xaraarnimo
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xaraarnimo
f. n., [abstract] bitterness
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xaraarnimo
de: bitterness
initial: x
lx: xaraarnimo
pd: (/da)
ps: n0-f-abs
key: xaraarnimo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baraarnimo
m.dh Baraar ahaansho (ido).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baraarnimo
-da: (magac, dhedig, keli) maqal idaad oo waawayn ahaan. Maqasha baraarnimo ayaa loo soocay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maraarnimo
m.dh (daawo) Xaalad cudureed oo ka timaada ayadoo lagu dhasho shaqi yari qanjirdhiiqa taayroyd. Astaamaha ahaan: gaabni, caqli dhimanaan, muuqaalka wajiga oo gaar ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
maraarnimo
m.dh (daaw.) Xaalad cudureed oo ka timaada ayadoo lagu dhasho shaqi yari qanjirdhiiqa taayroyd. Astaamaha ahaan: gaabni, caqli dhimanaan, muuqaalka wajiga oo gaar ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Barbaarnimo
(Barbaarnima-da)
Barbaar ahaan; dhallinyarannimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barbaarnimo
m.dh Barbaar ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
barbaarnimo
f. n., [abstract] young adulthood, youth
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
barbaarnimo
-barbaarnimada: (n) the condition of bring young adult male; youthfulness
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barbaarnimo
-da: (magac, dhedig, keli) ahaanshaha barbaar koray. Dh: dhallinyaranimo, gurboodnimo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
barbaarnimo
de: young adulthood, youth
lx: barbaarnimo
pd: (/da)
ps: n0-f-abs
key: barbaarnimo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dharaarnimo
m.dh Maalinnimo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dharaarnimo
m.dh Maalinnimo.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dharaarnimo
-dharaarnimada: (n) daytime (dheey-taaym) ~ maalinnimo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dharaarnimo
-da: (magac, dhedig, keli) ahaansha milay dharaareed. Labiyo tobankii dharaarnimo waan shaqaynaayay. Dh: maalinnimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaaraannimo
m.dh Xaaraan ahaansho. la-mid: xaaraantinnimo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaaraannimo
-da: (magac, dhedig, keli) xaaraan ahaan; wax sharci ahaan la oggolayn oo xalaasha ka soo horjeeda ahaan. Ribada xaaraannimo ayaa loo nacaa. Dh: xaaraantinimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jasaarnimo
(Jasaarnima-da)
Jasaar ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jasaarnimo
m.dh Jasaar ahaansho. la-mid: jisaarnimo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jasaarnimo
f. n., [abstract] ingratitude
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jasaarnimo
-jasaarnimada: (n) ingratitude (ingaraata-tuud); ungratefulness; lack of appreciation; unthankfulness ~ jisodarro, asxaandarro
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jasaarnimo
-da: (magac, dhedig, keli) qof aan abaal gudin ahaan.
