ereyga

xargaha codka

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

xargaha codka

DHAN

m.l (cilmiga naflayda) Sooha labada isugu laaban oo ka soo kuusan labada dhinac booca oo ka sameeya jeexdin dhuuban hawomareenka dushiisa. Neef soo saaridda way ruxdaa cod la maqlana waa ka sameysa kaas oo ah hadal, hees iyo codad kale oo la naqlo. Isbeddelka ku dhaca xargaha codka iyo cudurrada ku dhaca dareemayaashooda waxay wax yeelleeyaan codka.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Hingo

DHAABAN
1

(Hinga-da)

2

Neefta xagga sanbabbada u socota, kala go'go'eeda; waxaa ku wacan xuubka xargaha codka daboola oo kolkol, u kasid la'aan, isku roora (ama higgo).

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Qulaanqulye

DHAABAN
1

(Qulaanqulya-ha)

2

Muruq iyo carjaw isku dhafan oo hunguriga cad madaxiisa kore ku yaal; waa xubinta codka, gudihiisana waxaa ku yaal xargaha codka; waa meesha curtu ka soo taagan tahay; (ama qulaanqulshe).

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

dalqo

DHAABAN

m.dh (cilmiga naflayda) Xubinta codku ka sameysmo, hawadana sambabada ayay ku duwda, waxay ku taal hunguriga cad dushiisa, waxay ka sameysantahay sagaal carjowood oo ay isu hayaan seedo iyo muruqyo xuub gaduudan ayaa ku dadan, waxa ku dhexyaal laba joog o xargaha codka ah oo sameeya codka. la-mid: dalqe.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

dalqoholac

DHAABAN

m.l 1. (daawo) Halaamacoodka dalqada iyo xargaha codka waxa keena baktiiriya, fiirus ama walax kimikaad iyo wixi lamida. 2. (daawo) Halaamacoodka cunaha qaybta dhabxanagga ka dambeysa. Waxay sameysaa cuno xanfaf waxana sida badan la socda quman.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

dalqo

DHAABAN

m.dh (cilmiga naflayda) Xubinta codku ka sameysmo, hawadana sambabada ayay ku duwda, waxay ku taal hunguriga cad dushiisa, waxay ka sameysantahay sagaal carjowood oo ay isu hayaan seedo iyo muruqyo xuub gaduudan ayaa ku dadan, waxa ku dhexyaal laba joog o xargaha codka ah oo sameeya codka. la-mid: dalqe.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

dalqoholac

DHAABAN

m.l 1. (daaw.) Halaamacoodka dalqada iyo xargaha codka waxa keena baktiiriya, fiirus ama walax kimikaad iyo wixi lamida. 2. (daaw.) Halaamacoodka cunaha qaybta dhabxanagga ka dambeysa. Waxay sameysaa cuno xanfaf waxana sida badan la socda quman.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

hamse

DHAABAN

-ha: (magac, lab, keli) shibbane dhawaaqyada hadalka ka mid ah; waa aammuus yar, wuxuuna dhashaa kolka xargaha codka si degdeg ah u xirmaan oo xiisadda dabaysha u joojiyaan, degdegna u furmaan; astaantiisu waa <'>: aa'id, ba'an, gama'.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

hingo

DHAABAN

-da: (magac, dhedig, keli) neefta xagga sanbabbada u socota, kala googo'eeda; waxaa ku wacan xuubka xargaha codka daboolka oo kolkol, u kasid la'aan, isku roora; higgo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]

