xammo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xammo
-da: (magac, dhedig, keli) xanuun nafaqo darro keento oo dumarka dhala ama uurka leh afka kaga dhaca. Dh: xame.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xamo
f.g3 (-antay, -amatay) Qof maqan xumo ka sheegid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xamo
v. gossip, talk about someone absent, back-bite
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xamo
-xantay / xamatay: (v) talk behind someone's back; spread gossip about someone; tattle (taa-tel); blab (balaab)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xamo
(fal) cid kaa maqan iinihiisa dadka uga sheekee isagoon ku maqlayn. Qof kaa maqan xamo ha is odhan Ilaahaybaa ku arkayee.
xamo -ha: (magac, lab, keli) xanuun nafaqadarro keento oo afka dumarka kaga dhaca marka ay uurka leeyihiin ama ay dhalaan. Dh: xammo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xamo
de: gossip, talk about s.o. absent, back-bite rw: xan
initial: x
lx: xamo
pd: (xantay / xamatay)
ps: v3b=tr
key: xamo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cammo
m.dh C. ah: qof aan indhaha wax ka arkayn. la-mid: cammoole.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cammo
m.dh C. ah: qof aan indhaha wax ka arkayn. la-mid: cammoole.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cammo
f. n., [abstract] (adj.): blindness; blind; ignorant
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cammo
-da: (magac, dhedig, keli) dadka intiisa indhaha la'. Dh: indhalaawe; indhoole; cammoole.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cammo
bw: Arabic
de: blindness; [atr.] blind; [fig.] ignorant
lx: cammo
pd: (/da)
ps: n0-f-abs
key: cammo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Lammo
(Lamma-da)
Labo sarood oo lo'aad oo isku midab ah iyo sar saddexaad oo midab kale ah oo iyagoo si farsamo ah isugu dhafan, laysku tolo oo mid laga dhigo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lammo
m.dh (-ooyin, m.l) 1. Laba maqaar lo'aad oo isku midab ah iyo maqaar saddexaad oo ka midab duwan oo inta si farsamaysan laysugu dhafo, laysku tolo oo mid laga dhigo. 2. la-mid: labo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
lammo
num. two
lammo [feminine] n. hides sewn together as a mat, two of the same color and a third contrasting
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
lammo
-lammada: (n) two (tuu); couple (kapol) labo. Ex: lammo maalmood; two days
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lammo
-da: (magac, dhedig, keli) eeg lammallo.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
XAMMI
(Hammi) S Moringa borziana Mattei Moringaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xarmo
f.mg3 (-maday, -matay) 1. Xajiyid; xaj gudasho. 2. Waajibka xajka gudashadiisa gudagelid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xarmo
f.mg3 (-maday, -matay) 1. Xajiyid; xaj gudasho. 2. Waajibka xajka gudashadiisa gudagelid. m.f.dh, xarmasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xarmo
v. go on a pilgrimage to Mecca
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xarmo
(fal) xaramka teg adoo cibaado gudanaya. Ugu yaraan mar xarmo noloshaada. Dh: xaji, xaj.
xarmo: (fal) u banbax; u soo shir.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xarmo
de: go on a pilgrimage to Mecca (thus fulfilling one's Islamic obligation)
initial: x
lx: xarmo
pd: (xarmaday)
ps: v3a=intr
key: xarmo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xamaamo
(Xamaama-da)
1. Alaab; xamaan; agab.
2. Hub; qalab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xamaamo
m.dh la-mid: xamaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xamaamo
f. n., [collective] furniture, equipment
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xamaamo
-da: (magac, dhedig, keli) shimbir adarka la bah ah oo midabyo kala jaad jaad ah leh oo aan deegaanka ka fogaan. Dh: qoolley, adar, uur'uurri, xamaam.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xamaamo
de: furniture, equipment
initial: x
lx: xamaamo
pd: (/da)
ps: n6-f-col
key: xamaamo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cammow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Cammo noqosho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cammow
inch. v. be blind; become blind
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cammow
-ga: (magac, lab, keli) indhabeelid; cammoobid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cammow
bw: Arabic
de: be blind; become blind
lx: cammow
pd: (cammoobay)
ps: v1=inch
key: cammow
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Dhammo
name-f full; done, complete; finished. Syn: Ebyan, Ebyoon
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
gammon
/gamon/ (n) hilib doofaar oo cusbaysan, oo badanaa la solo.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
grammo
s.m. - garaam.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maammo
-da: (magac, dhedig, keli) magac guud oo afafka oo dhani hooyo ugu yeedhaan. Maammo aragtidaa, waxay iila mid tahay, anigoo makiyo, madiinaba tegoo, xajkii soo maree. Dh: hooyo, ummo, gacalo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaammi
(tilmaame) aad u socda oo xoog wax loo kala iibsanaya ah.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Xamaro
name-f chestnut ~ dark red color
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xammaa
f.g/mg1 (-aalay, -aashay) Dusha wax ku qaadid. m.f.dh, xammaalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xammay
(fal) cuntooyinka badh u diid oo ka soomi. Ka xammay cusbada dhiikar ayuu leeyahaye. Dh: mamnuuc, xammee.
