xanjocad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xanjocad
-da: (magac, dhedig, keli) xanjo caanaha geedaha laga maleegto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xanjaad
(Xanjaad-ka)
1. Xayrta riciraha lafdhabarta, sida xanjada ugu dheegsan.
2. Lafdhabar, xiriir, arxaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xanjaad
m.l (-dyo, m.dh) 1. Xayrta riciraha lafdhabarta, sida xanjada ugu dhegsan. 2. Lafdhabar xiriir, arxaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xanjaad
m. n. backbone, vertebrae; fat around the spine
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xanjaad
-ka: (magac, lab, keli) lafta dheer ee dhabarka qaybteeda hoose. Dh: xanjaal.
xanjaad -ka: (magac, lab, keli) xaydh riciraha lafdhabarta isku dhedhejisa oo sida xabagta iskugu haysa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xanjaad
cf: xayr; lafdhabar, ricir
de: backbone, vertebrae; fat around the spine
initial: x
lx: xanjaad
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: xanjaad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xanjaysad
-ka: (magac, lab, keli) xanjo samaysasho; xanjo ka dhigasho. Adhijirtu geedaha ayay xanjaysad u doontaan. Dh: xanjaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xanjeerad
(Xanjeerad-ka)
Xanjeerasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xanjeerad
m.l la-mid: xanjeerasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xanjeerad
-ka: (magac, lab, keli) xaydad guntiga lugaha intooda hoose laga xaydo oo la gaabiyo. Dh: xaydad, guntigaabsi.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
XANJO-YAR
(Hanage-ier) May Sarcostemma viminale (L)R.Br. Asclepiadaceae.
N Polygala senensis KI. Polygalaceae.
N Polygala sp. Polygalaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xanjo
(Xanja-da)
Xabag jiidanta oo aan kala go'in, badanaa tan la calashado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xanjo
m.dh Xabag jiidanta oo aan kala go'in, badanaa tan la calashado.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xanjo
m.dh Xabag jiidanta oo aan kala go'in, badanaa tan la calashado.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xanjo
f. n. chewing gum
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xanjo
-xanjada: (n) gum (gam); especially chewing gum
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xanjo
-da: (magac, dhedig, keli) xabag jiidanta oo aan kala go'in oo la calashado.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xanjo
cf: xabag; jiidan
de: chewing gum
initial: x
lx: xanjo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: xanjo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qanjad
(Qanjad-da)
Doonyo waaweyn oo Suur laga sameeyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qanjad
m.dh (-do, m.l) Doonni baqalka ka yar oo hore u dhuuban gadaalna u ballaaran.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qanjad
f. n., [collective] sambuc, kind of large boat
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qanjad
-ka: (magac, lab, keli) jaad ka mid ah doonyaha. Doonni qanjad ah ayaan raacnay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qanjad
de: sambuc, kind of large boat
lx: qanjad
pd: (-da)
ps: n1-f-col
key: qanjad
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sancad
f. n. industry; factory, plant; engineering
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sancad
de: industry; factory, plant; engineering See also: sanco
initial: s
lx: sancad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: sancad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wancad
(Wancad-ka)
Soomaggale.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wancad
m.l Geed dhirta wax lagu daaweeyo ka mid ah, cudbina ka baxo; soome; soomaggale.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
wancad
m. n. small plant species
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wancad
-ka: (magac, lab, keli) eeg soomaggale.
wancad-ka: (magac, lab, keli) geed yar oo bul cad leh oo biilihiisa barkimooyinka lagu cabbeeyo. Haddaad barkin baalshimbireed ah had waydo ma wancad baad waayi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
wancad
cf: soomaggale
de: small plant sp. Lit: white ram
initial: w
lx: wancad
pd: (-ka)
ps: n-m
key: wancad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xanfad
-da: (magac, dhedig, keli) dareen didmo iyo bage ku jiro. Xanfad colaad baa leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xanjaf
m.dh Laan yar oo jilicsan oo carruurta lagu tumo markii ay edebdarro sameeyaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xaycad
m. n., [abstract] bright white color
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Xaycad
name-f bright white in color; white-maned
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xaycad
de: bright white color
initial: x
lx: xaycad
pd: (-ka)
ps: n-m-abs
syn: bulcad
key: xaycad
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
WAN-CAD
(Wanad) N Cometes abyssinica (R. Br.) Wall. Caryophyllaceae.
