xalxalluuf
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xalxalluuf
(fal) si foolxun oo qaab daran wax u qor, si aan dheelli tirnayn wax ad qorayso kolba qolof uga qaad. Geedka qolofta sare ka xalxalluuf.
xalxalluuf -ka: (magac, lab, keli) qorid aan habaysnayn oo kolba qor iyo kolba qolof weyn laga xalluufo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoran
(tilmaame) xag Ilaahay ka qaddaran oo beni aadan shuqul ku lahayn ah. Dh: qadaran, dhigan.
qoran: (tilmaame) mid meel ama dad ka tirsan oo waxqabad ahaan ka mid ah.
qoran: (tilmaame) diirka ka qaadan oo weel ama wax wax lagu falo laga dhigay.
qoran: (tilmaame) xaruuf lagu daabacay ah. Sheeko goran ayaan akhristay
qoran: (tilmaame) falfalliidhan oo hareeraha laga xalxalluufay oo la qurxiyay ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xalxaluufid
-da: (magac, dhedig, keli) si qaab daran u qorid: kolba qor iyo kolba qolof ka falliidhid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xalluuf
(fal) si xun u goo oo dhan fongor ugu yeel.
xalluuf: (fal) walax adag korka ka xaadi. Kabadhku hadduu albaabka gali waayo in yar ka xalluuf.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madalluuf
-ka: (magac, lab, keli) cid la geeyo meel aanu rabin oo ka fog.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
falfalluuq
(fal) si aan dheellitirnayn, wax u kala dhanbal; kala jeexjeex.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xalxaluufsan
(tilmaame) wax la xalxalluufay ah; wax qaab daran u qoran ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xalaalquute
m.l (-tayaal, m.l/dh) 1. Nin hanti xalaal ah ku nool. 2. Nin dhawrsan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xalaalquute
m.l (-tayaal, m.l/dh) 1. Nin hanti xalaal ah ku nool. 2. Nin dhawrsan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xalaalquute
-ha: (magac, lab, keli) qof xalaal inuu cuno ku dadaala oo xaaraanta iska ilaaliya. Dh: xalaalmiirad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xalxali
f.g2 (-nay, -ntay) Wax xalxalay ka dhigid (nabar).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xalxali
(fal) wax xalxalsan ka dhig. Neef ad libgeynayso xalxali ha is odhan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madalluf
(fal) meel aan la garanayn u carar oo teg. Waar orod naga madalluf.
madalluf -ka: (magac, lab, keli) meehannaw iyo looyaamid aan saldhigasho lahayn.
madalluf-ka: (magac, lab, keli) qof meehannaw iyo looyaamid ku jira. Nin madalluf ah meel looguma hagaago.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masalluf
(fal) caydhaw oo waxaad xoolo lahayd ka farabax. Masalluf waa habaare wiilka ha ka odhan. Dh: kac, masalaf, caydhaw
masalluf -ka: (magac, lab, keli) caydhaw xoolo la lahaa ay dhammaadaan oo laga farabaxo. Wilki masalluf ayaa ku dhacay oo wuu caydhoobay Dh: masalaf, kac, caydhaw
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taxalluq
taxalluq¹: m.l la-mid: taxalluqid.