xammay: (fal) karkari oo heerka ugu kulul gaadhsii. Biyaha xammay. Dh: kululee, bayli.
xammay: (fal) kaynaani oo xoog u eryo. Faraska xammay. Dh: ordisii.
xammay: (fal) saacad iyo wax la mid ah buuxi oo cabbay. Beytariga xammay. Dh: buuxi, cabbee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xammee
f.g2 (-meeyay, -maysay) 1. Xoolo rar saarid. 2. Baabuur iyo wixi lamida kicin si uu u kululaado.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xammee
v. boil, bring to a boil; put into motion, cause to run
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xammee
(fal) cuntooyinka badh u diid oo ka soom Ka xammee cusbada. Dh: mamnuuc, xammay.
xammee: (fal) karkari oo heerka ugu kulul gaadhi. Biyaha xammee. Dh: kululee, bayli.
xammee: (fal) kaynaani oo xoog u eryo. Dh: ordisii.
xammee: (fal) saacad iyo wax la mid ah buuxi o cabbay. Dh: buuxi, cabbee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xammee
de: boil, bring to a boil; [ext.] put into motion, cause to run
initial: x
lx: xammee
pd: (xammeeyey)
ps: v2b=tr
key: xammee
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xammil
v. bear, carry; accommodate
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xammil
-ay / xammishay: (v) endure (en-duur)-, bear with tolerance; tolerate (tola-reeyt)-, show patience (peey-shansi) ~ u dulqaado
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xammil
(fal) dul u yeelo; u dulqaado; adkaysi badan la imo. Dh: adkayso.
xammil -ka: (magac, lab, keli) dulqaad iyo cadho la'aan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xammil
a: xammaal
de: bear, carry; accommodate
initial: x
lx: xammil
pd: (xammilay)
ps: v1=tr
key: xammil
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xammis
f.g1 (-say, -stay) Bun saloolid ama dubid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xammis
v. toast; broil
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xammis
-ka: (magac, lab, keli) dareen dhiirranaan iyo calood adayg leh. Dh: xamaasad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xammis
de: toast; broil
initial: x
lx: xammis
pd: (xammisay)
ps: v1=tr
key: xammis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xammur
m.l la-mid: xamur.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaammilo
m.dh (-ooyin, m.l) Haweeney uur leh.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xaammilo
m.dh (-ooyin, m.l) Haweeney uur leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xaammilo
f. n. pregnant woman
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xaammilo
-xaammilada: (n) a pregnant woman especialy after 7 months; pregnancy (pareg-nan-si); gestation (jas-teey-shin) ~ uur
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xaammilo
de: pregnant woman
initial: x
lx: xaammilo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: xaammilo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
almo
-da: (magac, dhedig, keli) barmiilka badh ka mid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ambo
ambo¹: m.dh (-ooyin, m.l) Meel, jaho.
ambo²: f.mg3 (-baday, -batay) Cid waddada habboon ka lumid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ambo
f.mg3 (-baday, -batay) Cid waddada habboon ka lumid. m.f.dh, ambasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ambo
v. get ~ be lost, go astray
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ambo
-ambaday / ambatay: (v) get lost; stray (istareey); you deviate from the correct course
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ambo
(fal) hallaw oo jidkii iyo yoolkaagii ka lun. Ambo waan ku eegnoo, kaa waynay aayee.
ambo -da: (magac, dhedig, keli) goob biyo leh oo ay safarradu ku nastaan.
ambo-da: (magac, dhedig, keli) asalkii, meesha wax ka unkamaan. Ambaddii haddaan degay halkaan la asaraaraynin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ambo
bw: anbo
de: get ~ be lost, go astray
lx: ambo
pd: (ambaday)
ps: v3a=intr
syn: lun
key: ambo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
amma
xi. la-mid: ama.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
amma
(xidhiidhiye) eeg ama.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
amme
-ha: (magac, lab, keli) eeg ame.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ammi
-ga: (magac, lab, keli) odayga habaryartaa ama eddadaa qaba. Ammigay baa iskuulka igu daray.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Asmo
(Asma-da)
Duco gaar ah oo magacyada Ilaah ka kooban, oo wax lagu habaaro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
asmo
m.dh (-ooyin, m.l) Duco gaar ah oo wax lagu habaaro.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
asmo
m.dh (-ooyin, m.l) Duco gaar ah oo wax lagu habaaro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
asmo
f. n. curse, malediction
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
asmo
-asmada: (n) words believed to have magic power; spell (ispeel) ~ aweyti
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
asmo
-da: (magac, dhedig, keli) farsamo carruurta xoga leh looga daweeyo oo dhib badan. Asmadu waa farsamo xanuunka daran oo laga wanaagsan yahay.
