xarafsi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xarafsi
(Xarafsi-ga)
Xarafsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xarafsi
m.l la-mid: xarafsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xarafsi
-ga: (magac, lab, keli) shaqaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xarafso
f.g3 (-saday, -satay) Wax kulul ama diirran si ay u qaboobaan dabayl u dhigid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xarafso
v. put (milk) in a cool place, put (liquid) out to cool (down)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xarafso
(fal) shaqayso oo muruqaaga maal. Intaad baryootami lahayd xarafso. Dh: xoogso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xarafso
de: put (milk) in a cool place, put (liquid) out to cool (down)
initial: x
lx: xarafso
nt: xarafsad (ka) [vn-m], xarafsasho (/da) [vn-f], xarafsi (ga) [vn-m]; Contrast: xarfo
pd: (xarafsaday)
ps: v3a=tr
key: xarafso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xarafsasho
m.f.dh eeg xarafso. la-mid: xarafsad, xarafsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xarafsad
(Xarafsad-ka)
Xarafsasho; xarafsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xarafsad
m.l la-mid: xarafsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xarafsad
-ka: (magac, lab, keli) iskaa u shaqaysi muruqa la maalo. Xarafsad ayaa gacan hoorsi lagaga baxaa. Dh: xarafsasho, xarafsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaasi
f.g2 (-iyay, -isay) Nafley tabardaran daryeelid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xaasi
v. care for one's family; provide for someone (weak ~ dependent)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xaasi
de: care for one's family; provide for s.o. (weak ~ dependent)
initial: x
lx: xaasi
pd: (xaasiyey)
ps: v2a=tr
key: xaasi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xaraf
(Xaraf-ka)
Mid kasta oo astaamaha alifka ka mid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaraf
m.l (-rfo, m.l/xuruuf, m.dh) Alifka af lagu qoro ereyadiisa mid ka mid ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xaraf
m.l (-rfo, m.l/xuruuf, m.dh) Alifka af lagu qoro ereyadiisa mid ka mid ah. m.dh.w, xuruuf.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xaraf
m. n. letter of the alphabet
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xaraf
-ka: (n) 1. letter (le-tar); character (ka-raaktar). 2. word (woordh) ~ erey, kalmad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaraf
-ka: (magac, lab, keli) mid astaamaha alifba'da ka mid ah. sida: a, b, c, d, dh iyo wixii la mid ah. Habase waa Xaraf ee xarako maaha.
xaraf -ka: (magac, lab, keli) geer uu shay leeyhay oo dadka farshaxanku ku xisaab tamaan.
xaraf -ta: (magac, dhedig, keli) shaqo xoogsi ah oon kala go' lahayn. Shalay oo dhan ayuu xarafta hayay. Dh: fir.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xaraf
bw: Arabic
cf: alifba'
de: letter of the alphabet
initial: x
lx: xaraf
pd: (-ka Pl: xarfo (/ha), xuruuf (ta))
ps: n3-m, n8-m
key: xaraf
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
xaraf
حرف
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xarfi
f.g2 (-iyay, -isay) Hoore kulul ama diirran dabayl ku qaboojin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xarfi
v. cool (milk) down; put (liquid) out to cool
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xarfi
-yey / say: (v) air (eer); expose so that air can cool
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xarfi
(fal) biyo ama dareere kale laydha u dhig ha xarfadee. Xarfi caanaha ha qaboobaane. Dh: diir.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xarfi
de: cool (milk) down; put (liquid) out to cool
initial: x
lx: xarfi
pd: (xarfiyey)
ps: v2a=tr
key: xarfi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
araasi
araasi¹: m.l Orod iyo ci' uu sameeyo sac dhalay marka uu u soo socdo dhashiisa. la-mid: insaarax¹.
