xamudh
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xamudh
-ka: (magac, lab, keli) geed gobka u eg kase gaaban oo midho laf adag oo la cuno leh Gobka iyo xamudhka kala baro. Dh: xamur.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mudh
(falkaabe) erey lagu cabbiro soo bixid ama muuqasho kedis ah oon horay loo filan. Libaax ayaa meel gaaban mudh ka soo yidhi.
mudh: (tilmaame) qaawan oon waxba xidhnayn. Arrad ayuu mudh yahay.
mudh: (tilmaae) toosan ah: aan qalqalooc lahayn ah. Gabadh qurux badan oo mudh ah ayay ahayd.
mudh: (fal) si fiican uga lugbax; dhanka kale uga bax. Godka dhiniciisa kale mudh ka dheh.
mudh-a: (magac, dhedig, keli) qaawanaan.
mudh -a: (magac,dhedig, keli) toosni aan qalqalooc lahayn. Gabadh qurux badan oo mudh ah ayay ahayd. Dh: toosan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xaadh
v. sweep
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xaadh
-ay -tay: (v) clean with a broom or brush; sweep (swiip) ~ fiiq, xaaq, xaar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaadh
(fal) har wixii qashin ama guddaafad yaal oo ka nadiifi meesha. Daaradda xaadh. Dh: xaaq. fiiq, salabee.
xaadh: (fal) meel la degayo sallax oo wixii alaab yaal oo dhan ka gur dhagax iyo jabadkana ka wada fogee. Meesha waa la dhisayaaye xaadh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xaadh
a: xaar {N}
de: sweep
initial: x
lx: xaadh
pd: (xaadhay)
ps: v1=
key: xaadh
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xabud
(Xabud-ka)
1. Baruurta bogga korkiisa ka baxda.
2. Laab; xabad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xabud
m.l 1. Baruurta bogga korkiisa ka baxda. 2. Laab; xabad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xabud
m. n. chest, breast; fat of the flank
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xabud
-ka: (magac, lab, keli) baruurta bogga korkiisa ka baxda. Dh: baruur.
xabud -ka: (magac, lab, keli) sakaar; laab.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xabud
de: chest, breast; fat of the flank
initial: x
lx: xabud
pd: (-ka)
ps: n2a-m
see: xabad
key: xabud
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xamdi
(Xamdi-ga)
Mahad; shugri; xamdinnaq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xamdi
xamdi¹: m.l Mahad; shugri; xamdinnaq.
xamdi²: f.mg1 (-iyay, -iday; -iyi) Ku x.: Eebbe u mahad naqid; shukrin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xamdi
xamdi¹: m.l Mahad; shugri.
xamdi²: f.mg1 (-iyay, -iday; -iyi) Ku x.: Eebbe u mahad naqid; shukrin. f.g1, xamdinnaq. m.f.dh, xamdiyid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Xamdi
pr. n., [feminine] Hamdi
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xamdi
m. n. gratitude; blessing
xamdi v. be thankful ~ grateful
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Xamdi
name-f praise; gratitude
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xamdi
-yey / say: (v) express thanks or gratitude for; appreciate (apiri shiyeet) ~ shugri, xamdinnaq, mahadi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Xamdi
magac loo bixiyo ilmo Ilaahay loogu mahad naqayo dhalashadiisa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xamdi
-ga: (magac, lab, keli) mahad iyo ammaan Eebbe loo jeediyo. Dh: ammaan, xamdinaq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xamur
(Xamur-ka)
Geed gobka u eg kase gaaban oo miro laf adag oo la cuno leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xamur
m.l 1. Geed gobka u eg kase gaaban oo miro laf adag oo la cuno leh. 2. Badar la dubay midkiisa buc-buca.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xamur
m. n. plant species, with edible fruit
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
XAMUR
(Hamur) All.Som. Ziziphus hamur Engl. Rhamnaceae.
S Berchemia discolor (Kl.) Hemsl. Rhamnaceae.
May Ziziphus mucronata Willd. Rhamnaceae.
