xamdinnaq
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xamdinnaq
(Xamdinnaq-a)
Mahadnaq; shugrinnaq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xamdinnaq
xamdinnaq¹: m.l eeg xamdi¹.
xamdinnaq²: f.g1 (-qay, -qday) eeg xamdi².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xamdinnaq
m. n. gratitude, gratefulness, thanks
xamdinnaq: v. thank, be grateful to
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xamdinnaq
-a: (n) the act of thanking (thaan-king); gratitude (garaa-tatuud); appreciation (a-piri-shiyeey-shin) ~ shugri, mahadnaq
xamdinnaq -ay / day: (v) express thanks or gratitude for; appreciate (a-piri-shiyeet) ~ mahadi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xamdinaq
-a: (magac, lab, keli) mahad celin cid loo cesho. Dh: mahadnaq, mahadcelin. Li: abaaldar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xamdinnaq_1
de: gratitude, gratefulness, thanks
hm: 1
initial: x
lx: xamdinnaq
pd: (-a)
ps: n2a-m
key: xamdinnaq_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xamdinnaq_2
de: thank, be grateful to
hm: 2
initial: x
lx: xamdinnaq
pd: (xamdinnaqay)
ps: v1=tr
key: xamdinnaq_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xamdinnaqid
(Xamdinnaqid-da)
Xamdiyid; mahadin; shugriyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xamdinnaqid
m.f.dh eeg xamdinnaq².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mahadnaq
(Mahadnaq-a)
Mahad celin; shugrinnaq; xamdinnaq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shugrinnaq
(Shugrinnaq-a)
Xamdinnaq; mahadnaq (ama shukrinnaq).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xamdi
(Xamdi-ga)
Mahad; shugri; xamdinnaq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xamdi
xamdi¹: m.l Mahad; shugri; xamdinnaq.
xamdi²: f.mg1 (-iyay, -iday; -iyi) Ku x.: Eebbe u mahad naqid; shukrin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xamdi
xamdi¹: m.l Mahad; shugri.
xamdi²: f.mg1 (-iyay, -iday; -iyi) Ku x.: Eebbe u mahad naqid; shukrin. f.g1, xamdinnaq. m.f.dh, xamdiyid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
mahadnaq
-a: (n) thanks (thaangkis)-, gratitude (garaatatuud); appreciation (aparishiyeeyshin) ~ shugri, xamdinnaq
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xamdi
-yey / say: (v) express thanks or gratitude for; appreciate (apiri shiyeet) ~ shugri, xamdinnaq, mahadi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shugrinaq
-a: (magac, lab, keli) mahadnaq Eebbe. Shugrinaq Ilaah ayaa kaa mudan marka ugu horraysa. Dh: xamdi, xamdinnaq; mahadnaq.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shukrinaq
-a: (magac, lab, keli) mahadnaga cid wanaag kuu samaysa, gaar ahaan Eebbe. Dh: xamdi, xamdinnaq, mahadnaq, shugrinaq.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xamdinaqid
-da: (magac, dhedig, keli) shukri celin loo cesho cid ku wanaajisay. Dh: shukrinaqid, mahadnaqid. Li: abaaldarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaddidnaan
m.f.dh eeg xaddidan. la-mid: xaddidnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaddidnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) xad lagu og yahay lahaan; meel aan la dhaafin lahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xammisnaan
m.f.dh eeg xammisan. la-mid: xammisnaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Aamina
pr. n., [feminine] Amina
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Aamina
name-f trustworthy, loyal, dependable, secure, faithful
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Aamina
de: Amina
lx: Aamina
ps: name-f
key: Aamina
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dinnad
(Dinnad-da)
Dummad; yaanyuuro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dinnad
m.dh (-do, m.l) Dummad; yaanyuuro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dinnad
f. n. cat
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dinnad
-da: (magac, dhedig, keli) jaad ka mid ah xayawaanka dabjoogta ah oo bahda libaaxa ka mid ah. Dh: basho, yaanyuur, mukulaal, bisad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dinnad
bw: Arabic
de: cat
lx: dinnad
pd: (-da)
ps: n1-f
see: dummad
key: dinnad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
idinna
mu.eb Magacuyaal tilmaama qofka labaad ee wadarta ah oo ka kooban idin 2 iyo na².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
idinna
mu.eb (naxwe) Magacuyaal tilmaama qofka labaad ee wadarta ah oo ka kooban: idin 2 iyo na.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
idinna
(magac'uyaal) 'idin+na' lalahadlaha labaad oo wadar ah. Idinna maxaad qorteen? Dh: idinkuna.