S Aerva javanica (Burm. F.) Schultes Amaranthaceae.
S Aerva lanata (L) Schultes Amaranthaceae.
S, C Sericocomopsis pallida (S. Moore) Schinz Amaranthaceae.
N Helianthemum somalense Gillett Cistaceae.
N Abutilon fruticosum Guill. & Perr. Malvaceae.
N Barleria eranthemoides C.B.Cl. Acanthaceae.
N Ruellia discifolia Oliv. Acanthaceae.
N Ocimum tomentosum Oliv. Labiatae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xaajood
(Xaajood-ka)
Xaajeysasho; garramid; xaalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaajood
m.f.l eeg xaajoo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xaajood
m.f.l eeg xaajoo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xaajood
vl. n. negotiating, discussion (of a problem ~ legal matter)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaajood
-ka: (magac, lab, keli) fulinta xaajo gaar ah sida gar, tashi, is faaruqin iyo wixii la mid ah.
xaajood -ka: (magac, lab, keli) wada hadallo iyo isla tashi ku saabsan arrin muhiim ah. Dh: tashi, malaysi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xaajood
de: negotiating, discussion (of a problem ~ legal matter)
initial: x
lx: xaajood
pd: (-ka)
ps: vn-m
key: xaajood
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
XANJOOW
(Hangeu) S, May Sarcostemma adogense Hiern. Asclepiadaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
banjiyad
m.dh (-do, m.dh) Dhagax dubnadeed oo labada wejiba ku leh, shan dhibcood. la-mid: biishad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carrocad
m.l Dhul carradiisu caddahay oo aan beer noqon karin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gambocad
-da: (magac, dhedig, keli) naag ninkeedii dhintay oo agal sidda. Dh: agoon.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raajacad
-da: (magac, dhedig, keli) shay la miiso ama la miisaamo biiro yar oo laga dabgeeyo oo qofka loogu daro. Caanaha mar walba raajacad ayaa lagu biiriyaa.
raajacad-da: (magac, dhedig, keli) qof dumar ah oo inta la furay dib loo soo cesho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaajiyad
m.dh (-do, m.l) (dii.) Haaweenay xajinayso ama xajisay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xaajiyad
m.dh (-do, m.l) (dii.) Haaweenay xajinayso ama xajisay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xaajiyad
f. n. pickup truck (with covered back)
xaajiyad [feminine] n. female Muslim pilgrim to Mecca
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xaajiyad
-da: (n) a woman who has made or is making a pilgrimage to Mecca
xaajiyad -da: (n) pickup truck, usually Toyota pickup truck
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaajiyad
-da: (magac, dhedig, keli) qof dumar ah oo islaam ah oo xajka gudanaysa ama soo gudatay.
xaajiyad-da: (magac, dhedig, keli) baabuur yar oo inta danbe bannaan oo dhigo inta loo yeelo meelaha miyiga ah ama hayjadaha u adeega. Dh: dhaadsan, biikaab. Wa: xaajiyado.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaajogal
-ka: (magac, lab, keli) eeg xaajagal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xanaakad
(Xanaakad-da)
Xanaaq ka doondoon; xifaalo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xanaakad
m.dh la-mid: xanaakadayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xanaakad
f. n. joke, teasing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xanaakad
-da: (magac, dhedig, keli) hadal xanaf leh oo cid ku hor joogta si kaftan iyo ka warramid ah loogu yidhaa. Xanaakadda saaxiibbada lagama xanaago. Dh: dacaayad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xanaakad
de: joke, teasing
initial: x
lx: xanaakad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: xanaakad
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
xanibaad
obstruction
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xanibaad
-da: (magac, dhedig, keli) wax socda is hortaagid oo shaqada ka joojin. Dh: xayiraad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xannibad
m.dh la-mid: xannib¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xannibad
-ka: (magac, lab, keli) cadilaan dhanna loo bixi waayo. Intaad hadhaw xannibad ku dhici lahayd ka tabaabulshayso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xantoobsad
(Xantoobsad-ka)
Xantoobsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xantoobsad
m.l la-mid: xantoobsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xantoobsad
-ka: (magac, lab, keli) kol sacabla ku wada qaadasho; sacabka buuxsasho. Dh: cantoobsad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
canjilaad
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale sida ay u hadasho ama u dhaqanto kaga dayasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fanhoraad
