xankakaabso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xankakaabso
f.mg3 (-saday, -satay) Qof cararaya wax daadsan gacan ka buuxsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xankakaabso
v. gather (things) up quickly, sweep together hastily
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xankakaabso
(fal) wax dhulka ku firidhsan si orod iyo degdeg ku jiro u ururso adoon waxba reebayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xankakaabso
de: gather (things) up quickly, sweep together hastily
initial: x
lx: xankakaabso
nt: xankakaabsad (ka) [vn-m], xankakaabsasho (/da) [vn-f]
pd: (xankakaabsaday)
ps: v3a=tr
key: xankakaabso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xankakaabo
(fal) xaabso oo degdeg sacabla buuxso. Nacnaca xankakaabo. Dh: xaabso.
xankakaabo -da: (magac, dhedig, keli) qaadashi boob ama cabsi darteed wixii la haleelaba la xa sado oo gacmaha laga buuxsado. Dh: xaabsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xankakaabsi
-ga: (magac, lab, keli) eeg xanka-kaabsad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xankakaabasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax daadsan si boob ah sacabka ugu xaabsasho. Xankakaabashada daa cidi kuma eryeysee. Dh: xankakaabsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xankakaabsad
(Xankakaabsad-ka)
Xankakaabsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xankakaabsad
m.l la-mid: xankakaabsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xankakaabsad
-ka: (magac, lab, keli) xaabsad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xankakaabi
(fal) xaabso oo degdeg sacabka u buuxso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xankakaabad
-ka: (magac, lab, keli) xaabsi si degdeg ah gacanta wax loogu xaabsado.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xankakaabin
-ta: (magac, dhedig, keli) xa degdeg ah oo sacabka la buuxsado.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaabso
(fal) wada qaado; xaab meel ku filiqsan ururso. Dh: xankakaabso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xankakaabsasho
(Xankakaabsasha-da)
Wax badan oo meel daadsan ama quban, si boob ah oo aan qurux badnayn, sacabka ugu xaabsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xankakaabsasho
m.f.dh eeg xankakaabso. la-mid: xankakaabsad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xankakaabsasho
-da: (magac, dhedig, keli) si orod iyo degdeg ku jiro wax u urursasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hankaabso
(fal) gacanta la laac oo ku soo qaado; si tiigsi ah wax ku soo qaad. Dh: laac.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hakaabso
f.mg3 (-saday, -satay) 1. Guri, xero iyo wixi lamida irriddiisa xirid. 2. Nafley dagaalamaysa booddo isu diyaarin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hakaabso
(fal) guri, xero iyo wixii la mid ah, irriddiisa xidhid.
hakaabso: (fal) nafley dagaalamaysa booddo isu diyaarin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rakaabso
f.g3 (-saday, -satay) 1. Rakaab gaadiid ku rarasho. 2. Qof gaadiid fuulid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rakaabso
(fal) rakaab gaadiid raaca ururso. Intuu roobku iman rakaabso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaagaabso
(fal) hadalka iyo kaftanka yarayso; iska ilaali in uu hadalkaagu baaho ama cadho keeno.
gaagaabso: (fal) wax dhaadheer dhererkiisa yaryarayso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hankaabsi
-ga: (magac, lab, keli) sii tiigsiga wax kaa durugsan oo laacdin lagu soo qaato; wax kaa durugsan gacanta la laacid. Dh: laacid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
handaraabo
f.mg3 (-bay, -btay) Albaab handaraab ku xirasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Manjaxaabo
(Manjaxaaba-da)
(qof) labada lugood lala baxo oo la legdo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
manjaxaabo
m.dh la-mid: manjaxaabin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
manjaxaabo
vl. n. tripping up, act of taking the legs from under someone
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
manjaxaabo
-da: (magac, dhedig, keli) farsamo la isku legdo oo labada lugood la iska laago oo qofka dhulka loogu rido. Manjaxaabo ku ledeg. Dhig mijaxaabo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
manjaxaabo
de: tripping up, act of taking the legs from under s.o.