araasi²: f.mg2 (-iyay, -isay) Sac markaa dhalay meeshi uu dhashiisa ku ogaa aadid isagoo orod iyo ci' sameynaya. la-mid: insaarax².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barasi
(fal) baras u yeel ama calaamadee. Barasi hasha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xaabsi
(Xaabsi-ga)
Xaabsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaabsi
m.l la-mid: xaabsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaabsi
-ga: (magac, lab, keli) wax dhulka ku filiqsan urursasho oo wada xaabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaadsi
-ga: (magac, lab, keli) aayar dusha uga qaadasho. Wa: xaadxaadsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xadafi
(fal) in ka goo; wax ka masax. Dh: xadaf.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xanafi
Qofka mad'habta Xanafiyada haysta; Xanafiyadu waxay ka mid tahay afarta mad'habood oo waaweyn oo Islaamka, waxaana asaasay Imaam Abuu Xaniifa (dhintay 150 Hijri, 767 Miilaadi).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xanafi
m.l.kh Qof raacsan mad-habta Imaam Abuu Xaniifa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xanafi
m.l.kh Qof raacsan mad-habta Imaam Abu Xaniifa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Xanafi
m. n. adherent of the Hanafi school of Islamic law ~ jurisprudence
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xanafi
-ga: (magac, lab, keli) qof mad-habta xanafiyada haysta.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Xanafi
bw: Arabic
cf: Maaliki, Mad-hab, Shaafici, Xanbali
de: adherent of the Hanafi school of Islamic law ~ jurisprudence
initial: x
lx: Xanafi
ps: n2-m
key: Xanafi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calafsi
m.l la-mid: calafsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calafsi
-ga: (magac, lab, keli) eeg calafsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cararsi
m.l la-mid: cararsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garabsi
m.l la-mid: garabsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garabsi
-ga: (magac, lab, keli) eeg garabsad.
garabsi -ga: (magac, lab, keli) (is ~) is taageersi; is kaalmayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Garaysi
(Garaysi-ga)
Garaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garaysi
m.l la-mid: garaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garaysi
-ga: (magac, lab, keli) aqoonsasho; garaysad; garaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
harawsi
-ga: (magac, lab, keli) eeg harawsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jalafsi
m.l la-mid: jalafsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaraysi
m.l la-mid: jaraysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
karahsi
m.l la-mid: karahsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
karahsi
-ga: (magac, lab, keli) wax nebcaysasho. Dh: karahsasho, karahsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
malafsi
m.l la-mid: malafsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
malafsi
-ga: (magac, lab, keli) kolba meel wax ka cunid. Malafsi ayaad ku nooshay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maragsi
-ga: (magac, lab, keli) marag u qabsasho: markhaati ka dhigasho. Nin goobjoog ah ayaa maragsi loo qabsadaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maraxsi
(Maraxsi-ga)
Maraxsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maraxsi
m.l la-mid: maraxsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maraxsi
-ga: (magac, lab, keli) eeg madharsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qarafso
f.mg3 (-saday, -satay) 1. Wax lagu noolaado sida miro iyo wixi lamida duur ka raadsasho. 2. Socosho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qarafso
v. search for a living; beg, panhandle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarafso
(fal) shaxaad wax ku raadso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qarafso
de: search for a living; beg, panhandle
lx: qarafso
pd: (qarafsaday)
ps: v3a=
key: qarafso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taransi
-ga: (magac, lab, keli) wax ka faa'iidaysi; wax korodhsi. Dh: faa'iidaysi. Li: khasaare.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Waraasi
(Waraasi-da)
1. (caano) dhay kasoofeen ah oo labeen cas soo yeelanaya.
2. (Waraasi-ga) (midab) labeenta u eg.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waraasi
m.dh 1. Midab cawl ah oo lo'du yeelato. 2. Caano dhay ah, cabbaar yiil oo xoortii ka dhacday, labeenna soo yeelanaya. la-mid: waraase.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
waraasi
f. n., (mass n.): fresh milk with cream on top; glossy brown (color of cattle)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waraasi
-da: (magac, dhedig, keli) caano, dhay kasoofeen ah oo labeenaysanaysa.
