xandhadhin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xandhadhin
-ta: (magac, dhedig, keli) idlayn oo wixii yaalba wada qaadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xandhadhi
(fal) wixii yaalba dhammee oo faaruqi. Tukaanka xandhadhi oo leexee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xandhadhsan
(tilmaame) madhan oo wixii yaalba la qaatay ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xadhaadhin
-ta: (magac, dhedig, keli) qof bahali qaniintay ama sumoobay wax xadhaadhka bi'iya siin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaadhin
-ta: (magac, dhedig, keli) meel bannaan oo xooluhu fadhiistaan. Dh: xaarin, ambo. Wa: xaadhimo.
xaadhin -ta: (magac, dhedig, keli) meel uu xayawaan galo oo uu deggen yahay. Libaaxu kaynta reerka agteeda ayuu xaadhin ka samaystay. Dh: xaarin, xero, degaan. Wa: xaadhimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
handadin
m.l eeg handadi. la-mid: hanfadin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
handadin
-ta: (magac, dhedig, keli) u gooddin; handadaad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hanqadhin
-ta: (magac, dhedig, keli) onkodid. Roob hanqadhin badan baa da'aya. Dh: hanqarin.
hanqadhin -ta: (magac, dhedig, keli) muddo kooban is taagid oo qaadid; roobku muddada yar ee uu istaago, inta aanu dib u soo bilaabmin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sanqadhin
-ta: (magac, dhedig, keli) sanqadh ka keenid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xadhaadhi
(fal) qof sumoobay ama bahali qaniintay dawo sii. Dh: balaladi, xaraari.
xadhaadhi: (fal) sumayn aan lagu dhiman ku samee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badhaadhin
-ta: (magac, dhedig, keli) liibaan gaadhsiin; barwaaqo iyo ladnaansho gaadhsiin. Badhaadhin ma helo ninkii caasiyee beenshay Nebigiiye. Dh: baraarin, barwaaqayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qawdhadhid
-da: (magac, dhedig, keli) dildillaacid. Qawdhadhidda cagaha dhaxantaa keenta
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tandhaafin
-ta: (magac, dhedig, keli) weel iyo wixii la mid ah muggii uu qaadi karayey ka siyaadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
candhadheer
m.dh Waraabaha kan dheddigga ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
candhadheer
-ta: (magac, dhedig, keli) waraabe dhedig oo dhalay. Dh: horor.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hindhaadhir
-ka: (magac, lab, keli) neefkaguranka uu sakaraadku weheliyo. Dh: sakaraad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaradhaamin
m.f.dh eeg xaradhaami.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaradhaamin
-ta: (magac, dhedig, keli) baaqbaaqid oo biyuhu meelo ay ku joogsadaan u samayn. Dh: baaqbaaqid.
xaradhaamin -ta: (magac, dhedig, keli) xanaanayn dheeraad ah oo loo sameeyo wax lexejeclo loo leeyahay. Dh: dhaqaalayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
curdandhadhid
-da: (magac, dhedig, keli) wade, geed iyo wixii la mid ah, curdin ahaan ku dhadhid ama cawdh noqosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaahin
-ka: (magac, lab, keli) waxa la siiyo qof gef laga galay. Dh: xaal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhadhan
(Dhadhan-ka)
Garasho la dareemo kolka carrabka meel kamid ah iyo ay istaabtaan wax kale oo calyadu dhaqaajin karto, oo macaan ama dhanaan ama xaraar, kd., midkood leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhadhan
dhadhan¹: m.l 1. Dareenka carrabku gudbiyo marka uu cunto, cabbitaan iyo wixi lamida la kulmo. 2. Macaan. la-mid: dhadhen¹, dhandhan¹, dhandhen¹, dhedhen¹.
dhadhan²: f.mg1 (-amay, -antay; -ami) 1. Wax dhadhankooda carrabka ku garasho. 2. Cunto, cabbid iyo wixi lamida macaankooda dareemid. la-mid: dhadhen², dhandhan², dhandhen², dhedhen².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhadhan
m.l 1. Dareenka carrabku gudbiyo marka uu cunto, cabbitaan iyo wixi lamida la kulmo. 2. Macaan. la-mid: dhadhen, dhandhan, dhedhen.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhadhan
m. n. taste, flavor
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhadhan
-ka:: (n) taste (teeysf); flavor (faleey-ver); aftertaste (after-teeyst) ~ dhadhamo
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Dhadhan
Gusto
Taste
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhadhan
-ka: (magac, lab, keli) sida uu sheygu yahay marka afka la geliyo ee dhanaan, macaan, qadhaadh iyo wixii la mid ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhadhan
bw: dhedhemi
de: taste, flavor
lx: dhadhan
pd: (-ka)
ps: n2-m
syn: lasow
key: dhadhan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhadhen
dhadhen¹: m.l la-mid: dhadhan¹.