C Vernonia cinerascens Sch.Bip. Compositae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xamur
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg xamudh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xamur
de: plant sp., with edible fruit
initial: x
lx: xamur
pd: (-ka)
ps: n2-m-enum
key: xamur
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xawdh
-ka: (magac, lab, keli) ul dhuuban oo dheer oo shawdhka ka weyn budkana ka yar. Dh: xawd.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xaydh
f. n., (mass n.): suet, kidney-fat
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xaydh
-a: (n) solid or semisolid fat (faat); saturated fat; cholesterol (ko-les-teraal) ~ xayr
xaydha khaansiirka; lard (laardh)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaydh
-a: (magac, dhedig, keli) baruur caddaan ah oo dux badan oo suumanka biraha iyo wixii la mid ah la mariyo. Dh: baruur, jifi, xayr. Li: jiidh.
xaydh -a: (magac, dhedig, keli) baruur nafleyda meelo gaar ah ka baxda.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xaydh
de: suet, kidney-fat
initial: x
lx: xaydh
pd: (-dha)
ps: n1-f-mass
see: xayr {N}
key: xaydh
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
camadh
-ka: (magac, lab, keli) cayayaan yaryar oo midab madow leh oo hargaha qolkuraagga ah gala.
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
HAMUDE
Allophylus alnifolius 10, Grewia cerasifera 001
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Xaamud
name-m grateful, praise-worthy
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaguda
-da: (magac, dhedig, keli) xoolaha intooda badan ee da'da' xilli u wada dhala.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xamash
(Xamash-ka)
Naq badan; cosob; deegaan; (ama xabash).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xamash
m.l Deegaan aad u baxday oo aan la daaqin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xamash
m. n., [collective] new grass
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xamash
-ka: (magac, lab, keli) doog jilicsan oo naq wanaagsan ku baxo. Xamash weeye doogani: cidi aanay xaalufin. Dh: cosob.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xamash
bw: xabash
cf: doog; cosob
de: new grass
initial: x
lx: xamash
pd: (-ka)
ps: n-m-col
key: xamash
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xamuul
m.l la-mid: xammuul.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xamuul
m.l la-mid: xammuul.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xamuul
m. n. cargo, load
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xamuul
-ka: (n) load (lowdh)-, cargo (kaar-gow)-, shipment (shiip-mant)-, freight ((fareeyt) ~ xammuul, shixnad, rar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xamuul
-ka: (magac, lab, keli) rarka kala duwan ee muurka la saaro. Gaadhi xamuul culus sida ayaa waddada ku banjaray. Dh: xammuul, rar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xamuul
de: cargo, load Alt sp: xammuul
initial: x
lx: xamuul
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: xamuul
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
XAMUUN
(Hamoon) N Diplolophium somaliensis Verdc. Umbelliferae.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xaradh
m. n. carving, decoration, sculpture; trademark
xaradh v. decorate, carve, etch, draw
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaradh
(fal) naghsad iyo farshaxan qurxoon u yeel. Dh: naqshaday, naqshadee.
xaradh -ka: (magac, lab, keli) naqshadayn kala midab ah ama liiman qurxoon oo qoraal la xarakeeyey ah. Weysooyinka iyo rixliyada waxa lagu samayn jiray xaradh aad u qurxoon. Dh: naqash, naqshad, xarar, xaradh.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
SARMUDHE
(Sarmude) C, N Aristolochia rigida Duch. Aristolochiaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aabbudh
(fal) weel af bannaan, fur ama dabool dul saar. Aaminay aabbudh dhiisha. Dh: dabool, aabbur, aabbuj.
aabbudh -ka: (magac, lab, keli) weel waxa lagu daboolayo ee furka u noqonaya. Berkedda waxa loo sameeyay aabbudh. Dh: aabbur, aabbuj, fur.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cabbudh
(fal) sanka oo xidhan dartiis, si fiican u neefsan waa. Dh: cabbur.
cabbudh -ka: (magac, lab, keli) sanka oo xidhma oo uu neefsigu ku adkaado. Hargab baa igu dhacay oo waan cabbudhay. Dh: cabudhaad, cabbur, cabburaad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dummudh
-ka: (magac, lab, keli) wax inta uu aad u gubtay basay ama dubka laga qaaday. Digo roobku qooyoo, dummudh looga guuroo, dulinkii haraaciyey.
dummudh -ka: (magac, lab, keli) wax huur dartii la qadhmuunaadey. Hilibku wuu dumudhay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dumudhi
(fal) shey dubka ka qaad. Dumudhi haragga idiin masafta lagu gaaraan ka dhiye.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gambadh
-ka: (magac, lab, keli) kursi gaaban oo salka la saaro oo aan meel lagu tiirsaso lahayn. Dh: ganbar, gambar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hambadh
-ka: (magac, lab, keli) fadhi aan habaysnayn oo qofku u fadhiisto si is dhexyaal ah. Dh: hambash.
hambadh -ka: (magac, lab, keli) shimbir yar oo lugo gaagaaban oo fiidkii soo baxda. Hambadh baa iga nixiyay. Dh: hughugle, biririgley.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
HAMUUDI
(Hamudi) May Grewia cerasifera (Chiov.) Cuf. Tiliaceae.
