xanjayso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xanjayso
(fal) xanjo samayso. Gacayrtan kaalay ka xanjayso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaajayso
(fal) arrimo kuu gaar ah oo kaa baylahsan qabso. Dh: adeego.
xaajayso: (fal) cid la malayso; cid xaajo la yeelo. Walaalahaa la xaajayso intaanad go'aan qaadan. Dh: arrinso, malayso, tasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xanjaysi
-ga: (magac, lab, keli) xanjo samaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xantayso
(fal) xantaxanto ciyaar. Orod carruurta la xantayso. Dh: dheel.
xantayso: (fal) adigu taabso oo orod. Mid ka xantayso ha lagu gaadhee. Dh: taabso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xanjaysad
-ka: (magac, lab, keli) xanjo samaysasho; xanjo ka dhigasho. Adhijirtu geedaha ayay xanjaysad u doontaan. Dh: xanjaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aanayso
f.g/mg3 (-stay, -satay) 1. Godob u raadsasho. 2. Qaraabannimo ama saaxibnimo awgeed cid u xigsasho (qof).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aanayso
(fal) godob horay laguugu geystay, cid kale uga aargudo. Ha aanaysan ninkii godob kaa galaye, xaqaaga weydiiso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
danayso
f.mg3 (-stay, -satay) Qof, dan u gaar ah fushasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
danayso
f.mg3 (-stay, -satay) Qof, dan u gaar ah fushasho. m.f.dh, danaysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
danayso
v.auto: follow after one's interests, be opportunistic
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
danayso
-danaystay / danaysatay: (v) 1. be opportunistic (opar-junistik) 2. use something for oneself
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danayso
(fal) dantaada ka raaco. Dantaada u dibjir oo danayso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
danayso
de: follow after one's interests, be opportunistic
lx: danayso
pd: (danaystay)
ps: v3b=auto
key: danayso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fanayso
f.g3 (-stay, -satay) Faras la fuushanyahay gadaal ka fuulid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fanayso
(fal) faras ama wax la mid ah, qofka wada daba fadhiiso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xagayso
f.g3 (-stay, -satay) Xag ka maalid (xoolo irmaan).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xagayso
v. milk one side
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xagayso
(fal) neef irmaan ah dhan keliya ka maal. Ka xagayso hasha dhanka midig.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xagayso
de: milk one side
initial: x
lx: xagayso
nt: xagaysasho (/da) [vn-f], xagaysi (ga) [vn-m]
pd: (xagaystay)
ps: v3b=tr
key: xagayso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xansaso
m.dh la-mid: xansas.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xansaso
(fal) daawe, dhagax iyo wax la mid ah oo wax lagu dubayo maro ku masaxo oo nadiifso.
xansaso -da: (magac, dhedig, keli) jabadka iyo xashiishka cawska ka daata ee dabka lagu hursado. Xansasadii dab ayaa qabsadey.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xantays
-ka: (magac, lab, keli) eeg xantayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xasayso
(fal) meel ku qarso; khabbayso oo yaan lagaa arkin. Alaabta meel ku xasayso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xayayso
f.mg3 (-stay, -satay) Ubaxbixin; fiidid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xayayso
(fal) xayaysiis u samayso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bannayso
(fal) meel aad marto ka dhigo. Bannayso jidka aad marayso bixitaankaaga hortii.
bannayso: (fal) xeer ahaan ka dhigo wax bannaan, wax mubaax ah ka yeelo, u qiil samayso.