jasaarnimo -da: (magac, dhedig, keli) qof xoolaha qala ama hilibka iibiya ahaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jasaarnimo
de: ingratitude
lx: jasaarnimo
pd: (/da)
ps: n6-f-abs
key: jasaarnimo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
najaarnimo
m.dh Najaar ahaansho. la-mid: nijaarnimo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
najaarnimo
-da: (magac, dhedig, keli) farsamayaqaan najaar ah ahaan. Najaarnimadu waa sharaf.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qawaarnimo
m.dh Qawaar ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qawaarnimo
-da: (magac, dhedig, keli) qawaar ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xamaalnimo
-da: (magac, dhedig, keli) xamaal tunka wax ku qaada ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abakaarnimo
m.dh Abakaar ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abakaarnimo
-da: (magac, dhedig, keli) ganacsade haynyar ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
badraannimo
m.dh Batraan ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badraannimo
-ad: (magac, lab, keli) mid kibray oo dad kale gardarraysta ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
batraannimo
m.dh Kibir.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
batraannimo
m.dh Kibir.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
batraannimo
-da: (magac, dhedig, keli) mid edeb daran oo gardarro dadka ku daya ahaan. Ninka aqalkaaga kugu soo doontay waa nin batraannimo kuugu yimid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faraadinimo
-da: (magac, dhedig, keli) aqoonta lafakabidda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gargaarsimo
(Gargaarsima-da)
Wax gargaar laga helo; kaalmo; taageero; waxtar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gargaarsimo
m.dh la-mid: gargaar¹.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gargaarsimo
f. n. support ~ help received
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gargaarsimo
-da: (magac, dhedig, keli) wax gargaar laga helo. Dh: kaalmo, taageero.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gargaarsimo
de: support ~ help received
lx: gargaarsimo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: gargaarsimo
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qaraabonimo
-qaraabonimada: (n) family relationship; kinship (kin shiip) ~ ehelnimo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sargaalnimo
-da: (magac, dhedig. keli) darajaalenimo, sarkaal ahaan, ahaan nin darajo leh. Dh: sarkaalnimo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sarkaalnimo
-da: (magac, dhedig, keli) eeg sargaalnimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aarnimo
(Aarnima-da)
Aar ahaansho; geesinnimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aarnimo
m.dh Aar ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aarnimo
f. n., [abstract] bravery
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aarnimo
-aarnimada: (n) bravery (bareey-veri) ~ geesinimo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aarnimo
-da: (magac, dhedig, keli) yeelashada sifooyinka aarka. Aarnimo ayaa ka muuqatay dadaalkiisa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aarnimo
de: bravery
lx: aarnimo
pd: (/da)
ps: n0-f-abs
key: aarnimo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaraari
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Qof buka ama dhaawac ah baanin. 2. la-mid: kharaari. Wax qaraar ka dhigid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xaraari
v. make bitter ~ sour
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaraari
(fal) khadhaadh ka dhig. Bunka adkee oo xaraari. Dh: qadhaadhee.
xaraari: (fal) wax sumaysan dawo sunta ka fadhaxda sii. Dh: balalatir, xadhaadhi.
xaraari: (fal) cunto lagu xadhaadho sii oo wax balalooday ka dhig. Dh: xadhaadhi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xaraari
a: kharaari
de: make bitter ~ sour
initial: x
lx: xaraari
pd: (xaraariyey)
ps: v2a=tr
key: xaraari
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaraaro
(fal) meel quluul ah ka dhaadhac oohoos uga sisibo. Jarka ka xaraaro. Dh: daadeg.
xaraaro: (fal) meel tiiri ah fano oo kor u fuul. Xaraaro jiirta. Dh: fano, fuul.
xaraaro-da: (magac, dhedig, keli) lulo, caajis iyo hamaahsi madax xanuun la dareemo kolka wax la bartay la joojiyo sida sigaarka, xawsada, jaadka iyo waxyaale kale oo la mid ah. Niyada ayaan jaad ka jaroo xaraaro ima hayso. Dh: hamuun, baahi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
araxnimo
m.dh Arax ahaansho (sac).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baranimo
-da: (magac, dhedig, keli) macallinnimo; bare ahaan. Gabadha baranimoda sannadkan ayaa ugu horraysay. Dh: macallinimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaarnimo
m.dh Jaar ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jaarnimo
f. n., [abstract] neighborliness; being a neighbor
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jaarnimo
-jaarnimada: (n) neighborhood (neey-bor-huudh)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jaarnimo
de: neighborliness; being a neighbor
lx: jaarnimo
pd: (/da)
ps: n6-f-abs
key: jaarnimo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaraarid
m.f.dh eeg xarąar².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaraarid
-da: (magac, dhedig, keli) shaah, bun, Jaad, sigaar iyo wax la mid ah u baahasho oo caajis iyo hamaahsi badan yeelasho. Dh: hamuumid.