C Allophylus rubifolius (A.Rich) Engl. Sapindaceae.
C Sida ternata L.F. Malvaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hamuudo
m.dh (-ooyin, m.l) Nagaar dhulka ku faalala oo miro yaryar, dhannaan oo la cuno leh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kambadh
-ka: (magac, lab, keli) agab lagu fadhiisto oo ka samaysan saan iyo afar rukun oo gaagaaban leh oo aan tiirsimo danbe lahayn. Dh: gambar. Wa: kambadho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kumbudh
-ka: (magac, lab, keli) ciyaar ay wada ciyaaraan dhiddigga iyo labku xilliyada gu'samaadka amase xilliyada uu haleel jiro; waxa lagu ciyaaraa shan dhagax ciyaartana waxa lagu daah furtaa ereyadan: kumbudh caaro waa koow koowduna waa labo, labaduna waa saddex, dhii-dhii, dhabana cas, afku qadham, taadhoo, tiinbaar taar jaban. Waxaana laga guulaystaa ciddii uu dhaguxu dhulka uga dhaco.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sanbudh
-ka: (magac, lab, keli) hah kulul oo sanka ka soo baxda kolka waxyaalaha qaarkood la kabbado, sida kookaha. Dh: muh, jinaw.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xabaadh
(fal) xoolo aad lahayn xoog ku kaxays. Xabaadh geeliisa ninka kaagii qaaday. Dh: dhac booji.
xabaadh: -ka: (magac, lab, keli) geela oo loo kee meel baad iyo biyo leh. Dh: xergeyn, xerrin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xamasho
(Xamasha-da)
Qof maqan, hadal ama warxun, oo hadduu joogo aan lagula dhaceen, ka sheegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xamasho
m.f.dh eeg xamo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xamasho
vl. n. gossip, back-biting
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xamasho
-xamashada: (n) gossip (gaa-sap); talebearing (teeyl-beer-ing) ~ xan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xamasho
-da: (magac, dhedig, keli) xan samayn qof maqan ama aan ku maqlayn wax aanu jeclayn ka sheegid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xamasho
cf: xamo
de: gossip, back-biting
initial: x
lx: xamasho
pd: (/da)
ps: vn-f
key: xamasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xambuul
-sha: (magac, dhedig, keli) inta buuran ee godoxda galoolka. Waxan cunnay xambuul daray ah. Dh: cambuul.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Xamiida
pr. n., [feminine] Hameeda
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Xamiida
name-f grateful, one who praises
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Xamiida
cf: xamdi
de: Hameeda
initial: x
lx: Xamiida
ps: name-f
key: Xamiida
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xammuul
m.l (-llo, m.dh) Rar; qaad. la-mid: xamuul.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xammuul
m.l (-llo, m.dh) Rar; qaad. la-mid: xamuul. xamo f.g3 (-antay, -amatay) Qof maqan xumo ka sheegid. m.f.dh, xamasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xammuul
m. n. cargo, load, freight
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xammuul
-ka: (n) load (lowdh)-, cargo (kaar-gow)-, shipment (shiip-ment)-, freight ((fareeyt) ~ xamuul, shixnad, rar
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xammuul
bw: Arabic
de: cargo, load, freight Alt sp: xamuul
initial: x
lx: xammuul
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: xammuul
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xammuur
(fal) is si xoog ah isu majiir; is maqiiq.
xammuur: (fal) si siman oon surmoseeto lahayn u jar oo u qoo. Geedka gunta ku xammuur.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yumbudh
-ka: (magac, lab, keli) fadhi gaar ah oo sida kanbadhuudhka ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maxamuudi
(Maxamuudi-da)
(dhar) baftada qaarkeed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maxamuudi
m.dh Nooc ka mid ah dharka la xirto oo midab cad leh; bafto.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maxamuudi
f. n., [collective] white cotton cloth
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maxamuudi
-da: (magac, dhedig, keli) dhar baftada u eg oo aad u cad oo waayadii hore dumarka Soomaalidu ka tolan jireen marada saddex qaydka ee ay xidhan jireen imikana dadka dhinta kafan looga dhigo. Dh: bafto.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maxamuudi
cf: bafto
de: white cotton cloth
lx: maxamuudi
pd: (-da)
ps: n-f-col
key: maxamuudi