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Lamina
Babaca caleen
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
minaaq
m.l (-qyo, m.dh) Laba qori oo yaryar oo darafyadooda sare harqoodka galaan, darafyada hoosana indhali isu hayso, oo dibiga qoortiisu ku dhex jirto.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
minaaq
m.l (-qyo, m.dh) Laba qori oo yaryar oo darafyadooda sare harqoodka galaan, darafyada hoosana indhali isu hayso, oo dibiga qoortiisu ku dhex jirto.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
minaaq
-a: (magac, lab, keli) mid ka mid ah labo qori ee dibida qoorta loo geliyo marka beerta lagu qodayo oo hargoodka ka laadlaada. Wa: minaaqyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xaadin
(Xaadin-ta)
Wax la qoray, ganka iyo xaadda ka xiirid, ka jarid, ka gurid; tifaftirid; salaaxid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaadin
m.f.dh eeg xaadi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaadin
-ta: (magac, dhedig, keli) dusha sare wixii ku hadhay ka qaadid; ka sifayn. Dh: xaadis.
xaadin -ta: (magac, dhedig, keli) wax la qoray ganka iyo xaadda ku hadha ka xiirid. Dh: xaadis, tafaftirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xamiiq
m.dh Candhuuf
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xanaaq
(Xanaaq-a)
Caro; dhirif; umal; dhiidhi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xanaaq
xanaaq¹: m.l Caro; dhirif; dhiidhi.
xanaaq²: f.mg1 (-qay, -qday) Caro muujin (qof); carood; dhirifid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xanaaq
xanaaq¹: m.l Caro; dhirif; dhiidhi.
xanaaq²: f.mg1 (-qay, -qday) Caro muujin (qof); carood; dhirifid. m.f.dh, xanaaqid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xanaaq
m. n. anger, ire, irritation, bitterness, resentment
xanaaq [inchoative] v. be ~ get angry, lose one's temper
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xanaaq
-a: (n) anger (ang-ger); rage (reeyj); fury (fiyuuri); wrath (raath); indignation (in-dig-neey-shin) ~ caro, xanaaq, cadho.
xanaaq -ay / day: (v) become angry; anger (ang-ger) ~ dhirif, carood, cadhood. Ex: degdeg bay u xanaaqdaa; she angers too quickly
ka xanaaji -yey / say: (v) make angry; madden (maadhan); irritate (iriteeyt); enrage (en-reeyj); infuriate (in-fiyuu-riyeeyt); provoke (poro-vowk) ~ ka caraysii
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xanaaq
(fal) cadhoo. Xanaaq cadhadaada han aragnee.
xanaaq-a: (magac, lab, keli) cadho ka dhalata wax la qoonsado. Dh: cadho, dhirif.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
xanaaq
غَيْظَ غَضَبٍ
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Amminka
Hadda; eegga; (ama imminka).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
amminka
m.dh.fk Hadda; eegga. la-mid: imminka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
amminka
m.dh.fk Hadda; eegga. la-mid: imminka.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
amminka
adv., time: now, at present
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
amminka
(adv) now (naaw)-, at the present time ~ imminka, eegga, hadda
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
amminka
a: imminka {O & LJ}
de: now, at present
lx: amminka
ps: adv-time
key: amminka
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
bambina
s.f. - cunug (ta).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Madiina
pr. n., loc. Medina (holy city north of Mecca)
Madiina pr. n., [feminine] Medina, Madina
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Madiina
name-f the holy city of Medina
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Madiina
magaalada barakaysan ee uu ku aasan yahay Nebigeenii Muxammed ahaa, naxariisi iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xadnaan
(Xadnaan-ta)
Wax la xadayo ahaan; jirrabnaan; kadeednaan; ciirsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xadnaan
m.f.dh eeg xadan. la-mid: xadnaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xadnaan
f. n. helplessness, being in a very difficult situation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xadnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) jirrabnaan; kadeednaan. Xadnaanta maxaa keenay.
xadnaan -ta: (magac, dhedig, keli) wax la xaday ahaan. Tukaanka xadnaan ayaan ugu imidday.
xadnaan -ta: (magac, dhedig, keli) wax xad lagu oogay ahaan.
