xardhani
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xardhani
-da: (magac, dhedig, keli) eeg xardhanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xardhan
La xardhay; xarad loo yeelay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xardhan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax xarar loo yeelay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xardhan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax xarar loo yeelay ahaansho. m.f.dh, xardhanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xardhan
der. [adjective] carved, etched, decorated
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xardhan
-aa / nayd: (adj) decorated (dhe-ka-reeytid)-, ornamented (oorni-mentidy embellished (em-beelishidh) ~ sharxan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xardhan
(tilmaame) naqshadaysan oo xaradh loo yeelay ah. Ul xardhan ayaan adeero hadiyad ugu keenay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xardhan
de: carved, etched, decorated rw: xaradh
initial: x
lx: xardhan
pd: (xardhanaa)
ps: adj-der
key: xardhan
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
XARDHANE
(Hardane) N Plectranthus paucicrenatus Franch. Labiatae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaadhan
(tilmaame) haran oo la fiiqay ah. Daarad xaadhan wax ku akhri. Dh: fiiqan, xaaqan, haran.
xaadhan: (tilmaame) sallaxan oo wixii alaab yaal oo dhan laga guray ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaddani
-da: (magac, dhedig, keli) xoog iyo itaal badan lahaan. Dh: xooggani.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bardaani
(fal) badeecad iyo wax la mid ah, miisaanka saar oo cabbir culayskiisa. Bardaankaan saaray,oo waa boqol kiilo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
firdhani
-da: (magac, dhedig, keli) eeg firdhanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaradhaami
f.g2 (-iyay, -isay) Cid si fiican u dhaqaalayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xaradhaami
v. treat someone kindly ~ well; care for ~ take good care of something
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaradhaami
(fal) beerta qodqod oo baaqbaaq. Xaradhaami hadhuudhka. Dh: baaqbaaq.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xaradhaami
de: treat s.o. kindly ~ well; care for ~ take good care of s.t.
initial: x
lx: xaradhaami
pd: (xaradhaamiyey)
ps: v2a=tr
key: xaradhaami
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xardhanaan
(Xardhanaan-ta)
Wax la xardhay ama xardhan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xardhanaan
m.f.dh eeg xardhan. la-mid: xardhanaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xardhanaan
f. n. carved ornamentation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xardhanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) mid xardhan ahaan. Dh: naqshadaysnaan, xardhani.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xardhanaan
de: carved ornamentation
initial: x
lx: xardhanaan
pd: (-ta)
ps: n2-f
key: xardhanaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baydhsani
-da: (magac, dhedig, keli) meeshii loo socday ka baydhsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dardhaafi
f.g2 (-iyay, -isay) Dar biyo ka badan ku shubid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dardhaafi
(fal) dar biyo ka badan ku shubid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haldhansi
m.l la-mid: haldhansasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sardhabid
-da: (magac, dhedig, keli) xoolo la horayo kala celin ama dib u celin. Sardhabiddii adhigaan ku daalay. Dh: horid, sardhin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taxardhan
-ka: (magac, lab, keli) caanaha geela dhaqayada ah. Taxardhan weeye caanuhu.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xandhadhi
(fal) wixii yaalba dhammee oo faaruqi. Tukaanka xandhadhi oo leexee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaradhaam
-ka: (magac, lab, keli) qodqodka iyo baaqbaaqidda beerta si wax soo saarkeeda loo hagaajo. Dh: baaqbaaq.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Xardhayya
sculpter.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaradhaamin
m.f.dh eeg xaradhaami.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaradhaamin
-ta: (magac, dhedig, keli) baaqbaaqid oo biyuhu meelo ay ku joogsadaan u samayn. Dh: baaqbaaqid.
xaradhaamin -ta: (magac, dhedig, keli) xanaanayn dheeraad ah oo loo sameeyo wax lexejeclo loo leeyahay. Dh: dhaqaalayn.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
DHANI
(Dani) NFD,S Boscia tomentella Chiov. Capparidaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xaani
(Xaani-da)
Ciidda teeda iniinaha ah, sida tan dixda ama xeebta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaani
m.dh Ciid sabbaax ah oo aan boor iyo quruurux midna lahayn. la-mid: xaano.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xaani
m.dh Ciid sabbaax ah oo aan boor iyo quruurux midna lahayn. la-mid: xaano.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xaani
f. n., (mass n.): sand, gravel
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xaani
-da: (n) clean white sand found on sea or river shore
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaani
-da: (magac, dhedig, keli) ciidda aan budada ama dhoobada ahayn ee bataaxa ah sida tan dixaha ama xeebaha. Dh: caddaan, caddaad, niis, tamuux.