bannayso: (fal) weel wax ku jireen ka dhigo mid bannaan oo madhan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ganbayso
v. wear a head kerchief, put on a woman's scarf
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ganbayso
de: wear a head kerchief, put on a woman's scarf
lx: ganbayso
nt: ganbaysad (ka) [vn-m], ganbaysasho (/da) [vn-f], ganbaysi (ga) [vn-m]
pd: (ganbaystay)
ps: v3b=
key: ganbayso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaajaysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg xaajaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaajeyso
f.mg3 (-stay, -satay) 1. La x.: cid arrin kala doodid. 2. Dan dhammaysasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xaajeyso
f.mg3 (-stay, -satay) 1. La x.: cid arrin kala doodid. 2. Dan dhammaysasho. m.f.dh, xaajeysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xaajeyso
v. talk together (over a matter), negotiate, enter into a negotiation, have a discussion
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaajeyso
(fal) xaajo gaar ah gudo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xaajeyso
de: talk together (over a matter), negotiate, enter into a negotiation, have a discussion
initial: x
lx: xaajeyso
nt: xaajeysad (ka) [vn-m], xaajeysasho (/da) [vn-f], xaajeysi (ga) [vn-m]
pd: (xaajeystay)
ps: v3b=intr
key: xaajeyso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xabkayso
f.g3 (-stay, -satay) 1. Xabag gurasho. 2. Meelo kala duwan ka qaraabasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xabkayso
v. collect resin from something
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xabkayso
de: collect resin from s.t. rw: xabag
initial: x
lx: xabkayso
pd: (xabkaystay)
ps: v3b=tr
key: xabkayso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xantaysi
-ga: (magac, lab, keli) xantaxanto samayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xanjaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg xanjaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shanlayso
f.g3 (-stay, -satay) Timo shanlo ku feerasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shanlayso
f.g3 (-stay, -satay) Timo shanlo ku feerasho. m.f.dh, shanlaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shanlayso
(fal) feedho; fidho; firo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaajaysad
-ka: (magac, lab, keli) hawl gaar ah qabsasho. Hoggaamiyuhu xaajaysadkiisa wuxu ka horraysiiyaa u xaajaynta dadkiisa. Dh: adeegad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xantaysad
-ka: (magac, lab, keli) xantaxanto ciyaarid. Dh: xantaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaajaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) xaajo gaar ah qabsasho.
xaajaysasho -da: (magac, dhedig, keli) arrin ka wada hadlid oo dad badan la shawraysasho. Dh: arrinsasho, tashiimo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xantaysasho
-da: (magac, dhedig keli) ciyaarta xantaxantada ciyaarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ajays
-ka: (magac, lab, keli) eeg ajayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xanjo
(Xanja-da)
Xabag jiidanta oo aan kala go'in, badanaa tan la calashado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xanjo
m.dh Xabag jiidanta oo aan kala go'in, badanaa tan la calashado.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xanjo
m.dh Xabag jiidanta oo aan kala go'in, badanaa tan la calashado.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xanjo
f. n. chewing gum
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xanjo
-xanjada: (n) gum (gam); especially chewing gum
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xanjo
-da: (magac, dhedig, keli) xabag jiidanta oo aan kala go'in oo la calashado.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xanjo
cf: xabag; jiidan
de: chewing gum
initial: x
lx: xanjo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: xanjo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xanso
f.g3 (-saday, -satay) Xog cid ku saabsan sir ahaan u raadsasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xanso
f.g3 (-saday, -satay) Xog cid ku saabsan sir ahaan u raadsasho. m.f.dh, xansasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xanso
v. ask ~ inquire secretly about
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xanso
-xansaday I xansatay: (v) pry (paraay); snoop (isnuup); keep one's ears open; obtain information through secret inquiry ~ xogwarayso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xanso
(fal) hadal sir ah u sheego.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xanso
de: ask ~ inquire secretly about
initial: x
lx: xanso
pd: (xansaday)
ps: v3a=tr
key: xanso
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
-anayo
de: that I am / he is doing (X)
lx: -anayo
ps: v3-1sg/3m-rel-prpg
key: -anayo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aanays
-ka: (magac, lab, keli) eeg aanayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afayso
f.g3 (-stay, -satay) Qalab wax lagu gooyo, af u yeelasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