xadnaan -ta: (magac, dhedig, keli) wax xuduud aan la dhaafayn loo yeelay ahaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xadnaan
de: helplessness, being in a very difficult situation
initial: x
lx: xadnaan
pd: (-ta)
ps: n-f
key: xadnaan
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xamdi_1
bw: Arabic
cf: shugri
de: gratitude; blessing
hm: 1
initial: x
lx: xamdi
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: xamdi_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xamdi_2
de: be thankful ~ grateful
hm: 2
initial: x
lx: xamdi
pd: (xamdiyey / xamdidey)
ps: v1=intr
key: xamdi_2
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Xamdi_3
de: Hamdi
hm: 3
initial: x
lx: Xamdi
ps: name-f
key: Xamdi_3
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Xamiida
pr. n., [feminine] Hameeda
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Xamiida
name-f grateful, one who praises
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Xamiida
cf: xamdi
de: Hameeda
initial: x
lx: Xamiida
ps: name-f
key: Xamiida
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xandaaq
-a: (magac,lab, kelii) qof dadka aad u hadal haya oo xan badan. Dh: xanbadane.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Xasiina
name-f beautiful
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Yamiina
name-f right hand, loyal, honest, blessed
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
amminaad
vl. n. credibility; trust, confidence
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
amminaad
a: aamminaad
de: credibility; trust, confidence
lx: amminaad
pd: (-da)
ps: vn1-f
key: amminaad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Amminla'
(Amminla'-da)
1. Xilliyada sannaddu u qaybsan tahay midkood.
2. Diraacda qaarkeeda danbe.
3. Roob-Garas.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
amminla'
m.dh 1. Xilliga xagaaga dabadiisa. 2. Roobka ugu horreeya dayrta.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Amminla'
f. n. last part of dry season with unexpected light intermittent rain
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
amminla'
(tilmaame) xilliyada uu sannadku u qaybsan yahay, midkood; diraacda qarkeeda dambe.
amminla' -da: (magac, dhedig, keli) xilli, roobgaras.
amminla' -da: (magac, dhedig, keli) hal aan gu' iyo dayr toona rimin. Waxaa la yidhaa: Hashu waa amminla'.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Amminla'
cf: Diraac, xilli
de: last part of dry season with unexpected light intermittent rain
lx: Amminla'
pd: (-da)
ps: n2-f-time
key: Amminla'
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
cardinal
/kardhinal/ (n) 1. wadaadka kaniisadda u sarreeya (adj) 2. aasaasi ah (ugu muhiimsan).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
cardinal
/kardhinal/ (n) 1. baathyrighy kaniisythy katoollikithy ingky koreeyi oo poopky hoos seethaw. 2. shimbir arly Ameeriky luku helaw.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
cardinal
cardinal, n.m. (religion) - waxa weye darajo lagagaadho diinta Kirishtaanka,
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
damiinad
damiinad¹: m.l la-mid: dammiinasho.
damiinad²: m.dh la-mid: dammiinad².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
damiinad
f. n. stupid female
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
damiinad
-da: (n) dull female
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
damiinad
-ka: (magac, lab, keli) cid kale oo denbiile ah ama qaan lagu leeyahay, damiinad ka noqod. Dh: damiinasho, furad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
damiinad
de: stupid female
lx: damiinad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: damiinad
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Daminaad
Implication
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Maddiina
eeg Madiina.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xadantay
(fal) salaax oo ka judhuudhucsii; xadanto samee. Cagaha ka xadantay wiilka yar. Dh: salaax, xoodaami, xadantee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaddidan
f.mg4 (-dnaa, -dnayd) Wax xad loo yeelay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xaddidan
f.mg4 (-dnaa, -dnayd) Wax xad loo yeelay ahaansho. m.f.dh, xaddidnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xaddidan
der. [adjective] limited
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xaddidan
-xaddidnaa: (adj) restricted (ris-tiriktidh)-, definite (de-fenit)-, limited (limitidh) ~ xadeysan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaddidan
(tilmaame) xad go'an leh; inta uu yahay la yaqaan ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xaddidan
de: limited
initial: x
lx: xaddidan
pd: (xaddidnaa)
ps: adj-der
key: xaddidan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaditaan
-ka: (magac, lab, keli) qaaditaan hanti ciddii lahayd hoos ahaan looga qaato.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xamdiyid
(Xamdiyid-da)
Xamdinnaqid; mahadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xamdiyid
m.f.dh eeg xamdi².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xamilqab
-ka: (magac, lab, keli) itaalqab wax walba oo asaaggaa qaadaba la qaadi karo. Li: xamilgab.