asmo-da: (magac, dhedig, keli) duco gaar ah oo lagu habaartamo.
asmo-da: (magac, dhedig, keli) calaalad iyo amaaro muuqata.
asmo-da: (magac, dhedig, keli) xanuun ku dhaca neef mareennada oo lala qufaco. Dh: aasmo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
asmo
cf: habaar
de: curse, malediction
lx: asmo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: asmo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jamo
f.g3 (-antay, -amatay) Si aad ah wax u jeclaysasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jamo
f.g3 (-antay, -amatay) Si aad ah wax u jeclaysasho. m.f.dh, jamasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jamo
v. desire, want for oneself
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jamo
-jantay / jamatay: (v) yearn (yeen), long (loon), pine (paayn), hanker (hangker) ~ u xiis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jamo
(fal) doon oo jeclow waxaad rabtid. Dh: jeclow. Li: necbow.
jamo: (fal) haweenay, jeclow oo niyadda gali, ilaa laguu keenana ha umulin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jamo
de: desire, want for oneself
lx: jamo
pd: (jantay / jamatay)
ps: v3b=tr
key: jamo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kamo
(fal) hadalhay oo majeero mar walba.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ramo
f.g3 (-maday, -matay) Labaraafle dhalay ilmihiisa xab ka leefleefid. la-mid: ranso.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
ramo
s.m. - laan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ramo
(fal) neef ilmo uu dhalay leefleef; ranso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Samo
1. (Sama-da) Cir.
2. (Sama-ha) Wax san oo dhan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
samo
samo¹: m.l la-mid: samaan².
samo²: m.dh Cir.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
samo
f. n., [collective] sky
samo m. n. kindness, goodness; favors
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
samo
-samaha: (n) good behavior; kind act, kindness ~ samaan, sami -da
samo -samada: (n) sky (iskaay); space (ispeeys); aerospace (eero-ispeeys) ~ cir-ka
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
samo
-da: (magac, dhedig, keli) gibilka weyn ee Alla sameega ah ee innaga sarreeya, cadceedda, dayaxa iyo xiddiguhu ku yaalliin. Cilmi wax laga baray, waata samada loo kacay. Dh: cir, kor, sare. Li: dhul.
samo -ha: (magac, lab, keli) wax san oo dhan; wanaag, ixsaan. Samo waxad ku weydo xumaan ha ku doonin. Dh: xumo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xago
f.g3 (-gtay, -gatay) 1. Ilkaha ama ciddiyaha wax nabar yar ku gaarsiin. 2. Wax yar oo meel ku dheggan ilkaha ama ciddiyaha kaga fuqsasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xago
f.g3 (-gtay, -gatay) 1. Ilkaha ama ciddiyaha wax nabar yar ku gaarsiin. 2. Wax yar oo meel ku dheggan ilkaha ama ciddiyaha kaga fuqsasho. m.f.dh, xagasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xago
v. scratch, abrade; scrape with the front teeth
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xago
-xagtay / xagatay: (v) scratch (iska-raaj) or mark on a surface
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xago
(fal) ilkaha hore afkooda ama ciddiyaha faraha xoog wax aad ugu xoq oo ku sarsar. Distida fujiska ka xago.
xago: (fal) ciddiyaha wax ku xarruufo. Wejiga ka xago ha ku daayee. Dh: xangaruufo.
xago: (fal) ciddiyaha ku xarruufo. Wejiga ka xago oo dhiig ka yaaci.
xago -da: (magac, dhedig, keli) ciyaar is leged ama is xambaarayn ah oo qof dhan keliya lagula legdamo. Dh: gelin, xagayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xago
de: scratch, abrade; scrape with the front teeth
initial: x
lx: xago
nt: xagasho (/da) [vn-f]
pd: (xagtay)
ps: v3b=tr
key: xago
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xame
-ha: (magac, lab, keli) xanuun nafaqo darro keento oo dumarka dhala ama uurka leh afka kaga dhaca. Dh: xamo, xammo, xama.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xawo
(Xawa-da)
Biyaha laboodka; mino; shahwo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xawo
xawo¹: m.dh Biyaha laboodka; mino; shahwo.
xawo²: m.dh (cilmiga naflayda) Unug taran qaangaadh ah oo socda, oo ay leeyihiin xayawaanka labka ah, oo ay soo daayaan xiniinyuhu.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xawo
m.dh (cilmiga naflayda) Unug taran qaangaadh ah oo socda, oo ay leeyihiin xayawaanka labka ah, oo ay soo daayaan xiniinyuhu.