dhadhen²: f.mg1 (-amay, -antay; -ami) la-mid: dhadhan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhadhid
-da: (magac, dhedig, keli) wax qoyan oo qaadhay oo isku soo ururay harraad dartii ahaan. Dh: qaadhid, dhadhis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhashin
-ta: (magac, dhedig, keli) dhakada inta foodda soo xigta oo ilmaha yar dhaqdhaqaaqda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhidhin
m.l Buur bacaad ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fadhdhi
v. continue to sit; stay put
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fadhdhi
a: fadhi {N}
de: continue to sit; stay put
lx: fadhdhi
pd: (fadhdhiyey / fadhdhidey)
ps: v1=
key: fadhdhi
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Gadhadh
Spurs
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
handadi
f.g2 (-iyay, -isay) Cid sasin. la-mid: hanfadi.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
handadi
f.g2 (-iyay, -isay) Cid sasin. m.f.dh, handadin. la-mid: hanfadi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
handadi
(fal) u cagajuglee; u hanjab; handed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mahadin
(Mahadin-ta)
Mahad celin; shugriyid; xamdiyid; mahadniqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mahadin
m.f.dh eeg mahadi. la-mid: mahadis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mahadin
-ta: (magac, dhedig, keli) calfasho oo cidhib danbeed fiican ka helid.
mahadin -ta: (magac, dhedig, keli) mahadcelin, mahad niqid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qandhan
(tilmaame) xummad iyo xanuun yar qaba. Wilku saaka wuu gandhan yahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qandhin
m.dh la-mid: qandheyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sahadin
-ta: (magac, dhedig, keli) ifafaalayn wax soo socda. Dh: saadin, saadis, daalin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaadhad
-ka: (magac, lab, keli) xaadhin samaysasho.
xaadhad -ka: (magac, lab, keli) qosol ama sakaraad la rafasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaadhan
(tilmaame) haran oo la fiiqay ah. Daarad xaadhan wax ku akhri. Dh: fiiqan, xaaqan, haran.
xaadhan: (tilmaame) sallaxan oo wixii alaab yaal oo dhan laga guray ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaadhid
-da: (magac, dhedig, keli) harid oo qashin meel ka nadiifin. Xaadhidda waddooyinka waxa loo soo iibiyay qalab casri ah. Dh: fiiqid, salabayn, xaaqid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaadhif
-ta: (magac, dhedig, keli) diirka adag ee dadka jidhkooda ka kaca xilliyada dhaxanta. Dh: jidhif.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaadhis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg xaadhid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xadidin
-ta: (magac, dhedig, keli) meel digdigo ah oon dhir lahayn. Dh: gego, bannaan, daleed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xardhan
La xardhay; xarad loo yeelay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xardhan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax xarar loo yeelay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xardhan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax xarar loo yeelay ahaansho. m.f.dh, xardhanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xardhan
der. [adjective] carved, etched, decorated
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xardhan
-aa / nayd: (adj) decorated (dhe-ka-reeytid)-, ornamented (oorni-mentidy embellished (em-beelishidh) ~ sharxan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xardhan
(tilmaame) naqshadaysan oo xaradh loo yeelay ah. Ul xardhan ayaan adeero hadiyad ugu keenay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xardhan
de: carved, etched, decorated rw: xaradh
initial: x
lx: xardhan
pd: (xardhanaa)
ps: adj-der
key: xardhan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
badbadin
m.f.dh eeg badbadi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badbadin
-ta: (magac, dhedig, keli) ka ~ xad dhaafid oo intii la oggolaa dhaafin.
badbadin -ta: (magac, dhedig, keli) biirbiirin oo in badan ka dhigdhigid. Hooyo badbadinta cuntada waa lagu yaqaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bahaahin
m.l 1. (u) Xoolo la dhaqdo. 2. Qof aan caqli badan lahayn. la-mid: bahaa'in, bahaayin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bahaahin
m. n. domestic animals; idiot, fool
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bahaahin
-ta / ha: (n) 1. an animal organism other than a human being ~ xayawaan. 2. a bestial person; lacking in intelligence or reason; subhuman ~ doqon
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bahaahin
a: bahaa'in ~ bahaayin
de: domestic animals; [fig.] idiot, fool
lx: bahaahin
pd: (-ka)
ps: n2-m-m
key: bahaahin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
banfadhi
m.l.kh (-iyo, m.dh) la-mid: danfadhi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baydadin
(Baydadin-ta)
Baydad ku ridid; didin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baydadin
m.f.dh eeg baydadi. la-mid: beygagin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baydadin
-ta: (magac, dhedig, keli) baydad ku ridid, baqdin iyo didmo ku abuurid. Baydadinta beelaha deggan ka daaya. Dh: didin.