lx: manjaxaabo
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: manjaxaabo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sannahaabo
m.dh la-mid: sannaabo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xankakoobi
(fal) boob oo sacabbada ka buux Wixii meesha yaalba xankakoobi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xanaakadays
-ka: (magac, lab, keli) eeg xanaakadayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xankakoobin
-ta: (magac, dhedig, keli) xaabsasho oo wixii yaalba sacabka ka buuxsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
handaraabasho
m.f.dh eeg handaraabo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bankadhaansi
-ka: (magac, lab, keli) dheregga iyo caanaha barwaaqada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Danla'aansho
(Danla'aansha-ha)
Dan ku jirid la'aanta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
danla'aansho
m.l/dh la-mid: danla'aan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
danla'aansho
vl. n., [abstract] lacking interest
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danla'aansho
-ha: (magac, lab, keli) shaqala'aan ku joogjoogid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
danla'aansho
de: lacking interest
lx: danla'aansho
pd: (/ha)
ps: vn-m-abs
key: danla'aansho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dansanaansho
m.l/dh la-mid: dansanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dansanaansho
-ha: (magac, lab, keli) dab, laydh ama wax la mid ah oo aan shidnayn ahaan. Dh: dansanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
falkanaansho
m.l/dh la-mid: falkanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gabbalgaabso
f.mg3 (-saday, -satay) Ku g.: ilaa waqtiga go qorraxdu dhicidda ku dhowaato meel ku sugnaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gabbalgaabso
v., [compound] stay until evening, pass the whole day
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gabbalgaabso
de: stay until evening, pass the whole day
lx: gabbalgaabso
pd: (gabbalgaabsaday)
ps: v3a=cmp
key: gabbalgaabso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qanyaraansho
m.l/dh la-mid: qanyaraan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sancanaansho
m.l/dh la-mid: sancanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taltallaabso
(fal) marba tallaabo qaad. Taltallaabso oo ha dheerayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xadfanaansho
m.l/dh la-mid: xadfanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xadfanaansho
-ha: (magac, lab, keli) go'annaan oo wax jaran ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaraaraansho
m.l/dh la-mid: kharaaraansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaraaraansho
-ha: (magac, lab, keli) wax qadhaadh oo dhadhan silloon leh noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
candhasaabasho
m.f.dh eeg candhasaabo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cananaas
(Cananaas-ka)
1. Miro la cuno oo macaan badan oo dhulka kulul ka baxa. Waa buruq weyn oo kurtummo gamuuxani ku wada rogan yihiin: iniino badan oo midoobey oo buruq weyn isku noqday, weeye.
2. Geedka mirahaasi ka baxaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cananaas
m.l Geed ka baxa kulaylaha oo dhala buruq kuusan, macaan oo korka ku leh qolof kurtumo leh, madaxa sarena caleemo dhuudhuuban oo adag.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cananaas
m.l Geed ka baxa kulaylaha oo dhala buruq kuusan, macaan oo korka ku leh qolof kurtumo leh, madaxa sarena caleemo dhuudhuuban oo adag.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cananaas
m. n. pineapple
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cananaas
-ka: (n) pineapple (payn-aapal) ~ ananaas
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cananaas
-ka: (magac, lab, keli) midho macaan badan oo dhulka kulaylaha ah ka baxa oo muuqaal ahaan, la bah ah dacarta. Waxa uu leeyahay midho waaweyn oo kurtumo qodxaan lihi ku duhaadhan yihiin. Dh: cananis.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cananaas
bw: Arabic
de: pineapple
lx: cananaas
pd: (-ka)
ps: n2a-m-enum
key: cananaas
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
CANYAASO
(Anyaso) May Portulaca quadrifolia L. Portulacaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
danqaabo
m.dh la-mid: danqaabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danqaabo
-da: (magac, dhedig, keli) eeg danqaab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gabaabso
f.g3 (-saday, -satay) Wax sii dhammaanaya oo wax yar ka dambeeyaan noqosho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gabaabso
f.g3 (-saday, -satay) Wax sii dhammaanaya oo wax yar ka dambeeyaan noqosho. m.f.dh, gabaabsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabaabso
(fal) dhammayso oo waxba ha ka tegin. Dh: dhamee, gunaanad, gabagabee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hakaabsi
m.l la-mid: hakaabsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hakaabsi
-ga: (magac, lab, keli) wax arag la'aan socosho; socod kabti ah. Hakaabsi hore lahaw. Dh: kabti, hagabsi, hankaabsi.
