xanto
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xanto
(Xanta-da)
1. Subag ama miid kale oo la shiila hayo, xunbada ka soo go'da oo dusha ka fuusha.
2. Cayaar taabasho iyo orod ku dhisan sida laalka iyo yoolyoolka, istaabashadooda; seemis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xanto
m.dh 1. Xayaabo kor ka soo marta subag la shiilayo. 2. Gufarka hoos fariista subag la shiilay. 3. Ciyaar carruureed hadba kan wax taabtaa cararayo oo ay rayn tahay haddii uu galo yoolka isagoo aan la taaban.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xanto
f. n., [collective] froth ~ foam on hot butter
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xanto
-da: (magac, dhedig, keli) subagga kolka la shiilo xumbada dusha ka fuusha. Dh: abur, xoor.
xanto -da: (magac, dhedig keli) ciirta iyo budada isla fadhiista ee miida codcodka gunta kaga hadha kolka burcadka la shiilo. Dh: heemaar.
xanto -da: (magac, dhedig, keli) ciyaar wiilasha iyo hablaha midba iskood u ciyaaro kuna salaysan taabasho cidda wax taabatana ay oroddo ka la taabtayna uu ka jarto waxaana lagu kala reeyaa sida loo kala orod badan yahay waana ciyaaraha ay carruurtu ku waaryaan. Dh: xantaxantaysi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xanto
de: froth ~ foam on hot butter (delicacy enjoyed by children)
initial: x
lx: xanto
pd: (/da)
ps: n6-f-col
key: xanto
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xanato
(Xanata-da)
Xididdada oogada oo kaca ama baraaruga kolka ay dareemaan waxyaalo si debecsan oo jilicsan meelaha qaarkood uga taataabanaya; (ama xadato).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xanato
m.dh la-mid: xadato.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xanato
f. n. tickling
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xanato
-da: (magac, dhedig, keli) dareen judhuudhucyo iyo raaxo ah oo jidhku dareemo marka dubka si debecsan faraha caaradooda ama wax la mid ah loo dulmariyo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xanato
a: xadato
de: tickling
initial: x
lx: xanato
pd: (/da)
ps: n-f
key: xanato
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
canto
s.m. hees.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fanto
(Fanta-da)
Cudur jirka ku dhaca oo nabarro dhacaan iyo malax lihi ka soo yaacaan oo googgooyaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fanto
m.dh (daawo) Cudur jirka ku dhaca oo nabarro dhacaan iyo malax lihi ka soo yaacaan oo goggooyaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fanto
m.dh (daaw.) Cudur jirka ku dhaca oo nabarro dhacaan iyo malax lihi ka soo yaacaan oo goggooyaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fanto
f. n., [collective] smallpox
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fanto
-da: (magac, dhedig, keli) eeg fando.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fanto
de: smallpox
lx: fanto
pd: (/da)
ps: n6-f-col
key: fanto
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ganto
-da: (magac, dhedig, keli) farraar qori ku yaalla oo wax lagu soo qabto ama la sudho. Hangoolka gantadii baa ka jabtay. Dh: farraaq.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
santo
s.m. - wéli, awliyo.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
tanto
agg. e avv. badan; calaakulli xaal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xanjo
(Xanja-da)
Xabag jiidanta oo aan kala go'in, badanaa tan la calashado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xanjo
m.dh Xabag jiidanta oo aan kala go'in, badanaa tan la calashado.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xanjo
m.dh Xabag jiidanta oo aan kala go'in, badanaa tan la calashado.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xanjo
f. n. chewing gum
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xanjo
-xanjada: (n) gum (gam); especially chewing gum
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xanjo
-da: (magac, dhedig, keli) xabag jiidanta oo aan kala go'in oo la calashado.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xanjo
cf: xabag; jiidan
de: chewing gum
initial: x
lx: xanjo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: xanjo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xanso
f.g3 (-saday, -satay) Xog cid ku saabsan sir ahaan u raadsasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xanso
f.g3 (-saday, -satay) Xog cid ku saabsan sir ahaan u raadsasho. m.f.dh, xansasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xanso
v. ask ~ inquire secretly about
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xanso
-xansaday I xansatay: (v) pry (paraay); snoop (isnuup); keep one's ears open; obtain information through secret inquiry ~ xogwarayso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xanso
(fal) hadal sir ah u sheego.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xanso
de: ask ~ inquire secretly about
initial: x
lx: xanso
pd: (xansaday)
ps: v3a=tr
key: xanso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhererto
(Dhererta-da)
Sacab muggi; xantoobo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhuub
(Dhuub-ka)
