xamaasadaysan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xamaasadaysan
(tilmaame) xamaasadi hayso oo aad u kacsan ah. Dh: xamaasaysan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xamaasaysan
(tilmaame) kacsan oo xamaasadi hayso ah. Dh: xamaasadaysan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
amaaradaysan
(tilmaame) calaamad lagu garto leh. Dh: calaamadaysan, summadaysan.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
fanatic
/fanaatik/ (adj) 1. xamaasadaysan (xamaasad saa'id ah u-haya) (n) 2. xamaasadle (mutacasib, qof wax xamaasad weyn iyo qiiro u haya).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
radical
/raadhikal/ (adj) 1. aasaasi ah (asal ah); asal-raac ah (siiba qofka mabda' ama diin asalkeedii ku dhagan). (adj) 2. is-bedel xeel-dheer oo asaasi ah (siiba xaga sivaasadda iwm).
radical: /raadhikal/radicalism;(n) kacaansan (qof is-beddel asaasi ah u xamaasadaysan oo ra'yi asali ah ku dhagan) ~ qiiraysan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xamaysan
(tilmaame) xamaasad badani hayso o niyad u halgama ah. Dh: xamaasadaysan.
xamaysan: (tilmaame) xanuunka xamada qaba ah. xambaar: (fal) ilmo ama wax kale dhabarka ku qaad. Xambaar ilmaha yar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calaamadaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax la calaamadeeyey ahaansho. la-mid: calaamadsan, calaamaysan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
calaamadaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax la calaamadeeyey ahaansho. m.f.dh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
calaamadaysan
der. [adjective] marked; signed
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
calaamadaysan
-calaamadaysnaa / nayd: (adj) having a distinguishing mark; marked (maarkidh)'; noticeable (now-tii-se-bal) ~ calaamaysan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calaamadaysan
(tilmaame) wax astaysan, wax sumadaysan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
calaamadaysan
a: calaamaysan
de: marked; signed
lx: calaamadaysan
pd: (calaamadaysnaa)
ps: adj-der
key: calaamadaysan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cimaamadaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Nin cimaamad madaxa ku duubtay ahaansho. la-mid: cimaamadan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cimaamadaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Nin cimaamad madaxa ku duubtay ahaansho. m.f.dh, cimaamadaysnaan. la-mid: cimaamadan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cimaamadaysan
(tilmaame) cimaamad xiran; cimaamadan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xammuuradaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax xammuurad la geliyey ahaansho (dhar).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maaraaysan
(tilmaame) eeg maamulan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rasadaysan
(tilmaame) wax rasad ku xidhan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ammaanaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax la ammaanaystay ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ammaanaysan
(tilmaame) mid meel aamin ah yaalla; mid cid aamin ahi hayso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daraasadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) samaynta baadhis cilmiyaysan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gamaamaysan
(tilmaame) mid aad u gaajoonaya oo looga yaabo in uu weerar wax ku qaado. Golli dawaco, weer gaaban iyo dhidar gamaamaysan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gamaayaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Qof gamaanyo hayso ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gamaayaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Qof gamaanyo hayso ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
najaasaysan
f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: nijaasaysan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rasaasaysan
(tilmaame) qori rasaasi ka buuxdo ama qof rasaasi ku taallo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xanaakadayn
(Xanaakadayn-ta)
Hadal xanaakad ah, ku dhihid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xanaakadayn
m.f.dh eeg xanaakadee. la-mid: xanaakad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xanaakadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) hadal dacaayad ah ku dhihid. Dh: dacaayadayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xanaakadays
-ka: (magac, lab, keli) eeg xanaakadayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xummadaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax xummadi hayso ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xummadaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax xummadi hayso ahaansho. m.f.dh, xummadaysnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xummadaysan
(tilmaame) xummad badan leh; xummadi ay hayso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nacaladaysan
f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Wax nacalad ku dhacday ahaansho. 2. Wax aad loo ceebeeyay ahaansho. la-mid: lacanadeysan, lacnadeysan, nacalladeysan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
nacaladaysan
f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Wax nacalad ku dhacday ahaansho. 2. Wax aad loo ceebeeyay ahaansho. la-mid: lacanadeysan, lacnadeysan, nacalladeysan.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qasacadaysan
-qasacadaysnaa: (adj) preserved and sealed in a can; canned (kaanidh). Ex: cuntada qasacadaysan; the canned food
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qasacadaysan
(tilmaame) qasacad lagu cabeeyey ah. Tamaad qasacadaysan ayaa tukaanka buuxa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xaaraamaysan
La xaaraameeyey; xaaraan laga dhigay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaaraamaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax la xaaraameeyey ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xaaraamaysan
der. [adjective] prohibited, unclean; illicit
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaaraamaysan
(tilmaame) xaaraan ah; mamnuuc ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xaaraamaysan
de: prohibited, unclean; illicit Opp: xalaal
initial: x
lx: xaaraamaysan
pd: (xaaraamaysnaa)
ps: adj-der
key: xaaraamaysan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xannaanaysan
(tilmaame) la dhaqaaleeyey ah: la xannaaneeyey oo daranyada laga dhabay ah. Dh: dhaqaalaysan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calaamadaysad
m.l la-mid: calaamadsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cimaamadaysad
m.l la-mid: cimaamadaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madbacadaysan
(tilmaame) madbacad lagu daabay ah. Buug si wanaagsan u madbacadaysan ayaa suuga lagu gadayaa. Dh: daabacan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nacalladaysan
(tilmaame) mid cadho Ilaahay qaba.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calaamadaysnaan
m.f.dh eeg calaamadaysan. la-mid: calaamadsanaan, calaamadsanaansho, calaamaysnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calaamadaysnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax sumad ama astaan leh ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cimaamadaysnaan
m.f.dh eeg cimaamadaysan. la-mid: cimaamadaysnaansho, cimaamadnaan, cimaamadnaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qamandhacaysan
der. [adjective] dejected, sad; chilled (as with fear), having goose bumps
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qamandhacaysan
a: qamandhaceysan
de: dejected, sad; chilled (as with fear), having goose bumps
lx: qamandhacaysan
pd: (qamandhacaysnaa)
ps: adj-der
key: qamandhacaysan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xammuuradaysad
-ka: (magac, lab, keli) xammuurad marsasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
calaamadaysnaan.
