalmayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xarigjiid
-ka: (magac, lab, keli) ciyaar ay laba kooxoox kala jiitaan xadhig oo ta wax jiidataayi badiso. Dh: xarigjiid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baritaarid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, taageerid oo dhanka danbe ka riixid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baritaaris
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg badhikintaalis.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
originàrio
agg. - ka yimid, asal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xariiftamid
m.f.dh eeg xariiftan². la-mid: xariiftan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xariiftamid
-da: (magac, dhedig, keli) si xariifnimo ah u ciyaarid.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
WAXARO-XAARIS
(Waharo-haris) N Ipomoea jaegeri Pilger. Convolvulaceae.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
XARKA-XARKOOD
(Harcahagood) C, N Rhyncosia valutina Wight & Arn. Papilionaceae.
N Digitaria pennata (Hochst.) T.Cooke. Gramineae.