Badhaha cirka

DHAFANDHAAF

Celestial equator

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]

marinka orodka

DHAFANDHAAF

runway

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

sanduuqa codka

DHAFANDHAAF

m.l (-qyo ..., m.dh) (baayoloji) Lammaane xuub liilsami kara ah oo ka soo taagan qulaanqushaha lafdhabarleyda qaarkeed. Codka waxa la soo saaraa marka hawada maraysa qulaanqushaha ay dhaqdhaqaaqijso sanduuqa codka. Dhawaaqa codka la soo saaraa waxa uu ku xidhan yahay giigsanaanta sanduuqa codka, kaasi oo ay xukumaan muruqyada iyo carjawda qulaanqushuhu.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

sanduuqa codka

DHAFANDHAAF

m.l (baay.) Lammaane xuub liilsami kara ah oo ka soo taagan qulaanqushaha lafdhabarleyda qaarkeed. Codka waxa la soo saaraa marka hawada maraysa qulaanqushaha ay dhaqdhaqaaqijso sanduuqa codka. Dhawaaqa codka la soo saaraa waxa uu ku xidhan yahay giigsanaanta sanduuqa codka, kaasi oo ay xukumaan muruqyada iyo carjawda qulaanqushuhu. Sangaalle Tixri sanka geela iyo ariga gudihiisa ku dhasha.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]

Gargaar-ka

DHAFANDHAAF

aide, assistance, soutien.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]

Warfaha-da

DHAFANDHAAF

lettre (de l'alphabet).

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]

Xagal adke

DHAFANDHAAF

Solid angle

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]

Xaraash-ka

DHAFANDHAAF

option.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]

Xarraga-da

DHAFANDHAAF

avantage.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

xaraaradood

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) baahi shaah, bun, jaad, sigaar iyo wax la mid ah qabid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

artaraboodha

DHAFANDHAAF

m.l (-ooyin, m.l) (baayoloji) Faylam ka tirsan xayawaanka laf dhabarla'da oo ka kooban in ka badan hal milyan oo sinji. Waa faylamka ugu ballaadhan ee boqortooyada xayawaanka. Artaraboodhuhu waxay ku noolyihiin biyaha macaan, badaha iyo dhulalka kala duwan. Astaan ahaan artaraboodhuhu waxay leeyihiin dub sare oo loo yaqaanno toxob, kaas oo dabool adag u ah qalfoof duleedka. Koritaankooduna waxa uu suurtaggal yahay oo keliya xilliga xuub siibashada.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

artaraboodha

DHAFANDHAAF

m.l (-ooyin, m.l) (baay.) Faylam ka tirsan xayawaanka laf dhabarla'da oo ka kooban in ka badan hal milyan oo sinji. Waa faylamka ugu ballaadhan ee boqortooyada xayawaanka. Artaraboodhuhu waxay ku noolyihiin biyaha macaan, badaha iyo dhulalka kala duwan. Astaan ahaan artaraboodhuhu waxay leeyihiin dub sare oo loo yaqaanno toxob, kaas oo dabool adag u ah qalfoof duleedka. Koritaankooduna waxa uu suurtaggal yahay oo keliya xilliga xuub siibashada.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

tirada dadka

DHAFANDHAAF

m.l (-oyin, ml.) 1. Ikoolajii ahaan, koox isku sinji ah oo meel ku wada nool. 2. Tirada wadarta sinjiyo ama bah kale oo noole ah oo ku nool meel la yaqaan.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

tirada dadka

DHAFANDHAAF

m.l (-oyin, ml.) 1. Ikoolajii ahaan, koox isku sinji ah oo meel ku wada nool. 2. Tirada wadarta sinjiyo ama bah kale oo noole ah oo ku nool meel la yaqaan.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]

Tirada dadka

DHAFANDHAAF

Population

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]

Marinka clrka

DHAFANDHAAF

Air route

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]

Xariiqa badda

DHAFANDHAAF

Shore line

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]

dhugtaha goolka

DHAFANDHAAF

goal-getter

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]

Xabag-ga cadaad

DHAFANDHAAF

gomme arabique.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

xadhgaha kabaha

DHAFANDHAAF

(n) shoelaces (shuu-leeysis); shoestrings (shuu-istiriigis)

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]

xarriiqda xadka

DHAFANDHAAF

boundary line

waa la naqliyay ✓