m.l (-dyo, m.dh) Dusha xoolaha la rarto dhankeeda hore ee garbaha xiga.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fanhoraad
-ka: (magac, lab, keli) dusha xoolaha la rarto dhankeeda hore ee garbaha xiga.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fanjooqid
m.f.dh eeg fanjooq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hanjabaad
(Hanjabaad-da)
Hanjabo; gooddi; (amaa hanjamaad).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hanjabaad
m.dh Ereyo iyo cagajuglayn cid lagu cabsi gelinayo. la-mid: hanjabid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hanjabaad
m.dh Ereyo iyo cagajuglayn cid lagu cabsi gelinayo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hanjabaad
f. n. threatening speech, threat
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hanjabaad
-da: (n) intimidation (in tmi dheey shen); bullying (buul ling) ~ handadaad, tahdiid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hanjabaad
-da: (magac, dhedig, keli) gooddi iyo cagajuglayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hanjabaad
a: hanjamaad (da) [n1-f]
de: threatening speech, threat
lx: hanjabaad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: hanjabaad
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
hanjabaad
تهْدِيد
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hanjamaad
m.dh la-mid: hanjabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hanjebaad
-da: (magac, dhedig, keli) eeg handidaad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hanjemaad
-da: (magac, dhedig, keli) eeg hanjebaad.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
HARBO-CAD
(Harbo-ad) N Chenopodium procerum Mog. Chenopodiaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaanrogad
-ka: (magac, lab, kali) baxsad and hayn weyday waxa dhacaya. Dh: baxsad. Li: mitid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaneecaad
(Qaneecaad-ka)
Waxii la helo oo la iimaansado; iimaan, (ama qaneeco).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaneecaad
qaneecaad¹: m.l Khayr; wanaag; barako. la-mid: caneeqaad, qaneeco.
qaneecaad²: f.mg1 (-day, -dday) 1. Wax barako yeelasho. 2. Ku q.: wax ku liibaanid. la-mid: caneeqaad².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qaneecaad
f.mg1 (-day, -dday) 1. Wax barako yeelasho. 2. Ku q.: wax ku liibaanid. m.f.dh, qaneecaadid. la-mid: caneeqaad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaneecaad
m. n. benefit, usefulness, wealth
qaneecaad: v. be content ~ pleased; benefit (from)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qaneecaad
-ka: (n) good use; advantage (adh-vaan-teeyj). Ex: qaneecaad ma laha; it has no advantage
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaneecaad
(fal) wax tarso.
qaneecaad -ka: (magac, lab, keli) wax tar manfaco leh. Qof aan qaneecaad lahayn ayaa nala jooga. Dh: faa'iido.
qaneecaad -ka: (magac, lab, keli) qancid oo iimaansasho. Dh: iibaansi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaneecsad
-ka: (magac, lab, keli) qaneecsi; iimaansad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaniicaad
-ka: (magac, lab, keli) qaneecaad.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
XAABA-CAD
(Haba-ad) N, C, S Sericocomopsis pallida (S. Moore) Schinz Amaranthaceae.
N Heliotropium sp. Boraginaceae.
S, N Ocimum tomentosum Oliv. Labiatae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaajaqaad
-ka: (magac, lab, keli) nin farriin loo dhiibo oo inuu arrin qaado loo xilsaaro ama laba dhinac oo is haya u kala dab qaada. Dh: ergo, wefdi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaajaysad
-ka: (magac, lab, keli) hawl gaar ah qabsasho. Hoggaamiyuhu xaajaysadkiisa wuxu ka horraysiiyaa u xaajaynta dadkiisa. Dh: adeegad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xaajeysad
(Xaajeysad-ka)
Xaajeysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaajeysad
m.l la-mid: xaajeysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaajeysad
-ka: (magac, lab, keli) xaajo wada galid oo wada tashi samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaajootan
xaajootan¹: m.l Arrin ka doodid.
xaajootan²: f.mg1 (-amay, -antay; -ami) La x.: cid arrin kala garramid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xaajootan
xaajootan¹: m.l Arrin ka doodid.
xaajootan²: f.mg1 (-amay, -antay; -ami) La x.: cid arrin kala garramid. m.f.dh, xaajootamid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xaajootan
m. n. negotiation, discussion
xaajootan v. negotiate, discuss
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaajootan
-ka: (magac, lab, keli) wada xaajood iyo wada tashi.