xanaajis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xanaajis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg xanaajin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xanaaji
f.mg2 (-iyay, -isay) Ka x.: qof in uu xanaaqo badid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xanaaji
f.mg2 (-iyay, -isay) Ka x.: qof in uu xanaaqo badid. m.f.dh, xanaajin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xanaaji
(fal) ka cadhaysii; ka xanaaqsii. Ninkaad la garramayso ka xanaaji aad ka garheshide. Dh: cadhaysii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wanaajis
m.l la-mid: wanaajin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wanaajis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg wanaajin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xanaajin
(Xanaajin-ta)
Xanaaq ka keenid; ka caraysiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xanaajin
m.f.dh eeg xanaaji.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xanaajin
-ta: (magac, dheig, keli) cid kale cadho ka keenid; qof ka cadhaysiin. Dh: cadhaysiin, xanaaqsiin. Li: qoslin, farxin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xasaajis
-ta: (magac, dhedig, keli) xasaajin; xasilin. xasaanad -da: (magac, dhedig, keli) xuquuq gaar ahaaneed oo la siiyo qof masuul sare ah si aar xadgudub loogu geysan isaga iyo hantidiisaba. Xildhibaanku wuxu leeyahay xasaanad oo lama xidhi karo. Dh: xaqdhawr.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
antagonize
/aantaganays/antagonizes; antagonizing, antagonized; (v) qof aad dagaalkiisa raadisid ama aad ka xanaajisid, xumaan abuurid. e.g. She antagonizes her father by beating her little sister.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
bait
/beeyt/baits, baiting, baited; (n) 1. cunto lugu xiro dabin ama xarig, si kalluunku shabaqa ugu soo dhaco (callaaf, lacaaf). e.g. I needed a slice of meat to use for bait.(n) 2. qof ama shay kugu soo jiida ama kugu niyad-galiya in aad wax samayso.(v) 3. in gof aad ku ci-ciyaartid si aad uga xanaajisid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xanbaaris
(Xanbaaris-ta)
Xanbaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wanaaji
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Wax wanaagsan ka dhigid. 2. Cid wanaag u samayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
wanaaji
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Wax wanaagsan ka dhigid. 2. Cid wanaag u samayn. m.f.dh, wanaajin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
wanaaji
v. make something nice ~ good; improve, adjust; set in order
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
wanaaji
-yey / say: (v) make better; treat nicely; enhance (in-heen-si); improve (im-puruuv) ~ hagaaji
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wanaaji
(fal) wax wanaagsan ka dhig. Shaqadaada wanaaji. Dh: fiicnee, hagaaji, suubbi, fiicnay. Li: xumee, bi'i, kharrib.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
wanaaji
de: make s.t. nice ~ good; improve, adjust; set in order
initial: w
lx: wanaaji
pd: (wanaajiyey)
ps: v2a=tr
key: wanaaji
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xasaaji
(fal) dabbaal oo xasili. Dh: xasili. Li: aguuji.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xawaaji
m.l la-mid: xawaash.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xawaaji
m. n., [collective] spice ~ spices
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xawaaji
-ga: (n) curry powder ~ xawaash
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xawaaji
de: spice ~ spices {C & S}
initial: x
lx: xawaaji
pd: (-ga)
ps: n2a-m-col
key: xawaaji
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
BARAAJIS
(Barajis) N Hyalocystis popovii Verdc. Convolvulaceae.
N Hyalocystis viscosa Hall.F. Convolvulaceae.
S Ipomoea sinensis (Desr) Choisy. Convolvulaceae.
C Ipomoea garcheana Vatke. Convolvulaceae.
S Ipomoea tenuirostris Choisy. Convolvulaceae.