xaani-ga: (magac, lab, keli) ciid jilicsan oo budo oo kale ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xaani
cf: tamuux
de: sand, gravel
initial: x
lx: xaani
pd: (-da)
ps: n-f-mass
key: xaani
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xadan
f.mg4 (-dnaa, -dnayd) Wax dhibban ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xadan
der. [adjective] helpless, at a loss, in a very difficult situation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xadan
(tilmaame) xad aan la dhaafi karin leh xuduud jeexan oo la yaqaan leh.
xadan: (tilmaame) wax la xaday ah. Aqalkii o xadan ayaan u imidday.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xadan
de: helpless, at a loss, in a very difficult situation
initial: x
lx: xadan
pd: (xadnaa)
ps: adj-der
key: xadan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xaran
(Xaran-ka)
Xaram.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaran
m.l Meel barakaysan oo cibaadeysi loo tago sida Kacbada iyo masjidka Madiina. la-mid: xaram.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xaran
m.l Meel barakaysan oo cibaadeysi loo tago sida Kacbada iyo masjidka Madiina. la-mid: xaram.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaran
-ka: (magac, lab, keli) eeg xaram.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Badhan
(Badhan-ka)
Geed, wax yar ah, oo xalleefsan oo wareegsan oo dhexda daloollo ku leh, oo dharka lagu kor tolo oo inta ilaha (daldaloollada) laysu suro, dacallada isku qabta oo isku xira; guluus.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
badhan
m.l (-amo, m.dh) Shey yar oo caag, bir iyo wixi lamida ka samaysan, wareegsan xalleefsan daloollo leh oo dharka la gashado meelo gaar ah looga tolo si uu dacalladooda isugu qabto; galuus.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
badhan
m.l (-amo, m.dh) Shey yar oo caag, bir iyo wixi lamida ka samaysan, wareegsan xalleefsan daloollo leh oo dharka la gashado meelo gaar ah looga tolo si uu dacalladooda isugu qabto; galuus.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
badhan
m. n. button
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
badhan
-ka: (n) button (batan) ~ guluus
badhan: -badhnaa / badhnayd: (adj) half (haaf); halved. ~ badhan. Ex: koob badhan; half cup
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badhan
(fal) mid dhiman ama qaybsamay noqo.
badhan: (tilmaame) mid labo qaybood laga dhigay oo aan dhannayn; mid qayb ka maqantahay. Dh: baran, dhiman. Li: dhan.
badhan -ka: (magac, lab, keli) walax yar oo caag ka samaysan caag, loox iyo wixii la mid ah, dhexda na ku leh afar ama labo dalool oo lagu taxo shaadhadhka iyo wixii la mid ah. Dh: guluus, sureer.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
badhan
de: button
lx: badhan
pd: (-ka)
ps: n2c-m
syn: galuus ~ guluus {N < Eng}
key: badhan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badhni
-da: (magac, dhedig, keli) «kala ~» aan buuxin, nus ah. Dh: barni.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fadhan
(tilmaame) wax fagan ama la fadhay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fadhni
-da: (magac, dhedig, keli) wax fadhan ama fagan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hardan
(Hardan-ka)
Dibida, kd., cayaartooda ama dagaallankooda, ay madaxyada isa saaraan oo isla dhacaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hardan
hardan¹: m.l Isku dhufashada laba nafley madaxa isku dhuftaan. la-mid: hardamid.
hardan²: f.mg1 (-amay, -antay; -ami) Laba nafley madaxa ku dagaalamid. la-mid: hertan².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hardan
hardan¹: m.l Isku dhufashada laba nafley madaxa isku dhuftaan.