afayso
f.g3 (-stay, -satay) Qalab wax lagu gooyo, af u yeelasho. m.f.dh, afaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ajarso
f.mg3 (-saday, -satay) Ka a.: cid si ajar looga kasbado wax ay u baahantahay siin. la-mid: ajarayso, ajirso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ajarso
(fal) (ka ~) dar Alle wax u sii. Martida kuu soo hoyatay ka ajarso oo neefkan u qal.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danays
-ka: (magac, lab, keli) dan iyo fiiro gaar ah u yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fajays
(Fajays-ka)
Fajayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fajays
m.l la-mid: fajayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fajays
vl. n. massage, act of massaging
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fajays
-ka: (magac, lab, keli) eeg fajayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fajays
de: massage, act of massaging
lx: fajays
pd: (-ka)
ps: vn-m
key: fajays
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fanays
-ka: (magac, lab, keli) dhugdhugleyda, gammaanka iyo wixii la mid ah, qof labaad, xagga danbe fadhiisin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaayso
f.g3 (-saday, -satay) Wax meel ku qarsasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kaayso
f.g3 (-saday, -satay) Wax meel ku qarsasho. m.f.dh, kaaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaabso
f.g3 (-saday, -satay) Wax firirsan oo meel wada yaal mar wada qaadasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xaabso
f.g3 (-saday, -satay) Wax firirsan oo meel wada yaal mar wada qaadasho. m.f.dh, xaabsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xaabso
v. gather together ~ up for oneself
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xaabso
xaabsaday / xaabsatay: (v) take away, usually with the hands
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaabso
(fal) wada qaado; xaab meel ku filiqsan ururso. Dh: xankakaabso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xaabso
de: gather together ~ up for oneself
initial: x
lx: xaabso
nt: xaabsad (ka) [vn-m], xaabsasho (/da) [vn-f], xaabsi (ga) [vn-m]
pd: (xaabsaday)
ps: v3a=tr
key: xaabso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaadso
f.g3 (-saday, -satay) Ul, qori iyo wixi lamida sulub ka dhigasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xaadso
v. cut off ~ remove any protruding part of something for oneself
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaadso
(fal) dusha aayar uga qaado. Xaadso kereemka oo gunta ha u dhaadhicin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xaadso
cf: xaadi
de: cut off ~ remove any protruding part of s.t. for oneself
initial: x
lx: xaadso
pd: (xaadsaday)
ps: v3a=tr
key: xaadso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaaqso
f.mg3 (-saday, -satay) Xaako tufid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xaaqso
v. spit, expectorate
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xaaqso
-xaaqsaday / tay: (v) spit out phlegm (faleem); expectorate ~ xaako tuf
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xaaqso
de: spit, expectorate
initial: x
lx: xaaqso
pd: (xaaqsaday)
ps: v3a=intr
key: xaaqso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xagayo
-da: (magac, dhedig, keli) roob ka da'a badwaynta hindiya.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xagays
-ta: (magac, dhedig, keli) xag qudha neef irmaan ka maalid. Hadduu sucu naasaha dhinac la'yahay xagays ayaa lagu maalaa.
xagays-ta: (magac, dhedig, keli) dhan qudha qof kula legdamid ama labada gacmood midba nin kula qabasho. Ninkaan xagays ku ledgay miyuu iska kay celin karaa. Dh: xagayn, xagagelin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xajiso
(fal) hayso oo ku fara'adayg. Lacagtaa adaa lehe xajiso. Dh: hayso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xanato
(Xanata-da)
Xididdada oogada oo kaca ama baraaruga kolka ay dareemaan waxyaalo si debecsan oo jilicsan meelaha qaarkood uga taataabanaya; (ama xadato).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xanato
m.dh la-mid: xadato.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xanato
f. n. tickling
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xanato
-da: (magac, dhedig, keli) dareen judhuudhucyo iyo raaxo ah oo jidhku dareemo marka dubka si debecsan faraha caaradooda ama wax la mid ah loo dulmariyo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xanato
a: xadato
de: tickling
initial: x
lx: xanato
pd: (/da)
ps: n-f
key: xanato
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xangay
-da: (magac, dhedig, keli) geed dagaaga oo buuraha iyo geedaha dhexdooda ka baxa oo barwaaqadana fadhaq curub ah bixiya oo curubkiisa iyo diirkiisaba la cuno daayeerkuna aad u jecel yahay. Dh: xangey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xanjaf
m.dh Laan yar oo jilicsan oo carruurta lagu tumo markii ay edebdarro sameeyaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xansas
m.l.u Caw qallalan (oo dabka lagu shito). la-mid: xansaso.