1. Waxyaalo dhawr ah oo laysku xiray ama laysku duubay; xirmo.
2. Daliig mayrax ah ama wax la mid ah.
3. Sacab muggi; dhererto; xantoobo.
4. Ubaxa docihiisa middood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xantoobsad
(Xantoobsad-ka)
Xantoobsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xantoobsasho
(Xantoobsasha-da)
Xantoobo sacabka ku qaadasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cantoobo
m.dh (-ooyin, m.l) In kol shanta farood iyo calaacasha lagu qabto oo buuxisa. la-mid: cantoob, xantoobo.

dhererto
m.dh Sacab muggii; xantoobo.

gabbad
gabbad¹: m.l la-mid: gabbasho.
gabbad²: m.dh (-dyo, m.dh) Xantoobo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hambo
hambo¹: m.dh Cunto la cunay inta weelka lagu reebo.
hambo²: f.g3 (-baday, -batay) Xantoobo cunto ah af ku shubasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xantoobayn
m.f.dh eeg xantoobee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xantoobee
f.g2 (-beeyay, -baysay) Wax xantoobo ku qaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xantoobin
m.f.dh eeg xantoobi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xantoobsad
m.l la-mid: xantoobsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xantoobsasho
m.f.dh eeg xantoobso. la-mid: xantoobsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xantoobso
f.g3 (-saday, -satay) Hal xantoobo gacanta ku qaadasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cantoobo
m.dh (-ooyin, m.l) In kol shanta farood iyo calaacasha lagu qabto oo buuxisa. la-mid: cantoob, xantoobo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhererto
m.dh Sacab muggii; xantoobo.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
ticklish
/tiklish/ (adj) 1. xan-xanta leh (laga xantoodo) (adj) 2. xasaasi ah (dhib-badan).
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cantoobo
-cantoobada: (n) handful (haandh-fuul) ~ gacan muggeed, xantoobo
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xantaxanto
-xantaxantada: (n) tickling (tikal-ing); tickling sensation ~ xantoxanto, kilkilo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xadanto
-da: (magac, dhedig, keli) dareen raaxo iyo judhuudhucyo ah oo jidhku dareemo marka aayar dubka si debecsan faraha caaradooda ama wax la mid ah loo dulmariyo.. Dh: xoodaan, salaax.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xananto
m.dh la-mid: xadato.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xananto
-da: (magac, dhedig, keli) dareen judhuudhucyo iyo raaxo ah oo jidhku dareemo marka aayar dubka si debecsan faraha caaradooda ama wax la mid ah loo dulmariyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xantoob
(fal) sacab muggii qaad; in sacab keliya buuxisa mar qudha qaad. Gorowga ii xantoob. Dh: cantoob.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xantool
-ka: (magac, lab, keli) xabag dhireed weyn. Xabag xantool ah ayaan bilcin ka goosta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faanto
(Faanta-da)
Dhiriqda lo'da, kd.; dhabcan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faanto
m.dh Xaar lo'aad oo qoyan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
faanto
m.dh Xaar lo'aad oo qoyan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
faanto
f. n., [collective] dung (of cattle, etc.)
faanto [feminine] n. orange soda, Fanta
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
Faanto
-da: (n) Fanta; orange pop
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
faanto
-da / faantada: (n) dung (dhaang); manure (ma nuu) ~ digo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faanto
-da: (magac, dhedig, keli) dhiriqda (saxaro) lo'da ee jilicsan. Lo' barwaaqo joogtaa ugu faanto badan. Dh: dhabcan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ganato
m.dh.u Dad ku nool ugaarsi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ganato
f. n. female hunter; group of hunters
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ganato
-da: (magacwadareed) koox dad ah oo ugaadhsiga ku shaqaysata. Dh: ugaadhsato.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ganato
de: female hunter; [col] group of hunters
lx: ganato
pd: (/da)
ps: n6-f
key: ganato
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
guanto
s.m. - gacangashi.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
pianto
s.m. - oohin(ta).