hardan²: f.mg1 (-amay, -antay; -ami) Laba nafley madaxa ku dagaalamid. m.f.dh, hardamid. la-mid: hertan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hardan
v. butt one another, lock horns; clash, conflict; compete
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hardan
-ka: (n) the act of butting; butt (bat)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hardan
-ka: (magac, lab, keli) dagaal ama ciyaar la adeegsado madaxa ama foorar oo laba dhinac iskaga horyimaadaan. Labadii wan hardan buu gabalku ugu dhacay. Dh: hirdan, herdan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hardan
de: butt one another, lock horns; clash, conflict; compete
lx: hardan
nt: hardan (ka) [vn-m]
pd: (hardamay)
ps: v1=
key: hardan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ladhan
(tilmaame) wax wax kale lagu dheereeyey ama lagu xoojiyay. Dh: laran.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ladhni
-da: (magac, dhedig, keli) eeg ladhnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
madani
m. n. (adj.): civilian; civil
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
madani
-ga: (n) citizen (siti-zen); civilian (si-vil-yan), -madani -ah: (n) civil (si-val). Ex: sharciga madaniga ah; the civil law
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madani
-ga: (magac, lab, keli) qof magaalo ku barbaaray oo dhaqankeeda yaqaan; reer magaal. Li: baadiye.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
madani
bw: Arabic
de: civilian; [atr.] civil
lx: madani
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: madani
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
madhan
m.dh (fiisikis) Dululaati uu ka jiro cadaadis hoose oo neef ah micnaheeduna tahay xaddiga atamyada ama molikiyuulada ayaa aad u hooseeya.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
madhan
m.dh (fiisikis) Dululaati uu ka jiro cadaadis hoose oo neef ah micnaheeduna tahay xaddiga atamyada ama molikiyuulada ayaa aad u hooseeya.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Madhan
Vacuum
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
madhan
der. [adjective] empty, emptied
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Madhan
vide.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
madhan
-madhnaa: (adj) empty (em-ti); vacant (veey-kant); blank (balaank)-, void (vooydh) ~ maran
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madhan
(tilmaame) aan waxba ku jirin oo eber ah. Ha is wareerine weelka madhan hoo. Dh: faaruq.
madhan: (tilmaame) kala soocan oo la kala nadiifiyay ah. Gorowgu wuu madhan yahaye dheriga ku rid.
madhan -ta: (magac, dhedig, keli) dululaati uu ka jiro cadaadis hoose oo neef ah micnaheeduna tahay xaddiga atamyada ama molikiyuulada ayaa aad u hooseeya.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
madhan
de: empty, emptied
lx: madhan
pd: (madhnaa)
ps: adj-der
see: maran {N}
key: madhan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madhni
-da: (magac, dhedig, keli) faaruqid; wax aan waxba ku jirin ahaan. Weelka madhni ku qaad.
madhni -da: (magac, dhedig, keli) wax dhan u madhac oo soocan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qardan
Qiro iyo baaxad leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qardan
f.mg4 (-naa, -nayd) Qof ama nafley kale wax buuran ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qardan
der. [adjective] thick, solid; robust
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Qardan
magac loo bixiyo gabadh la rajaynayo inay yeelato xoog iyo karti.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qardan
(tilmaame) xoog iyo tamar leh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qardan
cf: baaxad, qiro
de: thick, solid; robust rw: qarad
lx: qardan
pd: (qardanaa)
ps: adj-der
key: qardan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wadhan
(tilmaame) kala ballaadhsan ah oo dabool la'aan cadceedda u yaal. Dhar wadhan daynshaa qaadda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xadafi
(fal) in ka goo; wax ka masax. Dh: xadaf.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xaddan
Lixaad weyn; aan wax ka maqnayn; dhammays ah; xaddi leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xaddan
der. [adjective] strong, at full strength, complete
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaddan
(tilmaame) xoog iyo laxaad ba leh. Daad xaddan ayaa soo rogmaday. Dh: luxdan, xooggan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xaddan
cf: buux; xoog
de: strong, at full strength, complete
initial: x
lx: xaddan
pd: (xaddanaa)
ps: adj-der
key: xaddan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xadfan
f.mg4 (-naa, -nayd) Ku x.: wax la xadfay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xadfan
f.mg4 (-naa, -nayd) Ku x.: wax la xadfay ahaansho. m.f.dh, xadfanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xadfan
(tilmaame) go'an oo la jaray ah; ka magan. Kitaabka labo bog ayaa xadfan.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
XADHAF
(Hadaf) N Cymbopogon commutatus (Steud.) Stapf. Gramineae.
N Cynodon dactylon (L) Pers. Gramineae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xafdan
-ka: (magac, lab, keli) ciyaar wax la kala boobo oo horay u kala qaadashada lagu tartamo. Dh: xaftan.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Xardhe
name-m decorater, carver, sculpter, etcher
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xaryan
(Xaryan-ka)
1. Doonyaha waaweyn jaad ka mid ah, badanaa kuwa shiraacyada badan.
2. Tiro; raxan.