waraasi-ga: (magac, lab, keli) 'midab' labeenta u eg.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
waraasi
de: fresh milk with cream on top; [ext.] glossy brown (color of cattle)
initial: w
lx: waraasi
pd: (-da)
ps: n-f-mass
key: waraasi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Waraysi
(Waraysi-ga)
Waraysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waraysi
m.l la-mid: waraysasho.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Waraysi
Intervista
Interview
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waraysi
-ga: (magac, lab, keli) su'aalo la weydiiyo cid xog'ogaal ah. Waraysi ayaa lala yeeshay dadkii qaamuuska qoray. Dh: waraysasho, waydiimo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xadaysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg xadaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xagafso
f.mg3 (-saday, -satay) Tallaabo xooggan ku socosho (qof).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xagafso
v. trudge, walk making a lot of noise
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xagafso
(fal) iska shaqayso oo waxaad heshaba ka xoogso. Suuqa iska xagafso. Dh: xarafso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xagafso
de: trudge, walk making a lot of noise
initial: x
lx: xagafso
pd: (xagafsaday)
ps: v3a=intr
key: xagafso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xagaysi
(Xagaysi-ga)
Xagaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xagaysi
m.l la-mid: xagaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xagaysi
-ga: (magac, lab, keli) xagaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaraabi
-ga: (magac, lab, keli) markab dagaal oo weyn. Xaraabi baa Berbera ku soo xidhay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaraari
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Qof buka ama dhaawac ah baanin. 2. la-mid: kharaari. Wax qaraar ka dhigid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xaraari
v. make bitter ~ sour
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaraari
(fal) khadhaadh ka dhig. Bunka adkee oo xaraari. Dh: qadhaadhee.
xaraari: (fal) wax sumaysan dawo sunta ka fadhaxda sii. Dh: balalatir, xadhaadhi.
xaraari: (fal) cunto lagu xadhaadho sii oo wax balalooday ka dhig. Dh: xadhaadhi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xaraari
a: kharaari
de: make bitter ~ sour
initial: x
lx: xaraari
pd: (xaraariyey)
ps: v2a=tr
key: xaraari
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xaraash
(Xaraash-ka)
1. Wax naado lagu iibiyo oo hadba qofka qiime madhaafaan ah gaara lagu baaryo.
2. Qof ama dibi beer-falidda yaqaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaraash
xaraash¹: m.l 1. Wax naado lagu iibiyo oo hadba qofka qiime madhaafaan ah gaara lagu baaryo. 2. (-shiyo, m.dh) Qof ama dibi beerfalidda yaqaan.
xaraash²: f.mg1 (-shay, -shtay) Badeeco qiimo jaban ku gadid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xaraash
xaraash¹: m.l 1. Wax naado lagu iibiyo oo hadba qofka qiime madhaafaan ah gaara lagu baaryo. 2. (-shiyo, m.dh) Qof ama dibi beer-falidda yaqaan.
xaraash²: f.mg1 (-shay, -shtay) Badeeco qiimo jaban ku gadid. m.f.dh, xaraashid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xaraash
m. n. auction, sale; auctioneer
xaraash v. auction (off), sell by auction
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xaraash
-ka: (n) auction (ook-shin); sell to the highest bidder ~ naado
xaraash -ay / tay: (v) sell by an auction
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Xaraash
Vendita all'asta
Auction sale
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaraash
(fal) qiimo jaban oo hoose ku libi.
xaraash: (fal) naado ku iibi oo kolba qiimaha u sarreeya ee la dhaafi waayo sii.
xaraash-ka: (magac, lab, keli keli) iib naado lagu libiyo oo hadba qofka qime madhaafaan ah gaadha loo fasaxo. Dh: naado.
xaraash -ka: (magac, lab, keli keli) iib shayga qiimihii uu cusaybka ku joogay qiime ka hooseeya lagu libiyo kolka intii la isticmaalay inta la qiimeeyo in u dhaw laga jaro.
xaraash-ka: (magac, lab, keli) dibi beer falidda loo tababaray oo yagaan. Li: layli.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
xaraash
مُزَايَدَة
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xasaasi
m.l.kh X. ah: wax taabashadooda, ka hadliddooda iyo talakeenkoodu keeni karo dhibaato.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xasaasi
m.l.kh X. ah: wax taabashadooda, ka hadliddooda iyo talakeenkoodu keeni karo dhibaato.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xasaasi
m. n. delicate object
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xasaasi
-ah: (adj) sensitive (san-si-tif); delicate (dela-keeyt). Ex: arrin xasaasi ah; a sensitive matter
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xasaasi
bw: Arabic
de: delicate object
initial: x
lx: xasaasi
pd: (-ga)
ps: n-m
key: xasaasi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xayaysi
-ga: (magac, lab, keli) qof aan hilib lahayn oo wayd ah. Xayaysi la lama borotomo. Dh: caato, xiidxiid.