xaqtan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaqtan
f.mg1 (-amay, -antay; -ami) Laba qof ama ka badan wax ay isku haystaan ka garramid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xaqtan
v. claim one's rights
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaqtan
-ka: (magac, lab, keli) xaq isu sheegasho. Dh: xaqtamid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xaqtan
de: claim one's rights
initial: x
lx: xaqtan
pd: (xaqtamay)
ps: v1=intr
key: xaqtan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaftan
-ka: (magac, lab, keli) kala xafid oo wax kala boobid. Carruurtu xaftan ayay ciyaarayaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaqtamid
m.f.dh eeg xaqtan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaqitaan
-ka: (magac, lab, keli) xaqii uu lahaa siin; magdhaw siin. Dh: xaqis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaqtan
(Dhaqtan-ka)
Tartan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaqtan
dhaqtan¹: m.l (-nno, m.dh) 1. Tartanka meel la dhaqaysanayo lagu tartamo. 2. la-mid: dhaqtamid. la-mid: dhugtan¹.
dhaqtan²: f.mg1 (-amay, -antay; -ami) Dhaqaysi ku tartamid. la-mid: dhugtan².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhaqtan
v. compete, have a competition with each other
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhaqtan
de: compete, have a competition with each other
lx: dhaqtan
pd: (dhaqtamay)
ps: v1=recip
key: dhaqtan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xantayn
-ta: (magac, dhedig, keli) taabasho oo cararid. Dh: xantays.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xaqaani
m. n. impartial ~ unbiased person
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xaqaani
bw: Arabic
de: impartial ~ unbiased person
initial: x
lx: xaqaani
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: xaqaani
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xaqiran
La xaqiray; la liidey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaqiran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Wax la xaqiray ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xaqiran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Wax la xaqiray ahaansho. m.f.dh, xaqirnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xaqiran
der. [adjective] despised
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaqiran
(tilmaame) la xaqiray ah; bahdilan oo liita ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xaqiran
de: despised
initial: x
lx: xaqiran
pd: (xaqirnaa)
ps: adj-der
key: xaqiran
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aqan
-ka: (magac, lab, keli) inan bulshaawi ah oo cayaaraha iyo kulamada ku fiican laakiin hanti lumis ah.
aqan -ka: (magac, lab, keli) dibindaabyada noolaha lab uu ku geysto dhallinyaranimada. Markuu luqunmadoobow ratuhu laacdan baranaayo, isagaa u laandeyro badan laqanka xoolaade.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaan
-ka: (magac, lab, keli) go'aan falcelis ah Ilmuhu wuu kaa yar yahaye ha ka xaan qaadan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aqaan
v., sg., present habitual: I know
aqaan v., sg., neg., present habitual: I don't know
aqaan v., sg., subject case, present habitual: it is I who know
aqaan v., sg., relative form, present habitual: that I know ...
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aqaan
(v) I know. Ex: Ma taqaan? Haa, waan aqaan; did you know him? yes, I know him
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daqan
f.g1 (-qnay/-qmay, -qantay; -qni/-qmi) la-mid: danaq.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daqan
v. aggravate a wound (as by touching); hurt ~ injure someone
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daqan
a: damaq, damqi
de: aggravate a wound (as by touching); hurt ~ injure s.o.
lx: daqan
pd: (daqnay ~ daqmay)
ps: v1=tr
key: daqan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faqan
(tilmaame) wax fadhan ama meel godan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Laqan
(Laqan-ka)
Qof yar oo laayaan ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laqan
laqan¹: m.l 1. Nin dhalinyaro ah oo qas badan. 2. Geerida ku timaad qof dhalinyaro ah. 3. Shaah ama kafee lagu daray cabbitaan kale oo adag.
laqan²: f.mg1 (-qmay, -qantay; -qmi) 1. Nin dhalinyaro ah oo qas badan noqosho. 2.Da' yaraan ku dhimasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
laqan
laqan¹: m.l 1. Nin dhalinyaro ah oo qas badan. 2. Geerida ku timaad qof dhalinyaro ah. 3. Shaah ama kafee lagu daray cabbitaan kale oo adag.
laqan²: f.mg1 (-qmay, -qantay; -qmi) 1. Nin dhalinyaro ah oo qas badan noqosho. 2.Da' yaraan ku dhimasho. m.f.dh, laqmid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
laqan
v. die prematurely
laqan m. n. violent young person
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laqan
-ka: (magac, lab, keli) qof yar oo laayaan ah.
