xaluulasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaluulasho
m.dh la-mid: xuluulasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaluulasho
-da: (magac, dhedig, keli) geedo dhexdood jibaaxid oo dhex xulid. Dh: xuluulasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xuluulasho
(Xuluulasha-da)
Meel aan la istaagi karin ama ciriiri ah, dhex xulid, dhex gelid; huluulasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xuluulasho
m.f.dh eeg xuluulo. la-mid: huluulad, huluulasho, xaluulad, xaluulasho, xuluul
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xuluulasho
-da: (magac, dhedig, keli) meel cidhiidhi ah gudaha u galid oo xoog ku xulid. Dh: xuluulad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Huluulasho
(Huluulasho-da)
Is gaabin ama gurguurad meel huluul ah ku marid; xuluulasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
huluulasho
m.dh la-mid: xuluulasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
huluulasho
-da: (magac, dhedig, keli) meel jiq ah isgaabin iyo gurguurad ku marid. Dh: xuluulasho, huluulad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maluuqasho
m.f.dh eeg maluuqo. la-mid: maluuqad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
quluulasho
m.f.dh eeg quluulo.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xasuusasho
-xasuusashada: (n) remembrance (ri-mem-barans); recalling (ri-kool-ing)-, remembering (ri-mem-ber-ing) ~ xusuusasho, dib u soo xasuusasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qayluulsasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg gayluulsad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xanuunsasho
(Xanuunsasha-da)
Xanuun iska dareemid; xanuun qabasho; bukood; jirrood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xanuunsasho
m.f.dh eeg xanuunso. la-mid: xanuunsad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xanuunsasho
-da: (magac, dhedig, keli) bugtaan ama xanuun dubka gaadhay qabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xayuubsasho
m.f.dh eeg xayuubso. la-mid: xayuubsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xayuubsasho
-da: (magac, dhedig, keli) ka siibasho oo wax dul yaal ka diliilijisasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Lulasho
(Lulasha-da)
1. Caano subag ka soo saarasho; barwaaqo helid.
2. Wax meel ka laallaada ahaansho; lulmasho; raaracid; lalmasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lulasho
m.f.dh eeg lulo. la-mid: lulad.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
lulasho
-lulashada: (n) wavering (weeyvaring); swing (iswing); pendulum movement ~ ruxasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lulasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax meel ka laallaada ahaansho. Dh: lulmasho, raaracid, lulad, lalmasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaluulo
f.g/mg3 (-uushay, -uulatay) la-mid: xuluulo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaluulo
(fal) geedo dhexdood ama meel kale oo cidhiidhi ah dhex gal oo dhex jibaax oo gudaha u gal. Bakhaarka xaluulo oo xayawaanka iska eeg.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xulasho
(Xulasha-da)
Wax badan, kuwa ugu wanaagsan kala bixbixid; soocasho; doorasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xulasho
m.f.dh eeg xulo. la-mid: xulad.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Xulasho
Selezione
Selection
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xulasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax badan inta ugu wanaagsan kala bixid oo ka dhex naqaysasho. Alaabta xulashada ka daa oo badh uun ku nasiibi. Dh: soocasho, naqaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kuulasho
m.f.dh eeg kuulo. la-mid: kuulad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kuulasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg kuulan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laluusho
(fal) cid kale xoolo aan xaq ahayn sii si uu wax aanad lahayn kuugu qabto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaluulad
m.l la-mid: xuluulasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaluulad
-ka: (magac, lab, keli) duud ama geedo cidhiidhi ah dhexdood galid oo dhex jibaaxid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaslasho
-da: (magac, dhedig, keli) si wanaagsan baylahda uga eegasho. Dh: dhawrasho, eegasho, daryeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
alkumasho
m.f.dh eeg alkumo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
alkumasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax aan hore u jirin samaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calaalasho
m.dh la-mid: callaalasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabuubasho
m.dh eeg dabuubo. la-mid: dabuubad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabuubasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg dabuubad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daldalasho
m.f.dh eeg daldalo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daldalasho
-da: (magac, dhedig, keli) cunto ama alaab si aan joogsi lahayn isku xidhid oo u wadid.
daldalasho-da: (magac, dhedig, keli) shey meel ka soo laadlaadsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daruurasho
m.f.dh eeg daruuro². la-mid: daruurad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galaalasho
m.f.dh eeg galaalo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Galgalasho
(Galgalasha-da)
Inta ciidda ama dhulka la jiifsado oo laysku rogrogo; hadba doc isu rogid; baarasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galgalasho
m.f.dh eeg galgalo. la-mid: galangalasho, galangalad, galgalad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galgalasho
-da: (magac, dhedig, keli) kolba dhan isku rogid iyada oo la jiifo; in ciidda ama dhulka la jiifsado oo la isku rogrogo. Dh: galgalad, rafasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haquuqasho
m.dh la-mid: habuuqasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
karuurasho
m.f.dh eeg karuuro. la-mid: karoorad, karoorasho, karuurad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maamulasho
m.dh la-mid: maammulasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maamulasho
-da: (magac, dhedig, keli) si wanaagsan u maaraysasho oo maamulkeeda gacanta ku hayn. Maamulashda kelida ah iska daa oo ha lagula maareeyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saloolasho
(Saloolasha-da)
1. Badar salool ka dhigasho.
2. (nafleyda daaqda qaarkeed) inta labada lugood keliya la isku taago, labada jeenina, laamaha sare lagu qabsado, is dheerayn, si meel kore loo gaaro oo wax looga daaqo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saloolasho
m.f.dh eeg saloolo. la-mid: saloolad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saloolasho
-da: (magac, dhedig, keli) kali) sida ay nafleyda qaarkeed isugu taagaan labada lugood ee dambe kuwa horena dhulka uga qaadaan kolka ay laacayaan dhirta daaqeenka leh. Dh: laacasho, sariirasho. Li: rundud.