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
quanto
agg. e avv. meeqa, immisa; inta; sida.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
tantôt
tantôt, adv. - marna; marna.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xadato
m.dh Xididdada oogada oo kaca ama baraaruga kolka ay dareemaan waxyaalo si debecsan oo jilicsan meelaha qaarkood uga taataabanaya. la-mid: xananto, xanato.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xadato
m.dh Xididdada oogada oo kaca ama baraaruga kolka ay dareemaan waxyaalo si debecsan oo jilicsan meelaha qaarkood uga taataabanaya. la-mid: xananto, xanato.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xadato
f. n. tickle, tickling
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xadato
-da: (magac, dhedig, keli) dareen raaxo judhuudhucyo ah oo jidhku dareemo marka aayar dubka si debecsan faraha caaradooda ama war Imid ah loo dulmariyo. Xadato haddaan dareemo waan jidhiidhicoodaa. Dh: xadanto.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xadato
a: xanato
de: tickle, tickling
initial: x
lx: xadato
pd: (/da)
ps: n-f
key: xadato
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xagato
m.dh.u Dhirxagato.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Xan-ta
diffamation.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xandho
(Xandha-da)
Hanti; xoolo; maal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xandho
m.dh Maal; hanti.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xandho
f. n., [collective] property, goods
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xandho
-da: (magac, dhedig, keli) xoolaha la dhaqdo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xandho
cf: hanti, maal, xoolo
de: property, goods
initial: x
lx: xandho
pd: (/da)
ps: n6-f-col
key: xandho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xantay
(fal) xantaxanto ciyaar. Xantay oo carar. Dh: taabo, xantayso, xantee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xantee
(fal) xantaxanto ciyaar oo intaad taabato ka baxso. Xantee oo carar. Dh: xantayso, taabo, xantay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xiinto
m.dh (-ooyin, m.l) Webiyada, durdurrada iyo wixi lamida meelaha biyadhaca ah oo xiinka sameeya.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xiinto
m.dh (-ooyin, m.l) Webiyada, durdurrada iyo wixi lamida meelaha biyadhaca ah oo xiinka sameeya.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xiinto
f. n. rushing water (river, waterfall)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xiinto
-da: (magac, dhedig, keli) webi iyo wixii la mid ah shanqadha ka yeedha. Xiinto badan ayu webigu bixiyaa. Dh: biya'dhac.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xiinto
de: rushing water (river, waterfall) See also: xiintoy
initial: x
lx: xiinto
pd: (/da)
ps: n6-f
key: xiinto
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xantayso
(fal) xantaxanto ciyaar. Orod carruurta la xantayso. Dh: dheel.
xantayso: (fal) adigu taabso oo orod. Mid ka xantayso ha lagu gaadhee. Dh: taabso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xantoobi
f.g2 (-iyay, -isay) Hal mar sacabka wax ku qaadid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xantoobi
v. take a handful of something
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xantoobi
-yey I say: (v) grasp a handful; take a handful ~ xantoobso, cantoobi
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xantoobi
de: take a handful of s.t.
initial: x
lx: xantoobi
pd: (xantoobiyey)
ps: v2a=tr
key: xantoobi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xantoobo
(Xantooba-da)
In kol shanta farood iyo calaacasha lagu qabto oo lagu qaado, (ama cantoobo).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xantoobo
m.dh (-ooyin, m.l) In kol shanta farood iyo calaacasha lagu qabto oo lagu qaado.