laqan -ka: (magac, lab, keli) neef yar oo da'diisa ka waynaada. Dh: dhaylo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maqan
Aan joogin; meel kale jira.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maqan
f.mg4 (-qnaa, -qnayd) 1. Cid aan joogin ahaasnho. 2. Wax lumay shaanbo. 3. Qof maahsan ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
maqan
f.mg4 (-qnaa, -qnayd) 1. Cid aan joogin ahaasnho. 2. Wax lumay shaanbo. 3. Qof maahsan ahaansho. m.f.dh, maqnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maqan
[adjective] absent, not present; mentally distracted
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Maqan
1) absent, 2) au loin.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
maqan
-maqnaa: (adj) missing (mixing); absent (aab 'sant); not present. Ex: Cali fasalka wuu ka maqan yahay; Ali is missingfrom the class
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maqan
(tilmaame) aan joogin oo meel kale jira. Li: jooga.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maqan
de: absent, not present; [ext.] mentally distracted
lx: maqan
pd: (maqnaa)
ps: adj
xe: When I came, you were absent.
xv: Markaan imid, adigu waad maqnayd.
key: maqan
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
maqan
غائب
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naqan
f.mg4 (-qnaa, -qnayd) 1. Gar la xalliyay ahaansho. 2. Wax yar ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naqan
(tilmaame) wax aad u yar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qatan
Aan weli wax cunin ama wax cabbin; hamuuman.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qatan
f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Nafley cunto ama cabid aan helin ahaansho. 2. Wax la qaybinayey cid aan wax ka helin ahaansho. la-mid: qadsan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qatan
f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Nafley cunto ama cabid aan helin ahaansho. 2. Wax la qaybinayey cid aan wax ka helin ahaansho. la-mid: qadsan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qatan
der. [adjective] fasting, not yet having eaten ~ drunk anything
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qatan
-aa / ayd: (adj) not yet having eaten food; still hungry
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qatan
(tilmaame) aan waxba cunin waxna cabin. Nin dhergey nin qatan moog. Dh: baahan. Li: cokan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qatan
de: fasting, not yet having eaten ~ drunk anything More severe than qatin; with preposition ka
lx: qatan
pd: (qatanaa)
ps: adj-der
key: qatan
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
satan
/seytan/ (n) shayddaan.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
satan
satan, n.m. - shaydaan; shaydaan ah
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
satan
n., Shaydaan, -ki, cifriid, -ki.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xadan
f.mg4 (-dnaa, -dnayd) Wax dhibban ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xadan
der. [adjective] helpless, at a loss, in a very difficult situation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xadan
(tilmaame) xad aan la dhaafi karin leh xuduud jeexan oo la yaqaan leh.
xadan: (tilmaame) wax la xaday ah. Aqalkii o xadan ayaan u imidday.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xadan
de: helpless, at a loss, in a very difficult situation
initial: x
lx: xadan
pd: (xadnaa)
ps: adj-der
key: xadan
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Xafan
name-f chopped, slashed
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xagan
xagan¹: f.mg1 (-gmay, -gantay) Wax la xagtay noqosho.
xagan²: f.mg4 (-gnaa, -gnayd) Wax la xagtay ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xagan
der. [adjective] scratched, grazed
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
XAGAN
(Haggan) N Chionothrix somalensis (S. Moore) Hook.F. Amaranthaceae.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xagan
-xagnaa / xagnayd: (adj) scratchy (iska-raaji); marked with scratches
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xagan
(tilmaame) wax la xagtay oo ciddiyo lagu jeexjeexay ah. Iyada oo wajiga ka xagan ayay timid. Dh: xarruufan. Wa: xagxagan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xagan
de: scratched, grazed
initial: x
lx: xagan
pd: (xagnaa)
ps: adj-der
key: xagan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xalan
La xalay; mayran; qasaalan; dhaqan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xalan
f.mg4 (-lnaa, -lnayd) Wax la xalay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xalan
f.mg4 (-lnaa, -lnayd) Wax la xalay ahaansho. m.f.dh, xalnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xalan
der. [adjective] washed, cleansed with water
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Xalan
name-f clean, cleansed; pure. Cf: Xalane
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xalan
-xalnaa I xalnayd: (adj) washed, usually in relation to household items cleaned ~ dhaqan, mayran
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Xalan
magac loo baxsho gabadh la rajaynayo inay noqoto mid ceeb oo dhan ka maydhan oo ka hufan. xalan: (tilmaame) maydhan oo nadiif ah. Saxni xalan ii keen. Dh: qasaalan, dhaqan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xalan
de: washed, cleansed with water {N & W}
initial: x
lx: xalan
pd: (xalnaa)
ps: adj-der
key: xalan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xanan
(Xanan-ka)
Geed-yaryar ama ood qodax leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xanan
m.l.u Geed-yaryar ama ood qodax leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xanan
m. n., [collective] prickly growth, thorn bush, brushwood
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xanan
-ka: (magac, lab, keli) jajab geedo, caleen iyo xashiish ah oo dabka lagu huriyo. Dh: jabad, xansas.