S Crotalaria pycnostachya Benth. Papilionaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadaajis
-ka: (magac, lab, keli) hoos u riixid; hoos u cadaadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cagaajis
m.l la-mid: cagaajin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cagaajis
-ka: (magac, lab, keli) eeg cagaajin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danaanis
-ka: (magac, lab, keli) garabsiinta iyo u hiilinta qof aad saaxiibbo tihiin. Dh: hiilis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ganaanis
-ta: (magac, dhedig, keli) diyaarinta qoosh inta la xasho loo diyaariyo inuu faxo oo la dubto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hagaajis
m.l la-mid: hagaajin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hagaajis
vl. n. putting in order; trim (haircut)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hagaajis
-ka: (magac, lab, keli) eeg hagaajin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hagaajis
de: putting in order; trim (haircut)
lx: hagaajis
pd: (-ta)
ps: vn2-f
key: hagaajis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halaajis
m.l la-mid: halaagid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halaajis
-ka: (magac, lab, keli) eeg halaajid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hanqajis
m.l la-mid: hanqajin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hanqajis
-ka: (magac, lab, keli) eeg hanqajin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mantajis
(Mantajis-ka)
Mantagga oo laga keeno, ku daweyn; mantajin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mantajis
m.l la-mid: mantajin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mantajis
-ka: (magac, lab, keli) eeg mantajin. manuunso: (fal) qof, xanuun adkeysi u yeelo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qanaanis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg qanaanin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rafaajis
-ka: (magac, lab, keli) eeg rafaajin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tanaadis
-ka: (magac, lab, keli) eeg tanaadin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wadaajis
-ka: (magac, lab, keli) eeg wadaajin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wanaajin
(Wanaajin-ta)
Wax wanaagsan ka dhigid; hagaajin; suubbin; fiicnayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wanaajin
m.f.dh eeg wanaaji. la-mid: wanaajis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
wanaajin
vl. n. improvement (of method, procedure, etc.)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
wanaajin
-ta: (n) betterment (beter-ment); improvement (im-puruuv-ment); enhancement (in-heensi-ment) ~ hagaajin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wanaajin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax wanaagsan ka dhigid. Wanaajinta hawsha qof kasta waa laga sugayaa. Dh: fiicnayn, suubbin, hagaajin, wanaajis. Li: xumayn, bi'in, kharribid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
wanaajin
de: improvement (of method, procedure, etc.)
initial: w
lx: wanaajin
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: wanaajin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xabbajis
m.l la-mid: xabbajin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xagaafis
m.l la-mid: xagaafin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xagaalis
m.l la-mid: xagaalin.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Xamaalis
Transport
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xanaaqid
(Xanaaqid-da)
Carood; dhirfid; dhiidhiyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xanaaqid
m.f.dh eeg xanaaq².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xanaaqid
-da: (magac, dhedig, keli) cadho samayn. Waa nin xanaaqid badan. Dh: dhirfid, cadhood.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xanuujis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg xanuujin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaraaris
-ta: (magac, dhedig; keli) eeg xaraarin.
xaraaris-ta: (magac, dhedig, keli) wax caleen ku sumoobay noqosho. Dh: xadhaadhis, xadhaadhid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xasaadis
-ka: (magac, lab, keli) geed dharkaynka oo kale ah oo caano leh
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xasaajin
-ta: (magac, dhedig, keli) dabbaalid oo meel ku xasilin. Xasaajinta ayay xooluhu ku dhergaan. Dh: dabaalid, celin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
banbaanis
-ka: (magac, lab, keli) si taxadar iyo tartiib ah ku wadid. Banbaanis baa lagu wadaa boqol gu' soo joogay. Dh: ilaalis.
banbaanis -ka: (magac, lab, keli) waxtar u geysi; gacan siin, garab istaagis. Dh: taageeris, garabgelis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barraajis
m.dh 1. Geed caleemo balballaaran iyo miro la cuno leh oo dhulka ku faafa. 2. Geed dhulka ku faafa,leh laamo dhaadheer oo jilicsan, caleemo balballaaran oo khudrad ahaan loo cuno.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
barraajis
m.dh 1. Geed caleemo balballaaran iyo miro la cuno leh oo dhulka ku faafa. 2. Geed dhulka ku faafa,leh laamo dhaadheer oo jilicsan, caleemo balballaaran oo khudrad ahaan loo cuno.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barraajis
-ta: (magac, dhedig, keli) jaad raasowga khudaarta ah ka mid oo cuntada lagu iidaanto. Buto waran baraajistey, balalo qaadaaye.