ld calaamadsan, calaamaysan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xammuuradaysnaan
m.f.dh eeg xammuuradaysan. la-mid: xammuuradaysnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ąaladeysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) 1. Wax la qalabeeyay ahaansho. 2. Wax la qurxiyay ahaansho. 3. Wax la hubeeyay ahaansho (ciidan).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aaladeysan
(tilmaame) mid qalab millateri iyo awood leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aaradeysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax aarad loo yeelay ahaansho (maro, daah iyo wixi lamida).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aaradeysan
(tilmaame) maro liid midabaysan cidhifkeeda lagu qurxiyay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abaaraysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax abaari haleeshay ahaansho (dhul).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
abaaraysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax abaari haleeshay ahaansho. Tusaale: Meeshaasi waa dhul abaaraysan. m.f.dh, abaaraysnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abaaraysan
(tilmaame) deegaan roob waayay oo oomane noqday.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
amakaagsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax amankaag hayo ahaansho. la-mid: amankaagsan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
amakaagsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax amankaag hayo ahaansho. m.f.dh, amakaagsanaan. la-mid: amankaagsan.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
amakaagsan
-aa: (adj) surprised (sarparaaysid); flabbergasted (falaabar gaas tid); amazed ~ yaabban
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
amakaagsan
(tilmaame) mid yaabsan; qof irkigsan. Dh: fajacsan, yaabban, irkigsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cadadaysan
f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: cadcadaysan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dammaadsan
Wareer lala dammaadaa hayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dammaadsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax dammaaday ahaansho (qof).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dammaadsan
der. [adjective] dizzy
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dammaadsan
-aa / nayd: (adj) dizzy (diisz); disoriented (dis-oori-yentidh) ~ dawakhsan
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dammaadsan
de: dizzy
lx: dammaadsan
pd: (dammaadsanaa)
ps: adj-der
key: dammaadsan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daraasaday
(fal) cilmi ahaan u baadh oo raadintaan. ku samee. Dh: diraasadee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fayadaysan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax fay qaba ahaansho (xoolo ama dad).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaashaysan
(tilmaame) shey aan isku ekayn oo kala noocnooc ah sida harrarka goosgooska ah. Dh: midabaysan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gamaamadan
Wax qarshaa korka ka saarsaaran yihiin; korka wax lagaga hilay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gamaamadan
f.mg4 (-dnaa, -dnayd) Wax la gamaamaday ahaansho. la-mid: gamaamudan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gamaamadan
der. [adjective] covered up
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gamaamadan
(tilmaame) wax la qarinaayo oo wax korka kaga hilan yihiin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gamaamadan
de: covered up
lx: gamaamadan
ps: adj-der
key: gamaamadan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
malaxaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax malax yeeshay ahaansho (nabar).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
malaxaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax malax yeeshay ahaansho (nabar). m.f.dh, malaxaysnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
malaxaysan
der. [adjective] foul, filled with pus
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
malaxaysan
(adj) abscessed (ab'seesidh); formed with pus
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
malaxaysan
(tilmaame) malaxi ku jirto ah; malax yeeshay ah. Nabar malaxaysan ha ka dhigin wax imika kugu dhacay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
malaxaysan
de: foul, filled with pus
lx: malaxaysan
pd: (malaxaysnaa)
ps: adj-der
key: malaxaysan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qammaadsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Harraad, gaajo iyo daal awgii wax la miyirdoorsoomay ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qammaadsan
der. [adjective] incapable of speaking because of shock ~ grief
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qammaadsan
(tilmaame) mid miyirdoorsan aan hadli karin ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qammaadsan
de: incapable of speaking because of shock ~ grief
lx: qammaadsan
pd: (qammaadsanaa)
ps: adj-der
key: qammaadsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raandaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax raando lagu simay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
raandaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax raando lagu simay ahaansho. m.f.dh, raandaysnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaaraansan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax la xaaraameeyey ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xaaraansan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax la xaaraameeyey ahaansho. m.f.dh, xaaraansanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaaraansan
(tilmaame) xaaraan ah; mamnuuc ah sharci ahaan oon loo dhawaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xakamaysan
Xakame ku jiro, lagu hayo; la xakameeyey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xakamaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax la xakameeyey ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xakamaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax la xakameeyey ahaansho. m.f.dh, xakamaysnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xakamaysan
der. [adjective] bridled
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xakamaysan
-xakamaysnaa / xakamaysnayd: (adj) controlled with bridle or leash; leashed (liishidh)-, especially a horse