hakaabsi -ga: (magac, lab, keli) joogsasho kooban oo socod ka danbeeyo. Dh: hakasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jannaaso
m.dh la-mid: janaaso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kabaabyo
m.dh 1. Dareen beelidda ku dhacda meel jirka ka mid ah. 2. Daawo la qaato oo jirka ka lumisa dareenka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kabaabyo
m.dh 1. Dareen beelidda ku dhacda meel jirka ka mid ah. 2. Daawo la qaato oo jirka ka lumisa dareenka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laalaabo
(fal) wax fidsanaa, isku duuduubo.
laalaabo: (fal) meel ka laabo oo haddana laabo. Dh: noqnoqo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nikaaxso
f.g3 (-saday, -satay) 1. Naag nikaax ku xirasho (nin). 2. Naag, nin guursasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
nikaaxso
f.g3 (-saday, -satay) 1. Naag nikaax ku xirasho (nin). 2. Naag, nin guursasho. m.f.dh, nikaaxsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nikaaxso
v. get married legally ~ under a contract
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nikaaxso
(fal) eeg nikaaxo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nikaaxso
de: get married legally ~ under a contract (of a man)
lx: nikaaxso
pd: (nikaaxsaday)
ps: v3a=
key: nikaaxso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaaraabo
-da: (magac, dhedig, keli) dad abtirsiin ahaan isku dhaw; dad ehel ama ab wadaaga. Nin aan qaraabo nahay ayaa i casuumay. Dh: cashiiro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rakaabsi
m.l la-mid: rakaabsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rakaabsi
-ga: (magac, lab, keli) rakaab gaadiid raaca ururso. Dh: rakaabsasho,
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Samakaab
name-m peace maker, conciliator. Lit: supporter of the right way. Syn: Maslax, Samawade, Samawada
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Samakaab
magac loo baxsho wiil la rajaynayo ama loo baryayo in uu noqdo nabadeeye ama sababay in ay nabadi dhacdo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sannaabo
m.dh (-ooyin, m.l) Cunto yar oo aan qof weyn ku filnayn. la-mid: sannahaabo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wanaagso
f.g3 (-saday, -satay) Wax si fiican u suubsasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
wanaagso
f.g3 (-saday, -satay) Wax si fiican u suubsasho. m.f.dh, wanaagsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
wanaagso
v. improve ~ adjust something for oneself
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wanaagso
(fal) wax, u arag in uu fiican yahay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
wanaagso
de: improve ~ adjust s.t. for oneself
initial: w
lx: wanaagso
pd: (wanaagsaday)
ps: v3a=tr
key: wanaagso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waraabso
f.g3 (-saday, -satay) 1. Nafley oomman biyo siisasho. 2. Beer oomman biyo ku duwasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
waraabso
f.g3 (-saday, -satay) 1. Nafley oomman biyo siisasho. 2. Beer oomman biyo ku duwasho. m.f.dh, waraabsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
waraabso
v. water one's livestock, irrigate one's garden ~ farm
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waraabso
(fal) biyo siiso oo harraadka ka bi'i. Xoolahaaga waraabso. Dh: cabbiso,
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
waraabso
de: water one's livestock, irrigate one's garden ~ farm
initial: w
lx: waraabso
pd: (waraabsaday)
ps: v3a=tr
key: waraabso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaajayso
(fal) arrimo kuu gaar ah oo kaa baylahsan qabso. Dh: adeego.
xaajayso: (fal) cid la malayso; cid xaajo la yeelo. Walaalahaa la xaajayso intaanad go'aan qaadan. Dh: arrinso, malayso, tasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xabkayso
f.g3 (-stay, -satay) 1. Xabag gurasho. 2. Meelo kala duwan ka qaraabasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xabkayso
v. collect resin from something
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xabkayso
de: collect resin from s.t. rw: xabag
initial: x
lx: xabkayso
pd: (xabkaystay)
ps: v3b=tr
key: xabkayso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xagaalso
f.g3 (-saday, -satay) Dheri xagaal ka hoolasho.