xarig-miiq
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
XARIG-MIIQ
(Harig-mig) N,S? Farsetia boivnii Fourn. Cruciferae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xarigjiid
-ka: (magac, lab, keli) ciyaar ay laba kooxoox kala jiitaan xadhig oo ta wax jiidataayi badiso. Dh: xarigjiid.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
XARIG-XARIG
(Harig-harig) N Ipomoea sinensis (Desr) Choisy. Convolvulaceae.
N Merremia semisagitta (peter) Dandy. Convolvulaceae.
N Launaea sarmentosa (Willd) Kuntze. Compositae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xarriiq
(Xarriiq-da)
Xarriijin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xarriiq
xarriiq¹: m.dh (-qo, m.l) 1. Daliig, jiitin. 2. la-mid: xarriijin, xarriiqin.
xarriiq²: m.dh (-qo, m.l) (xisaab) Isku xir ka dhexeeya laba barood oo ku yaalla dululaati ama dul xarriiqi waxa ay leedahay dherer haseyeeshee, ma laha ballac, waxa ay noqon kartaa mid toosan ama xoodan. Hidda toosan waa fogaanta ugu gaaban ee u dhaxaysa laba barood oo ku yaalla dul fidsan.
xarriiq³: f.g1 (-qay, -qday) Xarriiq samayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xarriiq
xarriiq¹: m.dh (-qo, m.l) 1. Daliig, jiitin. 2. la-mid: xarriijin, xarriiqin.
xarriiq²: m.dh (-qo, m.l) (xisaab) Isku xir ka dhexeeya laba barood oo ku yaalla dululaati ama dul xarriiqi waxa ay leedahay dherer haseyeeshee, ma laha ballac, waxa ay noqon kartaa mid toosan ama xoodan. Hidda toosan waa fogaanta ugu gaaban ee u dhaxaysa laba barood oo ku yaalla dul fidsan.
xarriiq³: f.g1 (-qay, -qday) Xarriiq samayn. m.f.dh, xarriiqid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xarriiq
f. n. line, stripe
xarriiq v. draw a line, trace lines; underline
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Xarriiq
nickname; name-m stripe
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xarriiq
-ay / day: (v) mark with a line; line. Ex: hoos ka xarriiq; underline
xarriiq -da: (n) line (laayn); dash (dhaash); stripe (istaraayp) Ex: xarriiq kala goo-go'an; dotted line (dhootidh-laayn)
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Xarriiq
Grafico
Graph
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xarriiq
(fal) xarriijin dheer samee.
xarriiq -a: (magac,lab, keli) urur xisaabeed baro ah oo isdaba jooga oo dhererkiisu dhammaad lahayn.
xarriiq-ta: (magac, dhedig, keli) xarriijin dheer oo taagan ama jiifa oo meel ku dul dhereran ama maanka laga yaqaan. Dh: liin, daliig, jiitin, xarriijin. Wa: xarriiqyo, xarriijimo.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Xarig-ga
prison, emprisonnement.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xarigxarig
m.l Nagaar dhaadheer oo dhulka ku faalala, oo geelu aad u jecel yahay
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
DARAN-MILIX
(Daran-milleh) N Limonium somalorum (Vierh) Hutch & Bruce. Plumbaginaceae.