xalluufid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xalluufid
-da: (magac, dhedig, keli) jeemid oo wax adag in ka goyin; wax isku yaalla xagga sare ka baarqaadid. Dh: xaadin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xalxaluufid
-da: (magac, dhedig, keli) si qaab daran u qorid: kolba qor iyo kolba qolof ka falliidhid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xalluuf
(fal) si xun u goo oo dhan fongor ugu yeel.
xalluuf: (fal) walax adag korka ka xaadi. Kabadhku hadduu albaabka gali waayo in yar ka xalluuf.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
alluubid
-da: (magac, dhedig, keli) wax yuubid. D qalluubid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xaalufid
(Xaalufid-da)
Xaaluf noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaalufid
m.f.dh eeg xaaluf².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaalufid
-da: (magac, dhedig, keli) tigaad iyo doog ba wax dhammaaday noqosho. Dh: abaaroobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
falluuqid
-da: (magac, dhedig, keli) si dhudhdhub ah gogol ama wax la mid ah u duubid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
malluugid
-da: (magac, dhedig, keli) si tuuratuura leh oon isku sinnayn u tolid. Marada malluugidda ka bi'i. Dh: malmalluuqid, cucuyubid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qalluudid
m.f.dh eeg qalluud². la-mid: galluubid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qalluulid
m.f.dh eeg qalluul².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xalluufsan
(tilmaame) dhan ka jeeman oo in ka go'an.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
luufid
m.dh la-mid: liifid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
luufid
-da: (magac, dhedig, keli) luuf dheelid. luufluuf: (fal) hoog oo habqan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Afuufid
(Afuufid-da)
Neef afka ka soo deyn, oo meel ama wax ku toosin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afuufid
m.f.dh eeg afuuf². la-mid: afuuf¹ (1).
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
afuufid
-da:(n) the act or an instance of blowing air from the mouth
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afuufid
-da: (magac, dhedig, keli) dabka oo naqas lagu tuuro si loo huriyo.
afuufid-da: (magac, dhedig, keli) neef afka ka soo deyn oo meel ama wax mug leh ka buuxin. Dh: afuufis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
allifid
m.f.dh eeg allif². la-mid: allif¹, allifaad (2).
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
allifid
-da: (n) creation (kiriyeey-shin); invention (inveenshen)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
allifid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg allifaad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
malluud
-da: (magac, dhedig, keli) miid jilicsan oo macaan oo la muudsado. Waxan xaramka ka keenay timir malluud ah. Dh: miid.
malluud -da: (magac, dhedig, keli) geed ka mid ah geed dhexaadka oo geelu cuno oo jecelyahay xididkiisana wax lagu dabiibo. Malluudda ayaan wax ku daaweeyaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qalluud
qalluud¹: m.l Si miskiinnimo ah oo la isu muujiyo (qof). la-mid: galluub¹.
qalluud²: f.mg1 (-day, -dday) Si miskiinnimo ah isu muujin (qof). la-mid: galluub².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qalluud
-ka: (magac, lab, keli) si miskiinnimo ah oo la isu muujiyo (qof). Dh: galluub.
qalluud: (fal) si miskiinnimo ah isu muujin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaalufi
f.g2 (-iyay, -isay) Dhul xaaluf ka dhigid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xaalufi
f.g2 (-iyay, -isay) Dhul xaaluf ka dhigid. m.f.dh, xaalufin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xaalufi
v. graze out (an area), make (land) useless for grazing
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xaalufi
-yey / say I yeen: (v) make a desert (dhe-zert) out of pasture-land (paas-jar-laandh) by overgrazing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaalufi
(fal) doog iyo daaqba ka dhammee. Dh: aabaaree. Li: barwaaqee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xaalufi
de: graze out (an area), make (land) useless for grazing
initial: x
lx: xaalufi
pd: (xaalufiyey)
ps: v2a=tr
key: xaalufi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halluuji
(fal) si kala durdurugsan u tol oo halluuq. Dh: halluuq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haruufid
m.dh la-mid: huruufid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ilduufid
(Ilduufid-da)
Ilduuf ku kicid; gelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilduufid
m.f.dh eeg ilduuf².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kallifid
(Kallifid-da)
Wax aan maaro loo hayn, cid dusha ka saarid, ku qaybin; dhibid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kallifid
m.f.dh eeg kallif².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kallifid
-da: (magac, dhedig, keli) qof wax uunu karayn ku dirqiyid. Dh: dirqiyad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maluuqid
m.f.dh eeg maluuq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qallafid
m.f.dh eeg qallaf².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qallafid
-da: (magac, dhedig, keli) engegid. Kababa jilci oo qallafidda ka ilaali. Dh: qombobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaruufid
m.f.dh eeg qaruuf². la-mid: qaruuf¹, qaruufsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saluugid
(Saluugid-da)
Saluug ku kicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saluugid
m.f.dh eeg saluug². la-mid: saluugmo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saluugid
-da: (magac, dhedig, keli) keli) wax lagu siiyay ama lagu siinayo, ka qawadid. Dh: qawadid, mansuugid, qanbiyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taluulid
m.f.dh eeg taluul².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xaalufin
(Xaalufin-ta)
Xaaluf ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaalufin
m.f.dh eeg xaalufi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaalufin
-ta: (magac, dhedig, keli) wixii baad yaallay ka dhammayn oo xaaluf ka dhigid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaalufis
-ka: (magac, lab, keli) wixii baad yaallay ka dhammayn oo xaaluf ka dhigid. Dh: xaalufin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xalleefi
f.g2 (-iyay, -isay) Xalleef ka dhigid (wax).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xalleefi
v. smooth, flatten
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xalleefi
(fal) aad u qarayaree; xoog u bal. Dh: xaliif.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xalleefi
de: smooth, flatten
initial: x
lx: xalleefi
pd: (xalleefiyey)
ps: v2a=tr
key: xalleefi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaluulad
m.l la-mid: xuluulasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaluulad
-ka: (magac, lab, keli) duud ama geedo cidhiidhi ah dhexdood galid oo dhex jibaaxid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xanuunid
(Xanuunid-da)
Xanuun yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xanuunid
m.f.dh eeg xanuun².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xanuunid
-da: (magac, dhedig, keli) laxaw iyo xanuun yeelasho. Nabar bukaayi xanuunid ma daayo. Dh: xanuunis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xaquuqid
(Xaquuqid-da)
Wax xaquuqan ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaquuqid
m.f.dh eeg xaquuq². la-mid: xaquuq¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaquuqid
-da: (magac, dhedig, keli) dushaka oo renji ama wax kale oo dusha ka marsanla daadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaruumid
m.f.dh eeg xaruun². la-mid: xaruumbin, xaruubbamid, xuruumid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xasuuqid
m.f.dh eeg xasuuq.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xasuuqid
-da: (magac, dhedig, keli) aad wax u layn oo u gumaadid. Dh: layn, gumaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dacluusid
m.f.dh eeg dacluus². la-mid: dacluus¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dacluusid
-da: (magac, dhedig, keli) mid ay baahi iyo saboolnimo saamaysay noqosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dallaafid
-da: (magac, dhedig, keli) ayaandarro iyo darxumo ku dhicid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halluujin
-ta: (magac, dhedig, keli) si kala teelteel ah ama kala durdurugsan u tolid. Dh: halluugid, halluujis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halluujis
-ka: (magac, lab, keli) eeg halluujin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jallaafid
m.f.dh eeg jallaaf. la-mid: jallaafayn, jillaafayn, jillaafid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
madluumid
m.f.dh eeg madluun². la-mid: madluun¹ (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madluumid
-da: (magac, dhedig, keli) qof madluunsan oo meel uu u ciirsada la' noqosho. Cidlada ayaa wiilka madluumidda ugu wacane iska daaya.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
marduufid
-da: (magac, dhedig, keli) hadal ama wax la qarinayo duuduubid oo kala saarid la'aan ku meel marin. La iskuma marduufee markaan kayga marinaayo. Dh: duuduubid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Masruufid
(Masruufid-da)
Masruuf siin, bixin; nafaqayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
masruufid
m.f.dh eeg masruuf².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masruufid
-da: (magac, dhedig, keli) masruuf siin, biil bixin. Nin aan shaqo hayn masruufid lagama doono. Dh: masruufis, biilin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mayruufid
m.f.dh eeg mayruuf². la-mid: mayruufis².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
salguurid
m.f.dh eeg salguur².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
salguurid
-da: (magac, dhedig, keli) dabargo'id; baabi'id. Li: jiritaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tayruufid
m.f.dh eeg tayruuf.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xalleefin
(Xalleefin-ta)
Xalleef ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xalleefin
m.f.dh eeg xalleefi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xalleefin
-ta: (magac, dhedig, keli) balid oo wax aad u xaliifsan oo ballaadhan ka dhigid. Dh: balid, qarayarayn, xaliifid. Li: qaraweynayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xalleefis
-ta: (magac, dhedig, keli) balid; ballaadhin; qarayarayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xallismid
m.f.dh eeg xallisan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xallismid
-da: (magac, dhedig, keli) nabad ku dhammaasho; xal u helid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xalluufitaan
-ka: (magac, lab, keli) dusha sare wax ka xaadin; badh ka xalluufid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taallaqufid
m.f.dh eeg taallaquf.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
candhuufid
m.f.dh eeg candhuuf².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faylduubid
m.f.dh eeg faylduub².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalluuncad
-ka: (magac, lab, keli) kalluunka hilibkiisu cadyahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laaluushid
m.f.dh eeg laaluush².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laaluushid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, xoolo laaluush ah siin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Luufluufid
(Luufluufid-da)
Luufluuf ku dhicid; kala lumid; wax yari ka harid; bi'id; le'asho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
luufluufid
m.f.dh eeg luufluuf².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
luufluufid
-da: (magac, dhedig, keli) dhibaator darteed kolba dhinac u naannaabid. Cadawgur luufluufidda maatida ayuu ku farxaa. Dh: hoogid, looyaamid, habayaaqid, le'ad, habqamid, baaba'id.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Macaluulid
(Macaluulid-da)
Caatoobid; weydoobid; xayeesiyoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
macaluulid
m.f.dh eeg macaluul². la-mid: macaluulis².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macaluulid
-da: (magac, dhedig, keli) gaajo iyo macaluul darteed u dhimasho ama qarka u gaadhid. Dh: macaluulis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masallufid
-da: (magac, dhedig, keli) caydhoobid oo wixii xoolo la lahaa dhammaansho. Dh: kicid, masalafid, caydhoobid.