xaluulo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaluulo
f.g/mg3 (-uushay, -uulatay) la-mid: xuluulo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaluulo
(fal) geedo dhexdood ama meel kale oo cidhiidhi ah dhex gal oo dhex jibaax oo gudaha u gal. Bakhaarka xaluulo oo xayawaanka iska eeg.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaluul
m.dh la-mid: xuluul.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaluul
-sha: (magac, dhedig, keli) tigaad musaska iyo geedaha dhexdooda ka baxda. Dh: xuluul.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaluulo
-da: (magac, dhedig, keli) gacmo laad laadin uu kibir ku jiro. Qaluulo ayuu u joogsadaa saaxiibkaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xuluulo
f.g/mg3 (xuushay, xuulatay) 1. Meel kayn ah dhexgelid adiga oo is gaabinaya. 2. Irrid gaaban ka hoos dusid. la-mid: huluulo, xaluulo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xuluulo
f.g/mg3 (-luushay, -luulatay) 1. Meel kayn ah dhexgelid adiga oo is gaabinaya. 2. Irrid gaaban ka hoos dusid. m.f.dh, xuluulasho. la-mid: huluulo, xaluulo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xuluulo
v. squeeze through; walk bent over in a place with a low ceiling
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xuluulo
-xuluushay / xuluulatay: (v) pass through a into a narrow opening
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xuluulo
(fal) meel aan layska arki karin oo jiq ah dhex gal. kaynta xuluulo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xuluulo
a: huluulo
de: squeeze through; walk bent over in a place with a low ceiling
initial: x
lx: xuluulo
pd: (xuluushay)
ps: v3b=
key: xuluulo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qayluulo
-da: (magac, dhedig, keli) hurdo la seexdo qadada ka dib
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaluulad
m.l la-mid: xuluulasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaluulad
-ka: (magac, lab, keli) duud ama geedo cidhiidhi ah dhexdood galid oo dhex jibaaxid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taluul
taluul¹: m.dh Boor, qiiq iyo wixi lamida oo samada isku taaga.
taluul²: f.mg1 (-lay, -uushay) Boor, qiiq iyo wixi lamida kor isu taagid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
taluul
m.dh Boor, qiiq iyo wixi lamida oo samada isku taaga.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xamuul
m.l la-mid: xammuul.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xamuul
m.l la-mid: xammuul.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xamuul
m. n. cargo, load
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xamuul
-ka: (n) load (lowdh)-, cargo (kaar-gow)-, shipment (shiip-mant)-, freight ((fareeyt) ~ xammuul, shixnad, rar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xamuul
-ka: (magac, lab, keli) rarka kala duwan ee muurka la saaro. Gaadhi xamuul culus sida ayaa waddada ku banjaray. Dh: xammuul, rar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xamuul
de: cargo, load Alt sp: xammuul
initial: x
lx: xamuul
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: xamuul
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xuluul
(Xuluu-sha)
1. Cawska jiilaalkii xoolaha dhirta hoosteeda looga guro.
2. Xuluulasho; dhexgal; huluulad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xuluul
m.dh 1. Cawska jiilaalkii xoolaha dhirta hoosteeda looga guro. 2. la-mid: huluul, xaluul. (-llo, m.l./dh) Xuluulasho; dhexgal; huluulad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xuluul
f. n. grass species
xuluul [feminine] n. narrow passage ~ place, tight squeeze, squeezing through
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xuluul
-ka: (magac, lab, keli) dhexgal gudaha la tego. Xuluul badan iska jir.
xuluul-sha: (magac, dhedig, keli) tigaad geedaha hoostooda ku hadha oo jiilaalkii xoolaha loo guro. Lo'da irmaanka ah xuluul u soo gur.