saloolasho -da: (magac, dhedig, keli) badar rarmiso, salool ka dhigasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xabaalasho
m.f.dh eeg xabaalo².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xusuusasho
(Xusuusasha-da)
Xusuus ku garasho; garwaaqsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xusuusasho
m.f.dh eeg xusuuso. la-mid: xusuusad.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xusuusasho
-xusuusashada: (n) remembrance (ri-mem-baransi); recollection (ri-kolek-shin); remembering (ri-mem-ber-ing) ~ dib u soo xasuusasho, xasuusasho, gocasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xusuusasho
-da: (magac, dhedig, keli) xusuus ku garasho. Xusuusashadii alaabtaa waa la iga masaxay. Dh: xusuusad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taluulnaansho
m.l/dh la-mid: taluulnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
callaalasho
m.f.dh eeg callaalo. la-mid: calaalad, calaalasho, callaalad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carbuunasho
m.f.dh eeg carbuuno. la-mid: carbuunad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carbuunasho
-da: (magac, dhedig, keli) shay, carbuun ka bixin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cashuurasho
m.dh la-mid: canshuurasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cashuurasho
-da: (magac, dhedig, keli) badeecad, cudhaadh ka bixin. Dh: canshuurasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cululubasho
(Cululubasha-da)
Arrin ama talo hore oo dhacday oo la iska illowsanaa, kol danbe laabta ku soo dhicid; garwaaqsasho; xusuusasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cululubasho
m.f.dh eeg cululubo. la-mid: cululubad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cululubasho
-da: (magac, dhedig, keli) arrin ama talo hore oo dhacday, oo la illawsanaa, kol danbe xasuusasho. Dh: gocasho, xusuusasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Damuuqsasho
(Damuuqsasha-da)
(indhaha) isku qabasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
damuuqsasho
m.f.dh eeg damuuqso. la-mid: damuuqsad, damuuqsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
damuuqsasho
-da: (magac, dhedig, keli) indhaha isku qabasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ganuunsasho
m.f.dh eeg ganuunso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garruumasho
m.f.dh eeg garruumo².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habuuqsasho
m.f.dh eeg habuuqso. la-mid: haquuqsasho.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
ka tuurasho
throw-off
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maammulasho
(Maammulasha-da)
Si maammul leh ku wadasho, u dhaqasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maammulasho
m.f.dh eeg maammulo. la-mid: maamulasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
manuunsasho
m.f.dh eeg manuunso. la-mid: manuunsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maquunsasho
m.dh la-mid: muquunsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maquunsasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg muquunsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
masruufasho
m.f.dh eeg masruufo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masruufasho
-da: (magac, dhedig, keli) masruuf ka dhigasho; biil ka dhigasho. Lacagtii masruufashada la ii siiyay ayaa iga hallawday Dh: biilasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mastuurasho
m.f.dh eeg mastuuro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mastuurasho
-da: (magac, dhedig, keli) asturasho Ceebtaadu mastuurasho ayay ku fiican tahay. Dh: asturasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
walwaalasho
-da: (magac, dhedig, keli) qaadid iyo la socod wax culus.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xagaalsasho
m.f.dh eeg xagaalso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
indhakuulasho
m.f.dh eeg indhakuulo. la-mid: indhakuulad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kalnuglaansho
m.l/dh la-mid: kalnuglaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalnuglaansho
-ha: (magac, lab, keli) kasha ka jilicsanaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maluuqnaansho
m.l/dh la-mid: maluuqnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xalaalaysasho
(Xalaalaysasha-da)
Xalaal ka dhigasho; bannaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xalaalaysasho
m.f.dh eeg xalaalayso. la-mid: xalaalaysad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xalaalaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) xalaal ka dhigasho oo sharci la'aan ku cunid.
xalaalaysasho -da: (magac, dhedig, keli) neef duufi lahaa gawracasho oo xalaal ka dhigasho. Dh bannaysasho, bannaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xangaruufasho
(Xangaruufasha-da)
Ciddiyaha ku xagasho, ku nabrid, ku dhaawacid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xangaruufasho
m.f.dh xangaruufo². la-mid: xangaruufad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xangaruufasho
-da: (magac, dhedig, keli) ciddiyaha wax ku xagasho oo ku dhaawicid. Dh: xagasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaquugnaansho
-ha: (magac, lab, keli) wax xaquuqan ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaquuqnaansho
m.l/dh la-mid: xaquuqnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
alwasho
m.f.dh eeg alwo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
alwasho
-da: (magac, dhedig, keli) sarkacitaan; hinqasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aslasho
m.f.dh eeg aslo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aslasho
-da: (magac, dhedig, keli) weel asal gelin.