baydadin -ta: (magac, dhedig, keli) ku ridid cabsi ka tuurta meel aan ruuxu garanhaynin. Baydadinta ka daa carruurta Dhegdheer ma jirtee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cadaadin
(Cadaadin-ta)
Dhibid; kadeedid; xumayn; horjoogsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cadaadin
m.f.dh eeg cadaadi. la-mid: cadaadis¹ (3).
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
cadaadin
pressing
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cadaadin
vl. n. repressing, oppressing, torturing, tormenting
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cadaadin
-ta: (n) 1. pressure (paree- shar); compression (kom-pree-shen) 2. oppression (o-paree-shen) 3. harassment (haares-ment) cadaadis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadaadin
-ta: (magac, dhedig, keli) si xoog leh, hoos wax ugu riixid. Dh: cadaajin, cadaadis.
cadaadin -ta: (magac, dhedig, keli) culays saarid ama ku ciqaabid qof waxaanu qaadi karayn; horusocod u diidid; dhibid. Dh: kadeedid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cadaadin
de: repressing, oppressing, torturing, tormenting
lx: cadaadin
pd: (-ta)
ps: vn2-f
key: cadaadin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
candhash
-ka: (magac, lab, keli) qaarka dhexe ee jidhka. Dh: bayd.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
candhayn
m.f.dh eeg candhee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
candhayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cudurka candhada ku ridid. Dh: cadhayn.
candhayn-ta: (magac, dhedig, keli) xoolo, candho weynaansho oo dhalmo isku diyaarin. Dh: dhaysin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cawdhadh
(tilmaame) qof dadka qabqabsada ama dabeecad xun oo laga nabad gelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
danfadhi
m.l.kh (-iyo, m.dh) B. ah: xoolo aan xero lahayn. la-mid: banfadhi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danfadhi
-ga: (magac, lab, keli) xoolo aan xero lahayn. Dh: banfadhi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhadhiin
m.dh (-nno, m.l) Meel buur dhinaceed ah oo biyo ka soo baxaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhadhiin
-ta: (magac, dhedig, keli) meel laasas ay ka qodan yihiin oo biyo yar, jiilaalkiina kolkol biyo laga helo. Cali wuxu u arooray dhadhiinta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gandabin
m.f.dh eeg gandabi. la-mid: gandabis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gandabin
-ta: (magac, dhedig, keli) daal iyo dhibaato badan oo lagala kulmo socod dheer. Dh: gandabis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Handadid
(Handadid-da)
Si handad ah ku kicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
handadid
m.f.dh 1. la-mid: handad ¹, hanfadid. eeg handad². 2. la-mid: haddidid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
handadid
-da: (magac, dhedig, keli) si handad ah ku kicid; u cagajugleyn; u hanjabaad; gooddin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hanfadin
(Hanfadin-ta)
Handad ku ridid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hanfadin
m.dh la-mid: handadin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hanfadin
-ta: (magac, dhedig, keli) handad ku ridid; kula kicid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hanqadhi
(fal) roob, muddo yar istaag. Dh: qadood.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nadaadin
-ta: (magac, dhedig, keli) awr tabaadi ka dhigid. Nadaadinta awrku ma fududa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qawdhadh
-ka: (magac, lab, keli) eeg qarradh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sandahan
f.mg4 (-hnaa, -hnayd) Qof, qof kale wax siintiisa u jajaban.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sandahan
-ka: (magac, lab, keli) qof, qof kale wax siintiisa u jajaban.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sandahid
-da: (magac, dhedig, keli) sogordahid ama qarin. Dh: dadid. Li: caddayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tadhihin
m.f.dh eeg tadhihi. la-mid: tadhihis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tanaadin
(Tanaadin-ta)
Tanaad ka dhigid; hodmin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tanaadin
m.f.dh eeg tanaadi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tanaadin
-ta: (magac, dhedig, keli) tanaad ka dhigid, hodmin. Tanaadinta adeerkay ayaa u sabab ah. Dh: tanaadis.