barraajis -ta: (magac, dhedig, keli) madaxa xagiisa danbe labada dhagood u dhaxaysa. Baraajistaa bud lagaga jiidey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baxnaanis
(Baxnaanis-ka)
Eegid iyo dhursugid, wax la tijaabinayo sida waxbarashada ardada, bedertanka fardaha, dadka buka waabjiifintooda, la tacaaliddooda, hayntooda; baxnaanin. Tijaabo; Imtixaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baxnaanis
m.l la-mid: baxnaanin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baxnaanis
-ka: (magac, lab, keli) eeg baxnaanin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calaanjis
m.dh la-mid: calaanjiyid.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
DHAMAAJIS
(Damachis) C Commiphora incisa Chiov. Burseraceae.
C Commiphora kua (J. F. Royle)Vollesen. Burseraceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhanaanis
m.l Wax yar oo wax lagu dhanaansado. la-mid: dhanaanin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhanaanis
m.l Wax yar oo wax lagu dhanaansado. la-mid: dhanaanin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhanaanis
-ka: (magac, lab, keli) eeg dhanaanin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaqaajis
m.l la-mid: dhaqaajin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaqaajis
-ka: (magac, lab, keli) eeg dhaqaajin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
falaanjis
m.l la-mid: falaanjin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fanaajiin
m.dh.w eeg fujaan. la-mid: faraajiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fanaajiin
-ta: (magac, dhedig, keli) weel yar oo shaaha iyo wixii la mid ah lagu cabbo. Dh: fujaan, koob.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hannaanis
-ka: (magac, lab, keli) eeg hannaanin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wandaafis
-ka: (magac, lab, keli) eeg wandaafin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xabawaris
m.l la-mid: xabawarin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xabawaris
-ta: (magac, dhedig, keli) naq roobaad la doonasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xambaaris
-ta: (magac, dhedig, keli) dusha ku qaadid; dhabarka saard.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xanbaarid
(Xanbaarid-da)
1. Ilmo yar dhabarka ku qaadid.
2. Kor u qaadid, u sidid, u bilid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xanbaarid
-da: (magac, dhedig, keli) ilmo yar ama wax kale dhabarka ku qaadid. Dh: xanbaaris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xanfuujis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg xanfuujin. xanfuujisan: (tilmaame) la xanfuujiyey ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xannaanin
-ta: (magac, dhedig, keli) daranyada ka dhabid oo dhif iyo dheefba siin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xawaajiid
-da: (magacwadareed) timaha ka sarreeya indhaha. Dh: sunnaarado, xawaajiib.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Naaji
name-m confident, friendly, affectionate, safe; survivor
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
najis
(tilmaame) mid aan nadiif ahayn. Dh: nijis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xaaji
(Xaaji-ga)
Nin Muslin ah oo Xajka gudanaya ama soo gutey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaaji
m.l (xujay/-iyo, m.dh) (dii.) Nin muslim ah oo waajibaadkii xajka gudanaya ama gutay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xaaji
m.l (xujay/-iyo, m.dh) (dii.) Nin muslim ah oo waajibaadkii xajka gudanaya ama gutay. m.dh.w, xujeey.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Xaaji
name: Haji
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xaaji
m. n., [collective] male pilgrim, Muslim man who has made ~ is making the pilgrimage to Mecca
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaaji
-ga: (magac, lab, keli) qof muslin ah oo xaj gutay ama gudanaya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abaaji
(Abaaji-ga)
Lumid waa danbe la tabo; tasow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abaaji
abaaji¹: m.l Xoolo lumay oo waa dambe la tabay.
abaaji²: f.mg1 (-iyay, -iday; -iyi) Xoolo lumay waa dambe tebid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
abaaji
v. be lost; be gone for a long time