xameyti-mareen
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xameyti-mareen
m.l (-nno, m.dh) (cilmiga naflayda) Dhuumaha xameytida ka soo qaada beerka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

xuub-malaas
m.l (-bab ..., m.l) (cilmiga naflayda) Xuub qoyan oo gudaha kaga malaasan xubnaha qaab dhuumeedka leh iyo xubnaha daloola sida: sanka, daloollada sanka xiga qaybta neef mareenka, xameyti mareenka iyo qaybta ganaca. Afka waxaa ku malaasan xuub dhismihiisu isbedbeddelo. Xuubka malaasku wuxuu ka sameysanyahay: ebiteliyum oo ugu sareeya waxaana ku yaal qanjirro yar-yar oo sameeya xab, waxaana ka hooseeya lakab soohxiriiriye ah iyo lakab ah muruq-xuubeed oo ugu hooseeya.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xuubmalaas

baqtiwareen
baqtiwareen¹: m.l la-mid: baqtiwareeid.
baqtiwareen²: f.g1 (-eemay, -eentay; -eemi) Baqtigowracid. la-mid: bakhtiwareen².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baqtiwareen
-ka: (magac, lab, keli) eeg baqtigawrac.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
erey-dareen
m.l (naxwe) Cod muujinaya hadlaha shucuurtiisa sida yaab, naxdin farxad iyo wixi lamida. Tusaale: “Ba'a!”, “Alla hayow!”.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
erey-dareen
m.l (naxwe) Cod muujinaya hadlaha shucuurtiisa sida yaab, naxdin farxad iyo wixi lamida. Tusaale: Ba'a! Alla hayow!
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaadimareen
kaadimareen¹: m.l (-no, m.dh) Dhuunta kaadidu marto.
kaadimareen²: m.l (-no, m.dh) (cilmiga naflayda) Tuyuub laga helo naasleyda, kaas oo ka soo qaada kaadida kaadihaysta oo bannaanka uga saara jidhka. Ragga, kaadi mareenku wuxuu dhex maraa guska, waxaana uu ku dhex xidhan yahay xawo mareenka, sidaa darteed waxa kale oo uu u shaqeeyaa marin xawaduna marto.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kaadimareen
kaadimareen¹: m.l (-no, m.dh) Dhuunta kaadidu marto.
kaadimareen²: m.l (-no, m.dh) (cilmiga naflayda) Tuyuub laga helo naasleyda, kaas oo ka soo qaada kaadida kaadihaysta oo bannaanka uga saara jidhka. Ragga, kaadi mareenku wuxuu dhex maraa guska, waxaana uu ku dhex xidhan yahay xawo mareenka, sidaa darteed waxa kale oo uu u shaqeeyaa marin xawaduna marto.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaadimareen
-ka: (magac, lab, keli) labada xidid ee kaadida ka soo qaada kelyaha ee kaadihaysta ku shuba, dabadeedna dibadda jidhka uga saara.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bakhtiwareen
bakhtiwareen¹: m.l la-mid: baqtiwareen¹.
bakhtiwareen²: f.g1 (-eemay, -eentay; -eemi) la-mid: baqtiwareen².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bakhtiwareen
(fal) qof dhintay meydkiisa warmo gelgeli ama rasaas, dhagax iyo wax la mid ah ku garaac. Dh: baqtirwareen.
bakhtiwareen -ka: (magac, lab, keli) qof dhintay meydkiisa warmo gelgelin ama rasaas, dhagax iyo wax la mid ah ku garaacid. Bakhtiwareen bay sameeyeen kuwii meydka gawracay e.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kaadimmareen
(Kaadimmareen-ka)
Xididka kaadihaysta ka baxa oo kaadida dibadda u saara.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kaadimmareen
m. n., [compound] urethra
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kaadimmareen
de: urethra
lx: kaadimmareen
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: kaadimmareen
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
MAROODI-MAKAREEN
(Marodi-macaren) S Ormocarpum kirkii S. Moore Papilionaceae.
May Bottegoa insignis Chiov. Sapindaceae.