taxalluq²: f.mg1 (-qay, -qday) Ku t.: wax, wax kale ku saabsan noqosho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xalxal_1
de: blister
hm: 1
initial: x
lx: xalxal
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: xalxal_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xalxal_2
de: blister, come up in a blister
hm: 2
initial: x
lx: xalxal
pd: (xalxalay)
ps: v1=inch
key: xalxal_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xalxalid
(Xalxalid-da)
Xalxal yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xalxalid
m.f.dh eeg xalxal².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xalxalid
-da: (magac, dhedig, keli) xalxal yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xalxalin
m.f.dh eeg xalxali.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xalxalin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax xalxalsan ka dhigid. Xalxalinta neefka la iibgenayaa waa qish.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xalxalis
-ta: (magac, dhedig, keli) barbararid oo xalxal u yeelid. Dh: xalxalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bacalluul
-ka: (magac, lab, keli) qof kartidiisu koobantahay oo doqonniimo ku jirto.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mahalluug
-ta: (magac, dhedig, keli) isugeynta xiddigaha dayaxu la fadhiisto. Mahalluugtoo isdabotaal, danbo-same habeen tiro, deelleeyda socotaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
matalluug
-ta: (magac, dhedig, keli) muuqaal dad u eg oo meel ka muuqda. Beerta matalluugu samee qof ha la moodee. Dh: magallooti.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaballuus
(Qaballuus-ka)
Nacas dheer oo qaab xun.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaballuus
m.l (-syo, m.dh) Qof qaangaar ah oo garmaqaatenimo iyo nacasnimo isku darsaday.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaballuus
m. n. (adj.): rude person; idiot; coarse, crude
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaballuus
-ka: (magac, lab, keli) qof qaab daran oo wax u dhiman yihiin. Qaballuus wax ha weydiin. Dh: nacas.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qaballuus
de: rude person; idiot; [atr.] coarse, crude
lx: qaballuus
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: qaballuus
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taxalluji
f.g2 (-iyay, -isay) Isku t.: wax helitaankooda ku dadaalid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
taxalluji
f.g2 (-iyay, -isay) Isku t.: wax helitaankooda ku dadaalid. m.f.dh, taxallujin.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
taxalluji
-yey -say: (v) [with proposition isku] make an effort; take pains; struggle (istara-gel); strive (istaraayv); endeavor (en-dha-ver); exert oneself
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taxalluji
(fal) dadaal dheeraad ah u lahaw hawsha aad ku jirto. Isku taxaluji inaad guul ka gaadho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xalxalsan
(tilmaame) barbararsan ah; galcagalcoobay ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xabaalaquf
(Xabaalaquf-ta)
Qarandi; saddex-suulley.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xabaalaquf
m.dh Qarandi; saddexsuulley.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xabaalaquf
f. n., [compound] African anteater species, aardvark
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xabaalaquf
-ta: (n) aardvark (aad-vaak) ~ qarandi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xabaalaquf
-ka: (magac, lab, keli) xabaalaha @) loo fago wixii ku jirayna laga saaro.
xabaalaquf -ta: (magac, dhedig, keli) xayawar dugaagga ka mid ah oo dacawada ka weyn waabahana ka yar oo godadka qodda beeraha cunta. Dh: kobdarro, saddexsuulley, qarandi.
xabaalaquf -ta: (magac, dhedig, keli) xayawaan dugaagga ka mid ah oo dacawada ka weyn waraabahana ka yar oo godadka qodda beerahana cunta. Dh: kobdarro, saddexsuulley, qarandi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xabaalaquf
de: African anteater sp., aardvark Lit: emptier of graves
initial: x
lx: xabaalaquf
pd: (-ta)
ps: n-f-cmp
syn: qarandi, saddexsuulley
key: xabaalaquf
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xabaaloquf
-ka: (magac, lab, kelii) xabaalaha oo dib loo faqo wixii ku jirayna laga saaro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
falfalluuqid
-da: (magac, dhedig, keli) kala dhanbalid; kala jeexjeexid. Dh: falfalluuqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
madaxfalluuq
m.l Caro iyo dulqaad yari qof dabeecad u leeyahay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
madaxfalluuq
m.l Caro iyo dulqaad yari qof dabeecad u leeyahay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
madaxfalluuq
m. n., [abstract] lunacy, condition of being a little moody ~ crazy
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
madaxfalluuq
(adj) brainless (bareeyn-les)-, mindless (maayn-dh-les) empty-headed; moronic (mooranik)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madaxfalluuq
-a: (magac, lab, keli) xanuun madaxa nuskii ku dhaca oo wata xummad kulul. Dh: shaqiiqato, shimbir.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
madaxfalluuq
de: lunacy, condition of being a little moody ~ crazy
lx: madaxfalluuq
pd: (-a)
ps: n0-m-abs
key: madaxfalluuq
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaal'adduun
-ka: (magac, lab, keli) erey lagu cabbiro dhibaato aan in la faahfaahiyo la doonayn. Wax walba waa xaal'adduune iska adkayso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maskaxfalluuq
-a: (magac, lab, keli) xanuun garaac ah oo qabta labada dhinac ee madaxa midkood. Dh: dhanjaf, shimbir.