xuluul-sha: (magacwadareed) talooyn iyo dawyo kala duwan oo mushkilo xal u noqda. Odayadii xuluul badan ayay keeneen.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Batuulo
pr. n., [feminine] Batula
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Batuulo
name-f chaste, virgin
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Batuulo
bw: Arabic
de: Batula
lx: Batuulo
ps: name-f
key: Batuulo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
huluulo
f.g/mg3 (-uushay, -uulatay) la-mid: xaluulo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
huluulo
v. squeeze ~ push through
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
huluulo
(fal) meel cidhiidhi ah oo hulan ka hoos dus. Dh: xuluulo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
huluulo
bw: xuluulo
de: squeeze ~ push through
lx: huluulo
nt: huluulad (ka) [vn-m], huluulasho (/da) [vn-f]
pd: (huluushay)
ps: v3b=
key: huluulo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maluuqo
f.g3 (-qday, -qatay) Madax timo ka wada xiirasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
quluulo
f.mg3 (-uulay, -uushay) Xoolo da' weyn ama dad nafaqaxumo awgeed meel uga kici waayid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaquuqo
(fal) wixii dusha ka marsanaa ka xoqo oo ka jijibi. Anu baabuurka renjiga waan kuu buufine adna xaquuqo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xasuuso
v. remember, call to mind
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xasuuso
-xasuustay / xasuusatay: (v) remember (ri-mem-ber); recollect (reka-lekty recall (ri-kool); keep in mind; bear in mind ~ xusuuso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xasuuso
(fal) wax horay kuu soo maray sidii uu ahaa maankaaga ku soo xaadiri, laabtaada ku soo rid. Dh: xusuuso. Li: illaw.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xasuuso
a: xusuuso
de: remember, call to mind
initial: x
lx: xasuuso
pd: (xasuustay / xasuusatay)
ps: v3b=tr
key: xasuuso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xuluuli
f.g2 (-iyay, -isay) Wax xuluul gelin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xuluuli
v. squeeze something into a small space
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xuluuli
-yey / say: (v) squeeze into a narrow opening gently through
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xuluuli
(fal) meel cidhiidhi ah horay u dhexgeli. Madanaha dabka xuluuli. Dh: geli.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xuluuli
de: squeeze s.t. into a small space
initial: x
lx: xuluuli
pd: (xuluuliyey)
ps: v2a=tr
key: xuluuli
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
YULUULO
(Yululu) S Corchorus olitorius L. Tiliaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaluulasho
m.dh la-mid: xuluulasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaluulasho
-da: (magac, dhedig, keli) geedo dhexdood jibaaxid oo dhex xulid. Dh: xuluulasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qayluulso
(fal) inta duhurka iyo casarka u dhaxaysa yar seexo. Waan shaqa tegaynaaye gayluulso saaxiib.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cambuulo
m.dh Badar la kariyey isagoo iniinahiisa aan la burburin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cambuulo
m.dh Badar la kariyey isagoo iniinahiisa aan la burburin.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cambuulo
-cambuulada: (n) cooked grain, especially sorghum (soar-gam) or maize (meyz) ~ canbuulo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cambuulo
-da: (magac, dhedig, keli) badar garow-karis ah oo aan la budayn. Dh: canbuulo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Canbuulo
(Canbuula-da)
Badarka la kariyo isagoo iniinihii nool nool yihiin; garow; koronkor.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
canbuulo
f. n. boiled whole grains, eaten as cereal
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
canbuulo
-canbuulada: (n) cooked grain especially sorghum (soor-gam) or maize (mayz) ~ cambuulo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
canbuulo
-da: (magac, dhedig, keli) badarka la kariyo isaga oo iniinihii noolnool yihiin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
canbuulo
a: cambuulo {C & S}
de: boiled whole grains, eaten as cereal
lx: canbuulo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: canbuulo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laluusho
(fal) cid kale xoolo aan xaq ahayn sii si uu wax aanad lahayn kuugu qabto.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
salbuuko
-da: (magac, dhedig, keli) eeg salbuko.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Saluugla
pr. n., [feminine] Salugla
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saluugmo
(Saluugma-da)
Saluugga wax la saluugo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saluugmo
m.dh Qawadidda wax laga qawado. la-mid: saluugud.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saluugmo
f. n. refusal ~ rejection (of)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saluugmo
-da: (magac, dhedig, keli) eeg saluug.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saluugmo
de: refusal ~ rejection (of)
initial: s
lx: saluugmo
pd: (/da)
ps: n6-f
see: saluug
key: saluugmo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tacluuso
-da: (magac, dhedig, keli) eeg tacluus.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tahluuko
(Tahluuka-da)
Wax ama meel lagu dhinto: cabsi; halis; khatar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tahluuko
m.dh Dhibaato weyn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tahluuko
m.dh Dhibaato weyn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tahluuko
f. n. danger, anything which can cause death ~ destruction
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tahluuko
-tahluukada: (n) disaster (disaaster); catastrophe (kataastaroofi); calamity (kalaamatif, an event having fatal or ruinous results ~ masiibo, aafo, musiibo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tahluuko
-da: (magac, dhedig, keli) eeg tahluko.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tahluuko
cf: khatar
de: danger, anything which can cause death ~ destruction
initial: t
lx: tahluuko
pd: (/da)
ps: n6-f
key: tahluuko
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taluulan
taluulan¹: f.mg1 (-lmay, -lantay) Boor, qiiq iyo wixi lamida wax kor isu taagay noqosho.