xanan-ka: (magac, lab, keli) geedo yaryar oo lagu xajiimoodo. Xanan gogol lagama dhigto.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xanan
de: prickly growth, thorn bush, brushwood
initial: x
lx: xanan
pd: (-ka)
ps: n2-m-col
key: xanan
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Xaq-a
droit, justice.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xaran
(Xaran-ka)
Xaram.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaran
m.l Meel barakaysan oo cibaadeysi loo tago sida Kacbada iyo masjidka Madiina. la-mid: xaram.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xaran
m.l Meel barakaysan oo cibaadeysi loo tago sida Kacbada iyo masjidka Madiina. la-mid: xaram.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaran
-ka: (magac, lab, keli) eeg xaram.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Xasan
name: Hassan
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Xasan
name-m good, handsome
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Xasan
de: Hassan Alt sp: Xassan, Hasan
initial: x
lx: Xasan
ps: name-m
key: Xasan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xataa
Erey lagu isticmaalo kolka wax gaar ah, la weyneyna hayo, ama culays gaar ah la saarayo, ama wax suuraggala madhaafaanka ay gaareen ama ayan dhaafi karin xoog farta loogu fiiqayo (sida: Cali tuugaa u soo dhacday oo xataa dharkii ka xadday; Ninku waa geesi oo xataa libaaxa kama baqo; Bal wax uun i sii, xataa shilin) - bal wax kale ama cid kale daaye; taniyo; -na.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xataa
fk. 1. Eray lagu isticmaalo kolka wax gaar ah la weyneynayo ama culays gaar ah la saarayo. Tusaale: “Waa geesi oo xataa libaaxa (ama libaaxa xataa) kama baqo”. 2. Haba yaraatee. Tusaale: “Bal wax uun i sii, xataa shilin”. la-mid: xitaa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xataa
fk. 1. Eray lagu isticmaalo kolka wax gaar ah la weyneynayo ama culays gaar ah la saarayo. Tusaale: Waa geesi oo xataa libaaxa (ama libaaxa xataa) kama baqo. 2. Haba yaraatee. Tusaale: Bal wax uun i sii, xataa shilin. la-mid: xitaa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xataa
conj. even
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xataa
(adv) even (ii-van) ~ xitaa. Ex: daacad baan kuu ahaan, xataa haddaan dhinto-, I will be loyal to you, even ifI had to die
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xataa
(falkaabe) eray la adeegsado kolka wax si guud loo sheegayo in ka mid ahna si gaar ah loo sii qeexayo oo farta lagu fiiqayo. Dh: ilaa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xataa
bw: xitaa
cf: taniyo
de: even
initial: x
lx: xataa
ps: conj
xv: Arabic
key: xataa
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xatab
(Xatab-ka)
Cagasaaraha ragaadka (jaranjarada) middood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xatab
m.l Cagasaaraha ragaadka (jaranjarada) middood.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xatab
m.l Cagasaaraha ragaadka (jaranjarada) middood.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xatab
m. n. step (of staircase), rung (of ladder)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xatab
-ka: (magac, lab, keli) cagasaarrada jaranjarada middood. Dh: catabad.
xatab-ka: (magac, lab, keli) qori weyn oo qallalan. Xatab aan shidanno soo qaad. Dh: xulad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xatab
de: step (of staircase), rung (of ladder)
initial: x
lx: xatab
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: xatab
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xoqan
1. La xoqay.
2. Hoolan, xaquuqan.