xaraarid -da: (magac, dhedig, keli) wax xadhaadhay oo balalooday noqosho. Dh: xadhaadhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xaraarin
(Xaraarin-ta)
Xaraar ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaraarin
m.dh eeg xaraari. la-mid: kharaarin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaraarin
-ta: (magac, dhedig, keli) cunto uu ku xadhaadho siin. Dh: xadhaadhin.
xaraarin -ta: (magac, dhedig, keli) khadhaadh ka dhigid. Dh: xaraaris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaraaris
-ta: (magac, dhedig; keli) eeg xaraarin.
xaraaris-ta: (magac, dhedig, keli) wax caleen ku sumoobay noqosho. Dh: xadhaadhis, xadhaadhid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaraaroo
(fal) xaraaro ha ku hesho. Shaah rasiin ah u xaraaroo. Dh: hamuun
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
alaalnimo
m.dh Alaal ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
alaalnimo
-da: (magac, dhedig, keli) qof dhiirran oo aan maagitaan lahayn. Dh: ilxayiignimo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ardaynimo
-da: (magac, dhedig; keli) arday ahaan; noqoshada arday.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aroornimo
m.dh Waqti aroor ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
aroornimo
m.dh Waqti aroor ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
askarnimo
m.dh Askari ahaansho. la-mid: askarinnimo, caskarinnimo, caskarnimo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
askarnimo
f. n., [abstract] militarism
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
askarnimo
-da: (magac, dhedig, keli) qof dirayska askarta sida ahaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
askarnimo
de: militarism
lx: askarnimo
pd: (/da)
ps: n0-f-abs
key: askarnimo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barannimo
m.dh Bare ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Carabnimo
-da: (magac, dhedig, keli) Carab ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cawarnimo
m.dh (daawo) Labada indhood oo kala qalloocda.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cawarnimo
m.dh (daaw.) Labada indhood oo kala qalloocda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faraqnimo
-da: (magac, dhedig, keli) garac ahaansho. Dh: wecelnimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gabarnimo
(Gabarnima-da)
Gabar ahaan; inannimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gabarnimo
m.dh Gabar ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gabarnimo
f. n., [abstract] girlhood, maidenhood
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gabarnimo
gabarnimada (n) girlhood (geerel huudh)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabarnimo
-da: (magac, dhedig, keli) haweenay aan la guursan ahaan. Dh: inannimo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gabarnimo
de: girlhood, maidenhood
lx: gabarnimo
pd: (/ha)
ps: n6-f-abs
key: gabarnimo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garacnimo
-da: (magac, dhedig, keli) farakhnimo ku soo dhalasho; garac ahaansho; wecelnimo ku soo dhalasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habarnimo
-da: (magac, dhedig, keli) duq weynaatay ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qarannimo
m.dh Qaran ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qarannimo
f. n., [abstract] nationhood, sovereignty
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qarannimo
-qarannimada: (n) independence (in-di-peen-dansi); sovereignty (sov-ranti)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarannimo
-da: (magac, dhedig, keli) dawladnimo. Qabiilqabiilkii qaranimo ayaa looga gudbay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qarannimo
de: nationhood, sovereignty
lx: qarannimo
pd: (/da)
ps: n0-f-abs
key: qarannimo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saraacimo
(Saraacima-da)
Libaax-badeed aad u weyn oo badaha kulul ku nool; wuxuu qalka kore ku lee yahay gafuur dheer oo xalleef ah oo ilko, kuwa miinshaarta u eki, labada dhinac kaga teedsan yihiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saraacimo
m.dh Libaaxbadeed aad u weyn oo gafuur dheer iyo ilko kuwa miinshaarta u eg leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saraacimo
f. n. sawfish, Pristis species
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saraacimo
-ha: (magac, lab, keli) libaax badeed aad u weyn oo badaha kulkulul ku nool, gafuur dheer oo xalleefsan leh oo sarcan yihiin ilko sida. miinshaarta. Saraacimo nool maan arag weli.