taluulan²: f.mg4 (-lnay, -lnayd) Boor, qiiq iyo wixi lamida wax kor isu taagay ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taluulid
m.f.dh eeg taluul².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xangullo
m.dh la-mid: xangulle¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xangullo
-da: (magac, dhedig, keli) xuubka maskaxda ku rogan.
xangullo -ha: (magac, lab, keli) eeg xangulle.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xanuunso
f.mg3 (-saday, -satay) Qof jirasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xanuunso
f.mg3 (-saday, -satay) Qof jirasho. m.f.dh, xanuunsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xanuunso
v. feel ~ be sick, get ill; be in pain
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xanuunso
-xannuunsaday / xannuusatay: (v) be sick or ill; sicken (sikari); contract a disease
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xanuunso
(fal) bukoo oo xanuun u jiifso. Xanuunso oo dhakhtarka teg. Dh: jirroo. Li: bogso.
xanuunso: (fal) wax lagugu dhiftay awgii garaac iyo kulayl dareen. Marka lagu qaniino xanuunso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xanuunso
de: feel ~ be sick, get ill; be in pain
initial: x
lx: xanuunso
pd: (xanuunsaday)
ps: v3a=intr
key: xanuunso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xartuule
-ha: (magac, lab, keli) nin isaga oo laan qudha geed uga baahan gunta ku jara oon geed qoyan iyo mid engegan midna u aabayelin. Dh: dhirjare.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xayuubso
f.g3 (-saday, -satay) Ka x.: wax qof korka ka saarnaa xoog uga qaadasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xayuubso
f.g3 (-saday, -satay) Ka x.: wax qof korka ka saarnaa xoog uga qaadasho. m.f.dh, xayuubsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xayuubso
v. grab something and take it away by force for oneself
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xayuubso
(fal) ka dul siibo oo ka diliilijiso. Bustaha ka dul xayuubso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xayuubso
de: grab s.t. and take it away by force for oneself
initial: x
lx: xayuubso
pd: (xayuubsaday)
ps: v3a=tr
key: xayuubso
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xuluul_1
de: grass sp.
hm: 1
initial: x
lx: xuluul
pd: (/sha)
ps: n-f
key: xuluul_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xuluul_2
a: huluul
de: narrow passage ~ place, tight squeeze, squeezing through
hm: 2
initial: x
lx: xuluul
pd: (/sha)
ps: n2-f
key: xuluul_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xuluulad
m.l la-mid: xuluulasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xuluulad
-ka: (magac, lab, keli) meel cidhiidhi ah oo geed dhexdii ama sallax hoostii ah dhex xulid oo dhex galid. Dh: xuluulasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xuluulin
(Xuluulin-ta)
Meel ciriiri ah dhex xulin, dhex gelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xuluulin
m.f.dh eeg xuluuli.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xuluulin
-ta: (magac, dhedig, keli) meel cidhiidhi ah horay u dhexgelin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xuluulis
-ka: (magac, lab, keli) meel cidhiidhi ah horay u dhexgalins.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
YEBLUULO
(Yeblulo) Og Leucas jamesii Bak. Labiatae.
Og Leucas abyssinica (Benth) Briq. Labiatae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xuluulasho
(Xuluulasha-da)
Meel aan la istaagi karin ama ciriiri ah, dhex xulid, dhex gelid; huluulasho.